< 詩篇 18 >

1 【凱旋感恩歌】 上主的僕人達味作,向上主唱了這篇詩歌: 上主,我的力量,我愛慕你。
Rabbiyow, xooggaygiiyow, anigu waan ku jeclahay.
2 上主,你是我的磐石、我的保障,我的避難所;你是我的天主,我一心依靠的磐石;你是我的護盾,我救恩的角,我的堡壘。
Rabbigu waa dhagax weyn oo ii gabbaad ah iyo qalcaddayda, iyo samatabbixiyahayga, Iyo Ilaahay, iyo gabbaadkayga adag, oo isagaan isku hallayn doonaa, Isagu waa gaashaankayga, iyo geeska badbaadadayda, iyo munaaraddayda dheer.
3 我一呼求應受頌揚的上主,我便會從仇敵的手中得救。
Waxaan baryayaa Rabbiga istaahila in la ammaano, Oo sidaasaan cadaawayaashayda kaga badbaadi doonaa.
4 死亡的狂瀾環圍著我,凶惡的險波驚嚇著我,
Waxaa i hareereeyey xadhkihii dhimashada, Oo waxaa i cabsiiyey daadkii cibaadala'aanta.
5 陰府的繩韁纏繞著我,喪命的羅網拘絆著我。 (Sheol h7585)
Waxaa igu wareegsanaa xadhkihii She'ool, Oo waxaa i qabsaday dabinnadii dhimashada. (Sheol h7585)
6 我在急難難當中呼求了上主,向我的天主求助;他由殿中聽我禱告,我的聲音進入祂的耳鼓。
Anigoo cidhiidhi ku jira ayaan Rabbiga baryay, Oo waxaan u qayshaday Ilaahay, Isna codkayguu macbudkiisa ka maqlay, Oo qayladayda hortiisa ka yeedhaysaana dhegihiisay gashay.
7 因為上主憤怒填胸,大地立即戰慄震驚,山基陵根搖撼移動。
Markaasaa dhulku ruxmay oo gariiray, Oo buuraha aasaaskoodiina wuu dhaqdhaqaaqay, Oo wuu ruxmay, maxaa yeelay, Ilaah waa cadhaysnaa.
8 由祂的鼻孔湧出濃煙,由祂的口中噴出烈焰,由祂身上射出火炭。
Dulalka sankiisa waxaa ka soo baxay qiiq, Afkiisana waxaa ka soo baxay dab wax gubaya, oo dhuxulaa ka shidmay isaga.
9 祂使諸天低垂,親自降臨,在祂的腳下面密布濃雲。
Oo weliba samooyinka wuu soo foorarshay, oo hoos buu u soo degay, Oo cagihiisana waxaa hoos yiil gudcur weyn.
10 祂乘坐革魯賓飛揚;藉著風的翼羽翱翔。
Oo wuxuu fuulay keruub, wuuna duulay, Haah, oo wuxuu si dheeraysa ugu duulay oo fuulay dabaysha baalasheeda.
11 祂四周以黑暗作帷帳,以含雨的濃雲為屏障。
Wuxuu gudcurka ka dhigtay meeshiisii dhuumashada, iyo taambuuggiisa hareerihiisa ku wareegsan, Iyo biyo gudcur ah, iyo daruuraha qarada waaweyn oo cirka.
12 閃電在祂前輝煌,紅炭發出了火光。
Nuurkii hortiisa yiil aawadiis ayay daruurihii qarada waaweynaa tageen, Roobkii dhagaxyada lahaa iyo dhuxulihii dabka ahaana way carareen.
13 上主由高天發出雷鳴,至高者吼出祂的呼聲。
Rabbiguna wuxuu ka onkoday samooyinka, Sarreeyuhuna wuxuu ku hadlay codkiisii, Oo soo daayay roob dhagaxyaale iyo dhuxulo dab ah.
14 祂射出羽箭,將人驅散;祂發出閃電,使人逃竄。
Markaasuu fallaadhihiisii soo ganay oo kala firdhiyey iyagii, Haah, oo wuxuu u soo diray hillaac badan, wuuna baabbi'iyey iyagii.
15 上主的呵斥一呼,鼻孔的怒氣一出,滄海的海底出現,大地的地基露綻。
Rabbiyow, canaantaadii aawadeed iyo dulalka sankaaga neefta ka soo baxaysa aawadeed Ayaa durdurradii biyuhu la muuqdeen, Oo aasaaskii duniduna wuu soo bannaan baxay.
