< Psalmi 69 >
1 Zborovođi. Po napjevu “Ljiljani”. Davidov. Spasi me, Bože: vode mi dođoše do grla!
Ilaahow, i badbaadi, Waayo, biyaa naftii ii keenay.
2 U duboko blato zapadoh i nemam kamo nogu staviti; u duboku tonem vodu, pokrivaju me valovi.
Waxaan ku dhex liimbadaa dhoobo mool dheer oo aan lahayn meel laysku taago, Waxaan ku dhacay biyo mool dheer, oo daad baa halkaas igu qarqinaya.
3 Iznemogoh od vikanja, grlo mi je promuklo, oči mi klonuše Boga mog čekajuć'.
Waxaan ku daalay qayladaydii, oo hungurigaygu waa qallalay, Oo intii aan Ilaahay sugayo ayay indhahaygu dem yidhaahdaan.
4 Brojniji su od vlasi na glavi mojoj oni koji me mrze nizašto. Tvrđi su od kostiju mojih oni što mi se nepravedno protive: zar mogu vratiti što nisam oteo?
Kuwa sababla'aanta ii nebcaadaa way ka sii badan yihiin timaha madaxayga, Kuwa doonaya inay i baabbi'iyaan iyagoo cadaawayaashayda gardarro igu ah waa xoog badan yihiin, Markaasaan magdhabay wax aanan qaadan.
5 Bože, ti znadeš bezumnost moju, moji ti grijesi nisu sakriti.
Ilaahow, waad og tahay nacasnimadayda, Oo dembiyadayduna kaama qarsoona.
6 Nek' se ne postide zbog mene koji se u te uzdaju, Gospode, Jahve nad Vojskama! Neka se ne posrame zbog mene koji traže tebe, Bože Izraelov!
Sayidow, Ilaaha ciidammadow, kuwa ku sugaya yaanan ceeb u soo jiidin, Ilaaha reer binu Israa'iilow, kuwa ku doondoonaya yaanan sharafjab u soo jiidin.
7 Jer zbog tebe podnesoh pogrdu, i stid mi pokri lice.
Maxaa yeelay, adiga daraaddaa ayaan cay u qaaday, Oo waxaa wejigaygii ka muuqatay ceeb.
8 Tuđinac postadoh braći i stranac djeci majke svoje.
Waxaan walaalahay u noqday shisheeye, Oo ilma hooyadayna waxaan u noqday ajanabi.
9 Jer me izjela revnost za Dom tvoj i poruge onih koji se rugaju tebi padoše na me.
Qiiradii aan gurigaaga u qabay ayaa i gubtay, Oo caydii kuwii ku caayay ayaa igu kor dhacday.
10 Dušu sam postom mučio, okrenulo mi se u ruglo.
Markaan ooyay, oo aan naftayda soon ku edbiyey, Taasu waxay igu noqotay ceeb.
11 Uzeh kostrijet za haljinu, i postah im igračka.
Markaan joonyado dhar ka dhigtayna, Waxaan iyagii u noqday masaal.
12 Koji sjede na vratima protiv mene govore, vinopije mi rugalice poju.
Kuwa iridda fadhfadhiyaa way igu sheekaystaan, Oo kuwa sakhraanka ahuna way igu gabyaan.
13 No tebi se molim, Jahve, u vrijeme milosti, Bože; po velikoj dobroti svojoj ti me usliši po svojoj vjernoj pomoći!
Laakiinse adigaan ku baryayaa wakhti la aqbali karo, Rabbiyow, Ilaahow, naxariistaada badan Iyo runta badbaadintaada iigu jawaab.
14 Izvuci me iz blata da ne potonem, od onih koji me mrze izbavi me - iz voda dubokih.
Dhoobada iga samatabbixi, oo yaanan ku liimban, Oo ha layga samatabbixiyo kuwa i neceb, iyo biyaha moolka dheer.
15 Nek' me ne pokriju valovi, nek' me ne proguta dubina, nek' bezdan ne zatvori usta nada mnom!
Biyaha daadka ahuna yaanay i qarqin, Oo yaan moolku i liqin, Oo yamayskuna yaanu afkiisa igu qabsan.
16 Usliši me, Jahve, jer je dobrostiva milost tvoja, po velikom milosrđu pogledaj na me!
Rabbiyow, ii jawaab, waayo, raxmaddaadu waa wanaagsan tahay, Naxariistaada badnaanteeda aawadeed iigu soo jeeso.
17 Ne sakrivaj lica pred slugom svojim; jer sam u stisci, usliši me brzo!
Oo wejigaaga ha iga qarin anoo addoonkaaga ah, Waayo, waan dhibaataysnahay, ee haddiiba ii jawaab.
