< 利未記 7 >

1 贖罪祭的法律如下:這是至聖之祭。
Oo kanuna waa sharciga ku saabsan qurbaanka xadgudubka. Kaasu waa kan ugu wada quduusan.
2 贖過祭犧牲應在宰殺全燔祭犧牲的地方宰殺,血應灑在祭壇的四周。
Meesha qurbaanka la gubo lagu gowraco waa in qurbaanka xadgudubkana lagu gowracaa, oo dhiiggiisana waa inuu ku dul rusheeyaa hareeraha meesha allabariga.
3 攜牲所有的一切脂肪都應獻上,即油尾和遮蓋內臟的脂肪,
Oo isagu waa inuu bixiyaa baruurta taasoo ah badhida, iyo xaydha gudaha ku duuban,
4 兩腎和兩腎上靠腰部的脂肪,以及同兩腎一起取出的肝葉。
iyo labada kelyood iyo xaydha ku dul taal oo xanjaadka u dhow, iyo xuubka beerka ku dul yaal, waa inuu kelyaha la qaadaa.
5 司祭應將這一切放在祭壇上焚燒,獻與上主當作火祭:這是贖過祭。
Oo wadaadku waa inuu meesha allabariga ugu dul gubaa qurbaan Rabbiga dab loogu sameeyo, waayo, kaasu waa qurbaankii xadgudubka.
6 至於祭肉,司祭家中,凡是男人都可以吃,應在聖處吃:這是至聖之物。
Oo wadaaddada intooda laboodka ah oo dhammu waa inay wax ka cunaan, oo waa in lagu cunaa meel quduus ah, waayo, kaasu waa kan ugu wada quduusan.
7 關於贖過祭犧牲,像贖罪祭攜牲有同樣的法律:應全歸舉行贖罪禮的司祭。
Oo qurbaanka xadgudubku waa sidii qurbaanka dembiga oo kale. Oo iyagu isku sharci ayay leeyihiin, oo wadaadkii kafaaraggudka ku sameeyaa ha lahaado.
8 代人奉獻全燔祭的司祭,得享獻作全燔祭犧牲的皮;
Oo wadaadkii qof qurbaan la gubo u bixiyaa ha iska qaato haragga qurbaanka la gubo oo uu bixiyey.
9 凡在爐裏烤的,或在鍋裏,或在烤盤上預備的素祭祭品,應歸獻此祭的司祭。
Oo qurbaan kasta oo hadhuudh ah oo foorno lagu dubo, iyo wax alla wixii birdaawe ama digsi lagu sameeyo waxaa iska leh wadaadka bixiya.
10 一切素祭祭品無論是調油的,或是乾製的,全歸亞郎的子孫彼此平分。司祭對和平祭的權利和義務。
Oo qurbaan kasta oo hadhuudh ah oo saliid lagu daray amase engeg ah waa inay wiilasha Haaruun oo dhammu lahaadaan, oo sidii mid u cuno kan kalena ha u cuno.
11 獻與上主和平祭的法律如下:
Oo kanuna waa sharciga ku saabsan allabariga qurbaannada nabaadiinada ah oo Rabbiga loo bixiyo.
12 若有人為感恩而祭獻,除感恩祭祭品外,還應獻上油調的無酵餅,抹油的無酵薄餅,以及用油和好細麵做成的油餅。
Oo hadduu mahadnaqid aawadeed u bixinayo, waa inuu allabariga mahadnaqidda la bixiyaa moofo aan khamiir lahayn oo saliid lagu daray, iyo canjeero aan khamiir lahayn oo saliidu marsan tahay, iyo moofo saliid lagu daray oo bur la qoyay laga sameeyey.
13 除這些餅以外,還應奉獻發酵的餅作祭品,與感恩的和平祭品一同奉獻。
Kibis khamiir leh waa inuu la bixiyaa qurbaankiisa iyo allabariga qurbaannadiisa nabaadiinada ah mahadnaqid aawadeed.
