< 詩篇 106 >
1 阿肋路亞。請您們向木讚頌,因為祂是美善寬仁,祂的仁慈永遠常存。
Rabbiga ammaana. Rabbiga ku mahadnaqa, waayo, isagu waa wanaagsan yahay, Oo naxariistiisuna weligeedba way waartaa.
2 誰能說完上主的大能化工。誰能述盡上主的一切光榮?
Yaa sheegi kara Rabbiga falimihiisa waaweyn? Amase yaa muujin kara ammaantiisa oo dhan?
3 遵守誡命的人真是有福!時時行義的人,真是有福!
Waxaa barakaysan kuwa xukunka dhawra, Oo xaqnimada ka shaqeeya wakhti kastaba.
4 上主,求您為了您對百姓的仁慈,記念我,又求您按照您施救的扶助,看顧我,
Rabbiyow, igu soo xusuuso naxariista aad dadkaaga u qabto, Oo igu soo booqo badbaadintaada,
5 使我享見您選民的福樂,因您百姓的歡笑而歡笑;使我因您的產業而自豪。
Inaan arko kuwaaga aad dooratay barwaaqadooda, Oo aan ku reyreeyo farxadda quruuntaada, Iyo inaan la faano dadka dhaxalkaaga ah.
6 我們和我們的祖先都犯過罪;都曾為非作歹而無惡不為;
Waxaannu la dembaabnay awowayaashayo, Xumaanna waannu samaynay, oo si shar ah ayaannu wax u samaynay.
7 我們祖先在埃及的時期,對您奇蹟的意義總不領會,也總不懷念您眾多的恩惠,且在紅海畔將至高者違背。
Awowayaashayo ma ay garan yaababkii aad dalka Masar ku samaysay. Oo ma ay xusuusan badnaantii naxariistaada, Laakiinse way ku ag caasiyoobeen badda, taas oo ah Badda Cas.
8 但祂為了自己的名,仍然救了他們。這是為了彰顯祂自己的神威大能。
Habase yeeshee wuxuu iyagii u badbaadiyey magiciisa daraaddiis, Inuu xooggiisa weyn ka dhigo mid la yaqaan.
9 祂一呵斥紅海,紅海立即乾涸,領他們走過海底,像走過沙漠。
Oo weliba Badda Cas ayuu canaantay, kolkaasay engegtay, Sidaas daraaddeed wuxuu iyagii ku hor kacay moolka dhexdiisii sidii iyagoo maraya cidlada dhexdeeda.
10 救他們擺脫仇恨者的壓迫,從敵人的手中將他們救回。
Oo wuxuu iyagii ka badbaadiyey kii iyaga necbaa gacantiisii, Oo wuxuu ka furtay gacantii cadowga.
11 海水卻淹沒了他們的敵人,敵人連一酤也沒有留存。
Biyihiina waxay qariyeen cadaawayaashoodii. Xataa mid qudhahu kama hadhin.
12 他們才相信了祂的諾言,高聲歌頌了對祂的頌讚。
Markaasay rumaysteen erayadiisii, Oo ammaantiisay ku gabyeen.
13 他們很快就忘了上主的作為,他們不再堅持順從祂的旨意,
Haddiiba way illoobeen shuqulladiisii, Oo taladiisiina ma ay sugin,
Laakiinse aad bay wax u damacsanaayeen intay cidladii dhex joogeen, Oo Ilaahna way ku jirrabeen lamadegaanka dhexdiisa.
15 上主雖滿足了他們的貪求,卻使他們的肚腹發生毒瘤。
Oo isna wuxuu siiyey wixii ay weyddiisteen, Laakiinse wuxuu naftoodii u soo diray caatow.
Oo weliba waxay xerada dhexdeedii kaga hinaaseen Muuse Iyo Haaruun oo ahaa Rabbiga kiisii quduuska ahaa.
Oo dhulkiina waa kala furmay oo wuxuu liqay Daataan, Oo weliba wuxuu qariyey Abiiraam guutadiisii.
18 有烈火在他們集會中燃起,火焰就把切所有的惡徒焚毀。
Oo guutadoodiina dab baa ka dhex shidmay, Ololkiina wuxuu wada gubay kuwii shar lahaa.
19 在曷勒布製造了牛犢,竟崇拜了一個金鑄的一個神偶;
Waxay samaysteen weyl markii ay Xoreeb joogeen, Oo waxay caabudeen sanam la shubay.
Oo sidaasay ammaantoodii ugu beddeleen Dibi caws daaqa ekaantiis.
21 竟將拯救自己的天主忘記:祂曾在埃及地顯示了奇事,
Waxay illoobeen Ilaahii Badbaadiyahooda ahaa, Oo waxyaalo waaweyn ku sameeyey dalkii Masar,
22 祂也曾在含邦施行過靈蹟,祂也曾在紅海發顯過奇異。
Shuqullo yaab badanna ku sameeyey dalkii Xaam, Waxyaalo cabsi badanna ku sameeyey Badda Cas agteeda.
23 若非祂揀選的梅瑟出場,站立在當地的前方,挽回祂存心滅絕的怒浪,祂早就下令全部將他們滅亡。
Sidaas daraaddeed isagu wuxuu yidhi, Waan baabbi'inayaa. Laakiinse Muuse oo ahaa kii uu doortay ayaa hortiisa u istaagay xidhiidhla'aantii u dhexaysay, Inuu Ilaah cadhadiisa ka leexiyo aawadeed si aanu iyaga u baabbi'in.
