< 尼希米記 12 >

1 以下是同沙耳提的兒子責魯巴貝耳和耶叔亞回來的司祭和肋未人:色辣雅、耶肋米雅、厄次辣、
Haddaba kuwanu waa wadaaddadii iyo kuwii reer Laawi oo soo raacay Serubaabel oo ahaa ina Salaatii'eel, iyo Yeeshuuca: Seraayaah, iyo Yeremyaah, iyo Cesraa,
2 阿瑪黎、瑪路克、哈突士、
iyo Amaryaah, iyo Malluug, iyo Xatuush,
3 舍加尼雅、哈陵、默摩特、
iyo Shekaanyaah, iyo Rexuum, iyo Mereemood,
4 依多、金乃通、阿彼雅、
iyo Iddo, iyo Ginnetoy, iyo Abiiyaah,
5 米雅明、瑪阿狄雅、彼耳加、
iyo Miyaamin, iyo Macadyaah, iyo Bilgaah,
6 舍瑪雅、約雅黎布、耶達雅、
iyo Shemacyaah, iyo Yooyaariib, iyo Yedacyaah,
7 撒路、阿摩克、希耳克雅、阿達雅:這些人是耶叔亞時期中的司祭,和他們兄弟的族長。
iyo Sallu, iyo Caamooq, iyo Xilqiyaah, iyo Yedacyaah. Intaasu waxay ahaayeen madaxdii wadaaddada iyo walaalahoodii joogay wakhtigii Yeeshuuca.
8 他和他的兄弟們啟唱頌謝經文。
Oo weliba kuwii reer Laawi waxay ahaayeen Yeeshuuca, iyo Binnuwii, iyo Qadmii'eel, iyo Sheereebyaah, iyo Yahuudah, iyo Matanyaah oo madax u ahaa mahadnaqidda, isaga iyo walaalihiisba.
9 巴刻步克雅和烏尼,以及他們的兄弟依照班次,輪流服務。
Oo weliba Baqbuqyaah iyo Cunnii oo ahaa walaalahood waxay ku jireen gudaha oo iyagay ka soo hor jeedeen.
10 耶叔亞生約雅金,約雅金生厄肋史布,厄肋史布生約雅達,
Oo Yeeshuuca wuxuu dhalay Yooyaaqiim, Yooyaaqiimna wuxuu dhalay Eliyaashiib, Eliyaashiibna wuxuu dhalay Yooyaadaac,
11 約雅達約哈南,約哈南生雅杜亞。
Yooyaadaacna wuxuu dhalay Yoonaataan, Yoonaataanna wuxuu dhalay Yadduuca.
12 在約雅金年間,司祭作族長的:色辣雅家是默辣雅,
Oo wakhtigii Yooyaaqiim waxaa jiray wadaaddo qabiilooyin madax u ahaa; waxaa reer Seraayaah u ahaa Meraayaah, reer Yeremyaahna Xananyaah,
13 厄次辣家是默叔藍,阿瑪黎雅家是約哈南,
reer Cesraana Meshullaam, reer Amaryaahna Yehooxaanaan,
14 瑪路克家是約納堂,舍巴尼雅是約色夫,
reer Meliikuuna Yoonaataan, reer Shebanyaahna Yuusuf,
15 哈陵家是阿德納,默辣摩特家是赫耳凱,
reer Haarimna Cadnaa, reer Meraayoodna Xelqay,
16 依多家是則加雅,金厏通家是默叔藍,
reer Iddona Sekaryaah, reer Ginnetoonna Meshullaam,
17 阿彼雅家是齊革黎,米尼雅明和摩阿狄雅家是丕耳泰,
reer Abiiyaahna Sikrii, reer Minyaamiinna, reer Moocadyaahna Filtay,
18 彼耳家是沙慕亞,舍瑪雅家是約納堂,
reer Bilgaahna Shammuuca, reer Shemacyaahna Yehoonaataan,
19 約雅黎布是瑪特乃,耶達雅是烏齊,
reer Yooyaariibna Matenay, reer Yedacyaahna Cusii,
20 撒路家是卡來,阿克摩家是厄貝爾,
reer Sallayna Qallay, reer Caamooqna Ceeber,
21 希耳克雅是哈沙彼雅,阿達雅是乃塔乃耳。
reer Xilqiyaahna Xashabyaah, reer Yedacyaahna Netaneel.
