< 詩篇 37 >

1 不要因作惡的人而忿怒,也不要對歹徒心生嫉妒;
Ha isku dhibin xumaanfalayaasha aawadood, Hana uga hinaasin kuwa xaqdarrada sameeya.
2 因為他們有如青草,快要枯槁,他們有如綠葉,行將零凋。
Waayo, iyaga haddiiba waxaa loo jari doonaa sida cawska oo kale, Oo waxay u engegi doonaan sida geedo yaryar oo qoyan.
3 你該信賴上主,致力善行,你必安居樂土,享受康寧。
Rabbiga isku hallee oo wanaag samee, Oo sidaasaad dalka ku degganaan doontaa, oo ammaan baad ku daaqi doontaa.
4 你只管在上主內喜歡,祂必滿全你心的意願。
Haddaba Rabbiga ku farax, Oo wuxuu ku siin doonaa waxa qalbigaagu doonayo.
5 將你的行徑託付上主,寄望於祂,祂必使之成就。
Jidkaaga Rabbiga ku aamin, Isagana isku hallee, wuuna samaynayaaye.
6 祂必使你的義德如光出現,祂必使你的仁義如日中天。
Xaqnimadaada wuxuu u soo bixin doonaa sida nuurka oo kale, Gartaadana sida duhurka oo kale.
7 你該在上主面前安心依靠,不要為萬事順心的人煩惱,不要因圖謀不軌的人暴燥;
Rabbiga ku hor xasilloonow, oo isaga samir ku sug, Oo ha isku dhibin kii jidkiisa ku barwaaqaysan Iyo ninkii hindisooyin shar ah sameeya toona.
8 你應控制憤恨,消除怒火,不要動怒,免得再犯罪過。
Cadhada ka joogso, oo dhirifka ka tag, Hana isku dhibin inaad shar samaysid.
9 因為作惡犯罪的人必被剷除;唯有仰望上主的人繼承樂土。
Waayo, xumaanfalayaashu way go'i doonaan, Laakiinse kuwa Rabbiga sugaa dalkay dhaxli doonaan.
10 惡人再過片刻,就不知所在,詳察他的住所,也不復存在。
Wakhti yar dabadeedna kan sharka lahu ma jiri doono, Bal meeshiisa aad baad ugu fiirsan doontaa, oo isna ma jiri doono.
11 但善人要繼承樂土,必要樂享平安幸福。
Laakiinse kuwa camalka qabow dalkay dhaxli doonaan, Oo waxay ku farxi doonaan nabad badan.
12 惡徒設計謀害忠義,常朝著他咬牙切齒。
Kan sharka lahu wuxuu shirqool u dhigaa kan xaqa ah, Oo isaga ayuu u ilko jirriqsadaa.
13 上主朝著惡人發笑,因見他的日已來到。
Oo Sayidku wuu ku qosli doonaa isaga, Waayo, wuxuu arkaa in maalintiisu soo dhowaanayso.
14 惡人拔劍張弓,想毀滅貧困微弱的人,想屠殺操行正直的人;
Kuwa sharka lahu waxay la bexeen seeftoodii, qaansadoodiina way xooteen, Si ay miskiinka iyo kan baahan hoos ugu tuuraan, Oo ay laayaan kuwa jidkooda ku qumman.
15 他們的劍反刺穿他們的心肝,他們的弓將被折得破爛不堪。
Seeftoodu waxay mudi doontaa wadnahooda, Oo qaansooyinkooduna way kala jebi doonaan.
16 義人佔有的幸福雖少,但卻勝於惡人的富饒。
Inta yar oo mid xaq ahu haystaa Way ka sii wanaagsan tahay kuwa sharka leh maalkooda badan.
17 因為惡人的手臂將被折斷,義人卻有上主作支援。
Waayo, kuwa sharka leh gacmahoodu way jebi doonaan, Laakiinse Rabbigu kuwa xaqa ah wuu tiiriyaa.
18 上主眷顧善人的歲月,他們的產業永遠常在。
Rabbigu wuu yaqaan kuwa kaamilka ah cimrigooda, Oo dhaxalkooduna weligiisba wuu waarayaa.
19 在患難之時,他們必不蒙羞,在饑饉之日,他們必得飽飫。
Iyagu ma ceeboobi doonaan wakhtiga shar jiro, Oo wakhtiga abaaru dhacdona way dhergi doonaan.
20 惡人和上主的仇人必要沉淪,像沃野的鮮花一樣凋零,必要像煙霧一般消散無影。
Laakiinse kuwa sharka lahu way halligmi doonaan, Cadaawayaasha Rabbiguna waxay ahaan doonaan sida inta wanaagsan oo doogga, Way baabbi'i doonaan, sida qiiqa oo kale way u baabbi'i doonaan.
