< 出埃及記 38 >
1 他用皂莢木做燔祭壇,是四方的,長五肘,寬五肘,高三肘,
Oo meeshii allabariga lagu gubi lahaana wuxuu ka sameeyey qori qudhac ah, oo dhererkeedu wuxuu ahaa shan dhudhun, ballaadhkeeduna wuxuu ahaa shan dhudhun, afargeesood bay ahayd, sarajooggeeduna wuxuu ahaa saddex dhudhun.
2 在壇的四拐角上做四個角,與壇接連一塊,用銅把壇包裹。
Oo geesaheediina wuxuu ugu sameeyey afarteeda rukun; oo geesaheeduna isku waslad bay la ahaayeen, naxaas buuna ku dahaadhay.
3 他做壇上的盆、鏟子、盤子、肉鍤子、火鼎;這一切器具都是用銅做的。
Oo wuxuu kaloo sameeyey alaabtii meesha allabariga oo dhan, kuwaasoo ah dheryihii, iyo majarafadihii, iyo maddiibadihii, iyo mudacyadii, iyo dabqaadayaashii; oo alaabteeda oo dhan wuxuu ka sameeyey naxaas.
4 又為壇做一個銅網,安在壇四面的圍腰板以下,從下達到壇的半腰。
Oo wuxuu meeshii allabariga u sameeyey shabag naxaas ah oo gaadha qarka hoostiisa ilaa kalabadhka.
Afarta daraf oo shabaggii naxaasta ahaa ayuu u yeelay afar siddo si ay u ahaadaan meelihii ulaha laga gelin lahaa.
Oo ulihiina wuxuu ka sameeyey qori qudhac ah, naxaas buuna ku dahaadhay.
7 把槓穿在壇兩旁的環子內,用以抬壇,並用板做壇;壇是空的。
Oo ulihiina wuxuu ka geliyey siddooyinkii meesha allabariga si loogu qaado; oo wuxuu meeshii allabariga ka sameeyey looxyo sida sanduuq madhan oo kale.
8 他用銅做洗濯盆和盆座,是用會幕門前伺候的婦人之鏡子做的。
Oo berkeddii weysada iyo salkeedii wuxuu ka sameeyey naxaas, taasoo laga helay muraayadihii dumarka ka adeegi jiray teendhada shirka iriddeeda.
9 他做帳幕的院子。院子的南面用撚的細麻做帷子,寬一百肘。
Oo wuxuu sameeyey barxaddii; oo barxadda xaggeeda koonfureed waxaa ka lushay daahyo dhererkoodu yahay boqol dhudhun oo ah maro wanaagsan.
10 帷子的柱子二十根,帶卯的銅座二十個;柱子上的鉤子和杆子都是用銀子做的。
Oo tiirarkoodu waxay ahaayeen labaatan, saldhigyadooduna labaatan, naxaas laga sameeyey; tiirarka qabsatooyinkooda iyo waxyaalihii laysugu xidhi jirayna waxaa laga sameeyey lacag.
11 北面也有帷子,寬一百肘。帷子的柱子二十根,帶卯的銅座二十個;柱子上的鉤子和杆子都是用銀子做的。
Oo xaggeeda woqooyina waxaa ka lushay daahyo boqol dhudhun ah, oo tiirarkoodu waxay ahaayeen labaatan, saldhigyadooduna labaatan, naxaas laga sameeyey; tiirarka qabsatooyinkooda iyo waxyaalihii laysugu xidhi jirayna waxaa laga sameeyey lacag.
12 院子的西面有帷子,寬五十肘。帷子的柱子十根,帶卯的座十個;柱子的鉤子和杆子都是用銀子做的。
Oo dhinaca galbeed daahyadiisu waxay ahaayeen konton dhudhun, tiirarkoodu waxay ahaayeen toban, saldhigyadooduna toban, oo tiirarka qabsatooyinkooda iyo waxyaalihii laysugu xidhi jirayna waxay ahaayeen lacag.
Oo xagga bari daahyadiisuna waxay ahaayeen konton dhudhun.
14 門這邊的帷子十五肘,那邊也是一樣。帷子的柱子三根,帶卯的座三個。在門的左右各有帷子十五肘,帷子的柱子三根,帶卯的座三個。
Oo iridda daahyadeedu dhinac waxay ka ahaayeen shan iyo toban dhudhun, tiirarkooduna saddex bay ahaayeen, saldhigyadooduna saddex,
oo dhinaca kalena sidaas oo kalay ahaayeen, oo barxadda iriddeeda xaggan iyo xaggaasba waxaa ka lushay daahyo dhererkoodu yahay shan iyo toban dhudhun, tiirarkooduna waxay ahaayeen saddex, saldhigyadooduna saddex.
Daahyadii barxadda ku wareegsanaa oo dhammu waxay ahaayeen maro wanaagsan.
17 柱子帶卯的座是銅的,柱子上的鉤子和杆子是銀的,柱頂是用銀子包的。院子一切的柱子都是用銀杆連絡的。
Oo tiirarka saldhigyadoodu waxay ahaayeen naxaas; qabsatooyinkooda iyo waxyaalihii laysugu xidhi jirayna waxay ahaayeen lacag; tiirarka madaxyadooda waxaa lagu dahaadhay lacag, oo tiirarka barxadda oo dhanna waxaa laysugu wada xidhay lacag.
