< 弥迦书 1 >

1 当犹大王约坦、亚哈斯、希西家在位的时候,摩利沙人弥迦得耶和华的默示,论撒马利亚和耶路撒冷。
Kanu waa Eraygii Rabbiga oo u yimid Miikaah kii reer Mooreshed waagii ay Yootam iyo Aaxaas iyo Xisqiyaah boqorrada ka ahaayeen dalka Yahuudah, oo uu ku arkay wax ku saabsan Samaariya iyo Yeruusaalem.
2 万民哪,你们都要听! 地和其上所有的,也都要侧耳而听! 主耶和华从他的圣殿 要见证你们的不是。
Dadyowga oo dhammow, kulligiin maqla. Dhulka iyo waxa ku jira oo dhammow, bal dhegaysta, oo Sayidka Rabbiga ahu ha idinku marag furo, Sayidku macbudkiisa quduuska ah ha idinkaga marag furo.
3 看哪,耶和华出了他的居所, 降临步行地的高处。
Waayo, bal eega, Rabbigu meeshiisuu ka soo bixi doonaa, wuuna soo degan doonaa, oo dhulka meelihiisa sarsare mari doonaa.
4 众山在他以下必消化, 诸谷必崩裂, 如蜡化在火中, 如水冲下山坡。
Oo buuruhu hoostiisay ku dhalaali doonaan, dooxooyinkuna way u kala dildillaaci doonaan sidii shamac dab hor yaal, iyo sidii biyo ka daadanaya meel sare.
5 这都因雅各的罪过, 以色列家的罪恶。 雅各的罪过在哪里呢? 岂不是在撒马利亚吗? 犹大的邱坛在哪里呢? 岂不是在耶路撒冷吗?
Waxan oo dhammu waxay u dheceen xadgudubka reer Yacquub iyo dembiyada dadka Israa'iil. Xadgudubka reer Yacquub waa maxay? Sow Samaariya ma aha? Meelaha sare oo dalka Yahuudahna waa maxay? Sow Yeruusaalem ma aha?
6 所以我必使撒马利亚变为田野的乱堆, 又作为种葡萄之处; 也必将她的石头倒在谷中, 露出根基来。
Haddaba sidaas daraaddeed waxaan Samaariya ka dhigi doonaa sidii taallo burbur ah oo duurka ku taal, iyo sidii meel beercanab laga beerto, oo dhagxanteedana waxaan ku dhex daadin doonaa dooxada, oo aasaaskeedana waan soo bannayn doonaa.
7 她一切雕刻的偶像必被打碎; 她所得的财物必被火烧; 所有的偶像我必毁灭; 因为是从妓女雇价所聚来的, 后必归为妓女的雇价。
Taswiiraheeda xardhan oo dhan waa la wada burburin doonaa, oo kirooyinkeeda oo dhanna dab baa lagu gubi doonaa, oo sanamyadeeda oo dhanna waan wada baabbi'in doonaa, waayo, iyadu waxay ku soo urursatay dhillo kiradeed, oo kulligoodna waxay dib ugu noqon doonaan dhillo kiradeed.
8 先知说:因此我必大声哀号, 赤脚露体而行; 又要呼号如野狗, 哀鸣如鸵鸟。
Haddaba taas daraaddeed ayaan u ooyi doonaa oo u barooran doonaa, oo anoo cago cad oo qaawan ayaan wareegi doonaa, oo waxaan u dhawaaqi doonaa sida dawacooyinku u ciyaan oo kale, oo waxaan u qaylin doonaa sida goroyadu u cido oo kale.
9 因为撒马利亚的伤痕无法医治, 延及犹大和耶路撒冷我民的城门。
Waayo, nabraheedu ma bogsan karaan, oo xataa waxay soo gaadheen dalka Yahuudah, oo waxay soo gaadheen xataa iridda dadkayga taasoo ah Yeruusaalem.
10 不要在迦特报告这事, 总不要哭泣; 我在伯·亚弗拉滚于灰尘之中。
Gad ha ku dhex sheegina, hana ooyina, oo Beytlecafraah dhexdeeda boodhka ku galgasha.
11 沙斐的居民哪,你们要赤身蒙羞过去。 撒南的居民不敢出来。 伯·以薛人的哀哭使你们无处可站。
Kaaga Shaafiir degganow, bax adoo qaawan oo ceebaysan. Kan Sa'anaan degganu soo ma bixin. Baroorta Beytesel waxay idinka qaadan doontaa meesha aad ku tiirsato.
12 玛律的居民心甚忧急,切望得好处, 因为灾祸从耶和华那里临到耶路撒冷的城门。
Waayo, kan Maarood degganu aad buu u sugayaa wanaag, maxaa yeelay, belaayo baa xagga Rabbiga ka soo degtay, oo waxay soo gaadhay iridda Yeruusaalem.
13 拉吉的居民哪,要用快马套车; 锡安民的罪由你而起; 以色列人的罪过在你那里显出。
Kan Laakiish degganow, gaadhiga ku dhuuji faraska dheereeya. Laakiish waxay dadka Siyoon u ahayd bilowgii dembiga, maxaa yeelay, xadgudubyadii dadka Israa'iil ayaa laga dhex helay.
14 犹大啊,你要将礼物送给摩利设·迦特。 亚革悉的众族必用诡诈待以色列诸王。
Haddaba sidaas daraaddeed waxaad Mooreshed Gad siin doontaa hadiyado. Reeraha Aksiib waxay boqorrada dalka Israa'iil u noqon doonaan wax khiyaano badan.
15 玛利沙的居民哪, 我必使那夺取你的来到你这里; 以色列的尊贵人必到亚杜兰。
Kan Maareeshaah degganow, weli waxaan kuu keeni doonaa kan ku hantiyi doona. Dalka Israa'iil sharaftiisu waxay gaadhi doontaa xataa tan iyo Cadullaam.
16 犹大啊,要为你所喜爱的儿女剪除你的头发, 使头光秃,要大大地光秃,如同秃鹰, 因为他们都被掳去离开你。
Xiiro oo timahaaga iska jar carruurtaadii aad jeclayd daraaddood, oo intaad xiirata sii ballaadhi sida bidaarta gorgorka oo kale, waayo, iyagu way kaa tageen, oo waxaa loo kaxaystay maxaabiis ahaan.

< 弥迦书 1 >