< 1 Ljetopisa 12 >

1 Evo onih što dođoše k Davidu u Siklag dok se još uklanjao od Kiševa sina Šaula i bili su mu među junacima pomagači u boju;
Haddaba intanu waa kuwii Daa'uud ugu yimid Siiqlag, intuu weli ka dhumanayay Saa'uul ina Qiish, oo iyagu waxay ku jireen ragga xoogga badan oo la dagaal galay.
2 umjeli su rukovati lukom i desnicom i ljevicom i znali se služiti kamenjem i strijelama. Između Šaulove braće, Benjaminovaca:
Oo iyagu qaansooyin bay siteen, oo gacanta midigta iyo tan bidixdaba dhagaxyo way ku wadhfin kareen, fallaadhona qaansooyin way kaga gani kareen, oo iyagu waxay ahaayeen reer Benyaamiin oo Saa'uul walaalihiis ah.
3 vojvoda Ahiezer i Joaš, sinovi Gibeanca Šemaje, pa Jeziel i Pelet, Azmavetovi sinovi, i Beraka i Jehu Anatoćanin;
Oo waxaa madax ahaa Axiiceser, dabadeedna Yoo'aash, oo ahaa ina Shemaacaah oo ahaa reer Gibecaad, iyo Yesii'eel iyo Feled oo ahaa wiilashii Casmaawed, iyo Beraakaah, iyo Yeehuu oo ahaa reer Canaatood,
4 Gibeonac Išmaja, junak među tridesetoricom i nad tridesetoricom, Jeremija, Jahaziel, Johanan i Jozabad Gederoćanin;
iyo Yishmacyaah oo ahaa reer Gibecoon oo ahaa nin xoog badan oo soddonka ka mid ahaa, oo weliba soddonka ka wada sarreeyey, iyo Yeremyaah, iyo Yaxasii'eel, iyo Yooxaanaan, iyo Yoosaabaad oo ahaa reer Gedeeraad,
5 Eluzaj, Jerimot, Bealja, Šemarja i Šefatja Harufejac;
iyo Elcuusay, iyo Yeriimood, iyo Becalyaah, iyo Shemaryaah, iyo Shefatyaah oo ahaa reer Xaruuf,
6 Elkana, Jišija, Azarel, Joezer i Jašobam Korhinjani,
iyo Elqaanaah, iyo Yishiyaah, iyo Casareel, iyo Yooceser, iyo Yaashaabcaam oo ahaa reer Qorax,
7 Joel i Zebadja, sinovi Jerohama Gedorca.
iyo Yooceelaah iyo Sebadyaah oo ahaa wiilashii Yeroxaam oo ahaa reer Gedoor.
8 Neki su Gadovci prešli k Davidu u tvrđavu u pustinju, hrabri junaci, ratnici vješti boju, naoružani štitom i kopljem; lica im bijahu kao lavovska, a brzi bijahu kao gazele po gorama:
Oo waxaa reer Gaad Daa'uud isaga soocay oo ugu tegey dhufayskii cidlada ku yiil rag xoog badan oo ah rag dagaal loo tababbaray, oo gaashaan iyo waran qaadan karay, oo wejigooduna wuxuu ahaa sida weji libaax oo kale, oo waxay u dheereeyeen sida cawsha buuraha joogta.
9 vojvoda Ezer, drugi Obadja, treći Eliab;
Oo iyaga waxaa madax ahaa Ceser, Cobadyaahna wuxuu ahaa kii labaad, Elii'aabna kii saddexaad,
10 četvrti Mišmana, peti Jeremija,
Mishmannaahna kii afraad, Yeremyaahna kii shanaad,
11 šesti Ataj, sedmi Eliel;
Catayna kii lixaad, Elii'eelna kii toddobaad,
12 osmi Johanan, deveti Elzabad,
Yooxaanaanna kii siddeedaad, Elsaabaadna kii sagaalaad,
13 deseti Jeremija, jedanaesti Makbanaj.