16 祂由高處伸手將我拉住,祂由洪水之中將我提出;
Xagga sare ayuu cid ka soo diray, oo wuu i qaaday, Oo wuxuu iga soo dhex bixiyey biyo badan.
17 救我脫離了我的敵手,擺脫了強於我的仇讎。
Wuxuu iga samatabbixiyey cadowgaygii xoogga badnaa, Iyo kuwii i necbaaba, waayo, iyagu way iga xoog badnaayeen.
18 他們在我困厄之日襲擊我,然而上主卻作了我的城堡;
Waxay igu soo kediyeen maalintii aan belaayaysnaa, Laakiinse Rabbigu wuxuu ii ahaa tiir.
19 祂引領我步入廣闊的平原,祂因喜愛我而給了我救援。
Oo weliba wuxuu i keenay meel ballaadhan, Wuu i soo samatabbixiyey, maxaa yeelay, wuu igu farxay.
20 上主照我的正義酬答了我,按我隻手的清白賞報了我;
Rabbigu wuxuu iigu abaalguday sidii ay xaqnimadaydii ahayd, Oo sidii ay nadiifsanaantii gacmahaygu ahayd ayuu iigu abaalguday.
21 因我遵行了上主的道路,沒有作惡背棄我的天主。
Waayo, anigu waan xajiyey jidadkii Rabbiga, Oo Ilaahayna si caasinimo ah ugama tegin.
22 祂的一切法令常在我的眼前,祂的任何誡命我總沒有棄損;
Waayo, xukummadiisii oo dhammu hortayday yiilleen, Oo qaynuunnadiisiina anigu iskama tuurin.
23 我在祂前常保持成全,我自知防範各種罪愆。
Oo weliba xaggiisana waan ku qummanaa, Oo waan iska dhawray xumaantaydii.
24 因此,上主我在祂眼前的正道,並我隻手的清白給了我賞報。
Sidaas daraaddeed ayaa Rabbigu iigu abaalguday sidii ay xaqnimadaydii ahayd, Iyo sidii nadiifsanaanta gacmahaygu ay ku ahayd indhihiisa hortooda.
25 仁慈的人,你待他仁慈;正直的人,你待他正直;
Kii naxariis leh waad u naxariisanaysaa, Oo ninkii qummanna waad u qummanaanaysaa.
26 純潔的人,你待他純潔;乖戾的人,你待他乖戾。
Kii daahir ahna daahir baad u ahaanaysaa, Oo kii qalloocanna mid maroorsan baad u ahaanaysaa.
27 卑微的人,你必要救起;傲慢的人,你必要輕視。
Waayo, waxaad badbaadinaysaa dadka dhibaataysan, Laakiinse indhaha kibirsan waad soo dejinaysaa.
28 上主,是你使我的燈籠放光,我主,是你把我的黑暗照亮。
Waayo, waxaad daaraysaa laambaddayda, Rabbiga Ilaahayga ah ayaa gudcurkayga iftiiminaya.
29 仗著你的助祐,我衝上了戰場;靠著我的天主,我跳過了城牆。
Waayo, adaan col kuugu dhex ordaa, Oo Ilaahay caawimaaddiisa ayaan derbi kaga boodaa.
30 天主的道路是完善的;上主的言語是精鍊的;凡是投奔祂的人,祂必作他的後盾。
Ilaah jidkiisu waa qumman yahay, Rabbiga eraygiisuna waa mid la tijaabiyey, Isagu wuxuu gaashaan u yahay kuwa isaga isku halleeya oo dhan.
31 除了上主以外,還有誰是天主?我們天主以外,還有誰是磐石?
Waayo, bal yaa Ilaah ah, Rabbiga mooyaane? Oo bal yaa dhagax weyn ah, Ilaahayaga mooyaane?
32 是天主使我腰纏英武,使我的道路平坦無阻;
Kaasoo ah Ilaaha ii guntiya xoog, Jidkaygana qummaatiya.
33 使我的雙腳敏捷與鹿蹄相同,使我能穩立於高山的危峰;
Isagu cagahayga wuxuu ka dhigaa sida cagaha deerada, Oo wuxuu igu fadhiisiyaa meelahayga sare.
34 是祂教導我的手上陣進攻,使我伸出臂膊開張了銅弓。
Gacmahaygana wuxuu baraa dagaalka, Oo sidaas daraaddeed gacmahaygu waxay xoodaan qaanso naxaas ah.
