< 何西阿书 6 >
1 来吧,我们归向耶和华! 他撕裂我们,也必医治; 他打伤我们,也必缠裹。
Ina keena aan Rabbiga ku noqonnee, waayo, isagaa ina dillacshay, oo isagaa ina bogsiin doona, isagaa wax inagu dhuftay, oo isagaa nabraheenna inoo duubi doona.
2 过两天他必使我们苏醒, 第三天他必使我们兴起, 我们就在他面前得以存活。
Laba maalmood dabadeed ayuu ina soo noolayn doonaa, oo maalinta saddexaadna wuu ina soo sara kicin doonaa, oo hortiisaynu ku noolaan doonnaa.
3 我们务要认识耶和华, 竭力追求认识他。 他出现确如晨光; 他必临到我们像甘雨, 像滋润田地的春雨。
Oo aynu ogaanno, oo aynu dadaalno inaan Rabbiga ogaanno. Soobixitinkiisa sida subaxda baa loo hubaa, oo wuxuu inoogu iman doonaa sida roobka, sida roobka dambe oo dhulka biyeeya.
4 主说:以法莲哪,我可向你怎样行呢? 犹大啊,我可向你怎样做呢? 因为你们的良善如同早晨的云雾, 又如速散的甘露。
Reer Efrayimow, bal maxaan idinku sameeyaa? Dadka Yahuudahow, bal maxaan idinku sameeyaa? Waayo, wanaaggiinnu waa sida daruurta subaxnimo, iyo sida sayaxa aroor hore baabba'a.
5 因此,我借先知砍伐他们, 以我口中的话杀戮他们; 我施行的审判如光发出。
Sidaas daraaddeed waxaan iyaga ku gooyay gacantii nebiyada, oo waxaan ku laayay erayadii afkayga, oo xukummadayduna waa sidii iftiinka soo baxa.
6 我喜爱良善,不喜爱祭祀; 喜爱认识 神,胜于燔祭。
Waayo, waxaan doonayaa naxariis ee ma aha allabari, oo aqoonta Ilaahna waan ka jeclahay qurbaanno la gubo.
Laakiinse iyagu sidii Aadan oo kale ayay axdigii ku xadgudbeen, oo halkaasay khiyaano iigula macaamiloodeen.
Gilecaad waa magaalada kuwa xumaanta ka shaqeeya, oo dhiig baa wasakheeyey.
9 强盗成群,怎样埋伏杀人, 祭司结党,也照样在示剑的路上杀戮, 行了邪恶。
Oo sidii guutooyin shufta ahu ay nin ugu gabbadaan ayaa guuto wadaaddo ahu dhiig ku daadisaa jidka u baxa Shekem, oo wasakhnimo bay sameeyeen.
10 在以色列家,我见了可憎的事; 在以法莲那里有淫行, 以色列被玷污。
Dadka Israa'iil waxaan ku dhex arkay wax aad iyo aad u xun. Reer Efrayim waxaa laga dhex helay sino, dadka Israa'iilna way nijaasoobeen.
11 犹大啊,我使被掳之民归回的时候, 必有为你所命定的收场。
Dadka Yahuudahow, markaan dadkayga maxaabiisnimada ka soo celiyo, beergoosasho laydiin amray baa idiin taal.