14 由這些祭品中,每樣應取出一份,獻與上主作獻儀:這一份應歸那灑和平祭牲血的司祭。
Oo qurbaan kastana waa inuu ka bixiyaa xabbad ah qurbaanka sare loo qaado oo Rabbiga loo bixiyo, oo waxaa iska lahaanaya wadaadka saydhsaydha dhiigga qurbaannada nabaadiinada.
15 為感恩所獻的和平祭的祭肉,應在奉獻的當日吃盡;不可留到次日早晨。
Oo hilibka allabarigiisa qurbaannadiisa nabaadiinada ah oo uu mahadnaqidda u bixiyo waa in dhammaantiis la cunaa maalinta uu qurbaankiisa bixiyo, oo waa inuusan waxba ka gaadhsiin tan iyo subaxda dambe.
16 如所獻的犧牲是還願祭或是自願祭,在奉獻的那天應該吃;如有剩下的,第二天也可吃;
Laakiinse haddii allabariga qurbaankiisu uu yahay nidar amase qurbaan uu ikhtiyaar u bixiyo, waa in la cunaa maalinta uu bixiyo allabarigiisa, oo wixii ka hadhana maalinta ku xigta ha la cuno.
17 如還有剩下的祭肉,到第三天應用火燒了。
Laakiinse hilibka allabariga wixii ka hadha oo maalinta saddexaad gaadha waa in dab lagu gubaa.
18 若在第三天還吃和平祭祭肉,祭獻必不被悅納;為奉獻的人,也不算作祭獻,因為肉已不潔;吃的人,必負罪債。
Oo haddii hilibka allabarigiisa qurbaannada nabaadiinada ah la cuno maalinta saddexaad, markaas la aqbali maayo, oo kii bixiyeyna loo xisaabi maayo, laakiin taasu waxay ahaan doontaa karaahiyo, oo qofkii cunaana isagaa dembigiisa qaadanaya.
19 祭肉若接觸了不潔之物,不許再吃,應用火焚燒;凡潔淨的人可吃祭肉;
Oo hilibkii taabta wax nijaas ahna waa inaan la cunin; waase in dab lagu gubaa. Oo hilibkana qof kasta oo daahir ahu wax ha ka cuno.
20 但是染有不潔的人,若吃了獻與上主和平祭肉,這人應由民間剷除。
Laakiinse hilibka allabariga qurbaannada nabaadiinada ah oo Rabbigu iska leeyahay qofkii cuna isagoo nijaastiisii ku taal waa in dadkiisii laga gooyaa.
21 若有人接觸了任何不潔,或不潔的人,或不潔的禽獸,或任何不潔之物,而吃了獻與上主和平祭的祭肉,這人應由民間剷除。」祭牲不可吃的部份。
Oo qof hadduu taabto wax nijaas ah, hadday tahay qof nijaastiis ama bahal nijaas ah amase karaahiyo nijaas ah, oo uu wax ka cuno hilibka allabariga qurbaannada nabaadiinada ah oo Rabbigu iska leeyahay, qofkaas waa in dadkiisa laga gooyaa.
22 上主訓示梅瑟說:「
Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi,
23 你告訴以色列子民說:凡是牛、綿羊和山羊的脂肪,你們都不可吃。
Reer binu Israa'iil la hadal oo waxaad ku tidhaahdaa, Idinku waa inaydaan cunin baruur lo'aad ama mid idaad amase mid riyood.
24 自死或被野獸撕裂的走獸的脂肪,可用作任何用途,但決不可吃。
Oo neefkii iska dhinta baruurtiisa iyo neefkii dugaaggu bakhtiisto baruurtiisa toona waa inaydaan sinaba u cunin, laakiinse siyaalo kale waa loogu isticmaali karaa.
25 不論誰,若吃了能獻與上主作火祭的牲畜的脂肪,吃的人應由民間剷除。
Waayo, qofkii cuna baruurtii neefka dadku u bixiyo qurbaan dab loogu sameeyo Rabbiga, qofka kaas cuna waa in dadkiisa laga gooyaa.
26 在你們任何所居之地,凡是血,不論是鳥血或獸血,決不可吃。
Oo waa inaydaan degmooyinkiinna oo dhan ku dhex cunin dhiig cayn kasta ha ahaadee, hadduu yahay mid haad ama mid xayawaan toona.