Yeremyaahna kii tobnaad, Makbannayna kii kow iyo tobnaad.
14 To su bile od Gadovih sinova vojne starješine, najmanji nad stotinom, a najveći nad tisućom.
Kuwaas oo ahaa reer Gaad waxay ahaayeen saraakiishii ciidanka, oo kii iyaga ugu yaraa wuxuu u dhigmaa boqol nin, kii ugu weynaana kun nin.
15 To su oni koji su prvoga mjeseca prešli preko Jordana kad se razlio preko svih svojih obala i koji su rastjerali sve stanovnike iz dubokih dolina na istok i na zapad.
Oo kuwaasu waxay ahaayeen kuwii bishii kowaad ka gudbay Webi Urdun oo buuxdhaafay oo qararka oo dhan ka daatay, oo iyagu waxay kala eryeen dadkii dooxooyinka degganaa oo dhan, xagga bari, iyo xagga galbeedba.
16 Došli su i od Benjaminovih i Judinih sinova k Davidu u tvrđavu.
Oo waxaa dhufayska Daa'uud ugu yimid reer Benyaamiin iyo reer Yahuudah qaarkooda.
17 David je izašao pred njih i, progovorivši, rekao im: “Ako dolazite s mirom k meni da mi pomognete, moje će se srce ujediniti s vama; ako li ste došli da me izdate mojim neprijateljima, neka Bog naših otaca vidi i neka osudi, jer nema nepravde na mojim rukama!”
Markaasaa Daa'uud u baxay inuu iyaga ka hor tago, oo intuu jawaabay ayuu ku yidhi, Haddaad nabdoon iigu timaadeen inaad i caawisaan qalbigaygu wuu idinla jiri doonaa, laakiinse haddaad iigu timaadeen inaad cadaawayaashayda ii gacangelisaan, Ilaahii awowayaasheen taas ha fiiriyo oo ha canaanto, maxaa yeelay, gacmahayga wax xumaan ahu kuma jiraan.
18 Tada duh obuze Amasaja, vojvodu nad tridesetoricom, i on reče: “Tebi, Davide! S tobom, sine Jišajev, mir! Mir s tobom, mir s onim tko ti pomaže, jer tvoj pomoćnik jest tvoj Bog!” Tako ih je David primio i postavio ih među vojvode nad četama.
Markaasaa ruuxii ku soo degay Camaasay oo soddonkii nin madax u ahaa, oo wuxuu yidhi, Daa'uudow, ina Yesayow, annagu waxaannu nahay kuwaagii, waannuna ku garab taagan nahay. Nabad. Nabad ha kula jirto, oo kaalmeeyayaashaadana nabad ha la jirto, waayo, waxaa ku caawiya Ilaahaaga. Markaasaa Daa'uud iyagii soo dhoweeyey oo wuxuu ka dhigay saraakiishii guutada.
19 Od Manašeovih su sinova neki prešli k Davidu kad je išao s Filistejcima na Šaula u boj, ali im nije pomogao, jer su ga filistejski knezovi, dobro promislivši, otpustili govoreći: “Mogao bi prijeći k svome gospodaru Šaulu, a to bi nas stajalo glava.”
Oo weliba reer Manasehna qaar baa Daa'uud geestiisa soo maray markuu raacay reer Falastiin oo Saa'uul dagaal ugu yimid, laakiinse iyagii ma ay caawiyin, waayo, saraakiishii reer Falastiin talay isagii ku eryeen, oo waxay isyidhaahdeen, Isagu intuu madaxyadeenna khatar geliyo ayuu sayidkiisii Saa'uul garab geli doonaa.
20 Kad se, dakle, vraćao u Siklag, prešli su k njemu od Manašeova plemena: Adna, Jozabad, Jedael, Mihael, Jozabad, Elihu i Siltaj, glavari tisućnici u Manašeovu plemenu.
