< 利未記 4 >

1 上主訓示梅瑟說:
Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay oo ku yidhi,
2 你告訴以色列子民說:若有人不慎,誤犯了上主的禁令,做了一件不許做的事:為大司祭贖罪,
Dadka reer binu Israa'iil la hadal, oo waxaad ku tidhaahdaa, Haddii mid kama' ugu dembaabo waxyaalihii Rabbigu amray inaan la samayn, oo uu sameeyo waxyaalahaas qaarkood,
3 如果是一位受傅的司祭犯了罪,連累了人民,他為這罪,應獻一頭無瑕的公牛贖,作贖罪祭。
iyo haddii wadaadka subkanu uu dembaabo oo uu sidaas dadka dembi ugu keeno, markaas waa inuu dembigiisa uu dembaabay aawadiis Rabbiga qurbaan dembi ugu bixiyaa dibi yar oo aan iin lahayn.
4 將牛牽到會幕門口,到上主前,先按手在牛頭上,在上主前宰了。
Oo dibiga waa inuu Rabbiga ugu hor keenaa iridda teendhada, oo waa inuu gacanta saaraa madaxa dibiga, oo uu dibiga Rabbiga hortiisa ku gowracaa.
5 然後受傅的司祭取些牛血,帶進會幕,
Oo wadaadka subkanu waa inuu dhiigga dibiga qaarkiis qaadaa oo uu teendhada shirka keenaa,
6 將手指浸在牲血裏,在上主面前向聖所帳幔灑血七次;
oo markaas wadaadku fartiisa dhiigga ha geliyo, oo dhiigga toddoba jeer waa inuu Rabbiga ugu hor saydhaa ilxidhka meesha quduuska ah.
7 再將一些牲血,塗在會幕內上主面前的香壇四角上;其餘的牛血都應倒在會幕門口全幡祭壇腳旁。
Oo wadaadku waa inuu dhiigga qaarkiis mariyaa geesaha meesha allabariga ee fooxa oo Rabbiga hortiisa taal oo teendhada shirka ku dhex taal, oo dibiga dhiiggiisa oo dhanna waa inuu ku ag shubaa salka meesha allabariga ee qurbaanka la gubo, taasoo iridda teendhada shirka taal.
8 以後取出作贖罪的公牛贖所有的脂肪:即遮蓋內臟的脂肪,貼再內臟上所有的脂肪,
Oo dibiga qurbaanka dembiga loo bixinayo xaydhiisa oo dhan waa inuu ka bixiyaa, waana xaydha gudaha ku duuban, iyo xaydha neefka uurkiisa ku jirta oo dhan,
9 左右兩腎和兩腎上靠腰部的脂肪以及同兩腎一起取出的肝葉,
iyo labada kelyood, iyo xaydha ku dul taal, oo xanjaadka u dhow, iyo xuubka beerka ku dul yaal, dhammaantood kelyaha ha la qaado,
10 全照從和平祭犧牲的公牛所取出的一樣;司祭應將這一切放在全幡祭上焚燒。
sida dibiga allabariga qurbaannada nabaadiinada ah looga qaado oo kale, oo wadaadku ha ku dul gubo meesha allabariga ee qurbaanka la gubo.
11 至於公牛贖的皮,所有的肉、頭、腿、內臟和糞,
Oo dibiga haraggiisa iyo hilibkiisa oo dhan, iyo madaxiisa, iyo addimmadiisa, iyo uurkujirtiisa, iyo uuskiisa,
12 即整個公牛贖,應運到營外倒壇灰的清潔地方,放再木柴上用火焚燒:即在倒壇灰的地方將牠燃燒。為全會眾贖罪。
iyo xataa dibiga oo dhan waa inuu xerada dibadda uga bixiyaa oo uu geeyaa meel daahirsan, taasoo ah meesha dambaska lagu soo daadiyo, oo intuu qoryo saaro waa inuu dab ku gubaa. Meesha dambaska lagu soo daadiyo waa in lagu gubaa.