35 你把救生的盾賜給了我,你的右手不斷扶持了我,使我日漸強大因你愛我。
Weliba waxaad kaloo i siisay gaashaankii badbaadintaada, Oo waxaa kor ii qaadday gacantaada midig, Oo roonaantaada ayaa i weynaysay.
36 你為我的腳步拓展了道路,我的雙腳總沒有顛簸躊躇。
Adigu tallaabooyinkayga waxaad ku ballaadhisay hoostayda, Oo cagahayguna ma ay simbiriirixan.
37 我追擊我的仇敵,並且把他們捕捉,決不返回,直到將他們除盡滅絕。
Anigu waxaan eryan doonaa cadaawayaashayda, oo waan gaadhi doonaa, Oo jeeray wada baabba'aanna dib uga soo noqon maayo.
38 我將他們打得一敗塗地,叫他們在我的腳下倒斃。
Waan wada layn doonaa si aanay mar dambe u awoodin inay kacaan, Oo cagahaygay ku soo hoos dhici doonaan.
39 你使我腰纏英武奮勇作戰,叫敵對我的人都向我就範;
Waayo, xoog baad iigu guntisay dagaalka aawadiis, Oo kuwii igu kacayna hoostaydaad ku soo tuurtay.
40 使我的敵人在我前轉背逃竄,使我把一切仇恨我的人驅散。
Oo weliba cadaawayaashaydii waxaad ka dhigtay inay dhabarka ii jeediyaan, Si aan u kala gooyo kuwa i neceb.
41 他們吶喊,卻沒有人救援,呼號上主,也得不到矜憐。
Iyagu way qayshadeen, laakiinse way waayeen mid iyaga badbaadiya, Oo xataa Rabbiga way baryeen, laakiinse uma uu jawaabin.
42 我粉碎他們像風吹的灰塵,我踐踏他們似道上的糞土。
Markaasaan iyagii u duqeeyey sida boodhka dabaysha hor kaca, Oo waxaan iyagii dibadda ugu tuuray sidii dhoobada jidadka taal oo kale.
43 你救我脫離了判亂的人民,又封立了我為列國的元勳,我不認識的民族,也都來給我服務。
Waxaad iga samatabbixisay murankii dadka, Oo waxaad iga dhigtay quruumaha madaxdoodii, Oo dad aanan aqoon ayaa ii adeegi doona.
44 外邦的子民向我諂媚奉承,一聽到是我,即刻向我服膺。
Oo mar alla markii ay warkayga maqlaan way i addeeci doonaan, Oo shisheeyayaashuna way isu kay dhiibi doonaan,
45 外方的子民驚惶失色,戰戰兢兢走出了堡壘。
Shisheeyayaashu way libdhi doonaan, Oo iyagoo gariiraya ayay qolalkooda ka soo bixi doonaan.
46 上主萬歲! 願我的磐石備受讚頌!救我的天主備受尊崇!
Rabbigu waa nool yahay, oo mahad waxaa leh dhagaxayga weyn, Oo Ilaaha i badbaadiyeyna ha sarreeyo,
47 天主,是你為我伸冤復仇,求你使萬民都向我屈服;
Kaasoo ah Ilaaha aniga ii aarguda, Oo dadkana hoostayda ku soo tuura.
48 是你拯救我脫離我的仇敵,從凌駕我者的拳下,把我提起,救我免於向我施暴人的手裏。
Isagu wuxuu iga badbaadiyaa cadaawayaashayda, Haah, oo adigu waxaad iga sara marisaa kuwa igu kaca, Oo waxaad iga samatabbixisaa ninka dulmiga badan.
49 上主,為此,我要在異民中稱謝你,我要對你的聖名讚不已:
Sidaas daraaddeed, Rabbiyow, anigu waxaan kuugu mahadnaqi doonaa quruumaha dhexdooda, Oo magacaaga ammaan baan ugu gabyi doonaa.
50 因為是你使你的君王大獲勝利,對你的受傅者:達味和他的後裔,廣施仁愛慈惠,至於無窮之世。
Rabbigu si weyn buu boqorkiisa u samatabbixiyaa, Oo wuxuu weligiis raxmad u sameeyaa kii uu subkaday, Kaasoo ah Daa'uud, iyo farcankiisaba weligiis iyo weligiis.

< 詩篇 18 >