< 詩篇 132 >

1 上主,求您以慈愛懷念達味,和他所有的一切焦思勞瘁:
Rabbiyow, bal xusuuso Daa'uud Dhibaatooyinkiisii oo dhan,
2 因為他曾向上主立過了誓言,向雅各伯的全能者許過願:
Iyo siduu Rabbiga ugu dhaartay, Oo nidar ugu galay Ilaaha Xoogga leh oo Yacquub, isagoo leh,
3 我決不進入我住家中的帳幔,也決不登上我躺臥的床沿,
Hubaal anigu geli maayo teendhada gurigayga, Sariirtaydana fuuli maayo,
4 不容許我的眼睛睡眠,也不讓我的眼臉安閑,
Indhahayga seexasho isugu qaban maayo, Il iyo baalna isu keeni maayo,
5 直到我給上主尋找到一個處所,給雅各伯的全能者將居地覓妥。
Ilaa aan meel u helo Rabbiga, Oo aan taambuug u helo Kan Xoogga leh oo Yacquub.
6 看,我們聽說約櫃在厄弗辣大,我們在雅阿爾的平原找到了它。
Bal eeg, annagu waxaan ku maqalnay Efraataah, Oo waxaan ka helnay berrinkii duurka.
7 大家一同進祂的居所,並在祂的腳凳下崇拜說:
Waxaan geli doonnaa taambuugyadiisa, Oo waxaan ku sujuudi doonnaa meeshuu cagaha saarto.
8 上主,請您和您威嚴的約櫃,起來駕臨到您安息的住宅,
Rabbiyow, sara joogso, oo meeshaada nasashada gal, Adiga iyo sanduuqa xooggaaguba.
9 願您的司祭身披正義,願您的信徒踴躍歡喜。
Wadaaddadaadu xaqnimo ha huwadeen, Quduusiintaaduna farxad ha la qayliyeen.
10 為了您僕人達味的情面,不要將您的受傅者輕看!
Addoonkaagii Daa'uud daraaddiis Ha sii jeedin kaaga subkan wejigiisa.
11 上主既然向達味起了誓,真理的約言決不再收回:我要使您的親生兒子,榮登上您自己的王位;
Rabbigu run buu Daa'uud ugu dhaartay, Oo dhaartiisiina ka soo noqon maayo, Midhaha jidhkaaga midkood ayaan carshigaaga ku fadhiisin doonaa.
12 若您的子孫遵守我的誓言,也遵守我教訓他們的法典,連他們的子孫代代世世,也必定要坐上您的王位。
Carruurtaadu hadday xajiyaan axdigayga Iyo markhaatifurkayga aan iyaga bari doono, De markaas carruurtooduna weligood bay ku fadhiisan doonaan carshigaaga.
13 的確上主特別揀選了熙雍,希望熙雍作為自己的王宮:
Waayo, Rabbigu wuu doortay Siyoon, Oo wuxuu u jeclaystay inuu rugtiisii ka dhigto.
14 就是我的永遠安息之處,我希望的是常在這裏居住。
Halkanu waa meeshaydii nasashada weligeedba, Halkanaan degganaan doonaa, waayo, waan jeclaystay.
15 我要祝福這裏的食糧充裕,窮人都無憂並且吃得飽飫,
Waxaan iyada aad iyo aad ugu barakayn doonaa quud, Oo masaakiinteeda waxaan ka dhergin doonaa cunto.
16 使這裏的司祭得蒙救助,使這裏的信徒踴躍歡愉。
Wadaaddadeedana waxaan huwin doonaa badbaado, Quduusiinteeduna aad bay ula qaylin doonaan farxad.
17 在這裏我要使達味的頭角高聳,我要給我的受傅者備妥明燈,
Halkaas waxaan ka dhigi doonaa in gees Daa'uud u soo baxo, Waxaan laambad u diyaariyey kii aan subkaday.
18 我要使他的敵人個個恥辱備嘗,我要使他的王冠在頭上發光。
Cadaawayaashiisa waxaan huwin doonaa ceeb, Laakiinse taajkiisu madaxiisuu ku waari doonaa.

< 詩篇 132 >