Oo markuu Siiqlag tegey waxaa geestiisa reer Manaseh ka soo maray Cadnaah, iyo Yoosaabaad, iyo Yediica'eel, iyo Miikaa'eel, iyo Yoosaabaad, iyo Eliihuu, iyo Silletay, oo dhammaantood ahaa saraakiil u taliya kun kun reer Manaseh ah.
21 Oni su pomagali Davidu protiv razbojničkih četa jer su svi bili hrabri junaci te su postali zapovjednici u njegovoj vojsci.
Oo waxay Daa'uud ka caawiyeen guutadii wax dhacaysay, waayo, waxay ahaayeen rag xoog badan oo ahaa saraakiishii ciidanka.
22 Iz dana u dan odista su dolazili k Davidu da mu pomažu, sve dok njegov tabor ne postade divovski, kao Božji tabor.
Waayo, maalin ka maalin waxaa Daa'uud u iman jiray kuwo isaga caawiya, ilamaa ay noqdeen ciidan weyn, oo ah sidii ciidanka Ilaah.
23 Evo broja ljudi naoružanih za rat koji su došli k Davidu u Hebron da Šaulovo kraljevstvo prenesu na nj po Jahvinoj zapovijedi:
Oo tanuna waa tiradii kuwii madaxda u ahaa kuwii dagaalka hubka u lahaa, oo Daa'uud ugu yimid Xebroon inay boqortooyada Saa'uul isaga u rogaan sidii uu eraygii Rabbigu ahaa.
24 Judinih sinova, koji su nosili štit i koplje, šest tisuća i osam stotina naoružanih za rat.
Kuwii reer Yahuudah ee gaashaan iyo waran qaadayay waxay ahaayeen lix kun iyo siddeed boqol oo nin, oo dagaal hub u leh.
25 Od Šimunovih sinova, hrabrih junaka za rat, sedam tisuća i sto.
Oo kuwii reer Simecoon ee xoogga badnaa, dagaalkana u darbanaa waxay ahaayeen toddoba kun iyo boqol.
26 Od Levijevih sinova četiri tisuće i šest stotina.
Reer Laawina waxaa ka joogay afar kun iyo lix boqol.
27 Tako i Jojada, poglavar Aronovim potomcima, i s njim tri tisuće i sedam stotina;
Oo Yehooyaadaacna wuxuu ahaa madaxdii reer Haaruun, oo isagana waxaa la socday saddex kun iyo toddoba boqol oo nin.
28 i mladi Sadok, hrabar junak, i od njegova roda dvadeset i dva kneza.
Saadooqna wuxuu ahaa nin dhallinyar oo xoog badan, oo waxaa la jiray laba iyo labaatan sirkaal oo reerkiisii wada ah.
29 A od Benjaminovih sinova, Šaulove braće, tri tisuće, jer ih je dotad najveći dio još ostao vjeran Šaulovoj kući.
Oo reer Benyaamiin oo ahaa Saa'uul walaalihiisna waxaa ka joogay saddex kun oo nin, waayo, ilaa waagaas iyaga intoodii badnayd waxay daacad u sii ahaayeen reerkii Saa'uul.
30 Efrajimovih sinova dvadeset tisuća i osam stotina, sve hrabrih junaka, ljudi na glasu u svojim porodicama.
Oo reer Efrayimna waxaa ka joogay labaatan kun iyo siddeed boqol oo nin, oo ah rag xoog badan oo dhammaantood reerahooda caan ku ah.
31 Od polovine Manašeova plemena osamnaest tisuća, poimence spomenutih, da dođu da zakralje Davida.
Oo reer Manaseh badhkiisiina waxaa ka joogay siddeed iyo toban kun oo nin, oo loo magacaabay inay yimaadaan oo ay Daa'uud boqraan.
32 Od Jisakarovih sinova, koji su umjeli proniknuti svoje vrijeme i spoznati što treba da učini Izrael; njihovih poglavara dvije stotine. Sva su im njihova braća bila podložna.