27 不論誰,若吃了什麼血,這人應由民間剷除。」司祭對和平祭的權利。
Ku kasta ha ahaadee qofkii dhiig cuna waa in dadkiisa laga gooyaa.
28 上主訓示梅瑟說:
Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi,
29 「你告訴以色列子民說:凡向上主奉獻和平祭祭品的,應由和平祭祭品取出一部份,作為獻於上主的供物。
Reer binu Israa'iil la hadal oo waxaad ku tidhaahdaa, Kii Rabbiga u bixiyaa allabarigiisa qurbaannada nabaadiinada ah waa inuu Rabbiga qurbaankiisa uga keenaa allabariga qurbaannadiisa nabaadiinada ah.
30 親手帶來獻與上主的火祭,即帶來脂肪和胸脯;胸脯應在上主前行奉獻的搖禮。
Waa inuu gacmihiisa ku keenaa qurbaannada Rabbiga oo dabka lagu sameeyo; waa inuu keenaa baruurta iyo sakaarka in sakaarka Rabbiga hortiisa lagu ruxruxo sidii qurbaanka la ruxruxo.
31 司祭將脂肪放在祭壇上焚燒,胸脯歸於亞郎和他的兒子。
Oo wadaadku waa inuu baruurta ku dul gubaa meesha allabariga, laakiinse sakaarka waxaa iska leh Haaruun iyo wiilashiisa.
32 和平祭犧牲後右腿,你們應送給司祭作獻儀。
Oo allabariga ah qurbaannadiinna nabaadiinada waxaad ka soo bixisaan bowdada midig oo waa inaad wadaadka siisaan, ha ahaatee qurbaan sare loo qaado.
33 亞郎子孫中誰奉獻了和平祭犧牲的血和脂肪,右後腿應歸於他,是他的一分。
Kii reer Haaruun ka mid ah oo bixiya dhiigga qurbaannada nabaadiinada iyo baruurta ayaa qayb ahaan u leh bowdada midig.
34 因為我由以色列子民所獻的和平祭中,取出當搖獻的胸脯和當舉獻的右後腿,給了亞郎司祭和他的兒子,作為他們在以色列子民中永享的權利。」
Waayo, anigu reer binu Israa'iil ayaan allabariga ah qurbaannadooda nabaadiinada kala baxay sakaarka la ruxruxo iyo bowdada sare loo qaado, oo waxaan reer binu Israa'iil amar kaga siiyey wadaadka Haaruun iyo wiilashiisa weligoodba.
35 這是亞郎和他的兒子,在受命為上主盡司祭職的那一天,因受傅由獻與上主火祭應得的一分;
Taasu waa qaybtii subkidda oo Haaruun iyo qaybtii subkidda oo wiilashiisa oo la kala baxayo qurbaannada Rabbiga oo dabka lagu sameeyo, maalintii iyaga loo keenay Rabbiga inay isaga uga adeegaan jagada wadaadnimada,
36 是上主在他們受傅的那一天,吩附以色列子民應交給他們的一分:這是他們世世代代永享的權利。
kuwaasoo maalintii la subkay uu Rabbigu amray in reer binu Israa'iil iyaga siiyaan, oo taasna ab ka ab baa loo amray.
37 以上是關於全燔祭、素祭、贖罪祭、贖過祭、祝聖祭及和平祭的法律。
Haddaba kanu waa sharciga ku saabsan qurbaanka la gubo, iyo qurbaanka hadhuudhka, iyo qurbaanka dembiga, iyo qurbaanka xadgudubka, iyo kan quduuskadhigidda, iyo kan allabariga qurbaannada nabaadiinada ah,
38 這些法律是上主在他命令以色列子民,於西乃曠野給上主奉獻祭品的那天,在西乃山上向梅瑟所吩附的。
ee uu Rabbigu Muuse kaga amray Buur Siinay maalintii uu reer binu Israa'iil ku amray inay Rabbiga u bixiyaan qurbaannadooda iyagoo jooga cidladii Siinay.

< 利未記 7 >