13 如果是全以色列會眾誤犯了過失,而會眾又沒有發覺做了上主戒命所不許做的事,因而有罪。
Oo ururka reer binu Israa'iil oo dhammu hadduu qaldamo, oo ay waxaasu indhaha shirka ka qarsoon yihiin, oo ay sameeyaan wax ka mid ah waxyaalihii uu Rabbigu amray inaan la samayn, oo ay saas eed ku leeyihiin,
14 當他們一發覺自己所犯的罪,會眾就應獻一頭公牛犢作贖罪祭,牽到會幕前;
dembigii ay dembaabeen markii la ogaado, shirku waa inuu dibi yar qurbaan dembi u bixiyaa, oo uu dibiga keenaa teendhada shirka horteeda.
15 會眾的長老在上主前,按手在牛頭上,在上主前宰;
Oo odayaasha ururku waa inay Rabbiga hortiisa gacmahooda ku saaraan madaxa dibiga, oo dibiga Rabbiga hortiisa ha lagu gowraco.
16 然後受傅的司祭取些牛血帶進會幕,
Oo wadaadka subkanu waa inuu dibiga dhiiggiisa keenaa teendhada shirka,
17 將手指浸在牲血裏,在上主面前向帳幔灑血七次。
oo markaas wadaadku fartiisa dhiigga ha geliyo, oo toddoba jeer waa inuu Rabbiga ugu hor saydhaa ilxidhka.
18 再將一些牲血塗在會幕內上主面前的祭壇四角上;其餘的血,都應倒在會幕門口的全燔祭壇腳旁。
Oo isagu waa inuu dhiigga qaarkiis mariyaa geesaha meesha allabariga oo Rabbiga hortiisa taal oo teendhada shirka ku dhex taal, oo dibiga dhiiggiisa oo dhanna waa inuu ku ag shubaa salka meesha allabariga ee qurbaanka la gubo, taasoo iridda teendhada shirka taal.
19 至於脂肪應完全取出,放在祭壇上焚燒。
Oo dibiga xaydhiisa oo dhanna waa inuu ka bixiyaa, oo meesha allabariga ku dul gubaa.
20 處置這牛,如處置贖罪祭的公牛犢一樣處置。司祭如此為他們贖了罪,他們方可獲得罪赦。
Oo dibiga ha ku sameeyo siduu ku sameeyey dibigii qurbaanka dembiga oo kale, oo kanna sidaas oo kale ha ku sameeyo; oo wadaadku iyaga kafaaraggud ha u sameeyo, oo iyana waa la cafiyi doonaa.
21 以後應將這公牛犢運到營外焚燒,如焚燒上述的公牛犢一樣:這是為會眾的贖罪祭。為首長贖罪。
Oo dibiga waa inuu xerada dibadda uga bixiyaa oo uu gubaa siduu dibigii hore u gubay oo kale, waayo, kaasu wuxuu shirka u yahay qurbaanka dembiga.
22 如果是一位首長犯了罪,不慎做了上主他的天主的誡命所不許做的事,因而有罪。
Markii qof madax ahu dembaabo oo uu kama' u sameeyo mid ka mid ah waxyaalihii Rabbiga Ilaahiisa ahu uu amray inaan la samayn, oo uu saas eed ku leeyahay,
23 當他一發覺自己犯了罪,就奉獻一隻無瑕的公山羊做祭品,
haddii la ogeysiiyo dembigiisii uu dembaabay, waa inuu qurbaankiisa aawadiis u keenaa neef riyo ah, waana inuu ahaadaa mid lab oo aan iin lahayn.
24 先按手在羊頭上,後在宰殺全燔祭犧牲的地方,在上主前將牠宰了:這是贖罪祭。
Oo waa inuu gacanta saaraa madaxa orgiga, oo uu ku gowracaa meesha lagu gowraco qurbaanka la gubo oo Rabbiga hortiisa ah, waayo, kaasu waa qurbaan dembi.
25 然後司祭用手指蘸些贖罪祭犧牲的血,塗在全燔祭祭壇四角上;其餘的血,都應倒在會幕門口的全燔祭壇腳旁。
Oo wadaadku waa inuu dhiigga qaarkiis ku qaadaa fartiisa oo uu mariyaa geesaha meesha allabariga qurbaanka la gubo, oo dhiiggana waa inuu ku ag shubaa salka meesha allabariga qurbaanka la gubo.
