< 約伯記 11 >

1 納阿瑪人左法爾發言說:
Markaasaa Soofar oo ahaa reer Nacamaatii u jawaabay, oo wuxuu ku yidhi,
2 難道喋喋不休,就不需要答覆﹖難道多嘴多舌的人,就證明有理﹖
War sow waajib ma aha in laga jawaabo erayada faraha badan? Balse ninka hadalka badan xaq ma laga dhigaa?
3 你的空談,豈能叫人緘默﹖你如此謾罵,難道無人使你羞愧﹖
Amase faankaagu miyuu dadka aamusiin karaa? Oo markaad majaajilootid miyaan ninna ku kashifi karin?
4 你說過:「我的品行是純潔的,我在你眼中是清白的。」
Waayo, waxaad leedahay, Cilmigaygu waa daahir, Oo nadiif baan ku ahay indhahaaga hortooda.
5 但願天主講話,開口答覆你!
Bal muu Ilaah hadlo! Oo bal muu bushimihiisa furo isagoo kaa gees ah!
6 將智慧的秘密,-即那難以理解的事-啟示給你,那麼你便知道,天主還忽略了你的一些罪過。
Oo bal muu ku tuso waxyaalaha qarsoon ee xigmadda ah, Waayo, way badan yihiin. Haddaba bal ogow in Ilaah kaa jisaynayo in ka sii yar ciqaabta dembigaagu istaahilo.
7 你豈能探究天主的奧秘,或洞悉全能者的完美﹖
War miyaad baadhi kartaa Ilaah axwaalkiisa moolka dheer? Miyaadse Ilaaha Qaadirka ah si kaamil ah u garan kartaa?
8 完美高於諸天,你能作什麼﹖深於陰府,你能知道什麼﹖ (Sheol h7585)
Xigmaddiisu way u sarraysaa sida samada, ee bal maxaad samayn kartaa? Oo She'oolna way ka sii mool dheer tahay, ee maxaad garan kartaa? (Sheol h7585)
9 其量長過大地,闊於海洋。
Qiyaasteeduna waa ka sii dheer tahay dhulka, waana ka sii ballaadhan tahay badda oo dhan.
10 天主若經過,誰能扣留他﹖他若下了逮捕令,誰能阻擋他﹖
Oo isagu hadduu dhex gudbo, wax kastana xidho, Oo uu garsoorid isugu yeedho, bal yaa isaga hor joogsan kara?
11 他洞悉人的虛偽,明察人的罪行,且無不注意。
Waayo, wuu gartaa dadka waxmatarayaasha ah, Weliba xumaantana wuu arkaa, sow kama fikirin?
12 如此,愚蠢者纔可獲得智慧,野性驢駒纔能變為馴良。
Laakiinse ninkii waxmatare ahu waxgarasho waa ka madhan yahay, Hubaal dadku wuxuu u dhashaa sida qayl dameerdibadeed,
13 你若居心正直,向他伸開你的雙手;
Haddaad qalbigaaga hagaajisid, Oo aad isaga gacmaha u fidsatid,
14 你若將手中的罪惡除掉,不容不義留在你的帳幕內;
Haddii xumaanu gacantaada ku jirto iska fogee, Oo xaqdarrona yaanay teendhooyinkaaga degin.
15 那麼你定能仰首無愧,一定站立穩定,一無所懼;
Hubaal markaasaad wejigaaga kor u qaadi doontaa isagoo aan ceeb lahayn; Oo waad adkaan doontaa, mana aad baqi doontid,
16 你必能忘卻痛苦,縱然想起,也必似水流去;
Waayo, dhibaatadaada waad illoobi doontaa, Oo waxaad u xusuusan doontaa sidii biyo ku dhaafay,
17 你的壽命如日中之光華,縱有陰暗,仍如晨曦。
Oo noloshaaduna way ka sii dhalaal dheeraan doontaa hadhkii, Oo in kastoo gudcur jiro, waxay ahaan doontaa sida subaxda.
18 因有希望,你纔感覺安全;因有保護,你纔坦然躺臥;
Oo ammaan baad ahaan doontaa, maxaa yeelay, rajaa jirta, Hareerahaagaad fiirin doontaa, oo nabaadiinona waad ku nasan doontaa.
19 你躺臥,無人敢來擾亂你,反而有多人來奉承你。
Weliba waad jiifsan doontaa, oo waxba kuma cabsiin doonaan; Hubaal kuwa badan ayaa raallinimo kaa baryi doona.
20 然而惡人的眼必要昏花,他們安身之所必全毀壞,他們的希望只在吐出最後的一口氣。
Laakiinse kuwa sharka ahu way indhabbeeli doonaan. Mana ay heli doonaan jid ay ku cararaan, Rajadooduna waxay ahaan doontaa nafta oo ka dhacda.

< 約伯記 11 >