22 在厄肋雅史布、約雅達、約哈南和雅杜亞年間,肋未人的族長都登記了,司祭也登記了,直到波斯達理阿的朝代。
Oo kuwii reer Laawi oo joogay wakhtigii Eliyaashiib, iyo Yooyaadaac, iyo Yooxaanaan iyo Yadduuca waxay ahaayeen madaxda qabiilooyinka oo la qoray; waxaa kaloo la qoray wadaaddadii joogay ilaa boqornimadii Daariyus kii reer Faaris ahaa.
23 肋未人的族長也都登記在編年錄上,直到厄肋雅史布的孫子約哈南時代。
Kuwii reer Laawi oo ahaa madaxdii qabiilooyinka waxaa lagu qoray kitaabkii taariikhda tan iyo wakhtigii Yooxaanaan oo ahaa ina Eliyaashiib.
24 肋未人的族長是哈沙彼雅。舍勒彼雅、耶亞、彼奴依和卡德米耳;他們和他們的兄弟,按天主的人達味所制定的,在唱讚美和頌謝經文時,對面站著,分班輪流歌唱。
Oo kuwii reer Laawi madaxda u ahaa waxay ahaayeen Xashabyaah, iyo Sheereebyaah, iyo Yeeshuuca oo ahaa ina Qadmii'eel, iyo walaalahoodii iyaga ka soo hor jeeday inay Ilaah ammaanaan oo ay u mahadnaqaan, siduu amray Daa'uud oo ahaa ninkii Ilaah, iyagoo iska soo hor jeeda.
25 瑪塔尼雅。巴刻步克雅、敖巴狄雅、默叔藍、塔耳孟和阿谷布,都是守門的,護守府庫的門:
Oo Matanyaah, iyo Baqbuqyaah, iyo Cobadyaah, iyo Meshullaam, iyo Talmon, iyo Caquub waxay ahaayeen irid-dhawryadii dhawri jiray bakhaarradii u dhowaa irdaha.
26 以上都是約匝達克的孫子,耶叔亞兒子約雅金時代和乃赫米雅省長,及厄斯德拉司祭兼經師時代的人。
Kuwaasu waxay joogeen wakhtigii Yooyaaqiim oo ahaa ina Yeeshuuca, ina Yoosaadaaq, iyo wakhtigii taliyihii Nexemyaah ahaa iyo wakhtigii wadaadkii Cesraa oo karraaniga ahaa.
27 為耶路撒冷城垣舉行落成典禮時,召集住在各地的肋未人,在到耶路撒冷,詠唱詠謝讚美的詩歌,彈奏弦樂琴瑟,這落成典禮歡樂舉行。
Oo markii derbigii Yeruusaalem gaar laga dhigay kuwii reer Laawi mid kasta meeshiisii baa laga doondoonay in iyaga Yeruusaalem la keeno si gaarkadhigidda farxad loogu sameeyo, oo mahadnaqid iyo gabay, iyo suxuun laysku garaaco, iyo shareerado, iyo kataaradoba Ilaah loogu ammaano.
28 肋未人的子孫歌詠者,便由耶路撒冷四周區域,笸乃托法各村莊,
Oo kuwii gabayaaga ahaana waxay iska soo urursadeen bannaankii Yeruusaalem ku wareegsanaa iyo tuulooyinkii reer Netofaah,
29 由貝特基耳加耳、革巴和阿次瑪委特鄉間,集合前來,原是歌詠者在耶路撒冷四周,為自己建造了莊院。
iyo weliba Beytgilgaal, iyo beerihii Gebac, iyo Casmawed, waayo, kuwii gabayaaga ahaa tuulooyin ayay ka dhisteen Yeruusaalem hareeraheeda.
