< 士師記 17 >

1 厄弗辣因山地有一個人,名叫米加,
Oo waxaa jiray nin degganaa dalka buuraha leh oo reer Efrayim; magiciisana waxaa la odhan jiray Miikaah.
2 他對自己的母親說:「有人拿去你那一千一百銀錢,對這事你曾起過誓,我也親自聽見你說:我要親手把這項銀錢奉獻給上主,為我兒做一尊神像。看,銀錢在這裏,是握拿了;如今還給你! 」
Oo isna wuxuu hooyadiis ku yidhi, Kun iyo boqolkii xabbadood oo lacagta ahaa ee lagaa qaaday, ee aad ku habaartamaysay ee aad igu dhego hadlaysay, lacagtii anigaa haya; oo anaa qaaday. Markaasay hooyadiis tidhi, Wiilkaygiiyow, Rabbigu ha ku barakeeyo.
3 他的母親就說:「願我兒蒙上主祝福! 」於是米加就把一千一百銀錢還給他的母親。
Oo kun iyo boqolkii xabbadood oo lacagta ahaa ayuu u soo celiyey hooyadiis, markaasay hooyadiis tidhi, Sida runta ah waxaan lacagta u soocay Rabbiga, oo gacantaydaan ka bixiyey wiilkayga aawadiis in laga sameeyo sanam xardhan iyo sanam la shubay; taas aawadeed adigaan kuu soo celin doonaa.
4 當他把銀錢還給他的母親以後,她的母親便拿出兩百銀子給了銀匠,請他製造一尊神像,安放在米加的家裏。
Oo markuu lacagtii hooyadiis u soo celiyey ayay hooyadiis qaadatay laba boqol oo xabbadood oo lacag ah, oo waxay u dhiibtay lacagtume, oo isna wuxuu ka sameeyey sanam xardhan iyo sanam la shubay; waxayna yaalleen gurigii Miikaah.
5 於是米加為這尊神像蓋了一座神廟。又做了「厄弗得」和「忒辣芬,」委派自己的一個兒子充任司祭。
Oo ninkii Miikaah ahaana wuxuu lahaa guri ilaahyood, oo wuxuu sameeyey eefod iyo teraafiim, oo wuxuuna quduus ka dhigay wiilashiisii midkood, oo isna wuxuu u noqday wadaadkiisii.
6 當時在以色列沒有君王,各人任意行事。米加收肋未為司祭
Waagaasna reer binu Israa'iil boqor ma ay lahayn; oo nin walubana wuxuu samayn jiray wixii isaga la qumman.
7 當時有一個少年,他是個肋未人,從猷大白冷,即從猷大支派來到那裏作客。
Oo waxaa jiray nin dhallinyaro ahaa oo ka soo baxay Beytlaxam Yahuudah oo reer Yahuudah ahaa, ee qoladiisu ahayd reer Laawi, oo halkaasuu degganaan jiray.
8 這人離開猷大白冷,想找一個可寄居的地方;當他旅行的時候,來到厄弗辣因山地,米加的家旁,
Markaasuu ninkii ka baxay magaaladii ahayd Beytlaxam Yahuudah, inuu dego meel uu heli karo; oo intuu socday ayuu yimid gurigii Miikaah oo ku yiil dalkii buuraha lahaa oo reer Efrayim.
9 米加問他說:「你從那裏來﹖」他回答說:「我是個肋未人,由猷大白冷來,想找一個可寄居的地方。」
Markaasuu Miikaah ku yidhi isagii, Xaggee baad ka timid? Isna wuxuu yidhi, Anigu waxaan ahay reer Laawi, oo Beytlaxam Yahuudah ayaan ka imid, oo waxaan u socdaa inaan dego meel aan heli karo.
10 米加就對他說:「你住在我這裏罷! 作我的師傅和司祭,我每年給你十塊銀錢,還照管你的吃穿。」米加挽留那肋未人,
Markaasuu Miikaah ku yidhi isagii, Aniga ila joog, oo ii noqo aabbe iyo wadaad, anna sannaddiiba waxaan ku siinayaa toban xabbadood oo lacag ah, iyo isku joog dhar ah, iyo cuntadaada. Sidaas daraaddeed kii reer Laawi guduhuu galay.
11 他遂同意住在米加那裏,他看待這少年好似自己的兒子。
Oo kii reer Laawina raalli buu ka ahaa inuu ninkii la joogo; oo ninkii dhallinyarada ahaana wuxuu Miikaah u ahaa sida wiilashiisa midkood oo kale.
12 米加又委任了這肋未人,這人遂作了他的司祭,住在米加家中。
Markaasuu Miikaah quduus ka dhigay kii reer Laawi, oo ninkii dhallinyarada ahaana wuxuu Miikaah u noqday wadaadkiisii, oo gurigii Miikaah ayuu joogay.
13 於是米加說:「如今我知道上主必施恩於我,因為有位肋未人作了我的司祭。」
Markaasuu Miikaah yidhi, Haatan waan ogsoo nahay in Rabbigu wanaag ii samaynayo, maxaa yeelay, waxaa wadaad ii noqday nin reer Laawi ah.

< 士師記 17 >