< 士師記 11 >

1 基列人耶弗他是個大能的勇士,是妓女的兒子。耶弗他是基列所生的。
Haddaba Yeftaah oo reer Gilecaad ahaa wuxuu ahaa nin xoog leh, oo wuxuuna ahaa dhillo wiilkeed. Yeftaahna waxaa dhalay Gilecaad.
2 基列的妻也生了幾個兒子:他妻所生的兒子長大了,就趕逐耶弗他,說:「你不可在我們父家承受產業,因為你是妓女的兒子。」
Oo Gilecaad naagtiisiina wiilal bay u dhashay, oo wiilashii naagtiisuna markay koreen ayay Yeftaah iska eryeen, oo waxay ku yidhaahdeen, Reerka aabbeheen adigu nala dhaxli maysid; maxaa yeelay, naag kalaa ku dhashay.
3 耶弗他就逃避他的弟兄,去住在陀伯地,有些匪徒到他那裏聚集,與他一同出入。
Markaasuu Yeftaah walaalihiis ka cararay, oo wuxuu degay dalkii Toob: markaasaa waxaa isku soo ururay ciyaalasuuq, oo iyana waxay raaceen Yeftaah.
4 過了些日子,亞捫人攻打以色列。
Oo intii wakhti ah dabadeed ayay reer Cammoon la dirireen reer binu Israa'iil.
5 亞捫人攻打以色列的時候,基列的長老到陀伯地去,要叫耶弗他回來;
Oo markii reer Cammoon ay la dirireen reer binu Israa'iil ayaa odayaashii reer Gilecaad Yeftaah ka dooneen dalkii Toob;
6 對耶弗他說:「請你來作我們的元帥,我們好與亞捫人爭戰。」
oo waxay Yeftaah ku yidhaahdeen, Kaalay oo madax noo noqo, aynu reer Cammoon la dirirnee.
7 耶弗他回答基列的長老說:「從前你們不是恨我、趕逐我出離父家嗎?現在你們遭遇急難為何到我這裏來呢?」
Markaasuu Yeftaah odayaashii reer Gilecaad ku yidhi, War sow ima aydnaan nebcayn oo igama aydnaan eryin reerkii aabbahay? Maxaad haatan iigu timaadeen idinkoo cidhiidhi ku jira?
8 基列的長老回答耶弗他說:「現在我們到你這裏來,是要你同我們去,與亞捫人爭戰;你可以作基列一切居民的領袖。」
Oo odayaashii reer Gilecaadna waxay ku yidhaahdeen Yeftaah, War haatan waannu kuu soo noqonnay si aad noo raacdid oo aad ula dirirtid reer Cammoon, oo madax ayaad noo noqonaysaa oo waxaad ugu sarraynaysaa dadka deggan dalka Gilecaad oo dhan.
9 耶弗他對基列的長老說:「你們叫我回去,與亞捫人爭戰,耶和華把他交給我,我可以作你們的領袖嗎?」
Markaasuu Yeftaah ku yidhi odayaashii reer Gilecaad, Haddaad mar kale dalkii iigu celisaan inaan reer Cammoon la diriro, oo Rabbigu iyaga gacanta ii soo geliyo, de markaas madax ma idiin noqonayaa?
10 基列的長老回答耶弗他說:「有耶和華在你我中間作見證,我們必定照你的話行。」
Oo odayaashii reer Gilecaadna waxay Yeftaah ku yidhaahdeen, Taas Rabbigu ha ka noqdo marag inoo dhexaya; oo hubaal waxaannu yeelaynaa siduu eraygaagu yahay.
11 於是耶弗他同基列的長老回去,百姓就立耶弗他作領袖、作元帥。耶弗他在米斯巴將自己的一切話陳明在耶和華面前。
Markaasuu Yeftaah raacay odayaashii reer Gilecaad oo dadkiina waxay isagii ka dhigteen madax iyo ugaas iyaga ka sarreeya; oo Yeftaah wuxuu hadalkiisii oo dhan Rabbiga ugu sheegay Misfaah.
