< 詩篇 10 >

1 【求主隡除惡霸】上主,你為什麼站在遠處!在困苦之時竟隱藏不露?
Rabbiyow, maxaad meesha fog u istaagtay? Oo maxaad u dhuumataa markii dhibaato jirto?
2 惡人蠻橫地難為弱小的人,叫他陷於預設的陰謀之中。
Kii shar leh oo kibir badan ayaa miskiinka si kulul u eryada, Xeeladdii ay hindiseen iyaga ha la rogmato.
3 惡人因隨心所欲而自慶,匪徒因輕慢上主而自幸;
Waayo, kii shar lahu wuxuu ku faanaa waxa qalbigiisu jecel yahay, Oo kii damaci ahuna Rabbiga wuu nacaa, wuuna quudhsadaa.
4 惡人心高氣傲說:他絕不會追究!也絕沒有天主!這就是他的企圖。
Kii shar lahu isagoo wejigiisa kibir ka muuqdo wuxuu yidhaahdaa, Isagu waxba i weyddiisan maayo. Fikirradiisa oo dhammu waxaa weeye, Ilaah ma jiro.
5 他的道路時時彎曲錯謬;常把你的懲罰拋諸腦後,對一切私仇常怒氣詛咒。
Jidadkiisuu ku adag yahay had iyo goorba, Xukummadaaduna waa ka sarreeyaan isaga, waana ka fog yihiin, Oo cadaawayaashiisa oo dhanna wuu wada fudaydsadaa.
6 心下自語:我永遠不會動搖!我永永遠遠不會遭受災禍!
Oo wuxuu isyidhaahdaa, Anigu weligay dhaqdhaqaaqi maayo, Oo tan iyo ka ab ka ab xumaanu i heli mayso.
7 他他滿口是欺詐與辱罵,舌下盡是惡毒與謊話。
Afkiisa waxaa ka buuxa habaar iyo khiyaano iyo dulmi, Oo carrabkiisana waxaa ku hoos jira belaayo iyo xumaan.
8 他在村邊隱密處埋伏,他暗地裏要殺害無辜,他對不幸者窺伺注目,
Isagu wuxuu fadhiistaa tuulooyinka meelahooda lagu dhuunto, Oo kan aan xaqa qabinna wuxuu ku dilaa meelaha qarsoon, Oo indhihiisuna waxay si qarsoon hoos uga fiiriyaan miskiinka.
9 他在暗處伺伏,有如獅子蹲在洞口,要把貧困的人,伺機刮搜,將貧困者拖入網中劫走。
Isagu wuxuu ku dhuuntaa meel qarsoon sida libaax godkiisa ku jira, Oo wuxuu u gaadaa inuu miskiinka qabsado, Oo intuu miskiinka qabsado ayuu ku soo jiitaa shabaggiisa.
10 他俯下身子,蹲伏在地下,不幸者便陷入他的爪牙;
Wuu foororsadaa, oo hoos isu gaabiyaa, Oo masaakiinta waxaa ridda gacanta kuwiisa xoogga badan.
11 心下自語說:天主忘了,祂掩了面,永不再看。
Oo wuxuu isyidhaahdaa, Ilaah waa i illoobay, Oo wejigiisiina wuu qariyey, weligiisna ima arki doono.
12 上主天主,求你起來將手舉起,不要把窮苦人忘記。
Rabbiyow, Ilaahow, sara joogso, oo gacantaada kor u qaad, Oo masaakiinta ha illoobin.
13 為何讓人們輕慢天主,心下自語,「祂絕不會追究?」
Bal kii shar lahu muxuu Ilaah u quudhsadaa? Oo muxuu qalbigiisa uga leeyahay, Adigu waxba i weyddiisan maysid?
14 其實你已看見欺壓與罪行,正考慮如何親手加以嚴懲;因此不幸的人向你投奔,唯有你是孤兒們的救星。
Waxaas baad aragtay, waayo, waad u jeeddaa belaayada iyo xanaaqa, inaad gacantaada ku aargudatid aawadeed, Miskiinku adiguu isu kaa dhiibaa, Waayo, adigu waxaad tahay agoonka kaalmeeyihiisa.
15 願你打斷罪犯與惡人的臂膊,報復他的罪孽直至不再發作。
Kii shar leh gacantiisa jebi, Oo sharrowga xumaantiisana doondoon ilaa aad mid dambe weydid.
16 上主為王,直至於萬世無疆;野蠻人必由祂領域中喪亡。
Rabbigu waa boqor weligiis iyo weligiisba, Oo quruumaha oo dhammuna dalkiisa way ka wada baabba'aan.
17 上主,你垂允了謙卑者的心願,堅固他們的心靈,也側耳俯聽。
Rabbiyow, waad maqashay waxay kuwa is-hoosaysiiyaa doonayaan, Oo qalbigooda waad diyaarin doontaa, oo dhegtaadana waad u dhigi doontaa,
18 護衛孤兒和受壓迫者的特權,使塵世的人不再施恐怖手段
Si aad gartooda u naqdid agoonta iyo kuwa la dulmay, Si aan dadka dunidu mar dambe u noqon kuwo laga cabsado.

< 詩篇 10 >