< 以西结书 3 >

1 他对我说:“人子啊,要吃你所得的,要吃这书卷,好去对以色列家讲说。”
Oo wuxuu igu yidhi, Wiilka Aadamow, waxaad heshid cun. Qorniinkan duudduuban cun, oo tag, oo waxaad la hadashaa reer binu Israa'iil.
2 于是我开口,他就使我吃这书卷,
Sidaas daraaddeed afkaan kala qaaday oo isna qorniinkii duudduubnaa wuu i cunsiiyey.
3 又对我说:“人子啊,要吃我所赐给你的这书卷,充满你的肚腹。”我就吃了,口中觉得其甜如蜜。
Oo wuxuu igu yidhi, Wiilka Aadamow, calooshaada geli oo ka buuxi qorniinkan duudduuban oo aan ku siiyo. Markaasaan cunay, oo wuxuu afkayga ugu dhadhan macaanaa sidii malab oo kale.
4 他对我说:“人子啊,你往以色列家那里去,将我的话对他们讲说。
Markaasuu igu yidhi, Wiilka Aadamow, reer binu Israa'iil u tag, oo erayadayda kula hadal.
5 你奉差遣不是往那说话深奥、言语难懂的民那里去,乃是往以色列家去;
Waayo, laguuma dirin dad hadal qalaad oo afkoodu adag yahay, laakiinse waxaa laguu diray reer binu Israa'iil.
6 不是往那说话深奥、言语难懂的多国去,他们的话语是你不懂得的。我若差你往他们那里去,他们必听从你。
Laguumana dirin dadyow badan oo hadal qalaad oo afkoodu adag yahay, oo adaan erayadooda garan karin. Hubaal haddaan iyaga kuu diri lahaa, way maqli lahaayeen.
7 以色列家却不肯听从你,因为他们不肯听从我;原来以色列全家是额坚心硬的人。
Laakiinse reer binu Israa'iil dooni maayaan inay ku maqlaan, maxaa yeelay, dooni maayaan inay aniga i maqlaan, waayo, reer binu Israa'iil oo dhammu waa dad weji adag oo qalbi qallafsan.
8 看哪,我使你的脸硬过他们的脸,使你的额硬过他们的额。
Bal eeg, wejigaaga waan ka sii adkeeyey wejigooda, oo foolkaagana waan ka sii adkeeyey foolkooda.
9 我使你的额像金钢钻,比火石更硬。他们虽是悖逆之家,你不要怕他们,也不要因他们的脸色惊惶。”
Oo foolkaaga waxaan ka dhigay sidii dheemman dhagax ka sii adag oo kale. Ha ka cabsan iyaga, oo aragtidoodana ha ka baqin in kastoo ay reer caasiyoobay yihiin.
10 他又对我说:“人子啊,我对你所说的一切话,要心里领会,耳中听闻。
Oo weliba wuxuu igu yidhi, Wiilka Aadamow, erayadayda aan kugula hadli doono oo dhan qalbigaaga ku qaado oo dhegahaaga ku maqal.
11 你往你本国被掳的子民那里去,他们或听,或不听,你要对他们讲说,告诉他们这是主耶和华说的。”
Haddaba waxaad u tagtaa kuwa maxaabiista ah, oo dadkaaga ah, oo intaad la hadashid waxaad ku tidhaahdaa, Sayidka Rabbiga ahu wax buu idinku leeyahay, hadday maqlaan iyo hadday diidaanba.
12 那时,灵将我举起,我就听见在我身后有震动轰轰的声音,说:“从耶和华的所在显出来的荣耀是该称颂的!”
Markaasaa ruuxu kor ii qaaday, oo waxaan gadaashayda ka maqlay cod guuxaya oo leh, Rabbiga ammaantiisu meesheeda barakay ku leedahay,
13 我又听见那活物翅膀相碰,与活物旁边轮子旋转震动轰轰的响声。
waxayna ahayd sanqadhii baalashii xayawaankii markay istaabtaabanayeen, iyo sanqadhii giraangirihii iyaga dhinac socday, oo sanqadh yaacideed ahayd.
14 于是灵将我举起,带我而去。我心中甚苦,灵性忿激,并且耶和华的灵在我身上大有能力。
Sidaasuu ruuxii kor iigu qaaday oo meel fog ii waday, oo anna waxaan ku tegey dhirif qadhaadh iyo naftaydoo kulul, oo gacantii Rabbigaa igu kor xoog badnayd.
15 我就来到提勒·亚毕,住在迦巴鲁河边被掳的人那里,到他们所住的地方,在他们中间忧忧闷闷地坐了七日。
Markaasaan Teel Aabiib maxaabiistii Webi Kebaar ag degganaa, iyo ilaa meeshii ay fadhiyeen ugu tegey, oo halkaasaan iyagii toddoba maalmood dhex joogay anigoo naxdin la fadhiya.