12 耶弗他打發使者去見亞捫人的王,說:「你與我有甚麼相干,竟來到我國中攻打我呢?」
Markaasuu Yeftaah wargeeyayaal u diray boqorkii reer Cammoon, oo wuxuu ku yidhi, War maxaa inaga dhexeeya, oo maxaad iigu timid oo aad dalkayga iigu la diriraysaa?
13 亞捫人的王回答耶弗他的使者說:「因為以色列人從埃及上來的時候佔據我的地,從亞嫩河到雅博河,直到約旦河。現在你要好好地將這地歸還吧!」
Markaasuu boqorkii reer Cammoon ku yidhi wargeeyayaashii Yeftaah ka yimid, Maxaa yeelay, reer binu Israa'iil markii ay ka yimaadeen Masar, waxay iga dhaceen dalkaygii ilaa Arnoon iyo tan iyo xataa Yabboq, iyo ilaa Urdun; haddaba dalalkaas oo dhan nabad iigu soo celi.
14 耶弗他又打發使者去見亞捫人的王,
Oo Yeftaah haddana wargeeyayaal buu u diray boqorkii reer Cammoon;
15 對他說:「耶弗他如此說,以色列人並沒有佔據摩押地和亞捫人的地。
oo wuxuu ku yidhi, Yeftaah wuxuu leeyahay, Reer binu Israa'iil ma dhicin dalkii reer Moo'aab iyo dalkii reer Cammoon toona:
16 以色列人從埃及上來乃是經過曠野到紅海,來到加低斯,
laakiinse markii ay ka yimaadeen Masar, reer binu Israa'iil waxay soo mareen cidlada ilaa xagga Badda Cas, oo dabadeedna waxay yimaadeen Qaadeesh;
17 就打發使者去見以東王,說:『求你容我從你的地經過。』以東王卻不應允。又照樣打發使者去見摩押王,他也不允准。以色列人就住在加低斯。
markaasaa reer binu Israa'iil waxay wargeeyayaal u direen boqorkii reer Edom, oo waxay ku yidhaahdeen, Waannu ku baryaynaaye, aannu dalkaaga dhex marno; laakiinse boqorkii reer Edom ma uu dhegaysan. Sidaas oo kalena waxay cid u direen boqorkii reer Moo'aab; laakiinse isna wuu diiday; oo reer binu Israa'iilna waxay iska joogeen Qaadeesh.
18 他們又經過曠野,繞着以東和摩押地,從摩押地的東邊過來,在亞嫩河邊安營,並沒有入摩押的境內,因為亞嫩河是摩押的邊界。
Markaasay dhex mareen cidladii, oo waxay hareereeyeen dalkii reer Edom, iyo dalkii reer Moo'aab, oo waxay yimaadeen geesta bari oo dalka reer Moo'aab, oo waxay degeen Arnoon geesteeda kale; laakiinse soohdintii reer Moo'aab sooma ay gelin, waayo, Arnoon waxay ahayd soohdintii dalka reer Moo'aab.
19 以色列人打發使者去見亞摩利王西宏,就是希實本的王,對他說:『求你容我們從你的地經過,往我們自己的地方去。』
Markaasay reer binu Israa'iil wargeeyayaal u direen boqorkii reer Amor oo Siixon ahaa oo boqor u ahaa Xeshboon; oo reer binu Israa'iil waxay ku yidhaahdeen Siixon, Waannu ku baryaynaaye, aannu dalkaaga dhex marno si aannu ugu gudubno meeshayadii.
20 西宏卻不信服以色列人,不容他們經過他的境界,乃招聚他的眾民在雅雜安營,與以色列人爭戰。
Laakiinse Siixon ma aaminin reer binu Israa'iil inay dhex maraan dalkiisii; laakiinse Siixon wuxuu soo urursaday dadkiisii oo dhan, oo intuu Yahas soo degay ayuu reer binu Israa'iil la diriray.