18 Približi se duši mojoj i spasi je; zbog dušmana mojih oslobodi me!
Naftayda u soo dhowow, oo furo, Oo cadaawayaashayda daraaddood ii samatabbixi.
19 Ti mi znadeš porugu, stid i sramotu, pred tvojim su očima svi koji me muče.
Waad og tahay caydayda iyo ceebtayda iyo sharafdarradayda, Oo cadaawayaashayda oo dhammu hortaaday joogaan.
20 Ruganje mi slomilo srce i klonuh; čekao sam da se tko sažali nada mnom, ali ga ne bi; i da me tko utješi, ali ga ne nađoh.
Cay baa i qalbi jebisay, waanan quusanayaa, Oo waxaan doondoonay mid ii jixinjixa, laakiinse waan waayay, Oo waxaan doondoonay kuwo i qalbi qaboojiya, laakiinse ma aanan helin.
21 U jelo mi žuči umiješaše, u mojoj me žeđi octom napojiše.
Oo weliba waxay cunto ahaan ii siiyeen xammeeti, Oo markaan harraadsanaana waxay i cabsiiyeen khal.
22 Nek' im stol bude zamka, a žrtvene gozbe stupica!
Miiskoodu hortooda ha ku noqdo dabin, Oo markay nabdoon yihiinna shirqool ha ku noqdo.
23 Nek' im potamne oči da ne vide, nek' im bokovi zasvagda oslabe!
Indhahoodu ha madoobaadeen si aanay waxba u arkin, Oo simahooduna had iyo goorba ha gariireen.
24 Izlij na njih ljutinu, žar tvoga gnjeva nek' ih zahvati!
Xanaaqaaga iyaga ku deji, Oo cadhadaada kulaylkeeduna ha qabsado.
25 Njihova kuća nek' opusti, u njihovu šatoru nek' nitko ne stanuje!
Gurigoodu cidla ha noqdo, Ninnana yaanu teendhooyinkooda degin,
26 Jer su progonili koga ti pokara, bol povećaše onomu koga ti rani.
Waayo, iyagu waxay silciyaan kii aad dishay, Oo waxay ka sheekeeyaan kuwaad dhaawacday murugtooda.
27 Na njihovu krivnju krivnju još dodaj, ne opravdali se pred tobom!
Xumaantooda xumaan ugu sii dar, Oo yaanay xaqnimadaada soo gelin.
28 Nek' budu izbrisani iz knjige živih, među pravednike neka se ne broje!
Magacooda ha laga tirtiro kitaabka kuwa nool, Oo yaan iyaga lala qorin kuwa xaqa ah.
29 A ja sam jadnik i bolnik - nek' me štiti tvoja pomoć, o Bože!
Laakiinse anigu miskiin baan ahay, waanan murug badnahay, Ilaahow, badbaadintaadu meel sare ha i saarto.
30 Božje ću ime hvaliti popijevkom, hvalit ću ga zahvalnicom.
Rabbiga magiciisa ayaan gabay ku ammaani doonaa, Oo waxaan isaga ku weynayn doonaa mahadnaqid.
31 Bit će to milije Jahvi no bik žrtveni, milije nego junac s papcima i rozima.
Oo taasuna Rabbiga way ka farxin doontaa in ka sii wanaagsan intii uu ku farxi lahaa dibi, Ama dibi sange ah oo geeso iyo qoobab leh.
32 Gledajte, ubogi, i radujte se, nek' vam oživi srce, svima koji Boga tražite.
Kuwa camal qabow way arkeen, waana faraxsan yihiin, Kuwiinna Ilaah doondoonow, qalbigiinnu ha noolaado.
33 Jer siromahe Jahve čuje, on ne prezire sužanja svojih.
Waayo, Rabbigu wuu maqlaa kuwa baahan, Oo maxaabiistiisana ma uu quudhsado.
34 Neka ga hvale nebesa i zemlja, mora i sve što se u njima miče.
Samada, iyo dhulka, iyo badaha, Iyo waxa ku dhex dhaqaaqa oo dhammuba isaga ha ammaaneen.
35 Jer Bog će spasiti Sion - on će sagradit' gradove Judine - tu će oni stanovat', imati baštinu.
Waayo, Ilaah Siyoon wuu badbaadin doonaa, oo magaalooyinka reer Yahuudahna wuu dhisi doonaa, Oo iyana halkaasay degi doonaan, oo hanti ahaan bay u lahaan doonaan.
36 Baštinit će ga potomci slugu njegovih; prebivat će u njemu oni što ljube ime Božje.
Oo weliba waxaa halkaas dhaxli doona farcanka addoommadiisa, Oo kuwa magiciisa jecelna way dhex degganaan doonaan.