< Marko 8 >

1 Onih se dana opet skupio silan svijet. Budući da nisu imali što jesti, dozva Isus učenike pa im reče:
Maalmahaas dadkii aad buu u badnaa oo waxay cunaanna ma haysan, markaasaa Ciise xertiisii u yeedhay oo ku yidhi,
2 “Žao mi je naroda jer su već tri dana uza me i nemaju što jesti.
Dadka badan ayaan u naxariisanayaa, waayo, durba saddex maalmood ayay ila joogeen, oo waxay cunaanna ma haystaan.
3 Ako ih otpravim gladne njihovim kućama, klonut će putom. A neki su od njih došli iz daleka.”
Haddii aan guryahooda u diro, iyagoo sooman, jidkay ku itaalbeeli doonaan, waayo, qaarkood waxay ka yimaadeen meel fog.
4 Učenici mu odgovore: “Otkuda bi ih tko ovdje u pustinji mogao nahraniti kruhom?”
Kolkaasaa xertiisii u jawaabtay, oo waxay ku yidhaahdeen, Meeshan cidlada ah xaggee looga heli karaa kibis dadkanu ka dhergaan?
5 On ih zapita: “Koliko kruhova imate?” Oni odgovore: “Sedam.”
Goortaasuu weyddiiyey, Immisa kibsood baad haysaan? Waxay ku yidhaahdeen, Toddoba.
6 Nato zapovjedi mnoštvu da posjeda po zemlji. I uze sedam kruhova, zahvali, razlomi i davaše svojim učenicima da posluže. I poslužiše mnoštvu.
Kolkaasuu dadkii badnaa ku amray inay dhulka fadhiistaan. Markaasuu toddobadii kibsood soo qaaday, oo goortuu ku mahadnaqay ayuu kala jejebiyey oo xertiisii siiyey inay hortooda dhigaan. Markaasay dadkii badnaa hor dhigeen.
7 A imali su i malo ribica. Blagoslovi i njih te reče da i to posluže.
Waxay haysteen in yar oo kalluun yaryar ah. Oo intuu barakeeyey, wuxuu ku amray inay kuwaasna hortooda dhigaan.
8 I jeli su i nasitili se. A od preteklih ulomaka odniješe sedam košara.
Markaasay cuneen oo dhergeen; kolkaasay soo ururiyeen toddoba dambiilood oo ka buuxa jajabkii hadhay.
9 Bilo ih je oko četiri tisuće. Tada ih otpusti,
Kuwii cunayna waxay ku dhowaayeen afar kun, markaasuu diray.
10 a sam sa svojim učenicima odmah uđe u lađu i ode u kraj dalmanutski.
Kolkiiba xertiisii ayuu doonni la fuulay, oo wuxuu yimid dhinacyada Dalmanuuta.
11 Tada istupiše farizeji i počeše raspravljati s njime. Iskušavajući ga, zatraže od njega znak s neba.
Markaasaa Farrisiintu u soo baxday, oo waxay bilaabeen inay wax weyddiiyaan, oo waxay ka doonayeen inuu calaamo cirka ka tuso, si ay u jirrabaan.
12 On uzdahnu iz sve duše i reče: “Zašto ovaj naraštaj traži znak? Zaista, kažem vam, ovome se naraštaju neće dati znak.”
Intuu ruuxiisa ka taahay ayuu yidhi, Qarnigan muxuu calaamo u doondoonayaa? Runtii waxaan idinku leeyahay, Qarnigan calaamo lama siin doono.
13 Tada ih ostavi, ponovno uđe u lađu pa otiđe prijeko.
Markaasuu ka tegey oo haddana doonniduu fuulay oo dhanka kale u kacay.
14 A zaboraviše ponijeti kruha; imali su samo jedan kruh sa sobom na lađi.
Xertii waxay illoobeen inay kibis soo qaataan, oo doonnida kibis kuma ay haysan mid keliya maahane.
15 Nato ih Isus opomenu: “Pazite, čuvajte se kvasca farizejskog i kvasca Herodova!”
Markaasuu wuxuu ku amray, oo ku yidhi, Iska eega oo iska jira khamiirka Farrisiinta iyo khamiirka Herodos.
16 Oni, zamišljeni, među sobom govorahu: “Kruha nemamo.”
Markaasay isla wada hadleen, oo isku yidhaahdeen, Sababtaasu waa kibistii aannan haysan aawadeed.
17 Zamijetio to Isus pa im reče: “Zašto ste zamišljeni što kruha nemate? Zar još ne shvaćate i ne razumijete? Zar vam je srce stvrdnuto?
Ciise oo gartay ayaa ku yidhi, Maxaad isu la hadlaysaan? Ma kibistii aydnaan haysan aawadeed ba? Miyaydnaan weli arkin oo aydnaan garanaynin? Qalbigiinnu weli ma engegan yahay?
18 Oči imate, a ne vidite; uši imate, a ne čujete? Zar se ne sjećate?
Indho baad leedihiin, miyaydnaan waxba arkaynin? Dhegona waad leedihiin, miyaydnaan waxba maqlaynin oo aydnaan xusuusnayn?
19 Kad sam ono razlomio pet kruhova na pet tisuća, koliko punih košara ulomaka odnijeste?” Kažu mu: “Dvanaest.”
Goortii aan shantii kibsood shantii kun u kala jejebiyey, immisa dambiilood oo jajab ka buuxa ayaad soo ururiseen? Waxay ku yidhaahdeen, Laba iyo toban.
20 “A kada razlomih sedam na četiri tisuće, koliko punih košara ulomaka odnijeste?” Odgovore: “Sedam.”
