< 2 Ivanova 1 >
1 Starješina izabranoj Gospođi i djeci njezinoj koju ja ljubim u Istini - a ne samo ja nego i svi koji upoznaše Istinu -
Anigoo odayga ah waxaan salaamayaa marwada la doortay iyo carruurteeda aan runta ku jeclahay, keligayna ma ahaye, laakiin xataa waxaa jecel kuwa runta yaqaan oo dhan,
2 radi Istine koja ostaje u nama i bit će s nama dovijeka. (aiōn )
runta inagu dhex jirta, weligeedna inagu dhex jiri doonta aawadeed. (aiōn )
3 Bila s nama milost, milosrđe i mir od Boga Oca i od Sina Očeva Isusa Krista u istini i ljubavi!
Nimco iyo naxariis iyo nabad ka yimaada Ilaaha Aabbaha ah iyo Ciise Masiix oo ah Wiilka Aabbaha ayaa inala jiri doona xagga runta iyo jacaylka.
4 Obradovah se veoma što sam među tvojom djecom našao takve koji hode u istini, kao što primismo zapovijed od Oca.
Aad baan ugu farxay markaan arkay carruurtaadii qaarkood oo runta ku socda, waana sidaynu Aabbaha amar uga helnay.
5 I sada te molim, Gospođo, ne kao da ti novu zapovijed pišem, nego onu koju smo imali od početka: da ljubimo jedni druge.
Oo haatan waxaan kaa baryayaa, murwoy, sidii anigoo aan kuu soo qorayn amar cusub laakiinse kii aynu tan iyo bilowgii haysannay, kaasoo ah inaynu isjeclaanno.
6 A ovo je ta ljubav: da živimo po zapovijedima njegovim. To je zapovijed, kao što čuste od početka, da u njoj živite.
Tanu waa jacayl inaynu amarradiisa ku soconno. Amarkiina waa kan, waana sidaad tan iyo bilowgii u maqli jirteen inaad ku socotaan.
7 Jer iziđoše na svijet mnogi zavodnici koji ne ispovijedaju Isusa Krista koji dolazi u tijelu. To je zavodnik i Antikrist.
Waayo, khaa'inno badan baa dunida u soo baxay, waana kuwa aan qiran in Ciise Masiix jidh ku yimid. Kaasu waa khaa'inka iyo ku Masiixa ka gees ah.
8 Čuvajte se da ne izgubite što ste stekli, nego da primite potpunu plaću.
Iska jira si aydnaan u khasaarayn wixii aynu falnay, laakiinse si aad abaalgud dhan u heshaan.
9 Tko god pretjera i ne ostane u nauku Kristovu, nema Boga. Tko ostaje u nauku, ima i Oca i Sina.
Mid kasta oo dhaafa oo aan cilmiga Masiixa ku sii socon, kaasu Ilaah ma leh; laakiin kii cilmiga ku sii socdaa, Aabbaha iyo Wiilka labadaba wuu leeyahay.
10 Ako tko dolazi k vama i ne donosi tog nauka, ne primajte ga u kuću i ne pozdravljajte ga.
Haddii nin idiin yimaado oo uusan cilmigan idiin keenin, gurigiinna ha soo gelinina, hana salaamina,
11 Jer tko ga pozdravlja, sudjeluje u njegovim zlim djelima.
waayo, kii salaamaa, wuxuu ka qayb galaa shuqulladiisa sharka ah.
12 Mnogo bih vam imao pisati, ali ne htjedoh na papiru i crnilom, nego se nadam da ću doći k vama i iz usta u usta govoriti da radost vaša bude potpuna.
In kastoo aan hayo wax badan oo aan idiin soo qoro, ma aan jeclayn inaan warqad iyo khad idiinku soo qoro; laakiinse waxaan rajaynayaa inaan idiin imaado oo aan afkayga idinkula hadlo, si ay farxaddiinnu u buuxsanto.
13 Pozdravljaju te djeca tvoje izabrane sestre.
Carruurtii walaashaada la doortay way ku soo salaamayaan.