< 約伯記 10 >
1 我實在厭惡我的生活,我要任意苦訴我的怨情,傾吐我心中的酸苦。
Naftaydu noloshadayday la daallan tahay, Oo joojinla'aan waan ku sii caban doonaa, Oo qadhaadhka naftayda waan ku hadli doonaa.
2 我要對天主說:不要定我的罪! 請告訴我:你為何與我作對﹖
Waxaan Ilaah ku odhan doonaa, Ha i xukumine. Bal waxaad i tustaa waxa aad aawadood iila diriraysid.
3 你對親手所造的,加以虐待和厭棄,卻顯揚惡人的計劃,為你豈有好處﹖
Bal miyey kuu wanaagsan tahay inaad cidhiidhisid Oo aad quudhsatid shuqulkii gacantaada, Oo haddana aad iftiimisid kuwa sharka ah taladooda?
Ma waxaad leedahay indho binu-aadmi, Mase sida dadkaad wax u aragtaa?
Wakhtigaagu ma sida wakhtiga dadkoo kalaa? Cimrigaaguse ma sida cimriga dadkoo kalaa?
Oo bal ma sidaas daraaddeed baad xumaantayda u daba joogtaa, Oo aad dembigayga u baadhaysaa,
7 其實你知道我並沒有罪過,也知道無人能拯救我脫離你的掌握。
In kastoo aad ogtahay inaanan sharrow ahayn, Oo uusan jirin mid gacantaada iga samatabbixinaya?
8 你親手形成了我,創造了我;此後你又轉念想消滅我。
Gacmahaaga ayaa i qabanqaabiyey oo i dhisay dhammaantay, Laakiin haddana intaad igu soo jeesato ayaad i duminaysaa.
9 求你記憶:你造我時就像摶泥,難道還使我歸於泥土﹖
Bal xusuuso waan ku baryayaaye inaad ii dhoobtay sidii wax dhoobo laga sameeyey, Haddaba ma boodhkaad dib iigu celinaysaa?
War sow sidii caano iima aadan daadin, Oo sidii gadhoodh oo kale sow iigama aadan dhigin?
11 用皮和肉作我的衣服,用骨和筋把我全身聯絡起來﹖
Waxaad i huwisay harag iyo hilib, Oo waxaad dhammaantay igu dhistay lafo iyo seedo.
12 是你將我生命的恩惠賜給了我,細心照顧維持了我的氣息。
Waxaad i siisay nolol iyo raallinimo, Oo booqashadaadiina waxay xannaanaysay ruuxayga.
Laakiin waxyaalahaas qalbigaaga waad ku qarisay; Oo waan ogahay in taasu ay kugu jirto.
14 你監視我,看我是否犯罪;如果我有罪;你決不放過。
Haddaan dembaabo waad iska kay fiirsataa, Oo ma aad caddaysid inaan dembi la'ahay.
15 我若有罪,我就有禍了! 我若有義,也不敢抬頭,因為我已備嘗凌辱,吃盡苦頭。
Haddaan sharrow ahay, anaa iska hoogay, Oo haddaan xaq ahayna, innaba madaxayga kor u qaadi maayo Anigoo ceeb ka buuxa Oo dhibaatadayda fiirinaya.
16 我若抬頭,你就像獅子追捕我,向我表現你的奇能,
Oo haddii madaxaygu kor isu qaadona, waxaad ii ugaadhsataa sida libaax oo kale, Oo haddana wax laga yaabo ayaad igu samaysaa.
Waxaad ii keensataa markhaatiyaal cusub, Oo dhirifkaagana waad igu sii kordhisaa, Oo hadba waxaad igu soo daysaa col iyo belaayo isu kay bedbeddela.
18 你為何叫我出離母胎﹖不如我那時斷氣,無人見我,
Bal maxaad iiga soo bixisay uurkii hooyaday? Waxaa wanaagsanaan lahayd in naftu iga baxdo iyadoo aan iluna i arag!
19 就好像從未有過我一樣,一出母胎即被送入墳墓。
Waxaa igu habboonaan lahayd inaan ahaado sidii wax aan jirin, Oo waxaa ii roonaan lahayd in qabriga la ii qaado isla markii aan uurka hooyaday ka soo baxay.
War cimriga noloshaydu sow wax yar ma aha? Haddaba iska kay daa Oo i dhaaf, aan in yar nastee,
Intaanan tegin meesha aanan ka soo noqonayn, Oo ah dalka gudcur iyo hooska dhimashada,
Kaasoo ah gudcur qaro weyn oo ah sida mugdi dam ah, Dalkaas oo ah hooska dhimashada, oo aan innaba nidaam lahayn, Halkaas oo iftiinku yahay sida mugdi oo kale.