< Jeremija 30 >
1 Riječ koju Jahve upravi Jeremiji:
Kanu waa eraygii Yeremyaah xagga Rabbiga uga yimid, isagoo leh,
2 Ovako govori Jahve, Bog Izraelov: “Upiši u knjigu sve ove riječi koje ti govorim.
Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Erayadii aan kugula hadlay oo dhan kitaab ku qor.
3 Jer evo dolaze dani - riječ je Jahvina - i promijenit ću udes naroda svoga Izraela i Judeje” - govori Jahve - “i vratit ću ih u zemlju koju u baštinu dadoh ocima njihovim.”
Waayo, bal eeg, Rabbigu wuxuu leeyahay, Waxaa iman doona wakhtigii aan maxaabiisnimadii ka soo celin doono dadkayga dalka Israa'iil iyo dalka Yahuudahba, oo waxaan iyaga ku soo celin doonaa dalkii aan awowayaashood siiyey, oo iyana way hantiyi doonaan, ayaa Rabbigu leeyahay.
4 Evo riječi što ih Jahve reče o Izraelu i o Judeji:
Oo kuwanu waa erayadii ku saabsanaa dadka dalka Israa'iil iyo dalka Yahuudah ee Rabbigu ku hadlay.
5 Ovako govori Jahve: “Čujem krik užasa: strava je to, a ne mir.
Waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Waxaannu maqalnay cod gariir badan, oo cabsiyeed, oo aan mid nabdeed ahayn.
6 Hajde, propitajte se i pogledajte: je li ikad muškarac rodio? A svi se muškarci za bedra hvataju kao porodilje! Zašto su sva lica izobličena i problijedjela?
Bal haatan weyddiiya, oo bal eega, haddii nin ilmo dhalid la foosho iyo haddii kale? Bal maxaan u arkaa nin kasta oo gacmihiisa dhexda ku haya sida naag foolanaysa oo kale, iyo wejiyo wada qayirmay?
7 Jao, jer velik je dan ovaj, slična mu nÓe bÄi! Vrijeme je nevolje za Jakova, al' će se izbaviti iz nje.
Hoogay wakhtigaasu waa wakhti weyn, oo ma jiro mid isaga la mid ahu, waana wakhtigii dhibkii dadka Yacquub, laakiinse waa laga badbaadin doonaa dhibkaas.
8 Onoga dana - riječ je Jahve nad Vojskama - slomit ću jaram na njihovu vratu i lance ću njihove raskinuti. Više neće služiti tuđinu,
Oo Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Wakhtigaas ayaan harqoodkiisa qoortaada ka jebin doonaa, oo hadhkaha kugu xidhanna waan jari doonaa, oo shisheeyayaalna mar dambe isaga ma addoonsan doonaan,
9 već će služiti Jahvi, Bogu svojemu, i Davidu, kralju svome, koga ću im podići.
laakiinse waxay u adeegi doonaan Rabbiga Ilaahooda ah, iyo boqorkooda Daa'uud ee aan iyaga u sara kicin doono.
10 Ne boj se, Jakove, slugo moja - riječ je Jahvina - ne plaši se, Izraele! Jer evo, spasit ću te izdaleka i potomstvo tvoje iz zemlje izgnanstva. Jakov će se opet smiriti, spokojno će živjeti i nitko ga neće plašiti - riječ je Jahvina -
Sidaas daraaddeed Rabbigu wuxuu leeyahay, Addoonkayga reer Yacquubow, ha cabsan, reer Israa'iilow, ha nixin, waayo, bal eeg, anigu meel fog baan kaa badbaadin doonaa, oo farcankaagana waxaan ka badbaadin doonaa dalkii ay maxaabiis ahaanta u joogeen, oo reer Yacquubna wuu soo noqon doonaa, oo wuxuu ku joogi doonaa aamusnaan, iyo xasilloonaan, oo ciduna ma cabsiin doonto.
11 jer ja sam s tobom da te izbavim. Zatrt ću narode među koje te prognah, a tebe neću sasvim uništiti; al' ću te kazniti po pravici, ne smijem te pustit' nekažnjena.”
Waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Anigu waan kula jiraa inaan ku badbaadsho, waayo, waan wada baabbi'in doonaa quruumihii aan kugu dhex firdhiyey oo dhan, laakiinse adiga ku wada baabbi'in maayo, caddaalad baanse kugu edbin doonaa, oo sinaba ciqaabidla'aan kuugu dayn maayo.
12 Uistinu, ovako govori Jahve: “Neiscjeljiva je rana tvoja, neprebolan polom tvoj.
Waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Nabarkaagu waa mid aan bogsan karin, oo dhaawacaaguna aad buu u xun yahay.
13 Nema lijeka rani tvojoj i nikako da zaraste.
Oo innaba mid dacwadaada kuu qaada lama arko in nabarkaaga la duubo, oo dawo wax bogsiisana ma aad haysatid.