26 所有的脂肪,如同和平祭犧牲的脂肪一樣,都應放在祭壇上焚燒。司祭如此為他的罪行了贖罪禮,他方可穫得罪赦。為平民贖罪
Oo xaydhiisa oo dhanna waa inuu ku dul gubaa meesha allabariga, sidii xaydhii allabariga qurbaannada nabaadiinada ah oo kale, oo wadaadku waa inuu kafaaraggud u sameeyaa dembigiisii, oo isna waa la cafiyi doonaa.
27 如果是一個平民不慎犯了罪,做了上主的誡命所不許做的事,因而有罪。
Oo dadka dhulka mid ka mid ahu hadduu kama' ku dembaabo, oo uu sameeyo wax ka mid ah waxyaalihii uu Rabbigu amray inaan la samayn, oo uu saas eed ku leeyahay,
28 當他一發覺自己犯了罪,就應為自己所犯的罪,奉獻一隻無瑕的母山羊作祭品;
haddii la ogeysiiyo dembigiisii uu dembaabay, waa inuu qurbaankiisa aawadiis u keenaa neef riyo ah, waana inuu ahaadaa mid dhaddig oo aan iin lahayn, dembigiisii uu dembaabay aawadiis.
29 先按手在贖罪祭犧牲的頭上,後在宰殺全燔祭犧牲的地方,將贖罪祭犧牲宰了。
Oo waa inuu gacanta saaraa madaxa neefka ah qurbaanka dembiga, oo waa inuu neefka ah qurbaanka dembiga ku gowracaa meesha lagu gowraco qurbaanka la gubo.
30 然後司祭用手蘸些牲血,塗在全燔祭壇四角上;其餘的血,都應倒在祭壇腳旁。
Oo wadaadku waa inuu dhiigga qaarkiis fartiisa ku qaadaa oo uu mariyaa geesaha meesha allabariga qurbaanka la gubo, oo dhiigga oo dhanna waa inuu ku ag shubaa salka meesha allabariga.
31 所有的脂肪像和平祭犧牲一樣,都應取出;司祭應將這一切放在祭台上焚燒,化為中悅上主的馨香。司祭如此為他贖了罪,他方可獲得罪赦。
Oo xaydhiisa oo dhanna waa in laga bixiyaa sidii xaydha looga bixiyo allabarigii qurbaannada nabaadiinada ah, oo wadaadku waa inuu meesha allabariga ku dul gubaa, si ay Rabbiga ugu ahaato caraf udgoon; oo wadaadku waa inuu isaga kafaaraggud u sameeyaa, oo isna waa la cafiyi doonaa.
32 如果是奉獻一隻小綿羊做為贖罪祭犧牲,應獻一隻無瑕的母羊。
Oo hadduu neef ido yar ah u keeno qurbaanka dembigana waa inuu neef dhaddig oo aan iin lahayn keenaa.
33 先按手在贖罪祭犧牲的頭上,後在宰殺全燔祭犧牲的地方宰了,作為贖罪祭。
Oo waa inuu gacanta saaraa madaxa neefka qurbaanka dembiga ah, oo waa inuu qurbaanka dembiga ugu gowracaa meesha lagu gowraco qurbaanka la gubo.
34 司祭用手指蘸些贖罪祭犧牲的血,塗在全燔祭壇四角上;其餘的血,都應倒在祭壇腳旁。
Oo wadaadku waa inuu qurbaanka dembiga dhiiggiisa qaarkiis fartiisa ku qaadaa oo uu mariyaa geesaha meesha allabariga qurbaanka la gubo lagu baxsho, oo dhiigga oo dhanna waa inuu ku ag shubaa salka meesha allabariga.
35 所有的脂肪都應取出,有如由和平祭犧牲的小羊所取出的脂肪一樣。司祭應將這一切放在祭壇上,與獻給上主的火祭一同焚燒。司祭如此為他的罪行了贖罪禮,他方可獲得罪赦。
Oo xaydhiisa oo dhanna waa inuu ka bixiyaa sidii xaydhii laga qaado wanka yara oo ahaa allabarigii qurbaannada nabaadiinada ah, oo wadaadku waa inuu ku dul gubaa meesha allabariga, sidii qurbaannadii Rabbiga dabka loogu sameeyo, oo wadaadku waa inuu kafaaraggud u sameeyaa dembigiisii uu dembaabay, oo isna waa la cafiyi doonaa.

< 利未記 4 >