< 2 Kraljevima 24 >
1 U njegovo je vrijeme došao Nabukodonozor, kralj babilonski, i Jojakim mu je bio podložan tri godine, zatim se ponovno pobunio protiv njega.
Oo wakhtigiisii ayaa Nebukadnesar oo ahaa boqorkii Baabuloon ku soo kacay, markaasaa Yehooyaaqiim isagii addoon u noqday intii saddex sannadood ah, dabadeedna wuu ka jeestay, oo ka fallaagoobay.
2 Ovaj pak posla protiv njega kaldejske pljačkaške čete, aramejske, moapske i amonske, sve ih posla protiv Judeje da je opustoše, potvrđujući riječ koju je Jahve bio objavio po slugama svojim prorocima.
Markaasaa Rabbigu u soo diray guutooyin reer Kaldayiin ah, iyo guutooyin reer Suuriya ah, iyo guutooyin reer Moo'aab ah, iyo guutooyin reer Cammoon ah, oo wuxuu iyaga u soo diray inay dalka Yahuudah baabbi'iyaan sidii Rabbigu uga hadlay nebiyadii addoommadiisa ahaa.
3 To se dogodilo Judeji prema prijetnji Jahvinoj da će je istrijebiti ispred svoga lica zbog grijeha Manašeovih: zbog svega što je Manaše učinio
Hubaal amarkii Rabbiga aawadiis ayaa tanu ugu soo degtay dadkii Yahuudah, inuu iyaga ka dhaqaajiyo hortiisa dembigii Manaseh sameeyey aawadiis, sidii ay ahaayeen kulli waxyaalihii uu sameeyey oo dhan,
4 i zbog nedužne krvi koju je prolio, natopio Jeruzalem krvlju nedužnom. Jahve nije htio oprostiti.
iyo dhiiggii aan xaq qabin oo uu daadshay, waayo, Yeruusaalem wuxuu ku nijaaseeyey dhiig aan xaq qabin; oo Rabbiguna ma uu cafiyeen.
5 Ostala povijest Jojakimova i sve što je učinio, zar sve to nije zapisano u knjizi Ljetopisa judejskih kraljeva?
Haddaba Yehooyaaqiim falimihiisii kale iyo wixii uu sameeyey oo dhammu sow kuma qorna kitaabkii taariikhda boqorradii dalka Yahuudah?
6 Jojakim je počinuo kraj svojih otaca, a njegov sin Jojakin zavlada mjesto njega.
Markaasaa Yehooyaaqiim dhintay oo la seexday awowayaashiis, oo meeshiisiina waxaa boqor ka noqday wiilkiisii Yehooyaakiin.
7 Egipatski kralj nije više izlazio iz zemlje, jer je babilonski kralj osvojio od Egipatskog potoka do rijeke Eufrata sve što je pripadalo egipatskom kralju.
Oo boqorkii Masarna mar dambe dalkiisii kama uu soo bixin, waayo, boqorkii Baabuloon baa wada qaatay ilaa durdurkii Masar iyo tan iyo Webi Yufraad ee uu dhammaan boqorka Masar lahaa.
8 Jojakinu je bilo osamnaest godina kad se zakraljio i kraljevao je tri mjeseca u Jeruzalemu. Materi mu je bilo ime Nehušta, kći Elnatana, i bila je iz Jeruzalema.
Oo Yehooyaakiinna markuu boqor noqday wuxuu jiray siddeed iyo toban sannadood, wuxuuna Yeruusaalem boqor ka ahaa intii saddex bilood ah; oo hooyadiis magaceedana waxaa la odhan jiray Nexushtaa ina Elnaataan, oo reer Yeruusaalem ahayd.
9 On je činio što je zlo u očima Jahvinim, sve kao što je činio i njegov otac.
Oo isna wuxuu sameeyey wax Rabbiga hortiisa shar ku ah sidii wixii uu aabbihiis sameeyey oo dhan.
10 U ono vrijeme krenu ljudstvo babilonskog kralja Nabukodonozora protiv Jeruzalema i grad je bio opkoljen.
Markaasaa waxaa Yeruusaalem yimid oo magaaladii hareereeyey addoommadii Nebukadnesar oo ahaa boqorkii Baabuloon.
11 Dođe i babilonski kralj Nabukodonozor da napadne grad, dok ga je njegovo ljudstvo opsjedalo.
Oo Nebukadnesar oo ahaa boqorkii Baabuloon ayaa soo gaadhay magaaladii intay addoommadiisii hareera joogeen.
