< 尼希米記 10 >

1 簽名的是:哈迦利亞的兒子-省長尼希米,和西底家;
Haddaba kuwii shaabad ku dhammeeyey waxay ahaayeen Nexemyaah oo ahaa taliyaha oo ahaa ina Xakalyaah, iyo Sidqiyaah,
2 祭司:西萊雅、亞撒利雅、耶利米、
iyo Seraayaah, iyo Casaryaah, iyo Yeremyaah,
3 巴施戶珥、亞瑪利雅、瑪基雅、
iyo Fashxuur, iyo Amaryaah, iyo Malkiiyaah,
4 哈突、示巴尼、瑪鹿、
iyo Xatuush, iyo Shebanyaah, iyo Malluug,
5 哈琳、米利末、俄巴底亞、
iyo Haarim, iyo Mereemood, iyo Cobadyaah,
6 但以理、近頓、巴錄、
iyo Daanyeel, iyo Ginnetoon, iyo Baaruug,
7 米書蘭、亞比雅、米雅民、
iyo Meshullaam, iyo Abiiyaah, iyo Miyaamin,
8 瑪西亞、璧該、示瑪雅;
iyo Macasyaah, iyo Bilgay, iyo Shemacyaah. Oo intaasu waxay ahaayeen wadaaddadii.
9 又有利未人,就是亞散尼的兒子耶書亞、希拿達的子孫賓內、甲篾;
Oo kuwii reer Laawina waxay ahaayeen Yeeshuuca ina Asanyaah, iyo Binnuwii oo ahaa reer Xeenaadaad, iyo Qadmii'eel,
10 還有他們的弟兄示巴尼、荷第雅、基利他、毗萊雅、哈難、
iyo walaalahood oo ahaa Shebanyaah, iyo Hoodiyaah, iyo Qeliitaa, iyo Felaayaah, iyo Xaanaan,
11 米迦、利合、哈沙比雅、
iyo Miikaa, iyo Rexob, iyo Xashabyaah,
12 撒刻、示利比、示巴尼、
iyo Sakuur, iyo Sheereebyaah, iyo Shebanyaah,
13 荷第雅、巴尼、比尼努;
iyo Hoodiyaah, iyo Baanii, iyo Beniinuu.
14 又有民的首領,就是巴錄、巴哈‧摩押、以攔、薩土、巴尼、
Oo madaxdii dadkuna waxay ahaayeen: Farcosh, iyo Faxad Moo'aab, iyo Ceelaam, iyo Satuu, iyo Baanii,
15 布尼、押甲、比拜、
iyo Bunnii, iyo Casgaad, iyo Beebay,
16 亞多尼雅、比革瓦伊、亞丁、
iyo Adoniiyaah, iyo Bigway, iyo Caadiin,
17 亞特、希西家、押朔、
iyo Aateer, iyo Xisqiyaah, iyo Casuur,
18 荷第雅、哈順、比賽、
iyo Hoodiyaah, iyo Xaashum, iyo Beesay,
19 哈拉、亞拿突、尼拜、
iyo Xaariif, iyo Canaatood, iyo Noobay,
20 抹比押、米書蘭、希悉、
iyo Magfiicaash, iyo Meshullaam, iyo Xeesiir,
21 米示薩別、撒督、押杜亞、
iyo Mesheysabeel, iyo Saadooq, iyo Yadduuca,
22 毗拉提、哈難、亞奈雅、
iyo Felatyaah, iyo Xaanaan, iyo Canaayaah,
23 何細亞、哈拿尼雅、哈述、
iyo Hoosheeca, iyo Xananyaah, iyo Xashuub,
24 哈羅黑、毗利哈、朔百、
iyo Hallooxeesh, iyo Filxaa, iyo Shoobeeq,
25 利宏、哈沙拿、瑪西雅、
iyo Rexuum, iyo Xashabnaah, iyo Macaseeyaah,
26 亞希雅、哈難、亞難、
iyo Axiiyaah, iyo Xaanaan, iyo Caanaan,
27 瑪鹿、哈琳、巴拿。
iyo Malluug, iyo Haarim, iyo Bacanaah.
28 其餘的民、祭司、利未人、守門的、歌唱的、尼提寧,和一切離絕鄰邦居民歸服上帝律法的,並他們的妻子、兒女,凡有知識能明白的,
Oo dadka intiisii kale oo dhan oo ahaa wadaaddadii, iyo kuwii reer Laawi, iyo irid-dhawryadii, iyo kuwii gabayaaga ahaa, iyo reer Netiiniim, iyo kulli intii iska soocday dadyowgii dalka degganaa oo raacday sharcigii Ilaah, iyo naagahoodii, iyo wiilashoodii, iyo gabdhahoodii, iyo mid kasta oo lahaa aqoon iyo waxgarasho,
29 都隨從他們貴冑的弟兄,發咒起誓,必遵行上帝藉他僕人摩西所傳的律法,謹守遵行耶和華-我們主的一切誡命、典章、律例;
waxay raaceen walaalahoodii gobtoodii ahaa, oo waxay galeen dhaar habaar leh inay ku soconayaan sharciga Ilaah oo loo soo dhiibay Muuse oo ahaa addoonkii Ilaah, iyo inay dhawrayaan oo wada yeelayaan amarrada Rabbiga ah Sayidkeenna, iyo xukummadiisa iyo qaynuunnadiisa,
30 並不將我們的女兒嫁給這地的居民,也不為我們的兒子娶他們的女兒。
iyo inaynaan gabdhaheenna siinayn dadyowga dalka deggan, oo aynaan gabdhahoodana wiilasheenna u guurinayn;
31 這地的居民若在安息日,或甚麼聖日,帶了貨物或糧食來賣給我們,我們必不買。每逢第七年必不耕種,凡欠我們債的必不追討。
iyo haddii dadyowga dalka degganu ay maalinta sabtida keenaan waxyaalo iib ah iyo cunto uun inaynaan iibsanayn maalintii sabtida iyo maalin quduus ah toona, iyo inaan sannadda toddobaad beeraha dayno oo qaan kasta saamaxno.
