< 民數記 24 >

1 巴郎見祝福以色列,為上主所喜悅,就不再像前幾次一樣先去探求預示,只轉面向曠野。
Oo Balcaamna markuu arkay in Rabbigu ku farxay inuu reer binu Israa'iil barakeeyo, ma uu tegin sidii mararkii kale inuu sixir doondoono, laakiinse wuxuu wejigiisii u jeediyey xagga cidlada.
2 巴郎一舉目,看見了按支派紮營的以色列人;那時天主的神降在他身上,
Markaasaa Balcaam indhaha kor u qaaday, oo wuxuu arkay reer binu Israa'iil oo qabiil qabiil u deggan, kolkaasaa waxaa isagii ku soo degay ruuxii Ilaah.
3 他遂吟詩說:「貝敖爾的兒子巴郎的神諭,明眼男子的神諭,
Markaasuu hadalkiisii watay oo wuxuu yidhi, Balcaam ina Becoor wuxuu leeyahay, Oo ninkii ishiisu daboolnaan jirtay wuxuu leeyahay,
4 那聽到天主木話,得見全能者的神視,在沉睡中開了神眼的神視:
Wuxuu leeyahay kii erayadii Ilaah maqla Oo tusniintii Ilaaha Qaadirka ah arka, Oo dhaca isagoo indhihiisu furan yihiin,
5 雅各伯,你的帳幕,何其壯觀! 以色列,你的居住,何其美好!
Teendhooyinkiinnu wanaagsanaa, Reer Yacquubow, Oo taambuugyadiinnu qurxoonaa, Reer binu Israa'iilow!
6 如擴展的棕林,似河畔的花園,像牆上上主栽種的沉香,似臨水的香柏。
Waxay u fidsan yihiin sidii dooxooyin, Iyo sidii beero webiga barbarkiisa ku yaal, Iyo sidii geedo dacar ah oo Rabbigu beeray, Iyo sidii geedo kedar ah oo biyo ku ag yaal.
7 英雄由他的 後裔而出,他將治理許多民族;他的君王超越阿加格,他的王國必受舉揚。
Baaldiyadooda waxaa ka daadan doona biyo, Oo farcankoodu wuxuu ku jiri doonaa biyo badan, Oo boqorkooduna wuu ka sarrayn doonaa Agag, Oo boqortooyadoodana waa la sarraysiin doonaa.
8 領他出埃及的天主,為他有如野牛的角。他要吞滅那敵對他的人民,粉碎他們的骨骸,折斷他們的箭矢。
Ilaah baa iyaga Masar ka soo bixiyey, Oo iyagu waxay leeyihiin xoog gisiyeed oo kale, Oo waxay cuni doonaan quruumaha cadaawayaashooda ah, Oo lafahooda way jejebin doonaan, Oo waxay iyaga ka mudhbixin doonaan fallaadhahooda.
9 他蹲伏臥下有如雄獅,又似母獅;誰敢令他起立﹖祝福你的,必受祝福;咒罵你的,必受咒罵」。
Iyagu hoos bay isu gaabiyeen, oo sida aar bay u jiifsadeen, Iyo sida gool libaax; haddaba bal yaa kicin doona? Duco ha ku dhacdo ku alla kii idiin duceeya, Oo habaarna ha ku dhaco ku alla kii idin habaara.
10 巴拉克對巴郎大發憤怒,拍手向他說:「我請你來是為咒罵我的仇敵;看,你反而祝福他們,且已三次。
Markaasaa Baalaaq aad ugu cadhooday Balcaam, oo gacmihiisuu isku dhuftay. Oo Baalaaq wuxuu Balcaam ku yidhi, Waxaan kuugu yeedhay inaad cadaawayaashayda ii habaartid, oo bal eeg, saddexdan jeer baad u wada ducaysay.
11 現在你快回你故鄉去! 我原想豐富地酬謝你,但是,上主奪去了你的酬報」。
Haddaba meeshaadii ku carar. Anigu waxaan damacsanaa inaan derejo weyn ku siiyo, laakiinse Rabbigu dib buu kaaga celiyey derejadii.
