< 撒母耳记下 10 >

1 此后,亚扪人的王死了,他儿子哈嫩接续他作王。
Taas dabadeedna boqorkii reer Cammoon ayaa dhintay, meeshiisiina waxaa boqor ka noqday wiilkiisii Xaanuun ahaa.
2 大卫说:“我要照哈嫩的父亲拿辖厚待我的恩典厚待哈嫩。”于是大卫差遣臣仆,为他丧父安慰他。大卫的臣仆到了亚扪人的境内。
Markaasaa Daa'uud yidhi, Anigu Xaanuun ina Naaxaash, waxaan ugu roonaan doonaa sidii aabbihiis iigu roonaaday oo kale. Sidaas daraaddeed Daa'uud wuxuu u diray addoommadiisii inay ka soo tacsiyeeyaan aabbihiis. Oo addoommadii Daa'uudna waxay yimaadeen dalkii reer Cammoon.
3 但亚扪人的首领对他们的主哈嫩说:“大卫差人来安慰你,你想他是尊敬你父亲吗?他差臣仆来不是详察窥探、要倾覆这城吗?”
Laakiinse amiirradii reer Cammoon waxay ku yidhaahdeen sayidkoodii Xaanuun, Ma waxaad u malaynaysaa in Daa'uud aabbahaa cisaynayo oo uu sidaas daraaddeed kuugu soo diray kuwa tacsiyada wada? Daa'uud sow uma soo dirin addoommadiisii inay magaalada baadhaan, oo ay soo basaasaan, oo ay dabadeedna afgembiyaan?
4 哈嫩便将大卫臣仆的胡须剃去一半,又割断他们下半截的衣服,使他们露出下体,打发他们回去。
Sidaas daraaddeed Xaanuun wuxuu qabsaday Daa'uud addoommadiisii, oo intuu gadhkoodii badh ka xiiray ayuu dharkoodiina dhexda ka kala gooyay xataa ilaa dabada, markaasuu iska eryay.
5 有人告诉大卫,他就差人去迎接他们,(因为他们甚觉羞耻),告诉他们说:“可以住在耶利哥,等到胡须长起再回来。”
Oo taas markii Daa'uud loo soo sheegay wuxuu iyagii u diray dad ka hor taga, waayo, nimankii aad bay u ceeboobeen. Boqorkiina wuxuu iyagii ku yidhi, Yerixoo iska jooga ilaa gadhku idiin soo baxo, dabadeedna soo noqda.
6 亚扪人知道大卫憎恶他们,就打发人去,招募伯·利合的亚兰人和琐巴的亚兰人,步兵二万,与玛迦王的人一千、陀伯人一万二千。
Oo reer Cammoonna markay ogaadeen inay Daa'uud isnacsiiyeen ayay u cid direen oo ka soo kiraysteen reer Suuriyihii Beytrexob degganaa, iyo reer Suuriyihii Soobaah degganaa labaatan kun oo nin oo lug ah, iyo boqorkii Macakaah oo isna wata kun nin, iyo raggii reer Toob oo iyana ahaa laba iyo toban kun oo nin.
7 大卫听见了,就差派约押统带勇猛的全军出去。
Oo Daa'uudna markuu taas maqlay ayuu diray Yoo'aab, iyo ciidankii raggii xoogga lahaa oo dhan.
8 亚扪人出来,在城门前摆阵;琐巴与利合的亚兰人、陀伯人,并玛迦人,另在郊野摆阵。
Oo reer Cammoonna way soo baxeen, oo waxay dagaal isugu soo diyaariyeen iridda horteeda; oo reer Suuriyihii Soobaah ka yimid, iyo kuwii Rexob ka yimid, iyo raggii reer Toob iyo reer Macakaahna, duurkay keli ahaantood joogeen.
9 约押看见敌人在他前后摆阵,就从以色列军中挑选精兵,使他们对着亚兰人摆阵。
Haddaba Yoo'aab markuu arkay in dagaal looga soo kacshay hore iyo dibba ayuu raggii reer binu Israa'iil ka xushay kuwii xuladka ahaa oo dhan, oo wuxuu u soo diyaariyey inay reer Suuriya la dagaallamaan.
