< 雅歌 3 >

1 夜間我在床上,尋覓我心愛的;我尋覓,卻沒有找著。
Goor habeennimo ah ayaan sariirtayda ka doondoonay kan naftaydu jeceshahay. Waan doondoonay, laakiinse ma aanan helin.
2 我遂起來,環城巡行.在市街上,在廣場,尋覓我心愛的;我尋覓,卻沒有找著。
Haddaba waan kacayaa, oo magaaladaan dhex wareegayaa, Oo dariiqyada iyo jidadka waaweyn Ayaan ka dhex goobayaa kan naftaydu jeceshahay. Waan doondoonay laakiinse ma aanan helin.
3 城裏巡夜的衛兵,遇見了我,我便問道:「你們看見我心愛的嗎﹖」
Waxaa i helay waardiyayaashii magaalada dhex warwareegayay, Oo anna waxaan ku idhi, Kan naftaydu jeceshahay ma aragteen?
4 我剛離開他們,就找到了我人愛的;我拉住他不放,領他到我母親家中,到懷孕我者的內室。◆新郎:
Oo kolkaan iyagii in yar sii dhaafay Ayaan helay kii naftaydu jeceshahay. Waan qabtay, mana sii dayn, Ilaa aan isaga gurigii hooyaday keenay, Oo aan qolladdii tii i uuraysatay geliyey.
5 耶路撒冷女郎! 我指著田野間的羚羊或牝鹿,懇求你們,不要驚醒,不要喚醒的的愛,讓她自便吧![第三幕:愛情的成熟]◆耶京女郎:
Gabdhaha reer Yeruusaalemow, waxaan idinku dhaarinayaa Cawsha iyo deerada duurka Inaydaan jacayl kicin ama aydaan toosin Ilaa uu doono.
6 那從曠野上來,狀如煙柱,發放沒藥、乳香以及各種舶來香料香氣的,是什麼﹖
Waa kuma kan cidlada uga soo baxaya sida tiirar qiiq ah? Oo ay malmalka, iyo fooxa, Iyo dhirta udgoon ee baayacmushtariga oo dhammu ka carfayaan?
7 撒羅滿的御轎,有六十勇士環繞,全是以色列的精旅,
Bal eeg, waa sariirta Sulaymaan lagu qaadee. Lixdan nin oo xoog badan oo ka mid ah kuwa xoogga badan ee reer binu Israa'iil Ayaa hareereheeda ku wareegsan.
8 個個手持利刃,善於戰鬥,腰間各配刀劍,以防夜襲。
Kulligood seefta aad bay u yaqaaniin, waana wada dagaalyahan. Ninkood kastaba seeftiisii dhexday ugu xidhan tahay, Cabsida habeenka aawadeed.
9 撒羅滿王用黎巴嫩香柏製造了一個寶座,
Boqor Sulaymaan wuxuu kursi la qaado Ka samaystay qoryihii Lubnaan.
10 銀柱金頂,紫錦墊褥,中間繡花,是耶路撒冷女子愛情的結晶。
Tiirarkiisii lacag buu ka dhigay, Hoostiisiina dahab buu ka dhigay, oo meeshuu fadhiistayna guduud buu ka dhigay, Oo dhexdiisiina gabdhaha reer Yeruusaalem ayaa jacayl ku sharraxay.
11 熙雍女郎! 出來觀看撒羅滿王,他頭帶王冠,是他母親在他新婚歡樂之日,給他帶上的。
Gabdhaha reer Siyoonow, bal baxa, oo Boqor Sulaymaan eega, Isagoo qaba taajkii hooyadiis madaxa u saartay maalintii arooskiisa, Iyo maalintii qalbigiisu faraxsanaa.

< 雅歌 3 >