12 巴郎回答巴拉克說:「我不是已對你遺來的使者聲明過:
Kolkaasaa Balcaam wuxuu Baalaaq ku yidhi, War kuwii farriin kaa waday miyaanan u sheegin oo aanan ku odhan,
13 既使巴拉克給我滿屋金銀,我也不能違犯上主的命令,任意去行善或作惡,而只能說上主所吩咐的嗎﹖
Haddii Baalaaq i siiyo gurigiisa oo lacag iyo dahab ka buuxo, anigu kama tallaabsan karo erayga Rabbiga inaan maankayga ka sameeyo xumaan iyo samaan toona. Wixii Rabbigu ku hadlo, kaas uun baan ku hadli doonaa.
14 現在我就要回到我民族那裏去;來,讓我告訴你這民族日後對你的民族所要做事」。
Haddaba waxaan u tegayaa dadkaygii, oo bal kaalay aan kuu sheego waxay dadkanu dadkaaga ku samayn doonaan maalmaha ugu dambaysta.
15 於是他吟詩 u金敖爾的兒子巴郎的神諭,明眼男子的神諭,
Markaasuu hadalkiisii sii watay oo wuxuu yidhi, Balcaam ina Becoor wuxuu leeyahay, Oo ninkii ishiisu daboolnaan jirtay wuxuu leeyahay,
16 那聽到天主的話,深知至高者的思慮,得見全能者的神視,在沉睡中開了神眼的神諭:
Wuxuu leeyahay kii erayadii Ilaah maqla, Oo yaqaan aqoonta Kan ugu sarreeya, Oo tusniintii Ilaaha Qaadirka ah arka, Oo dhaca, isagoo indhihiisu furan yihiin,
17 我看見衪,卻不是在現在;卻不是在近處:由雅各伯將出現一顆星,由以色列將興起一權杖,擊碎摩阿布木頍角,粉碎特一切子民的腦蓋。
Isagaan arkaa, haddase ma aha, Waan u jeedaa, mase dhowa, Reer Yacquub xiddig baa ka soo bixi doonta, Reer binu Israa'iil waxaa ka soo kici doonta ul boqortooyo, Oo waxay burburin doontaa rukummada Moo'aab, Oo waxay baabbi'in doontaa dadka Sheed oo dhan.
18 厄東將成為他的屬地,色依爾將成為他的轄境;以色列必行使威權。
Oo dalka Edom wuxuu noqonayaa hantidooda, Oo Seciir oo isna cadowgooda ahaa hantidooduu noqonayaa. Oo reer binu Israa'iil way xoogaysan doonaan.
19 由雅各伯將山生一位統治仇敵者,衪要除滅依爾的遺民」。
Oo mid reer Yacquub ka soo farcamay ayaa xukun yeelan doona, Oo wuxuu baabbi'in doonaa kuwa magaalada ka hadha.
20 以後他望見阿肋瑪克,遂吟詩說:「阿肋瑪克原是眾民之首,但他的結局是永遠的滅亡」。
Markaasuu Camaaleq eegay, oo hadalkiisii sii watay oo yidhi, Camaaleq wuxuu ahaa kan quruumaha ugu horreeya, Laakiinse ugudambaysta wuu halligmi doonaa.
21 後又望見刻尼人,遂吟詩說:「你的居住固然鞏固,你的巢穴縱然建在磐石間;
Oo haddana wuxuu eegay reer Qeyn, markaasuu hadalkiisii sii watay oo yidhi, Meeshaad deggan tihiin waa adag tahay, Oo buulkiinnana dhagaxaa laga dhisay.
22 但刻尼人仍要被毀滅,到何時亞述才將你擄去﹖」
Habase yeeshee waa laydin baabbi'in doonaa, reer Qeynow, Jeer ay reer Ashuur maxaabiis ahaan idiin kaxaystaan.
23 他又吟詩說:「嗚呼! 若天主履行此事,誰還能生存!
Markaasuu hadalkiisii sii watay oo wuxuu yidhi, Hoogay, ee bal yaa sii noolaan doona markii Ilaah waxan sameeyo?
24 從基廷有船來,征服亞述,征服厄貝爾;他們也要永遠滅亡」。
Laakiinse doonniyo waxay ka iman doonaan xeebta Kitiim, Oo waxay dhibi doonaan Ashuur, oo waxay dhibi doonaan Ceeber, Oo isna wuu halligmi doonaa.
25 然後巴郎起身回了本鄉;巴拉克也回去了。
Markaasaa Balcaam kacay oo ku noqday meeshiisii; Baalaaqna wuu iska tegey.

< 民數記 24 >