< 士師記 16 >

1 三松往迦薩去,在那裏看見一個妓女,便去走近了她。
Markaasuu Samsoon tegey Gaasa, oo halkaas wuxuu ku arkay dhillo, wuuna u galay.
2 有人告訴迦薩人說:「三松到這裏來了。」他們就把他圍住,終夜派人埋伏在城門口,整夜靜悄悄地等待他,說:「等到早晨天亮,我們纔殺他。」
Oo waxaa dadkii reer Gaasa lagu yidhi, Samsoon halkanuu yimid. Oo intay hareereeyeen ayay habeenkii oo dhan magaalada iriddeeda ku gaadayeen, oo habeenkaas oo dhanna way aamusnaayeen, oo waxay yidhaahdeen, Markuu waagu beryo ayaynu dili doonnaa.
3 三松睡到半夜,半夜醒來,抓緊城門,連兩個門框帶門閂,一起拔起,放在肩上,背到赫特龍對面的山頂上。三松與德里拉
Oo Samsoonna ilaa habeenbadhkii ayuu jiifay, oo wuxuu kacay habeenbadhkii, oo gacanta ku qabsaday albaabbadii magaalada iriddeeda iyo labadii tiir, markaasuu fujiyey dhammaantood iyo qataarkiiba, oo garbahuu saaray, oo wuxuu la tegey buurta Xebroon ku hor taal dusheeda.
4 此後,他在芍勒克平原又愛上一個女人,名叫德里拉。
Dabadeedna wuxuu jeclaaday naag joogta dooxadii Soreq, oo magaceedana la odhan jiray Deliilaah.
5 培肋舍特的酋長上到她那裏,對她說:「請你引誘他,看看他這樣大的力量是從那裏來的,我們怎樣能制勝他,將他捆起,而制伏他;我們每人給你一千一百銀子。」
Oo amiirradii reer Falastiin ayaa u yimid iyadii, oo waxay ku yidhaahdeen, Bal sasab isaga oo soo ogow meesha xooggiisa weynu kaga jiro, iyo sida aannu kaga adkaan karno, oo aannu intaannu xidhno u saxariirin karno; oo midkayo kastaaba wuxuu ku siin doonaa kun iyo boqol xabbadood oo lacag ah.
6 德里拉問三松說:「請你告訴我,你這樣大的力量是從那裏來的﹖人怎樣纔能將你捆起,而制伏你﹖」
Markaasay Deliilaah Samsoon ku tidhi, Waan ku baryayaaye ii sheeg meesha xooggaaga weynu kaaga jiro, oo maxaa lagugu xidhi karaa si laguu saxariiriyo.
7 三松回答說:「人若用七根未乾的新牛筋繩將我捆起,我就像別人一樣軟弱。」
Oo Samsoonna wuxuu iyadii ku yidhi, Haddii laygu xidho toddoba xadhig oo qoyan oo aan weligood engegin, markaasaan taag yaraanayaa, oo waxaan noqonayaa sida dadka kale.
8 培肋舍特人的酋長就給她送來七根未乾的新牛筋繩,她便用這些繩子將他捆起。
Markaasay amiirradii reer Falastiin iyadii u keeneen toddoba xadhig oo qoyan oo aan engegin, oo iyana isagii bay ku xidhay xadhkihii.
9 當時有埋伏的人暗藏在她的內室裏;德里拉向他喊說:「三松,培肋舍特人來捉你哩! 」他就掙斷牛筋繩,如同麻線被火燒斷一樣;於是人們仍不知他力量的所在。
Haddaba waxay haysatay niman gaadmo ah oo joogay qolka hoose. Oo waxay isagii ku tidhi, Samsoonow, reer Falastiin way ku hayaan. Oo xadhkihiina wuxuu u jaray sidii shootali dab la saaray u go'o oo kale. Taas darteed xooggiisii meeluu ku jiro lama ogaan.
10 德里拉遂對三松說:「看,你戲弄我,對我說謊。如今請你告訴我,怎樣纔能捆綁你﹖」
Markaasay Deliilaah Samsoon ku tidhi, Bal eeg, waad igu majaajilootaye. Oo been baad ii sheegtay, haddaba waan ku baryayaaye, ii sheeg waxa lagugu xidhi karo.
11 他回答她說:「人若用從未用過的新繩將我捆起,我就像別人一樣軟弱。」
Oo isna wuxuu ku yidhi, Haddii laygu xidho xadhko cuscusub oo aan lagu shaqayn, markaas waan taag yaraanayaa, oo waxaan noqonayaa sida dadka kale.