21 耶和華-以色列的上帝將西宏和他的眾民都交在以色列人手中,以色列人就擊殺他們,得了亞摩利人的全地:
Markaasuu Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil Siixon iyo dadkiisii oo dhanba ku riday gacantii reer binu Israa'iil oo iyana way laayeen iyagii; oo sidaasay reer binu Israa'iil ku hantiyeen dalkii reer Amor oo dhan iyo dadkii waddankaasba.
22 從亞嫩河到雅博河,從曠野直到約旦河。
Oo waxay hantiyeen dalkii reer Amor oo dhan tan iyo Arnoon iyo ilaa Yabboq, iyo tan iyo cidlada iyo ilaa Webi Urdun.
23 耶和華-以色列的上帝在他百姓以色列面前趕出亞摩利人,你竟要得他們的地嗎?
Haddaba haatan inta Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil reer Amor dalka kaga qaaday dadkiisa reer binu Israa'iil hortooda, miyaad adigu qabsanaysaa iyaga?
24 你的神基抹所賜你的地你不是得為業嗎?耶和華-我們的上帝在我們面前所趕出的人,我們就得他的地。
Sow lahaan maysid wuxuu ilaahaaga Kemoosh ahu ku siiyo inaad lahaatid? Taas aawadeed kuwa Rabbiga Ilaahayaga ahu hortayada ka eryo waannu qabsan doonnaa.
25 難道你比摩押王西撥的兒子巴勒還強嗎?他曾與以色列人爭競,或是與他們爭戰嗎?
Haddaba miyaad ka wanaagsan tahay boqorkii reer Moo'aab oo ahaa Baalaaq ina Sifoor? Miyuu weligiis la diriray reer binu Israa'iil, oo miyuu weligiis la dagaallamay reer binu Israa'iil?
26 以色列人住希實本和屬希實本的鄉村,亞羅珥和屬亞羅珥的鄉村,並沿亞嫩河的一切城邑,已經有三百年了;在這三百年之內,你們為甚麼沒有取回這些地方呢?
Oo intii reer binu Israa'iil ay degganaayeen Xeshboon iyo magaalooyinkeedii, iyo Carooceer iyo magaalooyinkeedii, iyo magaalooyinkii Arnoon dhinaceeda ku yiil oo dhan, intaasu waxay ahayd saddex boqol oo sannadood ee maxaad wakhtigaas u soo qabsan weydeen?
27 原來我沒有得罪你,你卻攻打我,惡待我。願審判人的耶和華今日在以色列人和亞捫人中間判斷是非。」
Sidaas daraaddeed anigu kuguma aan dembaabin, laakiinse adigu qalad baad igu samaynaysaa inaad ila dirirto. Rabbiga xaakinka ahu maanta ha noqdo xaakin u dhexeeya reer binu Israa'iil iyo reer Cammoon.
28 但亞捫人的王不肯聽耶弗他打發人說的話。
Habase yeeshee, boqorkii reer Cammoon ma uu dhegaysan erayadii Yeftaah u soo diray.
29 耶和華的靈降在耶弗他身上,他就經過基列和瑪拿西,來到基列的米斯巴,又從米斯巴來到亞捫人那裏。
Markaasaa Ruuxii Rabbigu wuxuu ku soo degay Yeftaah, oo wuxuu soo dhaafay reer Gilecaad iyo reer Manaseh, oo wuxuu soo dhaafay Misfaah tii reer Gilecaad, oo markaasuu Misfaah tii reer Gilecaadna wuxuu uga sii gudbay xagga reer Cammoon.
30 耶弗他就向耶和華許願,說:「你若將亞捫人交在我手中,
Markaasaa Yeftaah wuxuu Rabbiga u nidray nidar, oo wuxuu yidhi, Hubaal haddaad reer Cammoon gacantayda soo geliso,
31 我從亞捫人那裏平平安安回來的時候,無論甚麼人,先從我家門出來迎接我,就必歸你,我也必將他獻上為燔祭。」
markaasaa wax alla wixii irdaha gurigayga ka soo baxo inuu ila kulmo markaan reer Cammoon nabad kaga soo noqdo, waxaa lahaan doona Rabbiga, oo waxaan u bixin doonaa allabari la gubo.