10 其余的兵交与他兄弟亚比筛,对着亚扪人摆阵。
Oo dadkii intiisii kalena wuxuu u dhiibay walaalkiis Abiishay, oo isna wuxuu u soo diyaariyey inay reer Cammoon la dagaallamaan.
11 约押对亚比筛说:“亚兰人若强过我,你就来帮助我;亚扪人若强过你,我就去帮助你。
Oo wuxuu yidhi, Haddii reer Suuriya iga xoog bataan, waa inaad i soo caawisaa, laakiinse haddii reer Cammoon kaa xoog bataan, markaasaan kuu iman doonaa oo waan ku soo caawin doonaa.
12 我们都当刚强,为本国的民和 神的城邑作大丈夫。愿耶和华凭他的意旨而行!”
Haddaba si fiican u dhiirranow, oo aynu rag u ahaanno dadkeenna, iyo magaalooyinka Ilaaheen aawadood; oo Rabbiguna ha sameeyo wixii la wanaagsan.
13 于是,约押和跟随他的人前进攻打亚兰人;亚兰人在约押面前逃跑。
Sidaas daraaddeed Yoo'aab iyo dadkii la jirayba waxay ugu soo dhowaadeen inay la dagaallamaan reer Suuriya, oo iyana markaasay hortiisa ka carareen.
14 亚扪人见亚兰人逃跑,他们也在亚比筛面前逃跑进城。约押就离开亚扪人那里,回耶路撒冷去了。
Oo reer Cammoonna markay arkeen in reer Suuriya carareen, ayay Abiishay iyana hortiisa saasoo kale uga carareen, oo waxay galeen magaaladii. Markaasaa Yoo'aab ka soo noqday reer Cammoon, oo Yeruusaalem yimid.
15 亚兰人见自己被以色列人打败,就又聚集。
Oo reer Suuriyana markay arkeen in iyaga looga adkaaday reer binu Israa'iil hortooda ayay dhammaantood isa soo wada urursadeen.
16 哈大底谢差遣人,将大河那边的亚兰人调来;他们到了希兰,哈大底谢的将军朔法率领他们。
Markaasaa Hadarceser u cid diray oo soo wada kexeeyey reer Suuriyihii Webiga ka shisheeyey; oo waxay yimaadeen Xeelaam, iyagoo uu madax u yahay Shoobag oo ahaa sirkaalkii ciidanka Hadarceser.
17 有人告诉大卫,他就聚集以色列众人,过约旦河,来到希兰。亚兰人迎着大卫摆阵,与他打仗。
Taas waxaa loo soo sheegay Daa'uud, kolkaasuu reer binu Israa'iil oo dhan soo wada ururiyey, oo intuu ka soo gudbay Webi Urdun ayuu Xeelaam yimid. Markaasaa reer Suuriya isugu soo diyaariyeen inay Daa'uud la dagaallamaan, wayna la dirireen.
18 亚兰人在以色列人面前逃跑;大卫杀了亚兰七百辆战车的人,四万马兵,又杀了亚兰的将军朔法。
Oo reer Suuriyana way ka carareen reer binu Israa'iil. Daa'uudna wuxuu reer Suuriya ka laayay toddoba boqol oo gaadhifaras raggoodii iyo afartan kun oo fardooley ah, oo wuxuu dilay Shoobag oo ahaa sirkaalkii ciidankooda, halkaasuuna ku dhintay.
19 属哈大底谢的诸王见自己被以色列人打败,就与以色列人和好,归服他们。于是亚兰人不敢再帮助亚扪人了。
Oo markii boqorradii Hadarceser addoommada u ahaa oo dhammu ay arkeen in iyaga reer binu Israa'iil hortooda looga adkaaday ayay la nabdeen reer binu Israa'iil, wayna u adeegeen. Oo saas aawadeed reer Suuriya way ka cabsadeen inay mar dambe reer Cammoon caawiyaan.

< 撒母耳记下 10 >