< 历代志下 3 >

1 所罗门就在耶路撒冷、耶和华向他父大卫显现的摩利亚山上,就是耶布斯人阿珥楠的禾场上、大卫所指定的地方预备好了,开工建造耶和华的殿。
Markaasaa Sulaymaan bilaabay inuu gurigii Rabbiga Yeruusaalem ka dhiso oo ka dul dhiso Buur Moriyaah oo ahayd meeshii Rabbigu ugu muuqday aabbihiis Daa'uud, oo wuxuu wax ku diyaarshay meeshii Daa'uud doortay oo ahayd meeshii wax lagu tumi jiray oo uu Aarnaankii reer Yebuus lahaa.
2 所罗门作王第四年二月初二日开工建造。
Oo wuxuu dhismihii bilaabay sannaddii afraad oo boqortooyadiisa, bisheedii labaad, maalinteedii labaad.
3 所罗门建筑 神殿的根基,乃是这样:长六十肘,宽二十肘,都按着古时的尺寸。
Haddaba kanu waa aasaaskii Sulaymaan u dhigay dhismihii guriga Ilaah. Oo dhererku markii cabbirkii hore lagu xisaabo wuxuu ahaa lixdan dhudhun, oo ballaadhkiisuna wuxuu ahaa labaatan dhudhun.
4 殿前的廊子长二十肘,与殿的宽窄一样,高一百二十肘;里面贴上精金。
Oo balbaladii guriga ka horraysayna dhererkeedu wuxuu le'ekaa guriga ballaadhkiisu oo labaatan dhudhun ahaa, oo sarajooggeeduna wuxuu ahaa boqol iyo labaatan dhudhun, oo wuxuu gudaha hoose kaga dahaadhay dahab saafiya.
5 大殿的墙都用松木板遮蔽,又贴了精金,上面雕刻棕树和链子;
Oo gurigii weynaa wuxuu saqaf hoose uga dhigay qoryo beroosh ah oo uu dahab wanaagsan ku dahaadhay, oo wuxuuna ku xardhay geedo timireed iyo silsilado.
6 又用宝石装饰殿墙,使殿华美;所用的金子都是巴瓦音的金子。
Oo gurigiina wuxuu ku qurxiyey dhagaxyo qaali ah, dahabkuna wuxuu ahaa dahabkii Farwaayim.
7 又用金子贴殿和殿的栋梁、门槛、墙壁、门扇;墙上雕刻基路伯。
Oo gurigiina iyo alwaaxdii saqafka haysay, iyo fayaaradihiisii, iyo derbiyadiisii, iyo albaabbadiisiiba wuxuu ku dahaadhay dahab, oo derbiyadana Keruubiim buu ku xardhay.
8 又建造至圣所,长二十肘,与殿的宽窄一样,宽也是二十肘;贴上精金,共用金子六百他连得。
Oo wuxuu sameeyey gurigii ugu wada quduusnaa, dhererkiisuna wuxuu le'ekaa guriga ballaadhkiisa oo labaatan dhudhun ahaa, oo ballaadhkiisuna wuxuu ahaa labaatan dhudhun, oo isagana wuxuu ku dahaadhay dahab wanaagsan oo gaadhaya lix boqol oo talanti.
9 金钉重五十舍客勒。楼房都贴上金子。
Oo musmaarrada miisaankooduna wuxuu ahaa konton sheqel oo dahab ah, oo qolalkii sarena wuxuu ku dahaadhay dahab.
10 在至圣所按造像的法子造两个基路伯,用金子包裹。
Oo guriga ugu wada quduusan gudihiisana wuxuu ku sameeyey laba keruub oo wax xardhan ah, oo iyagana dahab baa lagu dahaadhay.
11 两个基路伯的翅膀共长二十肘。这基路伯的一个翅膀长五肘,挨着殿这边的墙;那一个翅膀也长五肘,与那基路伯翅膀相接。
Keruubiimta baalashooda dhererkooduna wuxuu ahaa labaatan dhudhun; mid baalkiisu wuxuu ahaa shan dhudhun oo wuxuu gaadhi karay guriga derbigiisa, oo kan kalena wuxuu ahaa shan dhudhun sidaasoo kale oo wuxuu gaadhi karay baalka keruubka kale.
12 那基路伯的一个翅膀长五肘,挨着殿那边的墙;那一个翅膀也长五肘,与这基路伯的翅膀相接。
Oo keruubka kale baalkiisuna wuxuu ahaa shan dhudhun, oo wuxuu gaadhi karay guriga derbigiisa kale; oo baalka kalena sidaasoo kale wuxuu ahaa shan dhudhun oo wuxuu gaadhi karay baalka keruubka kale.
13 两个基路伯张开翅膀,共长二十肘,面向外殿而立。
Oo keruubiimtaas baalashoodu way kala baxsanaayeen intii labaatan dhudhun ah; oo cagahooday ku taagnaayeen, wejiyadooduna waxay u jeedeen guriga gudihiisa.
14 又用蓝色、紫色、朱红色线和细麻织幔子,在其上绣出基路伯来。
Oo haddana wuxuu ilxidhka ka dhigay buluug, iyo guduud, iyo casaan, oo maro wanaagsan laga sameeyey, oo keruubiim lagu daabacay.
15 在殿前造了两根柱子,高三十五肘;每柱顶高五肘。
Oo weliba guriga hortiisana wuxuu ku sameeyey laba tiir oo mid kasta dhererkiisu yahay shan iyo soddon dhudhun, oo mid kastana taajkii saarnaa wuxuu ahaa shan dhudhun.
16 又照圣所内链子的样式做链子,安在柱顶上;又做一百石榴,安在链子上。
Oo wuxuu kaloo sameeyey silsilado u eg kuwii guriga quduuska ah markaasuu saaray tiirarka dushoodii; oo wuxuu kaloo sameeyey boqol rummaan oo silsiladihii buu ku dhejiyey.
17 将两根柱子立在殿前,一根在右边,一根在左边;右边的起名叫雅斤,左边的起名叫波阿斯。
Markaasuu tiirarkii qotomiyey macbudka hortiisa, mid dhanka midigta, kii kalena dhanka bidixda, oo kii dhanka midigta ahaa magiciisii wuxuu u bixiyey Yaakiin, kii dhanka bidixda ahaana wuxuu u bixiyey Bocas.

< 历代志下 3 >