32 於是耶弗他往亞捫人那裏去,與他們爭戰;耶和華將他們交在他手中,
Markaasuu Yeftaah u gudbay xagga reer Cammoon inuu la dagaallamo, oo Rabbiguna gacantiisuu soo geliyey.
33 他就大大殺敗他們,從亞羅珥到米匿,直到亞備勒‧基拉明,攻取了二十座城。這樣亞捫人就被以色列人制伏了。
Oo wuxuu iyagii laayay ilaa Carooceer iyo tan iyo ilaa aad Minniid timaadid, oo intaasu waxay ahaayeen labaatan magaalo, oo ilaa Aabeel Keraamiimna wuxuu ku laayay dad badan. Sidaasaa reer Cammoon loogu hoosaysiiyey reer binu Israa'iil hortooda.
34 耶弗他回米斯巴到了自己的家,不料,他女兒拿着鼓跳舞出來迎接他,是他獨生的,此外無兒無女。
Markaasuu Yeftaah yimid Misfaah xagga gurigiisii, oo bal eeg, gabadhiisii baa ka soo baxday inay la kulanto, iyadoo daf tumaysa oo cayaaraysa. Madi bay u ahayd oo iyada mooyaane wiil iyo gabadh midna ma uu lahayn.
35 耶弗他看見她,就撕裂衣服,說:「哀哉!我的女兒啊,你使我甚是愁苦,叫我作難了;因為我已經向耶和華開口許願,不能挽回。」
Oo markuu arkay iyadii ayuu dharkiisii iska jeexjeexay, oo wuxuu yidhi, Hoogay gabadhaydiiyey! Hoos baad ii dhigtay, oo waxaad tahay kuwa i dhiba middood; waayo, Rabbigaan afkayga u furay, oo dibna uma aan noqon karo.
36 他女兒回答說:「父啊,你既向耶和華開口,就當照你口中所說的向我行,因耶和華已經在仇敵亞捫人身上為你報仇」;
Oo waxay ku tidhi, Aabbahayow, Rabbigaad afkaaga u furtay, haddaba igu samee wixii afkaaga ka soo baxay, waayo, Rabbigu waa kaaga aarguday cadaawayaashaadii, kuwaasoo ahaa reer Cammoon.
37 又對父親說:「有一件事求你允准:容我去兩個月,與同伴在山上,好哀哭我終為處女。」
Oo waxay aabbaheed ku tidhi, Bal waxan ha la ii sameeyo, intii laba bilood ah i daa, oo intaan buuraha tago, aniga iyo saaxiibadahay, aan bikradnimadayda u baroortee.
38 耶弗他說:「你去吧!」就容她去兩個月。她便和同伴去了,在山上為她終為處女哀哭。
Markaasuu yidhi, Tag. Oo intii laba bilood ah ayuu iska diray; oo iyadii iyo saaxiibadaheedba way tageen, oo bikradnimadeedii ayay buuraha ugu soo baroorteen.
39 兩月已滿,她回到父親那裏,父親就照所許的願向她行了。女兒終身沒有親近男子。
Oo labadii bilood dabadeed ayay ku soo noqotay aabbaheed, oo isna wuxuu ku sameeyey sidii uu nidarka ku galay; oo iyana nin ma ay aqoon. Oo reer binu Israa'iilna waxaa caado u ahaa,
40 此後以色列中有個規矩,每年以色列的女子去為基列人耶弗他的女兒哀哭四天。
inay gabdhaha reer binu Israa'iil sannad walba afar maalmood baxaan oo u baroortaan gabadhii Yeftaah kii reer Gilecaad.

< 士師記 11 >