< 約伯記 16 >

1 約伯回答說:
Markaasaa Ayuub u jawaabay, oo wuxuu ku yidhi,
2 像這樣的話,我聽了許多;你們的安慰反使人煩惱。
Anigu waan maqlay waxyaalo badan oo caynkaas ah. Idinku dhammaantiin waxaad tihiin qalbiqabowjiyayaal qalqalloocan.
3 這些風涼話何時了﹖或者有什麼事迫你非說不可﹖
Hadal dabayl ahu miyuu dhammaadaa? Balse maxaa kaa dhirfinaya oo aad u jawaabaysaa?
4 若是你們處在我的境遇中,我也會說像你們所說的話,也會花言巧語譏笑你們,向你們搖頭。
Haddii naftiinnu ahaan lahayd naftayda, Anigu waan u hadli kari lahaa sidiinna oo kale, Oo hadal waan idinku kor tuuli kari lahaa, Oo madaxaygana waan idinku ruxruxi kari lahaa.
5 我也會以口舌寬慰你們,搖唇鼓舌來減輕你們的痛苦。
Laakiinse anigu afkayga waan idinku xoogayn lahaa, Oo tacsiyaynta bushimahayguna way idin qalbi qabowjin lahayd.
6 我若講話,痛苦並不停止;我若閉口不言,難道痛苦就離開我﹖
Anigu haddaan hadlo xanuunkaygu igama yaraado, Oo haddaan iska aamusona miyaan in ka yar xanuunsadaa?
7 現今天主的確叫我厭倦,使我每個親人都遠離了我;
Laakiinse haatan wuu i daaliyey, Oo guutadaydii oo dhan cidlo baad ka dhigtay.
8 使我憔悴,以指證我;使我消瘦,當面非難我。
Waad i qabsatay, taasuna waa marag iga gees ah, Oo waxaa igu kaca macluulkayga, oo fool ka fool ayuu igu markhaati furaa.
9 他在憤怒中撕裂我,窘迫我,向我咬牙切齒;我仇人鋒利的眼睛常盯著我。
Isagoo cadhaysan ayuu i dildillaacsaday, oo wuu i silciyey, Wuuna igu ilko jirriqsaday, Oo cadowgaygii indhuhuu igu caddeeyey.
10 他們張開大口想吞噬我,責罵著打我的面頰,一起擁上前來攻擊我。
Iyagu afkay ii kala qaadeen, Oo quudhsasho ayay dhabanka igaga dharbaaxeen, Oo dhammaantoodna way isu kay wada urursadaan.
11 天主將我交於不義之人,將我丟在惡人手中。
Ilaah wuxuu gacantooda i geliyaa cibaadalaawayaasha, Oo wuxuu igu dhex tuuraa gacmaha kuwa sharka ah.
12 我原來安寧,他卻折磨我,抓住我的脖子,粉碎我,又拿我當作他的箭靶。
Anigoo iska istareexsan ayuu i kala jejebiyey, Oo intuu surka i qabtay ayuu i kala burburiyey, Oo weliba intuu meel i qotomiyey ayuu goolibaadh iga dhigtay.
13 他的箭矢四面射擊我,射穿我的腰,毫不留情,使我的膽傾流於地。
Qaansoolayaashiisii ayaa i hareereeya, Oo kelyahaygii ayuu kala googooyaa, Oo xammeetidaydiina dhulkuu ku daadshaa.
14 他將我撕裂粉碎,有如武士向我跑來。
Isagu wuu i jejebiyaa oo nabarba nabar buu iiga kor mariyaa; Oo sidii nin xoog badan ayuu orod igula soo kacaa.
15 我縫麻衣包裹我的皮膚,使我額角插入塵土。
Korkayga waxaan ku tolay joonyad, Oo xooggaygiina ciiddaan ku riday.
16 我的臉因哭泣發紅,我睫眉間滿是暗影;
Wejigaygii oohin buu la beddelmay, Oo indhaha daboolkoodana waxaa ii jooga hooskii dhimashada,
17 我的手雖沒有行過殘暴的事,而我的祈禱,又往往純正。
In kastoo aanay xaqdarro ku jirin gacmahayga, Oo uu baryootankayguna daahir yahay.
18 地啊! 不要掩蓋我的血。願我的呼聲無休息的餘地!
Dhulkow, dhiiggayga ha qarinin, Oo qayladayduna yaanay meelay ku nasato lahaan.
19 看啊! 連現今在天上有我的見證,在高處有我的中保。
Oo hadda bal eeg, markhaatigaygii wuxuu joogaa samada, Oo kii ii dammiintaana xagga saruu joogaa.
20 我的哀號上徹於天,在天主前我的雙目流淚不止。
Saaxiibbaday way igu qoslaan, Laakiinse indhahaygu ilmo bay u daadiyaan xag Ilaah.
21 惟願人與天主之間有一中人,猶如人與人之間一樣!
Bal muu jiro mid dadka Ilaah ula hadla, Siduu nin deriskiisa ugu hadlo oo kale.
22 因為我的年數將盡,快要走上那條一去不返的路途。
Waayo, markii dhawr sannadood dhaafaan, Waxaan mari doonaa jidka aanan mar kale dib uga soo noqonayn.

< 約伯記 16 >