21 惡人借貸總不償還,義人卻常好施樂善。
Kii shar lahu wax buu amaahdaa, mana bixiyo mar dambe, Laakiinse kan xaqa ahu wuu naxariistaa, waxna wuu bixiyaa.
22 上主祝福的人將繼承福地,上主咒罵的人將被除滅跡。
Oo kuwuu barakeeyo ayaa dalka dhaxli doona, Laakiinse kuwuu habaaraa way go'i doonaan.
23 上主穩定善人的腳步,上主欣賞義人的道路;
Dadka socodkiisa waxaa hagaajiya Rabbiga, Oo jidkiisuu ku farxaa.
24 他縱或失足,也不致顛仆,因為上主扶持著他的手。
Oo in kastoo uu kufo, haddana ma wada dhici doono, Waayo, Rabbiga ayaa gacantiisa ku tiiriya.
25 我作過幼童,現今已年老,從未見過正義的人被棄掉。也未見過他的後裔行乞討。
Waan dhallin yaraan jiray, oo haatanna waan gaboobay, Oo weligay ma arag mid xaq ah oo la dayriyey, Ama carruurtiisa oo cunto tuugsanaysa.
26 他既終生施惠憐恤,他的子必蒙祝福。
Maalinta oo dhan wuu naxariistaa oo wax buu amaahiyaa, Oo carruurtiisuna way barakaysan yihiin.
27 你若避惡行善,你必存留久遠。
Sharka ka fogow, oo wanaag samee, Oo weligaa baad degganaan doontaa.
28 上主愛慕正義,必不拋棄自己的聖徒;乖戾歹徒必被消滅,惡人的子孫必被剷除。
Waayo, Rabbigu wuxuu jecel yahay caddaaladda, Mana uu dayrsho quduusiintiisa, Laakiinse iyaga weligoodba waa la ilaashaa, Illowse kuwa sharka leh carruurtoodu way go'i doonaan.
29 義人將要承受樂土,必在那裏永遠居住。
Kuwa xaqa ahu dalkay dhaxli doonaan, Oo weligoodna way dhex degganaan doonaan.
30 義人的口傾吐智慧,他的舌頭講論公義。
Kan xaqa ah afkiisu wuxuu ka hadlaa xigmadda, Carrabkiisuna wuxuu ku hadlaa caddaaladda.
31 天主的法律在他心田,他的腳步必堅定不偏。
Oo Ilaahiisa sharcigiisu waa ku jiraa qalbigiisa, Oo tallaabooyinkiisana midnaba dib uma simbiriirixan doonto.
32 惡者窺伺義者,設法將他殺害;
Kan sharka lahu wuxuu fiiriyaa kan xaqa ah, Oo wuxuu doondoonaa inuu isaga dilo.
33 上主絕不將義人棄於惡人手中,上主審判時,也決不判義人受刑。
Rabbigu isaga gacantiisa ku dayn maayo, Oo eedayn maayo marka la xukumo isaga.
34 你常仰望上主,遵循祂的道路:祂必要舉揚你,使你承受樂土;當祂剷除惡人時,你將欣然目睹。
Rabbiga sug, oo jidkiisa xaji, Oo wuxuu kuu sara marin doonaa inaad dalka dhaxasho, Waad arki doontaa marka kuwa sharka lahu go'aan.
35 我曾見過惡人橫極一時,像茂盛的橡樹滋長不息。
Waxaan arkay ku shar leh oo dulun badan, Oo isu kala bixiya sida geed cagaar ah oo dhulkiisii ka baxay.
36 當我再經過時,竟已不在眼前,我雖到處尋覓,再也沒有尋見。
Laakiin waa la ag maray, oo isagii lama arag, Oo waan doondoonay, laakiinse waa la waayay.
37 求你對正人注視,對君子觀看,愛好和平的人,子嗣必定連綿。
Bal fiiri ninka kaamilka ah, oo bal eeg, kan qumman, Waayo, ninkaas ugu dambaystiisu waa nabad.
38 行兇的人必盡數滅亡,惡人的後裔必全淪喪。
Laakiinse kuwa xadgudbaa dhammaantood wadajir bay u baabbi'i doonaan, Oo kuwa sharka lahuna ugu dambaystooda way go'i doonaan.
39 義人的救護是來自上主,祂是我們困厄時的護守;
Kuwa xaqa ahse badbaadadoodu waa xagga Rabbiga, Oo wakhtiga dhibaatada isagu waa qalcaddooda.
40 上主必多扶持助佑,解救他們脫離惡人,上主必予拯救,因他們曾向祂投奔
Oo Rabbigu iyaguu caawiyaa, wuuna samatabbixiyaa, Oo wuxuu iyaga ka samatabbixiyaa kuwa sharka leh, wuuna badbaadiyaa, Maxaa yeelay, isagay magangaleen.

< 詩篇 37 >