< Ezekiel 6 >
1 Tada mi dođe riječ Jahvina i reče:
Oo haddana Eraygii Rabbiga ayaa ii yimid, isagoo leh,
2 “Sine čovječji, okreni lice prema gorama Izraelovim i prorokuj protiv njih.
Wiilka Aadamow, wejigaaga buuraha dalka reer binu Israa'iil u jeedi oo iyaga wax ka sii sheeg.
3 Reci: 'Gore Izraelove, čujte riječ Jahve Gospoda! Ovako govori Jahve Gospod: Gore i brežuljci, jaruge i doline, evo, spustit ću mač na vas i oborit ću uzvišice vaše!
Oo waxaad tidhaahdaa, Buuraha reer binu Israa'iilow, bal Sayidka Rabbiga ah eraygiisa maqla. Sayidka Rabbiga ahu wuxuu ku leeyahay buuraha, iyo kuraha, iyo webiyada, iyo dooxooyinkaba, Bal ogaada, aniga qudhaydu seef baan idinku soo dayn doonaa, oo waxaan wada baabbi'in doonaa meelihiinna sarsare.
4 Opustjet će žrtvenici vaši i porušit će se stupovi vaši, a vaše poginule pred kumire ću vam baciti.
Meelihiinna allabariguna cidla bay wada noqon doonaan, oo sanamyadiinna qorraxdana waa la wada burburin doonaa, oo raggiinna la laayayna sanamyadiinna waan ku soo hor tuuri doonaa.
5 Pobacat ću trupla sinova Izraelovih pred kumire njihove i rasijat ću kosti vaše oko žrtvenika vaših!
Oo meydadka reer binu Israa'iil waxaan hor dhigi doonaa sanamyadooda, oo lafihiinnana waxaan ku kala firdhin doonaa meelihiinna allabariga hareerahooda.
6 Gdje god boravili, gradovi će vaši biti opustošeni, uzvišice poharane, žrtvenici će vam opustjeti i biti uništeni, kumiri će vaši biti oboreni i nestat će ih, stupovi će vaši biti smrvljeni, sva će djela vaša propasti.
Oo meel alla meeshaad deggan tihiinba magaalooyinka waa laga dumin doonaa, oo meelaha sarsarena cidla bay wada noqon doonaan, si ay meelihiinna allabarigu u burburaan oo ay cidla u noqdaan, oo ay sanamyadiinnuna jajabaan oo ay u wada dhammaadaan, oo sanamyadiinna qorraxdana loo wada jaro, oo shuqulladiinnana loo wada tirtiro.
7 Među vas će padati poginuli, i znat ćete da sam ja Jahve!
Oo kuwa la laayayna dhexdiinnay ku soo daadan doonaan, oo waxaad ogaan doontaan inaan anigu Rabbiga ahay.
8 Ali ću ipak poštedjeti neke od vas: ti će među narodima uteći maču kad se raspršite po zemljama.
Laakiinse qaar baan reebi doonaa, si aad wuxoogaa seefta kaga baxsaday quruumaha dhexdooda u lahaataan, markaad waddammada ku kala dhex firdhi doontaan.
9 Tada će se preživjeli među vama spomenuti mene među narodima kamo budu odvedeni u izgnanstvo, kad im slomim srce preljubničko što se odmetnulo od mene i kad im iskopam preljubničke oči što pođoše za kumirima njihovim. I tada će sami sebi omrznuti zbog nedjela što ih počiniše gadostima svojim.
Oo kuwii idinka baxsadaa waxay igu xusuusan doonaan quruumaha dhexdooda halkaasoo loo kaxaysan doono iyagoo maxaabiis ah, waayo, anigu waxaan ku calool xumaaday qalbigoodii dhilloobay oo iga tegey, iyo indhahoodii sanamyadooda dhillanimada la daba galay, oo iyaga qudhoodu waxay isku nici doonaan xumaatooyinkii ay ku dhex sameeyeen waxyaalahoodii karaahiyada ahaa oo dhan.
10 I spoznat će da sam ja Jahve: nisam im zaludu govorio da ću ih udariti svim tim zlom.'”
Oo waxay ogaan doonaan inaan anigu Rabbiga ahay iyo inaanan waxtarla'aan u odhan, Belaayadaas ayaan iyaga ku samayn doonaa.
11 Ovako govori Jahve Gospod: “Pljesni rukama i lupni nogama, te reci: Jao! zbog svih gadnih nedjela dom će Izraelov pasti od mača, gladi i kuge!
Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Sacabbada isku dhufo oo cagta dhulka ku dhufo, oo Hoogay! u dheh waxyaalihii karaahiyada ahaa oo dhan ee ay reer binu Israa'iil sameeyeen aawadood, waayo, waxay ku baabbi'i doonaan seef, iyo abaar, iyo belaayo.
12 Tko bude daleko, od kuge će umrijeti; tko bude blizu, od mača će pasti, i tko bude opkoljen, od gladi će izdahnuti! Tako ću gnjev iskaliti na njima
Kii meel fog joogaa belaayo buu u dhiman doonaa, oo kii meel dhow joogaana seef buu ku dhiman doonaa, oo kii magaalada la weeraraya weli ku hadhaana abaar buu ku dhiman doonaa, oo sidaasaan cadhadayda ugu dhammaystiri doonaa.
13 i spoznat će da sam ja Jahve kad im poginuli budu ležali među kumirima oko žrtvenika na svakome povišem brežuljku, nad svim vrhovima planinskim, pod svakim stablom zelenim, pod svakim hrastom granatim, gdje se god prinosio ugodan miris kumirima njihovim.
Oo markaasaad ogaan doontaan inaan anigu Rabbiga ahay, markii raggooda la laayay ay ku ag daadsanaadaan sanamyadooda ku hareeraysan meelahooda allabariga, oo kor saaran kur kasta oo dheer, iyo buuraha dhaladooda oo dhan, iyo geed kasta oo cagaar ah hoostiisa, iyo geed kasta oo alloon la yidhaahdo oo weyn, kuwaasoo ah meelaha ay carafta udgoon ugu bixiyeen sanamyadooda oo dhan.
14 Ruku ću podići na njih i svu ću im zemlju pretvoriti u pustoš, od pustinje do Rible, posvuda gdje borave! I spoznat će da sam ja Jahve!”
Anigu gacantayda ayaan iyaga ku fidin doonaa, oo dalkana meel cidla ah ayaan ka dhigi doonaa, oo waxaan ka dhigi doonaa meel ka sii daran cidlada ku taal xagga Dibla meelaha ay deggan yihiin oo dhan, oo markaasay ogaan doonaan inaan anigu Rabbiga ahay.