< 俄巴底亞書 1 >

1 亞北底亞神視]吾主上主關於厄東這樣說:我從上主聽到了一個消息,有一位傳令員已被派往萬民那裏說:「起來! 我們起來向她進攻! 」
Kuwanu waa wixii la tusay Cobadyaah. Sayidka Rabbiga ahu sidan buu dalka Edom ka leeyahay: Annagu Rabbiga xaggiisa ayaannu war ka maqalnay, oo farriinwade ayaa quruumaha dhexdooda loo soo diray, isagoo leh, War kaca, oo kaalaya aan dadka Edom dagaal ugu kacnee.
2 看,我必使你在萬民中成為弱小的,極受人輕視。
Bal eega, quruumaha dhexdooda waan idinku yareeyey, oo si weyn baa laydiin quudhsaday.
3 你心中的驕傲欺騙了你:你住在磐石裂縫中,安居高處,心中說:「誰能我跌在地上﹖」
Kuwiinna qararka dillaacyadooda ku hoyda oo hoygoodu meesha sare ku yaal, waxaa idin khiyaanay kibirka qalbigiinna, oo waxaad qalbiga iska tidhaahdaan, Bal yaa dhulka nagu soo ridi kara?
4 既使你高棲如鷹,既便你將巢穴安置星辰上,我也要從那裏把你推下──上主的斷語──
In kastood meel kore fuushaan sida gorgorka, iyo in kastoo buulkiinna laga dhiso xiddigaha dhexdooda, halkaas waan idinka soo dejin doonaa, ayaa Rabbigu leeyahay.
5 如果盜賊,或夜間的強盜來到你那裏,他們豈不要偷個夠嗎﹖如果收葡萄的來到你那裏,豈不只給氮留下些殘粒嗎﹖你將來也是如此荒涼!
Haddii tuugag idiin soo dhici lahaayeen ama haddii shufto habeennimo idin miri lahayd, sow wax idinkama xadi lahayn jeeray wax ku filan la tagaan? (Sidee baad u ba'deen!) Haddii kuwa canabka gura idiin iman lahaayeen, sow kama tegi lahayn canab xaaxaab ah?
6 厄撒烏怎樣被人搜過了,她的寶藏怎樣被人探索了!
Sidee baa loo dhacay alaabtii reer Ceesaw! Oo khasnadihiisii qarsoonaa sidee baa loo baadhay!
7 與你聯盟的人,愚弄了你,將你驅至邊境;與你友好的人,克服了你;與你共食人,給你暗設了陷阱,而你竟一點也沒有理會。
Kulli dadkii aad axdiga la lahaan jirteen oo dhammu waxay idinku celiyeen tan iyo soohdinta, oo dadkii nabadda idinla lahaan jiray ayaa idin khiyaanay, wayna idinka adkaadeen, oo kuwii kibistiina cuni jiray ayaa dabin idiin dhigay, oo innaba waxgarasho ma leh.
8 在那一天──上主的斷語──我豈能不撲滅厄東的智者,掃除厄撒烏山上的明哲﹖
Rabbigu wuxuu leeyahay, Wakhtigaas ragga xigmadda leh sow kama aan baabbi'in doono reer Edom oo waxgarashadana sow kama baabbi'in doono buurta Ceesaw?
9 特曼,你的勇士必驚惶失措,至使厄撒烏山上的人盡遭滅亡。你既然好殺,
Reer Teemaanow, raggiinna xoogga badanu way wada nixi doonaan, oo sidaas daraaddeed mid kasta oo buurta Ceesaw ka yimid ayaa laynta ku go'i doona.
10 傷害了你的兄弟雅各伯,你必蒙受羞辱,永遭滅亡:
Xumaantii aad walaalihiin reer Yacquub ku samayseen aawadeed ayaa ceebu idiinku degi doonta, oo weligiin baad go'naan doontaan.
11 因為當外邦人擄掠他財寶的那一天,蠻族來到了他的城門下,對耶路撒冷拈鬮時,你也置身其間,好像他們中的一個。
Waayo, wakhtigii aad ag taagnaydeen oo iska fiirinayseen, markay shisheeyayaashu maalkooda qaadanayeen, oo dadka qalaad irdihooda soo gelayeen, oo ay Yeruusaalem saamiga u ridanayeen, xataa idinku iyagoo kalaad ahaydeen.