32 我們又為自己定例,每年各人捐銀一舍客勒三分之一,為我們上帝殿的使用,
Oo weliba waxaynu samaysannay amarro inagu xukumaya inaynu sannad kasta sheqel saddexdaloolkiis u bixinayno adeegidda guriga Ilaaheenna, taas oo ah:
33 就是為陳設餅、常獻的素祭,和燔祭,安息日、月朔、節期所獻的與聖物,並以色列人的贖罪祭,以及我們上帝殿裏一切的費用。
kibistii tusniinta, iyo qurbaanka hadhuudhka oo joogtada ah, iyo qurbaanka la gubo oo joogtada ah, iyo kan Sabtiyada, iyo kan bilaha cusub, iyo kan iidaha la amray, iyo kan waxyaalaha quduuska ah, iyo qurbaannada dembiga si kafaaraggud loogu sameeyo reer binu Israa'iil, iyo kulli waxa loo sameeyo guriga Ilaah oo dhan.
34 我們的祭司、利未人,和百姓都掣籤,看每年是哪一族按定期將獻祭的柴奉到我們上帝的殿裏,照着律法上所寫的,燒在耶和華-我們上帝的壇上。
Oo innagoo ah wadaaddada iyo kuwii reer Laawi iyo dadkii kaleba saami baynu u ridannay qurbaanka qoryaha inaynu wakhtigii sannad kasta la amray qoryo gelinayno guriga Ilaaheenna sida qolooyinkeennu yihiin, si qoryaha loogu dul shido meesha allabariga ee Rabbiga Ilaaheenna ah, siday taasu sharciga ugu qoran tahay,
35 又定每年將我們地上初熟的土產和各樣樹上初熟的果子都奉到耶和華的殿裏。
iyo inaynu sannad kasta guriga Rabbiga keenayno midhaha ugu horreeya dhulkeenna iyo midhaha ugu horreeya geedo cayn kasta ah,
36 又照律法上所寫的,將我們頭胎的兒子和首生的牛羊都奉到我們上帝的殿,交給我們上帝殿裏供職的祭司;
iyo weliba curadka wiilasheenna iyo curadka xoolaheenna, siday taasu sharciga ugu qoran tahay, in curadka lo'deenna iyo idaheenna la keeno guriga Ilaaheenna oo loo dhiibo wadaaddada ka dhex adeega guriga Ilaaheenna;
37 並將初熟之麥子所磨的麵和舉祭、各樣樹上初熟的果子、新酒與油奉給祭司,收在我們上帝殿的庫房裏,把我們地上所產的十分之一奉給利未人,因利未人在我們一切城邑的土產中當取十分之一。
iyo inaynu wadaaddada qolalka guriga Ilaaheenna ugu keenayno inta ugu horraysa cajiinkeenna, iyo qurbaannadeenna, iyo midhaha geedo cayn kasta ah, iyo khamriga, iyo saliidda, iyo inaynu waxa dhulkeenna ka baxa toban meelood meel ka siinayno kuwa reer Laawi, waayo, reer Laawi waxay meeltobnaadyada ka qaadan jireen beeraha magaalooyinkeenna oo dhan.
38 利未人取十分之一的時候,亞倫的子孫中,當有一個祭司與利未人同在。利未人也當從十分之一中取十分之一,奉到我們上帝殿的屋子裏,收在庫房中。
Oo wadaadka oo ah reer Haaruun wuxuu la joogi doonaa kuwa reer Laawi markay meeltobnaadyada qaadayaan; oo reer Laawina meeltobnaadyada ay toban meelood meel ka sii bixiyaan waxay keeni doonaan guriga Ilaaheenna ilaa qolalka ah guriga khasnadda.
39 以色列人和利未人要將五穀、新酒,和油為舉祭,奉到收存聖所器皿的屋子裏,就是供職的祭司、守門的、歌唱的所住的屋子。這樣,我們就不離棄我們上帝的殿。
Waayo, reer binu Israa'iil iyo reer Laawi waxay qurbaanka hadhuudhka, iyo kan khamriga, iyo kan saliidda keeni doonaan qolalka ah meesha ay yaalliin weelasha meesha quduuska ah, oo ay joogaan wadaaddada adeega, iyo irid-dhawryada, iyo kuwa gabayaaga ah. Oo innaguna guriga Ilaaheenna dayrin mayno.

< 尼希米記 10 >