< 詩篇 71 >

1 上主,我託庇於您,使我永不受羞恥!
Rabbiyow, adigaan isku kaa halleeyaa, Yaanan weligay wareerin.
2 求您照您的正義解救我,求您側耳聽我,並拯救我。
Xaqnimadaada igu samatabbixi oo i nabad geli, Dhegta ii dhig, oo i badbaadi.
3 求您作我避難的石壁,獲救的堡壘;因為您是我的磐石,我的堡壘,
Ii noqo dhagax weyn oo rug ah, oo aan had iyo goorba ku noqnoqdo, Waxaad amar ku bixisay in lay badbaadsho, Waayo, adigu waxaad tahay dhagax weyn oo ii gabbaad ah iyo qalcaddayda.
4 我的天主,求您由邪惡人的手中將我救出,由兇蠻橫暴者的掌中將我救走。
Ilaahayow, iga badbaadi kan sharka leh gacantiisa, Iyo gacanta xaqlaawaha iyo ninka nacabkaa.
5 因為,我主上主,您是我的期望,您是我自幼唯一的仰仗。
Waayo, Sayidow Ilaahow, waxaad tahay rajadayda, Oo waxaad tahay kii aan isku hallaynayay tan iyo yaraantaydii.
6 我自從在母胎中,就仰賴您,尚在母懷中,您就是我的託庇;我全心的希望,時時寄托於您。
Tan iyo uurkii hooyaday adigaa i tiirinayay, Waxaad tahay kii iga soo bixiyey uurkii hooyaday, Had iyo goorba adigaan ku ammaani doonaa.
7 許多人都把我視作妖怪,您卻作了我有力的仰賴。
Anigu kuwo badan baan u ahay sidii wax yaab leh, Laakiinse adigu waxaad ii tahay magangal xoog leh.
8 我要滿口讚頌您,我要終日稱揚您。
Maalin kasta waxaa afkayga ka buuxi doona Ammaantaada iyo sharaftaada.
9 在我年老時,求您不要拋棄我,在我氣力衰弱時,不要遠離我。
Ha i tuurin markaan gaboobo, Oo ha i dayrin markaan itaal darnaado.
10 不然,我的仇敵必要對我說,窺伺我命的人,互相私議說:
Waayo, cadaawayaashaydu waxay ka hadlaan wax igu saabsan, Oo kuwa naftayda inay iga qaadaan doonayaana way wada arrinsadaan,
11 天主已經捨棄了他,您們追擊他,捕捉他! 因為無人再來救他。
Oo waxay isyidhaahdaan, Ilaah baa dayriyey, Haddaba ka daba taga oo qabta, waayo, ma jiro mid samatabbixinayaa.
12 天主,求您不要遠離我,我的天主,請快來救我。
Ilaahow, ha iga fogaan, Ilaahayow, soo dhaqso oo i caawi.
13 願那些謀殺我命的人,走頭無路,願那些設法害我的人,蒙受恥辱!
Kuwa naftayda cadaawayaal ku ahu ha ceeboobeen oo ha baabba'een, Oo kuwa waxyeelladayda doondoonayana ceeb iyo sharafdarro ha ku bateen.
14 我仍不斷地期望您,每日加倍地讚美您。
Laakiinse anigu had iyo goorba wax baan rajaynayaa, Oo weliba waan kuu sii ammaanayaa aad iyo aad.
15 我的口要傳述您的寬仁,終日不斷宣揚您的救恩,因為我不知它們的數額。
Afkaygu wuxuu maalinta oo dhan ka sheekayn doonaa xaqnimadaada, iyo badbaadintaada, Waayo, anigu ma aqaan intay tiro le'eg yihiin.
16 我要稱揚我天主的偉大奇能,上主,我要傳述您獨有的寬仁。
Waxaan la imanayaa Sayidka Ilaahaa shuqulladiisa xoogga leh, Oo waxaan ka hadli doonaa xaqnimadaada, taasoo ah taada oo keliya.
17 天主,遠自我幼年時,您已教導了我。直至今日,我仍宣示您的微妙。
Ilaahow, wax baad i bari jirtay tan iyo yaraantaydii, Oo ilaa haatanna waxaan caddayn jiray shuqulladaada yaabka badan.
18 天主,即我髮白年老,求您也不要離棄我,直至我將您的威力宣示給這一代,將您的奇能傳述給下一代。
Ilaahow, ha i dayrin, xataa markaan gaboobo oo madaxaygu cirroobo, Jeeraan xooggaaga uga warramo farcanka dambe Oo aan itaalkaaga uga sheekeeyo mid kasta oo hadda ka dib imanaya.
19 天主,您的仁慈直達天際,天主,您行大事誰可比您?
Ilaahow, xaqnimadaadu aad iyo aad bay u sarraysaa, Ilaahow, adiga oo waxyaalaha waaweyn sameeyey, Bal yaa kula mid ah?
20 您曾使我經歷許多困苦艱難,現今仍然是您使我生活安全,並提拔我脫離了地下的深淵。
Adiga oo na tusay dhibaatooyin badan oo aad u xun, Ayaa haddana na noolayn doona, Oo haddana waxaad naga soo saari doontaa dhulka moolkiisa.
21 求您增加我的尊位,求您再來給我安慰。
Weynaantayda ii sii kordhi, Oo intaad soo jeesatid i qalbi qabooji.
22 我的天主,我要彈琴,歌頌您的忠誠,以色列的聖者,我要鼓瑟,向您歌頌。
Ilaahow, waxaan kugu ammaani doonaa alaab muusiko ah, Oo runtaadaan ammaani doonaa, Israa'iil kiisa Quduuska ahow, Waxaan ammaan kuugula gabyi doonaa kataarad.
23 當我歌頌您時,我的雙唇要歡騰,我那為您所救的靈魂,也要歡騰。
Bushimahaygu aad bay ugu farxi doonaan, markaan ammaan kuugu gabyo, Oo xataa naftaydii aad soo furatayna way rayrayn doonta.
24 我的舌頭也要終日伸述您的仁慈,因為謀圖傷害我的人蒙受了羞恥。
Oo weliba carrabkayguna maalinta oo dhan wuxuu ka sheekayn doonaa xaqnimadaada, Waayo, kuwa waxyeelladayda doondoonayaa way ceeboobaan, oo way isku wareeraan.

< 詩篇 71 >