12 你兄弟遭難的日子,你不應旁觀;猶大子民滅亡的那天,你也不應引以為樂;在患難的日子上,你也不應大言不慚。
Laakiinse ha fiirina wakhtiga walaalihiin cidhiidhiga ku jiraan, oo ha ku farxina wakhtiga reer Yahuudah baabba'ooda, oo hana u faanina wakhtiga cidhiidhiga.
13 在我的的百姓遭的時日,你不應闖進他們的門;在他遭難的時日,你更不應伸手劫掠他的財物。
Iridda dadkayga ha soo gelina wakhtiga ay belaayaysan yihiin, oo weliba dhibkooda ha fiirsanina wakhtiga ay belaayaysan yihiin, oo maalkoodana far ha saarina wakhtiga ay belaayaysan yihiin.
14 你不應站在交叉路口,截殺他的難民;在患難之日,你不應交出他的劫後餘生。
Oo meesha jidadka isku gooyaana ha u istaagina si aad u laysaan kuwooda soo fakaday, oo kuwooda wakhtigii cidhiidhiga ka hadhayna cadowgooda ha u gacangelina.
15 因為上主的日子已臨近萬民,人必按你所作的,照樣對待你;你的行為必歸於你的頭上。
Waayo, maalintii Rabbigu way soo dhow dahay oo way ku dhici doontaa quruumaha oo dhan, oo sidaad samayseen ayaa idinkana laydiinku samayn doonaa, oo abaalgudkiinnii ayaa madaxiinna ku soo noqon doonaa.
16 正如你們曾在我的聖山上痛飲過,萬民也要不斷痛飲:他們要痛飲,要飲醉,而終歸消滅。
Oo sidaad buurtayda quduuska ah korkeeda wax ugu cabteen ayaa quruumaha oo dhammuna had iyo goorba wax u cabbi doonaan, haah, iyagu way cabbi doonaan oo way liqi doonaan, oo waxay ahaan doonaan sidii iyagoo aan weligood ahaanin.
17 在熙雍山上必有救援,熙雍將是神聖的;並且雅各伯家要侵佔那侵佔過他們的人。
Laakiinse Buur Siyoon waxaa joogi doona kuwa baxsaday, oo iyana quduus bay ahaan doontaa, oo reer Yacquubna waxay lahaan doonaan waxyaalihii dhaxalkoodii ahaa.
18 雅各伯家將成為火,若瑟家將成為火焰,厄撒烏家卻要成為草楷;雅各伯家和若瑟家要焚燒吞滅他們;厄撒烏家必沒有一個餘生,因為上主說了。
Reer Yacquub dab buu ahaan doonaa, oo reer Yuusufna olol buu ahaan doonaa, reer Ceesawna bal jajab ah buu ahaan doonaa. Dhexdooday ku gubi doonaan oo iyagana way laasan doonaan, oo reer Ceesawna innaba waxba kama hadhi doonaan, waayo, Rabbigu sidaasuu ku hadlay.
19 他們要佔領南方,厄撒烏的山頂與培肋舍特的平原,要佔領厄弗辣因地和撒馬黎雅地以及阿孟子民的基肋阿得。
Oo dadka koonfur degganu waxay hantiyi doonaan buurta Ceesaw, oo kuwa bannaanka degganuna waxay hantiyi doonaan dalka reer Falastiin, oo weliba waxay hantiyi doonaan dalka reer Efrayim, iyo dalka reer Samaariya, oo reer Benyaamiinna waxay hantiyi doonaan dalka Gilecaad.
20 這支充軍在外的叵子民的軍旅,要佔領客納罕人的土地,直到匝爾法特;流亡在色法辣特的耶路撒冷人,要佔領南方的城邑。
Oo ciidankan dadka Israa'iil ee maxaabiista ahu waxay hantiyi doonaan dalka reer Kancaan tan iyo Sarefta, oo Yeruusaalem maxaabiisteeda Sefaaraad joogtaana waxay hantiyi doonaan magaalooyinka koonfureed.
21 那時,獲救者必上熙雍山,統治厄撒烏王;王權必歸於上主。
Oo badbaadiyayaaluna waa iman doonaan Buur Siyoon, si ay buurta Ceesaw u xukumaan, oo boqortooyadana waxaa lahaan doona Rabbiga.

< 俄巴底亞書 1 >