18 院子的門簾是以繡花的手工,用藍色、紫色、朱紅色線,和撚的細麻織的,寬二十肘,高五肘,與院子的帷子相配。
Oo daaha barxadda iriddeeda wuxuu ahaa wax daabacan oo ah buluug, iyo guduud, iyo casaan, iyo maro wanaagsan, oo dhererkiisuna wuxuu ahaa labaatan dhudhun, sarajooggiisuna wuxuu ahaa shan dhudhun oo u dhigma barxadda daahyadeeda.
19 帷子的柱子四根,帶卯的銅座四個;柱子上的鉤子和杆子是銀的;柱頂是用銀子包的。
Tiirarkooduna waxay ahaayeen afar, saldhigyadoodii naxaasta ahaana afar; qabsatooyinkooduna waxay ahaayeen lacag, oo tiirarka madaxyadoodii waxaa ku dahaadhnaa lacag, waxyaalihii laysugu xidhayna waxay wada ahaayeen lacag.
Oo musmaarrada taambuugga iyo barxadda ku wareegsanba kulligood waxay ahaayeen naxaas.
21 這是法櫃的帳幕中利未人所用物件的總數,是照摩西的吩咐,經祭司亞倫的兒子以他瑪的手數點的。
Waa tan tiradii alaabtii taambuugga, kaas oo ah taambuuggii maragga, markii la tiriyey sidii Muuse ku amray adeegidda reer Laawi, oo uu tilmaamay Iitaamaar kii wadaadkii Haaruun ahaa dhalay.
22 凡耶和華所吩咐摩西的都是猶大支派戶珥的孫子、烏利的兒子比撒列做的。
Oo kulli wixii Rabbigu ku amray Muuse waxaa sameeyey Besaleel oo ahaa ina Uurii oo ahaa ina Xuur, oo qabiilkiisu ahaa Yahuudah.
23 與他同工的有但支派中亞希撒抹的兒子亞何利亞伯;他是雕刻匠,又是巧匠,又能用藍色、紫色、朱紅色線,和細麻繡花。
Oo waxaa isaga la jiray Aaholii'aab oo ahaa ina Axiisaamaag, oo qabiilkiisu ahaa Daan, oo wuxuu ahaa mid wax xardha, oo aad iyo aad u farsamo badan, iyo mid yaqaan sida loo daabaco buluug, iyo guduud, iyo casaan, iyo maro wanaagsan.
24 為聖所一切工作使用所獻的金子,按聖所的平,有二十九他連得並七百三十舍客勒。
Oo dahabkii la bixiyey oo loogu isticmaalay hawshii meesha quduuskaa oo dhammu wuxuu ahaa sagaal iyo labaatan talanti, iyo toddoba boqol iyo soddon sheqel, oo le'eg sheqelka meesha quduuska ah.
25 會中被數的人所出的銀子,按聖所的平,有一百他連得並一千七百七十五舍客勒。
Oo shirka intiisii la tiriyey lacagtoodii waxay ahayd boqol talanti, iyo kun iyo toddoba boqol iyo shan iyo toddobaatan sheqel, oo le'eg sheqelka meesha quduuska ah.
26 凡過去歸那些被數之人的,從二十歲以外,有六十萬零三千五百五十人。按聖所的平,每人出銀半舍客勒,就是一比加。
Waxaa nin kastaa bixiyey beqac, kaas oo ah nus sheqel, oo le'eg sheqelka meesha quduuska ah, oo kulli intii u gudubtay kuwii la tiriyey, intii jirtay labaatan sanadood iyo wixii ka sii weyn, waxay ahaayeen lix boqol iyo saddex kun, iyo shan boqol iyo konton nin.
27 用那一百他連得銀子鑄造聖所帶卯的座和幔子柱子帶卯的座;一百他連得共一百帶卯的座,每帶卯的座用一他連得。
Oo saldhigyada meesha quduuska ah iyo saldhigyada ilxidhku waxay ka samaysmeen boqolkii talanti oo lacagta ahaa, boqol saldhig baa laga sameeyey boqolkii talanti, saldhigba talanti baa laga sameeyey.
28 用那一千七百七十五舍客勒銀子做柱子上的鉤子,包裹柱頂並柱子上的杆子。
Kun iyo toddoba boqol iyo shan iyo toddobaatanka sheqel ayuu tiirarka qabsatooyinkoodii ka sameeyey, oo wuxuuna ku dahaadhay tiirarka madaxyadoodii, wuxuuna ka sameeyey waxyaalihii tiirarka laysugu wada xidhay.
Naxaastii la bixiyey waxay ahayd toddobaatan talanti, iyo laba kun iyo afar boqol oo sheqel.
30 用這銅做會幕門帶卯的座和銅壇,並壇上的銅網和壇的一切器具,
Oo wuxuu naxaastii ka sameeyey iriddii teendhada shirka saldhigyadeedii, iyo meeshii naxaasta ahayd oo allabariga, iyo shabaggeedii naxaasta ahaa, iyo alaabtii meesha allabariga oo dhan,
31 並院子四圍帶卯的座和院門帶卯的座,與帳幕一切的橛子和院子四圍所有的橛子。
iyo saldhigyadii barxadda ku wareegsanaa, iyo saldhigyadii iridda barxadda, iyo musmaarradii taambuugga oo dhan, iyo musmaarradii barxadda ku wareegsanaa oo dhan.