Oo reer Isaakaarna waxaa ka joogay rag garasho u leh wakhtiyada iyo waxa reer binu Israa'iil waajibka ku ah inay sameeyaan, oo iyaga madaxdoodu waxay ahaayeen laba boqol oo nin oo walaalahood oo dhanna iyagaa xukumay.
33 Od Zebulunovih sinova, sposobnih za rat i naoružanih za boj svakojakim bojnim oružjem, pedeset tisuća, koji su se odvažna srca vrstali u bojne redove.
Oo reer Sebulunna waxaa ka joogay kuwo ciidanka geli kara oo dagaalka isu safi kara, iyagoo wata cayn kasta oo ah alaabta dagaalka, oo isdiyaarin kara, oo aan labaqalbiilayaal ahayn, oo tiradooduna waxay ahayd konton kun oo nin.
34 Od Naftalijeva plemena tisuću knezova i s njima trideset i sedam tisuća ljudi sa štitovima i kopljima;
Oo reer Naftaalina waxaa ka joogay kun sirkaal oo ay la socdaan toddoba iyo soddon kun oo nin oo waran iyo gaashaan wada sita.
35 od Danova plemena dvadeset i osam tisuća i šest stotina naoružanih za boj,
Oo reer Daanna waxaa ka joogay siddeed iyo labaatan kun iyo lix boqol oo nin oo dagaalka isu safi kara.
36 a od Ašerova plemena četrdeset tisuća sposobnih za vojsku i za boj opremljenih.
Oo reer Aasheerna waxaa ka joogay afartan kun oo nin oo ciidanka geli kara oo dagaalka isu safi kara.
37 Od onih s onu stranu Jordana, od Rubenova, od Gadova i od polovine Manašeova plemena, sto i dvadeset tisuća ljudi sa svakojakim ratnim oružjem.
Oo Webi Urdun dhankiisa kalena waxaa ka yimid boqol iyo labaatan kun oo nin oo wata cayn kasta oo ah alaabta dagaalka, oo waxayna ahaayeen reer Ruubeen, iyo reer Gaad, iyo reer Manaseh badhkiis.
38 Svi ti vojnici, svrstani u bojne redove, dođoše poštena srca u Hebron da zakralje Davida nad svim Izraelom; i svi su ostali Izraelci bili jednodušni da Davida postave za kralja.
Intaas oo dhan oo wada ahaa rag dagaalyahan ah oo dagaalka isu safi kara waxay Xebroon ula yimaadeen qalbi qumman inay Daa'uud reer binu Israa'iil oo dhan u boqraan, oo reer binu Israa'iil intooda hadhay oo dhammuna isku qalbi bay ku ahaayeen inay Daa'uud boqraan.
39 Proveli su s Davidom tri dana, jedući i pijući. Braća sve spremiše za njih.
Oo iyana halkaasay Daa'uud la joogeen intii saddex maalmood ah, iyagoo wax cunaya oo wax cabbaya, waayo, walaalahood baa sooryo u diyaariyey.
40 Njihovi su najbliži susjedi, sve do Jisakara, Zebuluna i Naftalija, donosili hranu na magarcima, devama i mazgama, a na volovima jela: brašna, smokvenih kolača, suha grožđa, vina, ulja, krupne i sitne stoke izobila, jer je bilo veselje u Izraelu.
Oo weliba dadkii iyaga u dhowaa ee ahaa ilaa reer Isaakaar iyo reer Sebulun iyo reer Naftaali waxay cunto ku soo rareen dameerro, iyo awr, iyo baqlo, iyo dibi, oo waxay keeneen bur, iyo fudad berde ah, iyo rucubo sabiib ah, iyo khamri, iyo saliid, iyo dibi, iyo ido, dhammaanna aad iyo aad bay u badnaayeen, maxaa yeelay, reer binu Israa'iil dhexdooda farxad baa jirtay.

< 1 Ljetopisa 12 >