< 瑪拉基書 1 >

1 神諭:上主藉瑪拉基亞傳於以色列的話。
Kanu waa warka culus ee Eraygii Rabbiga oo Malaakii loogu soo dhiibay dadka dalka Israa'iil.
2 上主說:我愛了你們,而你們卻說:你怎樣愛了我們﹖厄撒烏不是雅各伯的哥哥嗎﹖──上主的斷語──但是我卻愛了雅各伯,
Rabbigu wuxuu leeyahay, Anigu waan idin jeclaaday, laakiinse idinku waxaad tidhaahdaan, War sidee baad noo jeclaatay? Ceesaw sow Yacquub walaalkiis ma ahayn? ayaa Rabbigu leeyahay, laakiinse Yacquub waan jeclaaday,
3 而恨了厄撒烏。我曾使他的山荒涼,使他的產業變為豺狼所住的曠野。
Ceesawse waan necbaaday, oo buurihiisiina cidla baan ka dhigay, oo dhaxalkiisiina waxaan siiyey dawacooyinka cidlada.
4 如果厄東說:我們雖然被毀滅,但我們必要重建廢墟。萬軍的上主卻這樣說:他們可以重建,但我必加以破壞,人們將稱之為「邪惡的地區,」為「上主永遠憤恨的人民。」
In kastoo reer Edom yidhaahdaan, Annaga waa nala dumiyey, laakiinse waannu soo noqon doonnaa, oo meelaha cidlada ah waannu dhisi doonnaa, Rabbiga ciidammaduse wuxuu leeyahay, Way dhisi doonaan, laakiinse anigu waan dumin doonaa, oo dadku wuxuu ku magacaabi doonaa, Dalka Xumaanta, iyo dadka uu Rabbigu weligiis u cadhaysan yahay.
5 你們必要親眼看見,並且要說:上主連在以色列境界之外,也顯示了自己的偉大。
Oo indhihiinnuna way arki doonaan, oo idinku waxaad odhan doontaan, Rabbigu ha laga weyneeyo soohdinta dalka Israa'iil shishadeeda.
6 兒子應孝敬父親,僕人應敬畏主人。但如果我是父親,對我的孝敬在哪裏﹖如果我是主人,對我的敬在哪裏﹖司祭們! 萬軍的上主對你們說:「你們輕視了我的名。」但你們卻說:「我們在什麼事上輕視了你的名﹖」
Wiil wuxuu murweeyaa aabbihiis, addoonna sayidkiisa, haddaba haddii aan aabbe ahay, meeday murwaddaydii? Haddiise aan sayid ahay, meeday cabsidaydii? Wadaaddada magacayga quudhsadayow, Rabbiga ciidammadu saasuu idinku leeyahay. Idinkuna waxaad leedihiin, War sidee baannu magacaaga u quudhsannay?
7 就在你們以不潔的食物供奉在我的祭壇上。你們又說:「我們在什麼事上玷污了它﹖」就是你們說:「上主的台桌是可輕賤的」的時候。
Idinku cunto nijaasooday ayaad meeshayda allabariga ku dul bixisaan, oo weliba waxaad leedihiin, War sidee baannu kuu nijaasaynay? Taas waxaad ku tidhaahdaan, Miiska Rabbigu waa mid la quudhsado.
8 你們將一隻盲目的牲畜獻為犧牲,不是罪過嗎﹖將這樣的禮品,獻給你的市長吧! 看他是否會喜歡,會悅納﹖──萬軍的上主說。
Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Markaad neef indha la' allabari u bixisaan, sow taasu shar ma aha? Sowse shar ma aha markaad neef curyaan ah iyo neef buka allabari u bixisaan? Haddaba bal taliyahaaga u gee. Miyuu kugu farxi doonaa? Miyuuse ku aqbali doonaa?
9 現在你們懇求上主開恩,叫衪憐恤我們! 這事既然是你們經手,看衪是否會對你們垂青﹖──萬軍的上主說。
Haddaba waan idin baryayaaye, Rabbiga barya inuu inoo roonaado aawadeed. Haddaba idinkoo waxaas sameeyey, miyuu midkiinna aqbalayaa? Saasuu Rabbiga ciidammadu leeyahay.
10 惟願你們中間有人關閉殿門,免得你們在我的祭壇上白白地點火! 我不你們──萬軍的上主說──也不悅納你們經手所獻的祭品,
Waxaan jeclaan lahaa inuu idinku dhex jiro mid albaabbada xidha, inaydaan meeshayda allabariga dab ugu shidin si aan waxtar lahayn! Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Anigu idinkuma faraxsani, oo gacmihiinnana innaba qurbaan ka aqbali maayo.
11 因為從日出到日落,我的名在異民中大受顯揚,到處有人為我的名焚香獻祭,並奉獻潔淨的祭品,因為我的名在異民中大受顯揚──萬軍的上主說。
Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Markii qorraxdu soo baxdo iyo markii ay dhacdo inta ka dhexle magacaygu waa ku weyn yahay quruumaha dhexdooda, oo meel kastana waxaa magacayga aawadiis loo bixiyaa foox iyo qurbaan daahir ah, waayo, magacaygu waa ku weyn yahay quruumaha dhexdooda.
12 但你們卻褻瀆了它,即在你們說:「主的台桌是污穢的,上面的食物是可輕賤的」的時候。
Idinkuse waad nijaasaysaan markaad tidhaahdaan, Miiskii Rabbigu waa nijaasaysan yahay, oo cuntadiisuna waa wax la quudhsado.
13 你們還說:「唉,這是多麼麻煩! 」你們且嗤之以鼻──萬軍的上主說。你們將奪來的,跛腿的和有疾的拿來獻為祭品,我豈能從你們手中悅納﹖──上主說。
Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Idinku waxaad tidhaahdaan, Bal eega, kanu daal badanaa! Oo weliba waad igu fududaysateen, oo waxaad ii keenteen wax la soo dhacay, iyo neef curyaan ah, iyo mid buka, oo saasaad qurbaan u keentaan. Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Miyaan gacantiinna ka aqbalaa wax sidaas ah?
14 那在家畜群中原有公的,且許了願,卻拿有殘疾的獻給上主的騙子,是可詛咒的! 我是大王──萬軍的上主說:卜名在異民中必受敬畏。
Laakiinse inkaaru ha ku dhacdo khaa'inkii adhigiisa neef wanaagsan oo lab ahu ku jiro, oo markuu nidar galo uu Sayidka u allabaryo wax iin leh, waayo, Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Anigu waxaan ahay Boqor weyn, oo magacaygana aad baa looga cabsadaa quruumaha dhexdooda.

< 瑪拉基書 1 >