Oo goortii aan toddobadii kibsood afartii kun u kala jejebiyey, immisa dambiilood oo jajab ka buuxa ayaad soo ururiseen? Waxay ku yidhaahdeen, Toddoba.
21 A on će njima: “I još ne razumijete?”
Wuxuuna ku yidhi, Miyaydnaan weli garanaynin?
22 Dođu u Betsaidu, dovedu mu slijepca pa ga zamole da ga se dotakne.
Markaasay yimaadeen Beytsayda. Oo waxay u keeneen nin indha la' oo ay ka baryeen inuu taabto.
23 On uhvati slijepca za ruku, izvede ga iz sela, pljunu mu u oči, stavi na nj ruke i zapita ga: “Vidiš li što?”
Markaasuu ninkii indhaha la'aa gacanta qabtay, oo tuulada dibadda uga saaray, oo goortuu indhaha kaga tufay oo gacmihiisii saaray, wuxuu weyddiiyey, Wax ma arkaysaa?
24 Slijepac upilji pogled i reče: “Opažam ljude; vidim nešto kao drveće ... hodaju.”
Kor buu u eegay oo yidhi, Waxaan arkayaa niman, oo waxay ii le'eg yihiin sida geedo socda.
25 Tada mu Isus opet stavi ruke na oči i slijepac progleda i ozdravi te je mogao sve jasno na daleko vidjeti.
Kolkaasuu mar kale gacmihiisii indhaha ka saaray. Markaasuu aad iyo aad wax u eegay, wuuna bogsaday, oo wax walba bayaan buu u arkay.
26 Tada ga posla kući i reče mu: “Ne ulazi u selo.”
Kolkaasuu gurigiisii u diray, oo wuxuu ku yidhi, Tuulada ha gelin.
27 I krenu Isus i njegovi učenici u sela Cezareje Filipove. Putem on upita učenike: “Što govore ljudi, tko sam ja?”
Markaasaa Ciise iyo xertiisii waxay tageen oo galeen tuulooyinka Kaysariya Filibos. Xertiisii ayuu jidka ku weyddiiyey, oo wuxuu ku yidhi, Dadku yay igu sheegaan?
28 Oni mu rekoše: “Da si Ivan Krstitelj, drugi da si Ilija, treći opet da si neki od proroka.”
Waxay yidhaahdeen, Yooxanaa Baabtiisaha, qaarna, Eliyaas, qaar kalena, Nebiyada midkood.
29 On njih upita: “A vi, što vi kažete, tko sam ja?” Petar prihvati i reče: “Ti si Pomazanik - Krist!”
Markaasuu weyddiiyey, oo wuxuu ku yidhi, Idinkuse yaad igu sheegtaan? Butros ayaa u jawaabay oo wuxuu ku yidhi, Waxaad tahay Masiixa.
30 I zaprijeti im da nikomu ne kazuju o njemu.
Markaasuu ku amray inayan ninna isaga u sheegin.
31 I poče ih poučavati kako Sin Čovječji treba da mnogo pretrpi, da ga starješine, glavari svećenički i pismoznanci odbace, da bude ubijen i nakon tri dana da ustane.
Kolkaasuu bilaabay inuu baro inay waajib ugu tahay Wiilka Aadanahu inuu wax badan ku xanuunsado, oo ay waayeellada iyo wadaaddada sare iyo culimmadu diidaan, oo la dilo, oo saddex maalmood dabadeed uu soo sara kaco.
32 Otvoreno im to govoraše. Petar ga uze u stranu i poče odvraćati.
Hadalkaas bayaan buu ugu hadlay. Markaasaa Butros gees u waday oo bilaabay inuu canaanto.
33 A on se okrenu, pogleda svoje učenike pa zaprijeti Petru: “Nosi se od mene, sotono, jer ti nije na pameti što je Božje, nego što je ljudsko!”
Laakiin Ciise markuu soo jeestay oo xertiisii eegay, ayuu Butros canaantay, oo wuxuu ku yidhi, Gadaal iga mar, Shayddaan yahow, waayo, waxyaalaha Ilaah kama fikirtid, waxaadse ka fikirtaa waxyaalaha dadka.
34 Tada dozva narod i učenike pa im reče: “Hoće li tko za mnom, neka se odrekne samoga sebe, neka uzme svoj križ i neka ide za mnom.
Goortaasuu dadkii badnaa u yeedhay iyo xertiisiiba oo wuxuu ku yidhi, Mid uun hadduu doonayo inuu iga daba yimaado, ha dayriyo doonistiisa, iskutallaabtiisana ha soo qaato oo ha i soo raaco.
35 Tko hoće život svoj spasiti, izgubit će ga; a tko izgubi život svoj poradi mene i evanđelja, spasit će ga.
Kan doonaya inuu naftiisa badbaadiyo, waa lumin doonaa, laakiin kan naftiisa u lumiya aawaday iyo injiilka aawadii, kaasaa badbaadin doona.
36 Ta što koristi čovjeku steći sav svijet, a životu svojemu nauditi?
Waayo, nin maxay u taraysaa hadduu dunida oo dhan helo oo uu naftiisa lumiyo?
37 Ta što da čovjek dadne u zamjenu za život svoj?
Nin muxuu u bixiyaa naftiisa beddelkeeda?
38 Doista, tko se zastidi mene i mojih riječi u ovom preljubničkom i grešničkom naraštaju - njega će se stidjeti i Sin Čovječji kada dođe u slavi Oca svoga zajedno sa svetim anđelima.”
Haddaba ku alla kii qarnigan dembiga iyo sinada leh kaga xishooda aniga iyo hadalkaygaba, Wiilka Aadanaha ayaa ka xishoon doona isaga markuu ammaantii Aabbihiis kula yimaado malaa'igaha quduuska ah.

< Marko 8 >