< 耶利米書 48 >

1 論摩押。萬軍之耶和華-以色列的上帝如此說: 尼波有禍了!因變為荒場。 基列亭蒙羞被攻取; 米斯迦蒙羞被毀壞;
Rabbiga ciidammada oo ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu reer Moo'aab ka leeyahay, Waxaa iska hoogtay Neboo! Waayo, iyadu way baabba'day. Qiryaatayim waa la ceebeeyey oo waa la qabsaday, Misgaabna waa la ceebeeyey, waana la dumiyey.
2 摩押不再被稱讚。 有人在希實本設計謀害她,說: 來吧!我們將她剪除,不再成國。 瑪得緬哪,你也必默默無聲; 刀劍必追趕你。
Dalka Moo'aab ammaan dambe ma leh. Xeshboon baa shar loogu hindisay, oo waxaa la yidhaahdaa, Kaalaya oo aynu baabbi'innee si ayan quruun u sii ahaan. Madmeenay, adigana waa lagu baabbi'in doonaa, oo seef baa ku eryan doonta.
3 從何羅念有喊荒涼大毀滅的哀聲:
Oo waxaa Xoronayim laga maqli doonaa oohin qayladeed, kharribaad iyo baabba' weyn aawadood.
4 摩押毀滅了! 她的孩童發哀聲,使人聽見。
Dalka Moo'aab waa la wada baabbi'iyey, oo dhallaankiisiina qaylo bay maqashiiyeen.
5 人上魯希坡隨走隨哭, 因為在何羅念的下坡聽見毀滅的哀聲。
Waayo, jiirtii Luxiid waxaa lala fuuli doonaa oohin aan kala joogsanayn, waayo, dhaadhaca Xoronayim waxay ka maqleen tiiraanyadii oohinta baabbi'idda.
6 你們要奔逃,自救性命, 獨自居住,好像曠野的杜松。
Carara, oo naftiinna badbaadiya, oo waxaad noqotaan sida geed xun oo cidlada ku yaal oo kale.
7 你因倚靠自己所做的和自己的財寶必被攻取。 基抹和屬他的祭司、首領也要一同被擄去。
Waayo, waxaad isku hallaysay shuqulladaada iyo khasnadahaaga, oo sidaas daraaddeed adigana waa lagu qabsan doonaa, oo Kemooshna maxaabiis ahaan buu u bixi doonaa, isaga iyo wadaaddadiisa, iyo amiirradiisaba.
8 行毀滅的必來到各城, 並無一城得免。 山谷必致敗落, 平原必被毀壞; 正如耶和華所說的。
Oo baabbi'iyuhuna wuxuu ku soo duuli doonaa magaalo kasta, oo magaalona kama baxsan doonto. Oo weliba sidii Rabbigu yidhi, Dooxaduna way halligmi doontaa, oo bannaankuna wuu baabbi'i doonaa.
9 要將翅膀給摩押, 使她可以飛去。 她的城邑必致荒涼, 無人居住。 (
Dalka Moo'aab baalal siiya si uu u duulo oo uu u cararo. Magaalooyinkiisu waxay noqon doonaan cidla aan ciduna dhex degganayn.
10 懶惰為耶和華行事的,必受咒詛;禁止刀劍不經血的,必受咒詛。)
Inkaaru ha ku dhacdo kii shuqulka Rabbiga si dayac ah u sameeya, oo inkaaru ha ku dhacdo kii seeftiisa dib uga celiya inay dhiig daadiso.
11 摩押自幼年以來常享安逸, 如酒在渣滓上澄清, 沒有從這器皿倒在那器皿裏, 也未曾被擄去。 因此,它的原味尚存, 香氣未變。
Dalka Moo'aab wuu iska istareexsanaa tan iyo yaraantiisii, oo sida khamri deggan ayuu iskaga dul fadhiyey gufarkiisii, oo weelna weel kale lagagama shubin, oo maxaabbiisahaanna marna looma kaxaysan, sidaas daraaddeed dhadhankiisii wuu ku sii hadhay isaga, oo udgoonkiisiina innaba ma beddelmin.