14 Zaboraviše te svi ljubavnici, više za te i ne pitaju! Jer po tebi ja udarih k'o što udara neprijatelj, kaznom krutom za bezakonje i za mnoge grijehe tvoje.
Kuwii ku jeclaan jiray oo dhammu way ku wada illoobeen, oo innaba kuma ay doondoonaan, waayo, waxaan kugu dhaawacay dhaawicii cadowga, iyo edbintii kan naca weyn, waana xumaantaadii badatay aawadeed, maxaa yeelay, dembiyadaadii way sii kordheen.
15 Zašto kukaš zbog rane svoje? Zar je neizlječiva tvoja bol? Zbog mnoštva bezakonja i grijeha silnih tvojih to ti učinih.
Bal maxaad ula qaylinaysaa nabarkaaga? Xanuunkaagu waa mid aan bogsan karin, waana xumaantaadii badatay aawadeed, oo waxaan waxyaalahan kuugu sameeyey waa dembiyadaadii sii kordhay aawadood.
16 Al' i oni što te žderu bit će prožderani, u ropstvo će svi dušmani tvoji; pljačkaši tvoji bit će opljačkani, i koji te plijeniše bit će oplijenjeni.
Oo sidaas daraaddeed kuwa ku baabbi'iya oo dhan waa la wada baabbi'in doonaa, oo cadaawayaashaada oo dhanna midkood kastaba maxaabiis ahaan ayaa loo kaxaysan doonaa, oo kuwa ku kala boobana waa la kala boobi doonaa, oo kuwa ku dhacana waxaan ka yeeli doonaa in iyagana la dhaco.
17 [17b] Zvahu te 'Protjeranom' i 'Sionkom za koju nitko ne pita'. [17a] Al' ja ću te iscijeliti, rane ti zaliječiti” - riječ je Jahvina.
Waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Anigu caafimaad baan kuu soo celin doonaa, oo dhaawacyadaadana waan kaa bogsiin doonaa, maxaa yeelay, iyagu waxay kugu magacaabeen Mid la nacay, oo waxay yidhaahdaan, Tanu waa Siyoon oo aan ninna doonaynin.
18 Ovako govori Jahve: “Evo, izmijenit ću udes šatora Jakovljevih, smilovat ću se na stanove njegove: na razvalinama njegovim bit će opet grad sazidan, i dvori će stajati na starome mjestu.
Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal ogaada, maxaabiistii teendhooyinka dadka Yacquub waan soo celin doonaa, oo meelihiisa lagu hoydona waan u naxariisan doonaa, oo magaaladana waxaa laga dul dhisi doonaa taallada burburkeeda, oo daarta boqorkuna siday ahaan jirtay ayay u ahaan doontaa.
19 Iz njih će se čuti hvalospjev, i glasovi radosni. Umnožit ću ih i više im se neće smanjiti broj, ugled ću im dati i više ih neće prezirati.
Oo waxaa iyaga ka soo dhex bixi doona mahadnaqid iyo kuwa reyreeya codkood, oo iyaga waan tarmin doonaa, oo mana ay dhinmi doonaan, oo weliba waan sharfi doonaa, oo ma ay yaraan doonaan.
20 Sinovi njihovi bit će mi kao nekoć, zajednica njina preda mnom će čvrsto stajati, a kaznit ću sve njihove ugnjetače.
Oo carruurtooduna waxay noqon doonaan sidii waayihii hore, oo ururkooduna hortayduu ku dhismi doonaa, oo kuwa iyaga dulma oo dhanna waan wada ciqaabi doonaa.
21 Glavar njihov iz njih će niknuti, vladar njihov isred njih će izaći. Pustit ću ga k sebi da mi se približi - jer tko da se usudi sam preda me!” - riječ je Jahvina.
Oo amiirkooduna iyaguu ka iman doonaa, taliyahooduna iyaguu ka soo dhex bixi doonaa, oo isagaan ka dhigi doonaa inuu ii soo dhowaado, oo isna wuu ii iman doonaa, waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Waa kuma kan ku dhaca inuu ii soo dhowaado?
22 “I vi ćete biti moj narod, a ja vaš Bog.
Oo idinku dadkayga waad ahaan doontaan, aniguna Ilaahiinna baan ahaan doonaa.
23 Gle, nevrijeme Jahvino, jarost provaljuje, razmahuje se vihor silan, i svaljuje na glave bezbožničke.
Bal eega, duufaankii Rabbiga ayaa soo baxay, kaasoo ah cadhadiis, waana dabayl cirwareen ah, oo waxay ku dhici doontaa madaxa sharrowyada.
24 Jahvin se gnjev neće stišati dok on ne izvrši i ne ispuni naume srca svojega. U dane posljednje jasno ćete to razumjeti.
Rabbiga xanaaqiisa kululu dib u noqon maayo jeeruu sameeyo oo wada oofiyo qasdiga qalbigiisa, oo ugudambaystana waad garan doontaan.