< 詩篇 73 >
Hubaal Ilaah waa u roon yahay reer binu Israa'iil, Iyo xataa kuwa qalbigoodu daahirka yahay.
Laakiinse anigu waan turunturoon gaadhay, Oo tallaabooyinkayguna waxay u dhowaadeen inay simbiriirixdaan.
Waayo, waxaan ka hinaasay kuwa qabka weyn, Markaan arkay barwaaqada ay kuwa sharka lahu haystaan.
Waayo, geeridoodu xanuun ma leh, Laakiinse xooggoodu waa adag yahay.
Iyagu dhib kuma jiraan sida dadka kale, Oo sida dadka kalena uma belaayaysna.
6 所以,驕傲如鏈子戴在他們的項上; 強暴像衣裳遮住他們的身體。
Sidaas daraaddeed kibir wuxuu yahay sida silsilad qoorta u sudhan, Oo dulmi bay sida maro u huwan yihiin.
7 他們的眼睛因體胖而凸出; 他們所得的,過於心裏所想的。
Indhahoodu baruur bay la bararsan yihiin, Oo waxay haystaan in ka sii badan waxa qalbigoodu doonayo.
8 他們譏笑人,憑惡意說欺壓人的話; 他們說話自高。
Wax bay ku qoslaan, oo xumaan daraaddeed dulmi bay ku hadlaan, Waxay hadlaan iyagoo kor isu qaadaya.
Afkoodii waxay gaadhsiiyeen samooyinka, Oo carrabkooduna wuxuu dhex maraa dhulka oo dhan.
Sidaas daraaddeed dadkiisii halkanay ku soo noqdaan, Oo koob biyo ka buuxa ayay madhsadeen.
Oo waxay yidhaahdaan, Ilaah sidee buu wax u yaqaan? Kan ugu sarreeyana aqoonu ma ku jirtaa?
12 看哪,這就是惡人; 他們既是常享安逸,財寶便加增。
Bal eeg, kuwanu waa kuwa sharka leh, Oo mar kasta iyagoo istareexsan ayay hodantinimadoodu sii korodhaa.
13 我實在徒然潔淨了我的心, 徒然洗手表明無辜。
Hubaal wax aan micne lahayn ayaan qalbigaygii ku nadiifshay, Oo aan ku faraxashay anigoo aan eed lahayn,
Waayo, maalintii oo dhan waa lay dhibayay, Oo subax kastana waa lay edbinayay.
15 我若說,我要這樣講, 這就是以奸詐待你的眾子。
Haddaan odhan lahaa, Sidaasaan ku hadli doonaa, Bal eeg, waan khiyaanayn lahaa farcanka carruurtaada.
Markaan ku fikiray si aan tan ku ogaado, Aad bay iigu xanuun badnayd,
Ilaa aan galay meesha quduuska ah ee Ilaah, Oo aan ka fiirsaday ugudambaystooda.
18 你實在把他們安在滑地, 使他們掉在沉淪之中。
Hubaal waxaad iyaga ku taagtaa meelo sibiibix ah, Oo waxaad hoos ugu tuurtaa si ay u baabba'aan.
19 他們轉眼之間成了何等的荒涼! 他們被驚恐滅盡了。
Sidee bay daqiiqad ugu noqdeen meel cidla ah! Dhammaantood waxay ku baabba'een cabsi.
20 人睡醒了,怎樣看夢; 主啊,你醒了也必照樣輕看他們的影像。
Sayidow, sidii mid riyo ka toosay Markaad toostid, waxaad quudhsan doontaa ekaantooda.
Waayo, qalbigaygu wuu murugooday, Oo waxaa layga muday kelyaha,
Waxaan ahaa doqon iyo jaahil, Oo hortaada waxaan ku ahaa sidii xoolo oo kale.
Habase yeeshee had iyo goorba waan kula joogaa, Oo waxaad i qabatay gacanta midig.
24 你要以你的訓言引導我, 以後必接我到榮耀裏。
Waxaad igu hoggaamin doontaa taladaada, Oo dabadeedna waxaad igu dhowayn doontaa ammaanta.
25 除你以外,在天上我有誰呢? 除你以外,在地上我也沒有所愛慕的。
Bal, yaan samada ku leeyahay adiga mooyaane? Oo dhulkana laguma arko mid aan kaa jeclahay.
26 我的肉體和我的心腸衰殘; 但上帝是我心裏的力量, 又是我的福分,直到永遠。
Jiidhkayga iyo qalbigayguba waa itaal darnaadeen, Laakiinse Ilaah wuxuu weligiis ii yahay xooggii qalbigayga iyo qaybtayda.
27 遠離你的,必要死亡; 凡離棄你行邪淫的,你都滅絕了。
Waayo, bal eeg, kuwa kaa fogu way halligmi doonaan, Oo waad wada baabbi'isay kuwii kaa caasiyoobay oo dhan.
28 但我親近上帝是與我有益; 我以主耶和華為我的避難所, 好叫我述說你一切的作為。
Laakiinse aniga waxaa ii roon inaan Ilaah u soo dhowaado, Waayo, Sayidka Ilaahaa waxaan ka dhigtay magangalkayga, Inaan ka sheekeeyo shuqulladaada oo dhan.