12 耶和華說:「日子將到,我必打發倒酒的往她那裏去,將她倒出來,倒空她的器皿,打碎她的罈子。
Sidaas daraaddeed Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal eega, waxaa iman doona wakhti aan isaga u soo diri doono kuwa wax shuba, isagayna shubayaan, oo weelashiisay madhinayaan, oo jalxadihiisana wada burburinayaan.
13 摩押必因基抹羞愧,像以色列家從前倚靠伯特利的神羞愧一樣。
Sidii reer binu Israa'iil ay Beytel oo ay ku kalsoonaayeen ugu ceeboobeen, sidaas oo kale ayaa reer Moo'aabna Kemoosh ugu ceeboobi doonaa.
14 你們怎麼說: 我們是勇士,是有勇力打仗的呢?
Idinku sidee baad u odhan kartaan, Annagu waxaannu nahay dagaalyahan iyo rag u xoog badan dagaalka?
15 摩押變為荒場, 敵人上去進了她的城邑。 她所特選的少年人下去遭了殺戮; 這是君王-名為萬軍之耶和華說的。
Boqorka magiciisu yahay Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Dalka Moo'aab cidla buu noqday, oo magaalooyinkiisiina way baabbe'een, oo kuwa barbaarradiisii u wanaagsanaana waxay hoos ugu dhaadheceen in la gowraco.
16 摩押的災殃臨近; 她的苦難速速來到。
Moo'aab masiibadiisii mar dhow bay imanaysaa, oo dhibtiisiina aad iyo aad bay u soo degdegaysaa.
17 凡在她四圍的和認識她名的, 你們都要為她悲傷,說: 那結實的杖和那美好的棍, 何竟折斷了呢?
Kuwiinna hareerihiisa ku wareegsan oo magiciisa yaqaan oo dhammow, u baroorta, oo waxaad tidhaahdaan, Ushii xoogga iyo quruxda badnayd sidee bay u kala jabtay!
18 住在底本的民哪, 要從你榮耀的位上下來, 坐受乾渴; 因毀滅摩押的上來攻擊你, 毀壞了你的保障。
Dadka Diibon degganow, sharaftaada hoos uga soo deg oo oon la fadhiiso, waayo, waxaa kugu soo duulay baabbi'iyaha Moo'aab, oo isagu wuxuu dumiyey qalcadahaaga adadag.
19 住亞羅珥的啊, 要站在道旁觀望, 問逃避的男人和逃脫的女人說: 是甚麼事呢?
Kuwiinna Carooceer degganow, bal jidka dhiniciisa istaaga, oo bal wax fiiriya, oo kan sii cararaya iyo tan sii baxsanaysa waxaad weyddiisaan waxa dhacay.
20 摩押因毀壞蒙羞; 你們要哀號呼喊, 要在亞嫩旁報告說: 摩押變為荒場!
Moo'aab waa la ceebeeyey, waayo, wuu baabba'ay. Haddaba ooya oo qayliya, oo Arnoon ka sheega in Moo'aab baabba'ay.
21 「刑罰臨到平原之地的何倫、雅雜、米法押、
Xukun baa ku dhacay dalka bannaanka ah, iyo Xolon, iyo Yahsaah, iyo Mefacad,
22 底本、尼波、伯‧低比拉太音、
iyo Diibon, iyo Neboo, iyo Beytdiblaatayim,
23 基列亭、伯‧迦末、伯‧米恩、
iyo Qiryaatayim, iyo Beytgaamuul, iyo Beytmecoon,
24 加略、波斯拉,和摩押地遠近所有的城邑。
iyo Qiryood, iyo Bosraah, iyo magaalooyinka dalka Moo'aab oo dhan, kuwa dhow iyo kuwa fogba.
25 摩押的角砍斷了,摩押的膀臂折斷了。這是耶和華說的。」
Rabbigu wuxuu leeyahay, Dalka Moo'aab geeskiisii waa la gooyay oo gacantiisiina waa jabtay.
