< 哥林多前书 6 >

1 你们中间有彼此相争的事,怎敢在不义的人面前求审,不在圣徒面前求审呢?
Midkiin haddii uu xaal ku haysto kan kale, miyuu ku dhacaa inuu ku dacweeyo kuwa aan xaqa ahayn hortooda, oo aanu ku dacwayn quduusiinta hortooda?
2 岂不知圣徒要审判世界吗?若世界为你们所审,难道你们不配审判这最小的事吗?
Mise waydnaan garanaynin in quduusiintu ay dunida xukumi doonaan? Oo haddaad dunida xukuntaan, ma waxaad tihiin kuwa aan istaahilin inay waxyaalaha yaryar xukumaan?
3 岂不知我们要审判天使吗?何况今生的事呢?
Miyeydnaan ogayn inaynu malaa'igaha xukumi doonno? Intee ka badan baa waxyaalaha noloshan ku saabsan aynu xukumaynaa?
4 既是这样,你们若有今生的事当审判,是派教会所轻看的人审判吗?
Haddaba haddii aad leedihiin axwaal ku saabsan waxyaalaha noloshan, kuwa aan waxba ka ahayn kiniisadda miyaad ka dhigaysaan inay xukumaan?
5 我说这话是要叫你们羞耻。难道你们中间没有一个智慧人能审断弟兄们的事吗?
Waxaan taas u leeyahay inaan idin ceebeeyo. Ma sidaas baa inaan dhexdiinna laga helaynin mid xigmad leh oo karaya inuu u gar qaybiyo walaalihiis,
6 你们竟是弟兄与弟兄告状,而且告在不信主的人面前。
laakiin in walaal walaalkii dacweeyo oo uu weliba ku dacweeyo kuwa aan rumaysnayn hortooda?
7 你们彼此告状,这已经是你们的大错了。为什么不情愿受欺呢?为什么不情愿吃亏呢?
Haddaba waa idiin wada daran tahay in midkiinba midka kale dacweeyo. Maad iska daysaan, ha laydin xumeeyee? Maad iska daysaan, ha laydin dulmee?
8 你们倒是欺压人、亏负人,况且所欺压所亏负的就是弟兄。
Laakiin idinka qudhiinnu wax baad xumaysaan oo dulantaan, oo xataa walaalihiin.
9 你们岂不知不义的人不能承受 神的国吗?不要自欺!无论是淫乱的、拜偶像的、奸淫的、作娈童的、亲男色的、
Ama miyeydnaan ogayn in kuwa xaqa darani ayan dhaxlayn boqortooyadii Ilaah? Yaan laydin khiyaanayn. Ama dhillayaasha, ama kuwa sanamka caabuda, ama kuwa sinaysta, ama khaanisiinta,
10 偷窃的、贪婪的、醉酒的、辱骂的、勒索的,都不能承受 神的国。
ama tuugagga, ama kuwa wax badan damca, ama kuwa sakhraama, ama kuwa wax caaya, ama kuwa wax dulma, ma dhaxli doonaan boqortooyadii Ilaah.
11 你们中间也有人从前是这样;但如今你们奉主耶稣基督的名,并借着我们 神的灵,已经洗净,成圣,称义了。
Qaarkiin sidaas oo kale baad ahaan jirteen, laakiin waa laydinka maydhay, quduus baa laydinka dhigay, xaq baa laydinkaga dhigay magaca Rabbi Ciise Masiix iyo Ruuxa Ilaaheenna.
12 凡事我都可行,但不都有益处。凡事我都可行,但无论哪一件,我总不受它的辖制。
Wax waliba waa ii xalaal, laakiin wax waliba iima roona. Wax waliba waa ii xalaal, laakiin waxba ima addoonsan doonaan.
13 食物是为肚腹,肚腹是为食物;但 神要叫这两样都废坏。身子不是为淫乱,乃是为主;主也是为身子。
Cuntada waxaa loo sameeyey caloosha, calooshana cuntada, laakiin Ilaah baa baabbi'in doona tan iyo taaba. Jidhka looma samayn sinada ee waxaa loo sameeyey Rabbiga, Rabbiguna jidhkuu xannaaneeyaa.
14 并且 神已经叫主复活,也要用自己的能力叫我们复活。
Ilaah waa sara kiciyey Rabbiga, innagana xooggiisa ayuu inagu sara kicin doonaa.
15 岂不知你们的身子是基督的肢体吗?我可以将基督的肢体作为娼妓的肢体吗?断乎不可!
Miyaanaydin garanaynin jidhadhkiinnu inay yihiin xubnaha Masiixa? Haddaba miyaan qaadaa xubnaha Masiixa oo dhillo xubnaheed ka dhigaa? Yaanay noqon.
16 岂不知与娼妓联合的,便是与她成为一体吗?因为主说:“二人要成为一体。”
Miyaanaydin ogayn inuu kii dhillo raacaa la jidh yahay? Waayo, Ilaah wuxuu leeyahay, Labadu waxay noqon doonaan isku jidh.
17 但与主联合的,便是与主成为一灵。
Laakiin kii Rabbiga raacaa waa la ruux.
18 你们要逃避淫行。人所犯的,无论什么罪,都在身子以外,惟有行淫的,是得罪自己的身子。
Ka carara sinada. Dembi kaloo kasta oo nin falo, jidhka waa ka dibadda, laakiin kii dhillanimada falaa jidhkiisuu ku dembaabaa.
19 岂不知你们的身子就是圣灵的殿吗?这圣灵是从 神而来,住在你们里头的;并且你们不是自己的人,
Ama miyaanaydin ogayn jidhkiinnu inuu yahay macbudka Ruuxa Quduuska ah ee idinku jira ee aad Ilaah ka hesheen? Oo idinku isma lihidin,
20 因为你们是重价买来的。所以,要在你们的身子上荣耀 神。
waayo, qiimo weyn baa laydinku soo iibsaday. Sidaa aawadeed Ilaah jidhkiinna ku ammaana.

< 哥林多前书 6 >