< 路得記 3 >

1 盧德的婆婆納敖米向她說:「我女,難道我不應為你找個安身之處,使你幸福嗎﹖
Oo markaasaa Nimco oo ahayd soddohdeed ayaa waxay ku tidhi, Gabadhaydiiyey, miyaanan nasasho kuu doonayn inay ku wanaagsanaato?
2 如今你同他的使女常在一起的波阿次,不是我們的親人嗎﹖看,他今夜要在禾場上簸大麥,
Haddaba sow Bocas oo ka mid ah xigaalkayaga ma joogo kaasoo aad addoommihiisii la joogtay? Bal eeg, caawa wuxuu shaciir ku haadinayaa meesha wax lagu tumo.
3 你去沐浴,抹油,披上你的外衣下,到禾場上去,但不要使那人認出你來,直等他吃喝完了,
Haddaba maydho, oo subko, oo dharkaagana xidho, oo waxaad tagtaa meesha wax lagu tumayo; laakiinse ninka ha istusin ilaa uu dhammaysto waxa uu cunayo oo cabbayo.
4 到他睡覺的時候,你要看清他睡覺的地方;然後就去掀開他腳上的外衣,,我必依照遵行。」
Oo markuu seexdo, meeshuu jiifsado fiirso, oo markaas u gal, oo cagihiisa bannee, oo iska jiifso, oo isna wuxuu kuu sheegi doonaa waxaad samayn lahayd.
5 盧德回答她說:「你所囑咐我的,我必依照遵行。」
Oo iyana waxay Nimco ku tidhi, Waxaad tidhi oo dhan waan yeeli doonaa.
6 她便下到禾場上,作了她婆婆所吩咐她的事。盧德夜訪波阿次
Markaasay tagtay meeshii wax lagu tumi jiray, oo waxay samaysay kulli wixii soddohdeed ku amartay.
7 波阿次吃了喝了,心中暢快,就走到麥堆旁躺下了。盧德暗暗地去掀開了他腳上的外衣,躺臥自那裏。
Oo Bocasna markuu wax cunay oo wax cabbay qalbigiisu waa faraxsanaa, oo wuxuu aaday inuu jiifsado meel tuulmo hadhuudh ah ka dambaysa. Markaasay aayar u timid oo cagihiisii bannaysay, oo way jiifsatay.
8 到了半夜,那人驚起,往前屈身一看,見一個女人睡在他的腳旁,
Oo habeenbadhkii ayaa ninkii argaggaxay, oo wuu isrogay, oo bal eeg, naag baa cagihiisa jiiftay.
9 便問說:「你是誰」她答說:「我是你的婢女盧德,請你伸開你的衣襟,覆在你婢女身上罷! 因為你是我的至親。」
Markaasuu ku yidhi, Tumaad tahay? Oo iyana waxay ugu jawaabtay, Waxaan ahay addoontaadii Ruud; haddaba macawistaada ku kor kala bixi addoontaada, waayo, waxaad tahay xigaal ii dhow.
10 波阿次說:「我女,願你蒙上主的祝福! 你行的仁愛,後者實勝於前者,以致貧富的少年,你都沒有跟隨
Markaasuu wuxuu ku yidhi, Gabadhaydiiyey, Rabbigu ha ku barakeeyo, waayo, roonaan weyn baad i tustay ugu dambaystii, oo ka sii weyn tii markii hore, maxaa yeelay, ma aad raacin rag dhallinyaro ah, faqiir iyo taajir toona.
11 我女,如今你不必害怕,凡你同我所說的,我都願為你做到,因為我本城的人,都知道你是一位賢德的婦女
Haddaba, gabadhaydiiyey, ha cabsan; waayo, waan kuu samayn doonaa wixii aad sheegtay oo dhan, maxaa yeelay, dadka magaaladayda oo dhammu way wada og yihiin inaad tahay naag wanaagsan.
12 的確,我是你的至親,不過還有一位至親,比我更近。
Haddaba inaan anigu ahay xigaal kuu dhow waa run, habase yeeshee waxaa jira nin xigaal ah oo iiga kaa sii dhow.
13 今夜你在這裏過夜,明早若他願意對你盡至親的義務,就由他盡好了! 如果他不願意,──上主永在! 我必對你盡至親的義務。你儘管睡到天明。盧德回報婆母
Haddaba bal caawa iska joog, oo subaxdana hadduu isagu kuu sameeyo waxa xigaalka waajibka ku ah waa hagaag, ha sameeyo, laakiinse haddaanu kuu yeelin waajibka xigaalka, de markaas Rabbiga noloshiisaan kuugu dhaartaye, anaa kuu samaynaya.
14 她就在他的腳旁睡到天明。在人能彼此辨別以前,她就起來了;波阿次心想:「不要叫人知道有婦女來過場上。」
Oo iyana cagihiisay jiifsatay ilaa subaxdii, markaasay waxay kacday intaan qof qof kale laga garan karin. Waayo, wuxuu yidhi, Yaan la ogaanin in naagu timid meesha hadhuudhka lagu tumo.
15 於是他說:「伸開你所披的外衣,雙手拿住! 」她就拿著,波阿次量了六斗大麥穗給她,放在她肩上;她就背著回城去了。
Oo wuxuu ku yidhi, Garbasaarta korkaaga saaran bal keen, oo hoori, kolkaasay hoorisay; markaasuu wuxuu ugu miisay lix koombo oo shaciir ah, wuuna u saaray; oo isna magaaladuu galay.
16 到了婆婆那裏,婆婆就問她說:「我女,事情怎樣﹖」盧德就向她述說了那人對她所作的一切;
Oo markay soddohdeed u timid, Nimco waxay ku tidhi, Gabadhaydiiyey, tumaad tahay? Markaasay waxay u sheegtay wixii ninku u sameeyey oo dhan.
17 並說:「他還給了我這六斗大麥,因為他向我說:你不要空手回去見你的婆婆。」
Oo waxay tidhi, Lixdatan koombo oo shaciirka ah isagii baa i soo siiyey, waayo, wuxuu igu yidhi, Adoo faro madhan soddohdaa ha u tegin.
18 納敖米就說:「我女,你等著罷! 看這事有什麼結果;因為這人除非今日把這事辦成,必不安心。」
Oo iyana markaasay tidhi, Gabadhaydiiyey, iska fadhiiso ilaa aad ogaatid sida arrintu u dhacayso, waayo, ninku nasan maayo ilaa uu maanta xaalkaas dhammeeyo.

< 路得記 3 >