30 司祭和肋未人聖潔了自己以後,又聖潔了民眾、城門和城牆。
Markaasaa wadaaddadii iyo kuwii reer Laawi isdaahiriyeen, oo waxay kaloo daahiriyeen dadkii iyo irdihii iyo derbigii.
31 我叫猶大各省長登上城牆,將儀仗分為兩大隊:一隊在城牆上向右往糞門進行,
Kolkaasaan amiirradii dalka Yahuudah keenay derbiga dushiisa, oo waxaan doortay laba kooxood oo waaweyn oo mahadnaqa, oo kooxba raggeedu isdaba socdo. Midi waxay tagtay xagga midig derbiga dushiisa ee Iridda Digada,
32 在隊後隨行的,是曷沙雅和猶大的一半首長,
oo waxaa iyagii daba galay Hooshacyaah iyo amiirradii dalka Yahuudah badhkood,
33 以及阿匝雅、厄次辣、默叔藍、
iyo Casaryaah, iyo Cesraa, iyo Meshullaam,
34 猶達、本雅明、舍瑪雅和耶勒米雅,
iyo Yahuudah, iyo Benyaamiin, iyo Shemacyaah, iyo Yeremyaah,
35 這些人都是司祭中吹號筒的;還有約納堂的兒子加黎雅,──約納堂是舍瑪雅的兒子,舍瑪雅是瑪塔尼雅的兒子,瑪塔尼雅是米加雅的兒子,米加雅是匝雇爾的兒子,匝雇爾是阿撒夫的兒子,──
iyo wiilashii wadaaddada qaarkood oo turumbooyin wata, kuwaasoo ahaa Sekaryaah oo ahaa ina Yoonaataan, ina Shemacyaah, ina Matanyaah, ina Miikaayaah, ina Sakuur, ina Aasaaf,
36 以及則加黎雅的兄弟:舍瑪雅、阿匝勒耳、米拉來、基拉來、瑪艾、乃塔乃耳、猶達和哈納尼,演奏天主的人達味的樂器。厄斯德拉經師走在你們的前面。
iyo walaalihiis oo ahaa Shemacyaah, iyo Casareel, iyo Milalay, iyo Gilalay, iyo Maacay, iyo Netoneel, iyo Yahuudah, iyo Xanaanii, iyagoo wata alaabtii muusikada oo Daa'uud oo ahaa ninka Ilaah, oo iyaga waxaa u horreeyey karraanigii Cesraa.
37 他們到了泉門之後,一直上了達味城的石級,沿著城城牆斜坡,靠著達味王宮,走到東邊水門。
Oo xagga Iriddii Isha Biyaha iyo hortoodii ku qummanayd ayay kor u fuuleen jaranjaradii magaalada Daa'uud meesha derbiga laga fuulo oo ka korraysa gurigii Daa'uud, iyo ilaa Iridda Biyaha oo xagga bari ah.
38 第二儀仗隊往左邊行,我在儀仗隊之後,與另一半首長在城牆上,路過爐堡,直到廣場的城牆,
Oo kooxdii kale oo kuwa mahadda naqaa waxay u kaceen inay ka hor tagaan, oo anna iyagaan daba socday; aniga iyo dadkii badhkiis waxaannu soconnay derbiga korkiisa, xagga ka sarraysa Munaaradda Foornooyinka iyo xataa tan iyo derbiga ballaadhan,
39 以後,路過厄弗辣因門、魚門、哈約乃耳堡,直到羊門,便在更門停住了。
iyo xagga ka sarraysa Iridda Efrayim, iyo Iridda Gabooday agteeda, iyo Iridda Kalluunka, iyo Munaaradda Xananeel, iyo Munaaradda Mee'aah, iyo xataa Iridda Idaha; oo waxay joogsadeen Iriddii Waardiyaha.
