< 民數記 33 >
1 以色列人按着軍隊,在摩西、亞倫的手下出埃及地所行的路程記在下面。
Reer binu Israa'iil sodcaalladoodii waa kuwan markay gacanta Muuse iyo Haaruun koox koox ugaga soo bexeen dalkii Masar.
2 摩西遵着耶和華的吩咐記載他們所行的路程,其路程乃是這樣:
Oo Muuse wuxuu amarka Rabbiga ugu qoray bixitimmadoodii sidii sodcaalladoodu ahaayeen, oo sodcaalladoodii sidii bixitimmadoodu ahaayeen waa kuwan.
3 正月十五日,就是逾越節的次日,以色列人從蘭塞起行,在一切埃及人眼前昂然無懼地出去。
Oo bishii kowaad maalinteedii shan iyo tobnaad ayay Racmeses ka guureen. Habeenkii Kormaridda maalintii ka dambaysay ayay reer binu Israa'iil gacan sarraysa ku bexeen iyadoo Masriyiintii oo dhammu ay u jeedaan,
4 那時,埃及人正葬埋他們的長子,就是耶和華在他們中間所擊殺的;耶和華也敗壞他們的神。
intii Masriyiintu ay aasayeen curadyadoodii uu Rabbigu ku dhex laayay oo dhan. Oo ilaahyadoodiina Rabbigu xukummo buu ku soo dejiyey.
Oo reer binu Israa'iil Racmeses bay ka guureen, oo waxay degeen Sukod.
Oo Sukodna way ka guureen, oo waxay degeen Eetaam oo ku taal cidlada darafkeeda.
7 從以倘起行,轉到比‧哈希錄,是在巴力‧洗分對面,就在密奪安營。
Oo haddana Eetaam bay ka guureen, oo waxay dib ugu noqdeen Fiihaahiirod oo ku hor taal Bacal Sefoon; kolkaasay degeen Migdol horteeda.
8 從比‧哈希錄對面起行,經過海中到了書珥曠野,又在伊坦的曠野走了三天的路程,就安營在瑪拉。
Oo Haxiirod horteedana way ka guureen, oo badday dhex mareen oo waxay gaadheen cidlada, oo cidladii Eetaam ayay saddex maalmood socodkood ku dhex socdeen, kolkaasay Maaraah degeen.
9 從瑪拉起行,來到以琳(以琳有十二股水泉,七十棵棕樹),就在那裏安營。
Oo Maaraahna way ka guureen, oo waxay yimaadeen Eelim, oo Eelim waxaa ku yiil laba iyo toban ilood oo biyo ah iyo toddobaatan geed oo timir ah, kolkaasay halkaas degeen.
Oo haddana Eelim way ka guureen, oo waxay degeen Badda Cas agteeda.
Oo Badda Cas way ka guureen, oo waxay dhex degeen cidlada Siin la yidhaahdo.
Oo cidladii Siinna way ka guureen, kolkaasay degeen Daafqaah.
Oo Daafqaahna way ka guureen, oo waxay degeen Aaluush.
14 從亞錄起行,安營在利非訂;在那裏,百姓沒有水喝。
Oo Aaluushna way ka guureen, oo waxay degeen Refiidiim, meeshaas oo aan lahayn biyo ay dadku cabbaan.
Oo Refiidiimna way ka guureen, oo waxay dhex degeen cidladii Siinay.
Oo cidladii Siinayna way ka guureen, kolkaasay degeen Qibrood Xatawaah.
Oo Qibrood Xatawaahna way ka guureen, kolkaasay degeen Xaseerood.
Oo Xaseeroodna way ka guureen, oo waxay degeen Ritmaah.
Oo Ritmaahna way ka guureen, oo waxay degeen Rimmon Feres.
Oo Rimmon Feresna way ka guureen, oo waxay degeen Libnaah.
Oo Libnaahna way ka guureen, oo waxay degeen Risaah.
Oo Risaahna way ka guureen, oo waxay degeen Qeheelaataah.
Oo Qeheelaataahna way ka guureen, oo waxay degeen Buur Shefer.
Oo haddana Buur Shefer way ka guureen, oo waxay degeen Xaraadaah.
Oo Xaraadaahna way ka guureen, oo waxay degeen Maqheelod.
Oo Maqheelodna way ka guureen, oo waxay degeen Taxad.
Oo Taxadna way ka guureen, oo waxay degeen Terax.
Oo Teraxna way ka guureen, oo waxay degeen Mitqaah.
Oo Mitqaahna way ka guureen, oo waxay degeen Xashmonaah.
Oo Xashmonaahna way ka guureen, oo waxay degeen Mooseerood.
Oo Mooseeroodna way ka guureen, oo waxay degeen Bini Yacaqaan.
Oo Bini Yacaqaanna way ka guureen, oo waxay degeen Xor Haggidgaad.
Oo Xor Haggidgaadna way ka guureen, oo waxay degeen Yaatbaataah.
Oo haddana Yaatbaataah way ka guureen, oo waxay degeen Cabronaah.
Oo Cabronaahna way ka guureen, oo waxay degeen Cesyoon Geber.