26 「你們要使摩押沉醉,因她向耶和華誇大。她要在自己所吐之中打滾,又要被人嗤笑。
Isaga sakhraamiya, waayo, Rabbiguu iska sii weyneeyey, oo Moo'aab wuxuu ku dhex galgalan doonaa mantaggiisa, oo weliba wuxuu noqon doonaa wax lagu qoslo.
27 摩押啊,你不曾嗤笑以色列嗎?她豈是在賊中查出來的呢?你每逢提到她便搖頭。
Waayo, miyaan dalka Israa'iil wax lagu qoslo kuu ahayn? Miyaase isaga laga helay tuugag dhexdood? Waayo, markaad isaga ka hadashidba madaxaad ruxruxdaa.
28 摩押的居民哪, 要離開城邑,住在山崖裏, 像鴿子在深淵口上搭窩。
Kuwa dalka Moo'aab degganow, magaalooyinka ka taga, oo dhagaxa weyn ku hoyda, oo waxaad la mid noqotaan sidii qoolleyda buulkeeda ka samaysata dhinacyada bohol afkeeda.
29 我們聽說摩押人驕傲, 是極其驕傲; 聽說他自高自傲, 並且狂妄,居心自大。
Waxaannu maqalnay kibirkii Moo'aab oo uu aad u kibray, iyo xataa kor-isu-qaadiddiisa, iyo kibirkiisa, iyo madaxweynaantiisa, iyo qabweynaanta qalbigiisaba.
30 耶和華說: 我知道他的忿怒是虛空的; 他誇大的話一無所成。
Rabbigu wuxuu leeyahay, Anigu waan ogahay inaan cadhadiisu waxba ahayn oo faankiisuna innaba waxba tarayn.
31 因此,我要為摩押哀號, 為摩押全地呼喊; 人必為吉珥‧哈列設人歎息。
Sidaas daraaddeed Moo'aab waan u barooran doonaa, oo waxaan u qaylin doonaa reer Moo'aab oo dhan daraaddood, waana loo barooran doonaa dadka Qiir Xeres.
32 西比瑪的葡萄樹啊,我為你哀哭, 甚於雅謝人哀哭。 你的枝子蔓延過海, 直長到雅謝海。 那行毀滅的已經臨到你夏天的果子 和你所摘的葡萄。
Canabka Sibmaahow, waxaan kuugu ooyi doonaa oohin ka sii daran tii Yacser. Laamahaagii badday dhaafeen, oo waxay gaadheen xataa tan iyo badda Yacser. Baabbi'iyihii wuxuu soo dhacay midhahaagii la hor guray iyo canabkaagii.
33 肥田和摩押地的歡喜快樂都被奪去; 我使酒醡的酒絕流, 無人踹酒歡呼; 那歡呼卻變為仇敵的吶喊。
Farxadda iyo rayraynta waa laga qaaday beertii midhaha badnayd iyo dalka Moo'aabba, oo waxaan ka dhigay in khamri macsarooyinka laga waayo, oo ciduna kuma tuman doonto iyagoo heesaya, oo heestooduna innaba hees ma noqon doonto.
34 「希實本人發的哀聲達到以利亞利,直達到雅雜;從瑣珥達到何羅念,直到伊基拉‧施利施亞,因為寧林的水必然乾涸。」
Qayladii Xeshboon waxay gaadhay Elecaaleeh iyo tan iyo Yahas, oo waxaa laga dhawaaqay Socar iyo ilaa Xoronayim iyo ilaa Ceglad Shelishiyaah, waayo, xataa biyihii Nimriim way baabba'ayaan.
35 耶和華說:「我必在摩押地使那在邱壇獻祭的,和那向他的神燒香的都斷絕了。
Oo weliba Rabbigu wuxuu leeyahay, Waxaan Moo'aab ka joojin doonaa kan meesha sare allabariga ku bixiya, iyo kan ilaahyadiisa fooxa u shidaba.
36 我心腹為摩押哀鳴如簫,我心腸為吉珥‧哈列設人也是如此,因摩押人所得的財物都滅沒了。
Oo sidaas daraaddeed dalka Moo'aab aawadiis qalbigaygu waa u dhawaaqaa sida biibiile oo kale, oo dadka Qiir Xeres aawadoodna qalbigaygu sida biibiile oo kale waa u dhawaaqaa, saas aawadeed maalkii badnaa ee ay heleen waa ka wada baabba'ay.