24 他們還輕視了福地樂土,對上主的諾言不肯信取;
Waxay quudhsadeen dalkii wacnaa, Mana ay rumaysan eraygiisii,
25 在自己帳幕內抱怨懷恨,不願意聽從上主的聲音。
Laakiinse teendhooyinkooday ku dhex gunuunaceen, Mana ay dhegaysan codkii Rabbiga.
26 上主於是向他們舉手起誓,要在曠野使他們喪身倒斃;
Sidaas daraaddeed gacantiisuu kor ugu taagay iyaga, Oo wuxuu ku dhaartay inuu iyaga cidladii ku afgembiyo,
27 要將他們伙的子孫分散異邦,要使他們在大地各處流亡。
Iyo inuu farcankooda ku afgembiyo quruumaha dhexdooda, Oo uu iyaga ku kala firdhiyo dalalka.
28 此後,他們歸依巴耳培敖耳,還分食祭祀過死神的祭品。
Oo weliba waxay isku dareen Bacal Fecoor, Oo waxay cuneen allabarigii kuwii dhintay.
29 又作惡犯罪觸怒了上主,祂忽降災禍將他們懲處;
Sidaasay isaga shuqulladoodii ugaga xanaajiyeen, Markaasay belaayadu ka dhex dillacday.
Markaasaa waxaa istaagay Fiinexaas, oo wuxuu ku soo dejiyey xukun, Oo sidaasaa belaayada lagu joojiyey.
Oo taas waxaa isagii loogu tiriyey xaqnimo U sii waaraysa qarni kasta iyo weligeedba.
32 此後他們在默黎巴激怒上主,為了他們的理由,梅瑟也連累受苦;
Oo weliba waxay isagii kaga cadhaysiiyeen biyihii Meriibaah agtooda, Sidaas daraaddeed dhib baa ku dhacday Muuse iyaga aawadood,
Maxaa yeelay, iyagu waxay ku caasiyoobeen ruuxiisii, Kolkaasuu fiirola'aan u hadlay.
Dadyowgiina uma ay baabbi'in, Sidii Rabbigu ugu amray iyaga,
Laakiinse iyagu waxay ku dhex qasmeen quruumihii, Shuqulladoodiina way barteen,
Oo waxay u adeegeen sanamyadoodii, Kuwaasoo iyaga dabin u noqday,
Haah, oo waxay wiilashoodii iyo gabdhahoodii allabari ahaan ugu qaleen jinniyo,
38 傾流了無罪者的血,奉獻給客納罕的木偶,那地就疲流血所玷污。
Oo waxay daadiyeen dhiig aan eed lahayn, kaasoo ah dhiiggii wiilashooda iyo kii gabdhahooda Oo ay allabari ahaan ugu qaleen sanamyadii reer Kancaan, Oo dalkiina wuxuu ku nijaasoobay dhiig.
39 他們因自己的作為,毫無廉恥,他們因自己的惡行,行同娼妓。
Haddaba sidaasay shuqulladoodii ugu nijaasoobeen, Oo falimahoodii ayay ku caasiyoobeen sidii dhillo oo kale.
40 為此,上主向百姓大發憤怒,並對自己的人民憎恨厭惡;
Sidaas daraaddeed ayaa Rabbigu dadkiisii aad ugu cadhooday, Oo isna wuxuu karhay dadkii dhaxalkiisii ahaa.
41 把他們交在異民的手內,讓惱恨他們的人來主宰,
Oo wuxuu iyagii u gacangeliyey quruumaha, Oo kuwii iyaga necbaa ayaa u taliyey.
Oo weliba cadaawayaashoodii ayaa dulmay, Oo iyagoo gacantooda ka hooseeya ayay addoonsadeen.
43 上主曾多次拯救他們但他們仍是抗不從命,陷於自己罪惡的深坑。
Marar badan ayuu samatabbixiyey, Laakiinse waxay ku caasiyoobeen taladoodii, Oo waxaa lagu hoosaysiiyey dembigoodii.
44 上主聽到了他們的哀鳴,又垂顧了他們受的災情,
Habase yeeshee isagu waa ka fiirsaday cidhiidhigoodii, Markuu qayladoodii maqlay,
45 憶起了祂自己恩待他們的盟約,憐憫了他們,只因祂的慈愛太多。
Oo wuxuu iyagii u soo xusuustay axdigiisii, Kolkaasuu naxariistiisa badan aawadeed u qoomamooday.
46 使他們在俘擄他們的人前,成為自己憐憫的因緣。
Oo weliba wuxuu ka dhigay inay Kuwii iyaga maxaabiis ahaanta u kaxaystay oo dhammu u naxaan.
47 上主,我們的天主,求您拯救我們,由異民召回我們重逢,為讚美您的聖名,並以讚美您為光榮。
Rabbiyow Ilaahayagow, na badbaadi, Oo quruumaha naga soo dhex ururi, Si aannu magacaaga quduuska ah ugu mahadnaqno, Oo aannu ammaantaada ugu guulaysanno.
48 上主以色列的天主,從永遠到永遠受讚美!願全體百姓齊聲說:阿們,亞肋路亞。
Waxaa mahad leh Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil Tan iyo weligiis iyo weligiisba. Oo dadka oo dhammu ha yidhaahdo, Aamiin. Rabbiga ammaana.