36 從以旬‧迦別起行,安營在尋的曠野,就是加低斯。
Oo Cesyoon Geberna way ka guureen, oo waxay degeen cidladii Sin (taasoo ah Qaadeesh).
Oo Qaadeeshna way ka guureen, oo waxay degeen Buur Xor oo ku taal dalka reer Edom darafkiisa.
38 以色列人出了埃及地後四十年,五月初一日,祭司亞倫遵着耶和華的吩咐上何珥山,就死在那裏。
Markaasaa wadaadkii Haaruun ahaa wuxuu Buur Xor ku fuulay amarka Rabbiga, oo halkaasuu ku dhintay sannaddii afartanaad bishii shanaad maalinteedii kowaad markay reer binu Israa'iil dalkii Masar ka soo bexeen dabadeed.
Haaruunna markuu Buur Xor ku dhintay wuxuu jiray boqol iyo saddex iyo labaatan sannadood.
40 住在迦南南地的迦南人亞拉得王聽說以色列人來了。
Oo boqorkii Caraad oo reer Kancaan ahaa oo degganaa xagga koonfureed ee dalka reer Kancaan wuxuu maqlay in reer binu Israa'iil soo socdaan.
Oo waxay ka guureen Buur Xor, kolkaasay degeen Salmonaah.
Oo Salmonaahna way ka guureen, oo waxay degeen Fuunon.
Oo Fuunonna way ka guureen, oo waxay degeen Obod.
44 從阿伯起行,安營在以耶‧亞巴琳,摩押的邊界。
Oo Obodna way ka guureen, oo waxay degeen Ciyee Hacabaariim, oo ku taal soohdinta dalka Moo'aab.
Oo Ciyiimna way ka guureen, oo waxay degeen Diibon Gaad.
Oo Diibon Gaadna way ka guureen, oo waxay degeen Calmoon Diblaatayimaah.
47 從亞門‧低比拉太音起行,安營在尼波對面的亞巴琳山裏。
Oo Calmoon Diblaatayimaahna way ka guureen, oo waxay degeen buuraha Cabaariim oo Neboo ku hor yaal.
48 從亞巴琳山起行,安營在摩押平原-約旦河邊、耶利哥對面。
Oo haddana buurihii Cabaariim way ka guureen, oo waxay degeen bannaanka dalka Moo'aab oo Webi Urdun u dhow ee Yerixoo ka soo hor jeeda.
49 他們在摩押平原沿約旦河邊安營,從伯‧耶施末直到亞伯‧什亭。
Oo haddana waxay degeen Webi Urdun agtiisa tan iyo Beytyeshimood iyo xataa tan iyo Aabeel Shitiim oo ku yaal bannaanka dalka Moo'aab.
50 耶和華在摩押平原-約旦河邊、耶利哥對面曉諭摩西說:
Markaasaa Rabbigu Muuse kula hadlay bannaankii dalka Moo'aab oo Webi Urdun u dhowaa ee Yerixoo ka soo hor jeeday, oo wuxuu ku yidhi,
51 「你吩咐以色列人說:你們過約旦河進迦南地的時候,
Reer binu Israa'iil la hadal, oo waxaad ku tidhaahdaa, Markaad Webi Urdun gudubtaan oo aad dalka Kancaan gashaan,
52 就要從你們面前趕出那裏所有的居民,毀滅他們一切鏨成的石像和他們一切鑄成的偶像,又拆毀他們一切的邱壇。
waa inaad dadka dalka deggan oo dhan hortiinna ka eridaan, oo aad dhagaxyadooda sawirrada ah oo dhan wada baabbi'isaan, oo aad sanamyadooda la shubay oo dhan wada burburisaan, oo aad meelahooda sarsare oo dhan wada dumisaan.
53 你們要奪那地,住在其中,因我把那地賜給你們為業。
Markaas waa inaad dalka hanti ahaan u qaadataan oo aad iska dhex degtaan; waayo, dalka idinkaan idin siiyey inaad lahaataan.
54 你們要按家室拈鬮,承受那地;人多的,要把產業多分給他們;人少的,要把產業少分給他們。拈出何地給何人,就要歸何人。你們要按宗族的支派承受。
Oo dalka waa inaad qabiil qabiil saami ugu dhaxashaan. Inta badan waxaad siisaan dhaxalka badan, oo inta yarna waxaad siisaan dhaxalka yar. Oo meel alla meeshii nin saami ugu dhaco halkaas isagaa iska lahaanaya, oo sida qabiilooyinkii awowayaashiin yihiin waa inaad u dhaxashaan.
55 倘若你們不趕出那地的居民,所容留的居民就必作你們眼中的刺,肋下的荊棘,也必在你們所住的地上擾害你們。
Laakiinse haddaydnan dadka dalka deggan hortiinna ka eryin, markaas kuwii aad daysaan waxay idinku noqon doonaan sidii wax indhihiinna muda, iyo sidii qodxan dhinacyada idinkaga jira, oo waxay idinku dhibi doonaan dalka aad deggan tihiin.
56 而且我素常有意怎樣待他們,也必照樣待你們。」
Oo sidii aan ku talaggalay inaan iyaga ku sameeyo ayaan idinka idinku samayn doonaa.