40 這兩儀仗隊站在天主殿內,有一半首長同我在一起;
Oo sidaasay u joogsadeen labadii kooxood oo kuwii mahadda ku naqi jiray gurigii Ilaah, iyo aniga, iyo taliyayaashii badhkood oo ila joogay,
41 還有司祭厄里雅金、瑪色雅、米尼雅明、 米加雅、厄里約乃、則則加雅、哈納尼雅,他們吹著號筒;
iyo wadaaddadii ahaa Elyaaqiim, iyo Macaseeyaah, iyo Minyaamim, iyo Miikaayaah, iyo Eliyooceenay, iyo Sekaryaah, iyo Xananyaah, oo wata turumbooyin;
42 還有瑪阿色雅、舍瑪雅、厄肋阿匝爾、烏齊、約哈南、瑪耳基雅、厄藍和厄則爾。歌詠都在耶辣希雅指導下高聲唱歌。
iyo Macaseeyaah, iyo Shemacyaah, iyo Elecaasaar, iyo Cusii, iyo Yehooxaanaan, iyo Malkiiyaah, iyo Ceelaam, iyo Ceser. Oo kuwii gabayaaga ahaana cod dheer bay kula gabyeen Yesraxyaah oo ahaa madaxoodii.
43 一日祭獻了很多犧牲,人們都很歡樂,因為天主使他們非常歡樂,連婦女童也都喜歡;耶路撒冷歡樂的聲音聞於遠方。
Oo maalintaas waxaa la bixiyey allabaryo badan, oo waa la wada farxay, waayo, Ilaah baa farxad weyn kaga farxiyey, oo dumarkii iyo carruurtiina way farxeen, sidaas daraaddeed Yeruusaalem farxaddeedii waxaa laga maqlay meel fog.
44 那時,也定專員,管理孝放祭品、初熟之物和什一之的倉庫將各城各鄉照法律規定應交與司祭和肋未的物品,都存放在裏面,因為猶太人對盡職的司祭和肋未人都表喜悅。
Oo maalintaas ayaa rag loo doortay inay u taliyaan qolalka khasnadaha, iyo qurbaannada kor loo qaado, iyo midhaha ugu horreeya, iyo meeltobnaadyada, si loogaga soo ururiyo beeraha magaalooyinka oo dhan qaybihii sharcigu u amray wadaaddada iyo kuwii reer Laawi, waayo, dadka dalka Yahuudah way ku faraxsanaayeen wadaaddadii iyo kuwii reer Laawi oo adeegayay.
45 因他們各盡侍奉他們的天主之職,舉行取潔禮。歌詠者和守門者,也都遵照達味和他的兒子撒羅滿所制定的進行,
Oo waxay dhawreen wixii ku saabsanaa u adeegidda Ilaahood iyo wixii ku saabsanaa isdaahirinta, oo kuwii gabayaaga ahaa iyo irid-dhawryadiina saasoo kalay yeeleen, sidii uu amarkii Daa'uud iyo wiilkiisii Sulaymaan ahaa.
46 因為遠在達味和阿撒夫時代,已有了歌詠長的職務,和讚美並感謝天主的歌曲。
Waayo, waagii hore oo ahaa wakhtigii Daa'uud iyo Aasaaf waxaa jiri jiray nin madax u ahaa kuwii gabayaaga ahaa, oo waxaa Ilaah loogu gabyi jiray gabayo ammaan iyo mahadnaqid ah.
47 在責魯巴貝耳和乃赫米雅年間,全以色列天天都繳納給歌詠者和守門者應繳約之物,把一部分聖物交給人,肋未人將一部分交給亞郎的子孫。
Oo wakhtigii Serubaabel iyo wakhtigii Nexemyaah reer binu Israa'iil oo dhammu way wada bixin jireen qaybihii kuwii gabayaaga ahaa iyo kuwii irid-dhawryadaba intii maalin kasta loo baahnaan jiray; oo in bay gooni uga dhigeen reer Laawi, oo reer Laawina in bay gooni uga dhigeen reer Haaruun.

< 尼希米記 12 >