12 Tada je judejski kralj Jojakin izišao pred babilonskoga kralja: on, njegova majka, njegove sluge, njegove vojskovođe i dvorani, a babilonski kralj zarobi ga - osme godine svoga kraljevanja.
Markaasaa Yehooyaakiin oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah u soo baxay boqorkii Baabuloon, isagii, iyo hooyadiis, iyo addoommadiisii, iyo amiirradiisii, iyo saraakiishiisiiba, oo boqorkii Baabuloon ayaa isagii kaxeeyey sannaddii siddeedaad oo boqornimadiisa.
13 On je odnio sve iz riznice Doma Jahvina i iz riznica kraljevskog dvora i razbio je sve zlatne predmete koje je Salomon, kralj Izraela, načinio za Svetište Jahvino. Tako se ispunila riječ Jahvina.
Oo isna halkaasuu ka qaatay khasnadihii guriga Rabbiga oo dhan iyo khasnadihii guriga boqorka, oo wuxuu kala jejebiyey weelashii dahabka ahaa oo boqorkii reer binu Israa'iil oo Sulaymaan ahaa uu ku dhex sameeyey macbudkii Rabbiga, siduu Rabbigu yidhi.
14 Odveo je u progonstvo sav Jeruzalem, sve vojskovođe i sve vrsne ratnike, oko deset tisuća prognanika, sa svim kovačima i bravarima. Jedino je preostao najsiromašniji narod zemlje.
Oo haddana wuxuu kaxaystay reer Yeruusaalem oo dhan, iyo amiirradii oo dhan, iyo raggii xoog lahaa oo dhan, oo wada ahaa toban kun oo maxaabiis ah, iyo saanacyadii oo dhan, iyo tumaalladii, oo ninna ma hadhin dadkii dalka ugu liitay mooyaane.
15 Odveo je Jojakina u Babilon; tako isto i kraljevu majku i sve žene kraljeve, njegove dvorane, plemenitaše zemlje, sve ih je odveo iz Jeruzalema u progonstvo u Babilon.
Oo wuxuu Baabuloon u kaxaystay Yehooyaakiin; oo boqorka hooyadiis, iyo boqorka naagihiisii, iyo saraakiishiisii, iyo raggii dalka madaxda u ahaa maxaabiis ahaan ayuu Yeruusaalem uga kaxaystay oo Baabuloon la tegey.
16 Sve sposobne ljude, njih sedam tisuća na broju; kovače i bravare, tisuću na broju; sve ljude sposobne za boj, sve ih je kralj babilonski odveo u Babilon, u sužanjstvo.
Oo boqorkii Baabuloon maxaabiis ahaan ayuu Baabuloon u keenay raggii xoogga lahaa oo dhan oo tiradoodu ahayd toddoba kun, iyo saanacyadii iyo tumaalladii oo iyana kun ah, oo kulligood way wada xoog badnaayeen, oo dagaalyahan bay ahaayeen.
17 Babilonski je kralj postavio za kralja mjesto Jojakina njegova strica Mataniju, ali mu je promijenio ime u Sidkija.
Markaasaa boqorkii Baabuloon wuxuu Yehooyaakiin meeshiisii boqor uga dhigay adeerkiis Matanyaah oo magiciisiina wuxuu u beddelay Sidqiyaah.
18 Sidkiji je bila dvadeset i jedna godina kad se zakraljio, a kraljevao je jedanaest godina u Jeruzalemu. Materi mu bijaše ime Hamitala, kći Jeremije, i bila je iz Libne.
Oo Sidqiyaahna markuu boqor noqday wuxuu jiray kow iyo labaatan sannadood, oo Yeruusaalemna wuxuu boqor ka ahaa kow iyo toban sannadood, oo hooyadiis magaceeduna wuxuu ahaa Xamuutal ina Yeremyaah oo reer Libnaah ahayd.
19 Činio je što je zlo u očima Jahvinim, sve kao što je činio Jojakin.
Oo isna wuxuu sameeyey wax Rabbiga hortiisa shar ku ah, sidii wixii Yehooyaaqiim sameeyey oo dhan.
20 To je zadesilo Jeruzalem i Judu zbog gnjeva Jahvina; Jahve ih napokon i odbaci ispred lica svoga. Sidkija se pobuni protiv babilonskog kralja.
Oo tanu waxay Yeruusaalem iyo Yahuudah ugu dhacday cadhadii Rabbiga aawadeed ilaa uu hortiisa iyaga ka tuuray; kolkaasaa Sidqiyaah ka fallaagoobay boqorkii Baabuloon.