12 德里拉就拿新繩將他捆起,對他喊說:「三松,培肋舍特人來捉你哩! 」當時仍有埋伏的人暗藏在內室裏;但他掙斷手臂上的繩子,好像一根絲線一樣。
Markaasay Deliilaah qaadday xadhko cuscusub oo ku xidhay isagii, oo waxay ku tidhi, Samsoonow, reer Falastiin way ku hayaan. Nimankii gaadmadii ahaana waxay ku jireen qolka hoose. Markaasuu xadhkihii gacmihiisa uga jaray sida dunta oo kale.
13 德里拉對三松說:「到現在你仍戲弄我,對我說謊;你告訴我,人怎樣纔能捆綁你﹖」他回答她說:「你若把我頭上的七條髮辮與織布的經線編在一起,然後用木橛釘住,我就像別人一樣軟弱。」
Markaasay Deliilaah Samsoon ku tidhi, Haddaba tan iyo markii hore waad igu majaajilootay, oo been baad ii sheegtay. Ii sheeg waxa lagugu xidhi karo. Kolkaasuu ku yidhi, Toddobada raamood ee madaxayga haddaad dharsameeye duntiis kula tidicdid waan taag yaraanayaa.
14 德里拉使他睡了,然後把他頭上的七條髮辮與織布的經線編在一起,再用木橛釘住,向他喊說:「三松,培肋舍特人來捉你哩! 」他從夢中醒來,把織布機的木橛連織布的經線都拔了出來。
Markaasay qodob ku qodobtay oo ku tidhi, Samsoonow, reer Falastiin waa ku hayaan. Oo intuu hurdadii ka soo toosay ayuu rujiyey qodobkii iyo looxii dunta, iyo duntii dharsameeyaha.
15 德里拉就對他說:「你心裏既沒有我,你怎能說:我愛你呢﹖你已三次戲弄我,還沒有告訴我你這樣大的力量是從那裏來的! 」
Markaasay isagii ku tidhi, Sidee baad u odhan kartaa, Waan ku jeclahay, adigoo aanu qalbigaagu ila jirin? Bal eeg, saddex jeer baad igu majaajilootay oo iimana aad sheegin meesha xooggaaga weynu ku jiro.
16 因為她天天用話來逼他,催他,致使他的精神苦惱的要死。
Oo markay maalin walba hadalkeedii ku sii cadaadisay, oo ay ku adkaysay, ayaa naftiisii cidhiidhi gashay ilaa dhimasho.
17 三松遂把心中的一切全透露給她,對她說:「剃刀從未接觸過我的頭,因為我在母胎時就是獻於天主的;人若剃去我的頭髮,我的力量就離開了我,我就像眾人一樣軟弱。」
Oo markaasuu u sheegay wixii qalbigiisa ku jiray oo dhan oo ku yidhi, Madaxayga mandiil lama marin, waayo, tan iyo markaan dhashay waxaan ahaa Nadiir Ilaah loo soocay. Haddii la ii xiiro, xooggaygu waa iga tegayaa, oo waan taag yaraanayaa, oo waxaan noqonayaa sida dadka kale.
18 德里拉一見他把心中的一切全給她透露了,便打發人召培肋舍特的酋長來說:「這一次你們上來罷! 因為他把心中的一切全透露給我。」於是培肋舍特人的酋長手中帶著銀子,來到德里拉那裏。
Deliilaahna markay ogaatay inuu u wada sheegay wixii qalbigiisa ku jiray oo dhan ayay u cid dirtay oo u yeedhay amiirradii reer Falastiin, oo waxay ku tidhi, Bal markan ii kaalaya, waayo, wixii qalbigiisa ku jiray oo dhan wuu ii sheegay. Markaasay amiirradii reer Falastiin iyadii u yimaadeen oo lacagtiina gacantooday ugu soo qaadeen.
19 德里拉使三松睡在自己的膝上,又叫來一個人,剃去他頭上的七條髮辮,他就開始軟弱無力,他的力量全離開了他。
Markaasay intay isagii ku seexisay jilbaheedii, ayay nin u yeedhatay, oo waxay ka xiirtay toddobadii raamood ee madaxiisa, dabadeedna waxay bilowday inay saxariiriso, oo xooggiisiina waa ka tegey.
20 她於是喊說:「三松,培肋舍特人來捉你哩! 」他由夢中醒來,心想:「這一次和前幾次一樣,我一掙扎,必能脫身。」他卻不知道上主已離棄了他。
Markaasay ku tidhi, Samsoonow, reer Falastiin waa ku hayaan. Kolkaasuu hurdadiisii ka soo toosay, oo wuxuu yidhi, Sidii mararkii kale ayaan bixi doonaa oo isgilgili doonaa. Laakiinse isma uu ogayn in Rabbigu ka tegey isaga.