37 「各人頭上光禿,鬍鬚剪短,手有劃傷,腰束麻布。
Waayo, madax kastaba waa la xiiray, oo gadh kastaba waa la jaray, oo gacmaha oo dhanna nabaraa ku kor yaal, oo dhexdana joonyad baa ku xidhan.
38 在摩押的各房頂上和街市上處處有人哀哭;因我打碎摩押,好像打碎無人喜悅的器皿。這是耶和華說的。
Rabbigu wuxuu leeyahay, Guryaha Moo'aab dushooda, iyo jidadkiisa dhexdooda waxaa meel kasta jira baroorasho, waayo, Moo'aab waxaan u burburiyey sidii weel aan la doonaynin oo kale.
39 摩押何等毀壞!何等哀號!何等羞愧轉背!這樣,摩押必令四圍的人嗤笑驚駭。」
Sidee buu u dumay! Sidee baa reer Moo'aab dhabarka ceeb ula sii jeediyey! Markaasuu reer Moo'aab kuwa hareerihiisa ku wareegsan oo dhan u noqon doonaa wax lagu qoslo oo lagu naxo.
40 耶和華如此說: 仇敵必如大鷹飛起, 展開翅膀,攻擊摩押。
Waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal eega, wuxuu u soo duuli doonaa sida gorgor oo kale, oo baalashiisana wuxuu ku fidin doonaa dalka Moo'aab.
41 加略被攻取,保障也被佔據。 到那日,摩押的勇士心中疼痛如臨產的婦人。
Qiryood waa la qabsaday, oo qalcadihiina waa la argaggixiyey, oo ragga xoogga badan ee Moo'aab qalbigoodu wuxuu maalintaas noqon doonaa sida naag fooli hayso qalbigeed oo kale.
42 摩押必被毀滅,不再成國, 因她向耶和華誇大。
Oo Moo'aab waa la baabbi'in doonaa si uusan innaba quruun u sii ahaan, maxaa yeelay, Rabbiguu iska sii weyneeyey.
43 耶和華說:摩押的居民哪, 恐懼、陷坑、網羅都臨近你。
Rabbigu wuxuu leeyahay, Kan Moo'aab degganow, waxaa ku hor yaal cabsi, iyo yamays, iyo dabin.
44 躲避恐懼的必墜入陷坑; 從陷坑上來的必被網羅纏住; 因我必使追討之年臨到摩押。 這是耶和華說的。
Kii cabsida ka cararaa wuxuu ku dhici doonaa yamayska, oo kii yamayska ka soo baxana waxaa qaban doona dabinka, waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Waxaan reer Moo'aab ku soo dul dejin doonaa sannaddii ciqaabiddooda.
45 躲避的人無力站在希實本的影下; 因為有火從希實本發出, 有火焰出於西宏的城, 燒盡摩押的角和鬨嚷人的頭頂。
Kuwii cararay waxay istaagan yihiin hooska Xeshboon, iyagoo taag gabay, waayo, dab baa Xeshboon ka soo baxay, ololna wuxuu ka soo baxay Siixon dhexdeeda, oo wuxuu baabbi'iyey Moo'aab darafkeeda iyo kuwa bulxanka badan dhaladooda.
46 摩押啊,你有禍了! 屬基抹的民滅亡了! 因你的眾子都被擄去, 你的眾女也被擄去。
Moo'aabow, adigaa iska hoogay, Kemoosh dadkiisii way wada halligmeen, maxaa yeelay, wiilashaadii maxaabiis ahaan baa loo kaxaystay, oo gabdhahaagiina waa la wada kaxaystay.
47 耶和華說: 到末後,我還要使被擄的摩押人歸回。 摩押受審判的話到此為止。
Laakiin Rabbigu wuxuu leeyahay, Ugudambaysta maxaabiista reer Moo'aab waan soo celin doonaa. Intaasu waa xukunkii reer Moo'aab.

< 耶利米書 48 >