< 2 Korinčanima 5 >
1 Znamo doista: ako se razruši naš zemaljski dom, šator, imamo zdanje od Boga, dom nerukotvoren, vječan na nebesima. (aiōnios )
Waayo, waxaynu og nahay, haddii gurigeenna dhulka ee taambuug ahu uu dumo, inaynu Ilaah xaggiisa ku leennahay dhismo, mana aha guri gacmo lagu sameeyey, waase mid jannooyinka weligii ku jira. (aiōnios )
2 U ovome doista stenjemo i čeznemo da se povrh njega zaodjenemo svojim nebeskim obitavalištem;
Kan baynu ku dhex taahnaa innagoo u xiisoonayna inaynu huwanno rugteenna xagga jannada ah.
3 dakako, ako se nađemo obučeni, ne goli.
Haddii aynu huwan nahay laynama heli doono innagoo qaawan.
4 Da, i mi koji smo u ovom šatoru, stenjemo opterećeni jer nećemo da budemo svučeni, nego da se još obučemo da život iskapi što je smrtno.
Haddaba kuweenna taambuuggan ku jiraa waynu taahnaa, innagoo layna culaysiyey, ma aha inaynu doonayno in layna qaawiyo, laakiin in layna huwiyo, si ay noloshu u liqdo waxa dhimanaya.
5 A zato nas je sazdao Bog - on koji nam dade zalog Duha.
Maxaa yeelay, kan waxakan inoo sameeyey waa Ilaah, kan carbuunta Ruuxa ina siiyey.
6 Uvijek smo stoga puni pouzdanja makar i znamo: naseljeni u tijelu, iseljeni smo od Gospodina.
Haddaba mar walba waynu kalsoon nahay innagoo og in intaynu jidhka ku jirno aynu Rabbiga ka maqan nahay,
7 Ta u vjeri hodimo, ne u gledanju.
waayo, waxaynu ku soconnaa rumaysadka ee ma aha aragga.
8 Da, puni smo pouzdanja i najradije bismo se iselili iz tijela i naselili kod Gospodina.
Waynu kalsoon nahay, oo waxaynu ka jecel nahay inaynu jidhka ka maqnaanno oo aynu Rabbiga la joogno.
9 Zato se i trsimo da mu omilimo, bilo naseljeni, bilo iseljeni.
Sidaa daraaddeed haddaynu joogno iyo haddaynu maqnaannoba aad baynu u doonaynaa inaynu isaga ka farxinno.
10 Jer svima nam se pojaviti pred sudištem Kristovim da svaki dobije što je kroz tijelo zaradio, bilo dobro, bilo zlo.
Waayo, dhammaanteen waa in layna wada muujiyo kursiga xukumaadda ee Masiix hortiisa, in qof kastaa helo siday ahaayeen waxyaalihii uu jidhka ku falay, ha ahaadeen wanaag ama share.
11 Prožeti dakle strahom Gospodnjim uvjeravamo ljude; razotkriveni smo Bogu, a nadam se - i vašim savjestima.
Sidaa daraaddeed annagoo garanayna cabsida Rabbiga, ayaannu dadka aaminsiinnaa; laakiin Ilaah waannu u muuqannaa, waana rajaynaynaa inaannu qalbiyadiinnana u muuqanno.
12 Ne preporučujemo vam opet sami sebe, nego vam dajemo prigodu ponositi se nama, da imate odgovor za one koji se diče licem, a ne srcem.
Annagu haddana isu kiin ammaani mayno, laakiin waxaannu idin siinaynaa waxaad aawadayo ku faantaan, inaad lahaataan waxaad ugu jawaabtaan kuwa wejiga ku faana ee aan qalbiga ku faanin.
13 Doista, ako bijasmo “izvan sebe” - Bogu bijasmo; ako li “pri sebi” - vama bijasmo.
Maxaa yeelay, haddii aannu waalan nahay waa Ilaah aawadiis, haddii aannu miyir qabnona waa aawadiin.
14 Jer ljubav nas Kristova obuzima kad promatramo ovo: jedan za sve umrije, svi dakle umriješe;
Waayo, jacaylka Masiix ayaa na qasba, annagoo tan xisaabna inuu mid dhammaan u dhintay, sidaa daraaddeed ayay dhammaan dhinteen.
15 i za sve umrije da oni koji žive ne žive više sebi, nego onomu koji za njih umrije i uskrsnu.
Isagu wuxuu u dhintay dhammaan in kuwa nooli aanay u sii noolaan nafsaddooda laakiin ay u sii noolaadaan kan aawadood u dhintay oo u sara kacay.
16 Stoga mi od sada nikoga ne poznajemo po tijelu; ako smo i poznavali po tijelu Krista, sada ga tako više ne poznajemo.
Taa aawadeed tan iyo haddeer ninna jidhka ku garan mayno, in kastoo aannu Masiix jidhka ku garan jirnay, haddase isaga sidaas u sii garan mayno.
17 Dakle, je li tko u Kristu, nov je stvor. Staro uminu, novo, gle, nasta!
Sidaas daraaddeed haddii qof Masiix ku jiro waa abuur cusub, oo waxyaalihii hore way idlaadeen, bal eega, wax waliba way cusboonaadeene.
18 A sve je od Boga koji nas sa sobom pomiri po Kristu i povjeri nam službu pomirenja.
Laakiin wax waliba waa xagga Ilaah kan inagula heshiiyey Masiix, oo na siiyey adeegidda heshiisnimada,
19 Jer Bog je u Kristu svijet sa sobom pomirio ne ubrajajući im opačina njihovih i polažući u nas riječ pomirenja.
taas waxa weeye, Ilaah duniduu Masiix kula heshiiyey, isagoo aan dembiyadooda ku xisaabaynin, oo noo dhiibay hadalka heshiisnimada.
20 Kristovi smo dakle poslanici; Bog vas po nama nagovara. Umjesto Krista zaklinjemo: dajte, pomirite se s Bogom!
Sidaas daraaddeed ergo ayaannu u nahay Masiix aawadiis, sidii Ilaah oo idinka baryaya xaggayaga, Masiix aawadiis waxaannu idinku baraynaa, Ilaah la heshiiya.
21 Njega koji ne okusi grijeha Bog za nas grijehom učini da mi budemo pravednost Božja u njemu.
Wuxuu isaga oo aan dembi aqoonin ka dhigay inuu dembi noqdo aawadeen, inaynu noqonno xaqnimada Ilaah ee ku jirta isaga.