16 过了七日,耶和华的话临到我说:
Oo markay toddoba maalmood dhammaadeen waxaa ii yimid Eraygii Rabbiga isagoo leh,
17 “人子啊,我立你作以色列家守望的人,所以你要听我口中的话,替我警戒他们。
Wiilka Aadamow, waardiye baan reer binu Israa'iil kaaga dhigay, haddaba bal erayga afkayga ka soo baxaya maqal, oo digniin xaggayga ka timid iyaga gaadhsii.
18 我何时指着恶人说:他必要死;你若不警戒他,也不劝戒他,使他离开恶行,拯救他的性命,这恶人必死在罪孽之中;我却要向你讨他丧命的罪。
Markaan sharrowga ku idhaahdo, Hubaal waad dhiman doontaa, haddaadan isaga u digin, oo aadan sharrowga la hadlin si aad jidkiisa sharka ah uga digto inaad naftiisa badbaadiso aawadeed, ninkaas sharrowga ahu xumaantiisuu ku dhex dhiman doonaa, laakiinse dhiiggiisa gacantaadaan weyddiin doonaa.
19 倘若你警戒恶人,他仍不转离罪恶,也不离开恶行,他必死在罪孽之中,你却救自己脱离了罪。
Laakiinse haddaad sharrowga u digto, oo uusan isagu sharnimadiisa amase jidkiisa sharka ah ka soo noqon, markaas xumaantiisuu ku dhiman doonaa, adiguse naftaadii waad samatabbixisay.
20 再者,义人何时离义而犯罪,我将绊脚石放在他面前,他就必死;因你没有警戒他,他必死在罪中,他素来所行的义不被记念;我却要向你讨他丧命的罪。
Oo haddana haddii nin xaq ahu uu xaqnimadiisii ka noqdo oo uu xumaan sameeyo, intaan dhagax turunturo hor dhigo, isagu wuu dhiman doonaa. Uma aadan digin, oo saas darteed dembigiisuu ku dhiman doonaa, oo falimihiisii xaqa ahaa ee uu samayn jirayna lama soo xusuusan doono, laakiinse dhiiggiisa gacantaadaan weyddiin doonaa.
21 倘若你警戒义人,使他不犯罪,他就不犯罪;他因受警戒就必存活,你也救自己脱离了罪。”
Habase ahaatee haddaad ninka xaqa ah u digtid, si uusan ka xaqa ahu u dembaabin oo uusan dembi u samayn, markaas hubaal wuu noolaan doonaa, maxaa yeelay, wuu digniin qaatay, adiguna naftaadii waad samatabbixisay.
22 耶和华的灵在那里降在我身上。他对我说:“你起来往平原去,我要在那里和你说话。”
Oo gacantii Rabbiguna halkaasay igu kor saarnayd, oo wuxuu igu yidhi, Kac oo bannaanka u bax halkaasaan kugula hadli doonaaye.
23 于是我起来往平原去,不料,耶和华的荣耀正如我在迦巴鲁河边所见的一样,停在那里,我就俯伏于地。
Markaasaan kacay oo bannaankii u baxay, oo bal eeg, waxaa halkaas jirtay ammaantii Rabbiga, taasoo u eg ammaantii aan Webi Kebaar agtiisa ku arkay, oo aniguna wejigaan u dhacay.
24 灵就进入我里面,使我站起来。耶和华对我说:“你进房屋去,将门关上。
Markaasaa ruuxii i soo galay, oo cagaha igu taagay, wuuna ila hadlay isagoo leh, Tag oo gurigaaga isku xidh.
25 人子啊,人必用绳索捆绑你,你就不能出去在他们中间来往。
Laakiinse Wiilka Aadamow, bal ogow, xadhkaa lagugu xidhi doonaa oo adna waad ku xidhnaan doontaa, oo dadka dhexdiisana uma aad bixi doontid.
26 我必使你的舌头贴住上膛,以致你哑口,不能作责备他们的人;他们原是悖逆之家。
Oo carrabkaaga dhabxanaggaagaan ku dhejin doonaa, si aad carrablaawe u noqotid, oo aanad iyaga mid canaanta ugu noqon, waayo, iyagu waa reer caasiyoobay.
27 但我对你说话的时候,必使你开口,你就要对他们说:‘主耶和华如此说。’听的可以听,不听的任他不听,因为他们是悖逆之家。”
Laakiinse markaan kula hadlo, afkaagaan furi doonaa oo waxaad ku odhan doontaa, Sayidka Rabbiga ahu sidaasuu leeyahay. Kii wax maqlaa, ha maqlo, oo kii diidaana ha diido, waayo, iyagu waa reer caasiyoobay.

< 以西结书 3 >