21 培肋舍特人便把他捉住,剜去他的眼睛,帶他下到迦薩,用銅鍊鎖了他,叫他在監獄裏推磨。
Markaasay reer Falastiin isagii qabteen, indhihiisiina way ka rideen, kolkaasay isagii keeneen Gaasa, oo waxay ku xidheen silsilado naxaas ah; oo isna wax buu ku ridqi jiray xabsiga.
22 但是他的頭髮在剃了以後,又漸漸長起來。三松殉身復仇
Habase yeeshee timihii madaxiisu waxay bilaabeen inay soo baxaan kolkii la xiiray dabadeed.
23 培肋舍特人的酋長聚集起來,為給他們的神達貢舉行祭獻大典,表示慶祝;他們說:「我們的神把我們的仇人三松交在我們手中。」
Markaasay amiirradii reer Falastiin isu soo urursadeen inay allabari weyn u bixiyaan ilaahood oo ahaa Daagoon, iyo inay reyreeyaan; waayo, waxay isku yidhaahdeen, Cadowgeennii Samsoon ahaa waxaa gacanteenna soo geliyey ilaaheen.
24 民眾一見三松,就讚頌他們的神說:「我們的神把破壞過我們的田地,殺害過我們多人的仇人,交在我們的手中了。」
Oo dadkiina markay isagii arkeen ayay ilaahood ammaaneen; waayo, waxay yidhaahdeen, Ilaaheen wuxuu gacanteenna soo geliyey kii ahaa cadowgeennii iyo kii dalkeenna baabbi'in jiray oo layn jiray kuwo badan oo inaga mid ah.
25 當他們興高采烈的時候,就喊說:「讓三松給我們表演把戲。」他們就從監獄裏叫出三松來,在他們面前耍把戲;以後把他放在兩根柱子中間。
Oo markii qalbigoodii farxay ayay yidhaahdeen, Samsoon u yeedha ha noo cayaaree. Markaasay Samsoon xabsigii uga yeedheen, oo hortooduu ku cayaaray. Kolkaasay waxay isagii taageen tiirarkii dhexdooda.
26 三松對牽他手的僮僕說:「讓我摸摸支殿的柱子,好能靠一靠。」
Markaasuu Samsoon ku yidhi yarkii hagayay, Bal i daa aan taabtee tiirarka gurigu ku taagan yahaye, oo aan ku tiirsadee.
27 那時殿內滿了男女,培肋舍特人的酋長也在裏面,在天台上約有三千男女,都在看三松表演把戲。
Oo gurigana waxaa ka buuxay rag iyo dumarba, oo amiirradii reer Falastiin oo dhammuna halkaasay wada joogeen; saqafkana waxaa dul joogay dad ku dhow saddex kun oo rag iyo dumarba leh, oo daawanayay intuu Samsoon cayaarayay.
28 三松呼求上主說:「吾主上主,求你眷念我! 天主,求你再賜我力量,只要這一次! 以報培肋舍特人剜我雙眼的仇。」
Markaasuu Samsoon Rabbiga baryay, oo yidhi, Sayidow, Rabbiyow, waan ku baryayaaye, i xusuuso, oo waan ku tuugayaaye, markan keliya xoog ii yeel, Ilaahow, si aan reer Falastiin haddiiba uga magdhowdo labadaydii indhood.
29 三松就抱住正中支殿的兩根柱子,右手抱一根,左手抱一根;
Markaasuu Samsoon qabsaday labadii tiirdhexaad oo gurigu ku taagnaa, wuuna ku tiirsaday, oo mid wuxuu ku qabsaday gacantiisii midig, kii kalena wuxuu ku qabsaday bidixdiisii.
30 然後三松說:「讓我的性命和培肋舍特人同歸於盡! 」於是他奮力屈身,大殿隨之倒塌,壓在酋長和裏面所有的民眾身上;這樣他在臨死時所殺死的人,比一生所殺死的人還多。
Markaasuu Samsoon yidhi, Aan reer Falastiin la dhinto. Oo wuxuu la foororsaday itaalkiisii oo dhan, gurigiina wuxuu ku dhacay amiirradii iyo dadkii ku jiray oo dhan. Sidaasay kuwuu markuu dhintay laayay uga sii badnaayeen kuwuu laayay markuu noolaa.
31 此後,他的兄弟和父親的全家下來,把他抬上去,葬在祚辣和厄市陶耳之間,他父親瑪諾亞的墳墓裏。他作以色列民長二十年。
Markaasay walaalihiis iyo reer aabbihiis oo dhammu soo dhaadhaceen, oo intay qaadeen isagii ayay keeneen oo ku aaseen meel u dhexaysa Sorcaah iyo Eshtaa'ool, taasoo ahayd xabaashii aabbihiis Maanoo'ax. Oo isna wuxuu reer binu Israa'iil xukumayay labaatan sannadood.

< 士師記 16 >