< 提多書 1 >

1 上帝的僕人,耶穌基督的使徒保羅,憑着上帝選民的信心與敬虔真理的知識,
Anigoo Bawlos ah oo Ilaah addoon u ah, Ciise Masiixna rasuul u ah, siday yihiin iimaanka kuwa Ilaah doortay iyo aqoonta runta oo ah xagga cibaadada,
2 盼望那無謊言的上帝在萬古之先所應許的永生, (aiōnios g166)
iyagoo rajaynaya nolosha weligeed ah oo Ilaaha aan beenta sheeginu u ballanqaaday waayadii hore hortood, (aiōnios g166)
3 到了日期,藉着傳揚的工夫把他的道顯明了;這傳揚的責任是按着上帝-我們救主的命令交託了我。
laakiinse wakhtiyadiisii goonida ahaa uu hadalkiisii ku muujiyey wacdigii laygu ammaaneeyey sida Ilaaha Badbaadiyeheenna ahu u amray,
4 現在寫信給提多,就是照着我們共信之道作我真兒子的。願恩惠、平安從父上帝和我們的救主基督耶穌歸與你!
waxaan warqaddan u qorayaa Tiitos oo ah wiilkayga runta ah xagga iimaanka inaga dhexeeya. Nimco iyo nabadu ha kaaga yimaadeen Ilaaha Aabbaha ah iyo Badbaadiyeheenna Ciise Masiix.
5 我從前留你在克里特,是要你將那沒有辦完的事都辦整齊了,又照我所吩咐你的,在各城設立長老。
Sababtaas daraaddeed ayaan Kereetee kaaga dhex tegey inaad hagaajisid waxyaalaha hadhay iyo inaad waayeello magaalo walba ka dooratid sidaan kuugu amray,
6 若有無可指責的人,只作一個婦人的丈夫,兒女也是信主的,沒有人告他們是放蕩不服約束的,就可以設立。
hadduu mid waliba yahay nin aan ceeb lahayn, oo naag keliya qaba, oo leh carruur rumaysan, oo aan rabshad iyo caasinimo lagu dacwaynin.
7 監督既是上帝的管家,必須無可指責,不任性,不暴躁,不因酒滋事,不打人,不貪無義之財;
Waayo, hoggaamiyaha kiniisaddu waa inuu ceeb la'aado sida wakiilka Ilaah; oo uusan madax adkaan, oo uusan camal fududaan, oo uusan sakhraan noqon, oo uusan gacan fududaan, oo uusan faa'iidada ceebta ah jeclaan,
8 樂意接待遠人,好善,莊重,公平,聖潔自持;
laakiinse waa inuu ahaado mid martida soo dhoweeya, oo wanaag jecel, oo feeyigaan, oo xaq ah, oo quduus ah, oo iscelin kara;
9 堅守所教真實的道理,就能將純正的教訓勸化人,又能把爭辯的人駁倒了。
isagoo xajinaya hadalka aaminka ah oo ah sidii loo baray, inuu awoodo inuu cilmiga runta ah ku waaniyo oo ku canaanto kuwa muranka miidhan ah.
10 因為有許多人不服約束,說虛空話欺哄人;那奉割禮的更是這樣。
Waayo, waxaa jira caasiyiin badan, iyo kuwa hadal xun ku hadla, iyo khaa'inno, oo khusuusan waa kuwa gudan.
11 這些人的口總要堵住。他們因貪不義之財,將不該教導的教導人,敗壞人的全家。
Kuwaas afkooda waa in la xidho, maxaa yeelay, waa kuwa reero dhan gembiya iyagoo faa'iidada ceebta ah aawadeed u baraya waxyaalo aan waajib ahayn inay baraan.
12 有克里特人中的一個本地先知說:「克里特人常說謊話,乃是惡獸,又饞又懶。」
Mid iyaga ka mid ahaa oo nebigoodii ahaa ayaa wuxuu yidhi, Reer Kereetee weligood waa beenaalayaal, iyo dugaag xun, iyo kuwo cir weyn oo caajisiin ah.
13 這個見證是真的。所以,你要嚴嚴地責備他們,使他們在真道上純全無疵,
Markhaatigaasu waa run. Sababtaas aawadeed aad u canaano iyaga inay iimaanka si run ah ugu socdaan
14 不聽猶太人荒渺的言語和離棄真道之人的誡命。
iyagoo aan dhegaysanayn sheekooyinka Yuhuudda iyo amarrada dadka runta ka leexanaya.
15 在潔淨的人,凡物都潔淨;在污穢不信的人,甚麼都不潔淨,連心地和天良也都污穢了。
Kuwa daahirka ah wax waluba waa u daahir, laakiin kuwa nijaasaysan oo aan rumaysadka lahayn waxba daahir uma aha, laakiinse kaskooda iyo niyadooduba waa nijaasoobeen.
16 他們說是認識上帝,行事卻和他相背;本是可憎惡的,是悖逆的,在各樣善事上是可廢棄的。
Waxay afka ka qirtaan inay Ilaah yaqaaniin, laakiin camalladooday isaga kaga hor yimaadaan, iyagoo karaahiyo iyo caasiyiin ah, oo xagga shuqul wanaagsan oo dhan laga nacay.

< 提多書 1 >