< 耶利米書 6 >

1 本雅明子民,請你們逃出耶路撒冷,在特科亞吹號,在貝特革楞豎立旗幟! 因為有一個災禍,即一個巨大的毀滅,已由北方隱約出現。
Reer Benyaamiinow, Yeruusaalem dhexdeeda ka carara, oo buunka Teqooca ka yeedhiya, oo Beyd Hakeremna calaamad kor uga qaada, waayo, waxaa xagga woqooyi ka soo socda masiibo iyo halligaad weyn.
2 熙雍女郎仿佛美麗的草場,
Magaalada Siyoon oo u eg naag suurad wacan oo jilicsan ayaan baabbi'in doonaa.
3 牧童領著自己的羊群坰她進發,在她四週張設帳幕,各據一方牧放。
Waxaa iyada u iman doona adhijirro adhyahoodii wata, oo teendhooyinkooda ayay hareeraheeda ka dhisan doonaan, oo midkood kastaaba wuxuu iska daaqsan doonaa meeshiisa.
4 「請你們備戰,向她進攻;來,讓我們在正午就上前進攻! 我們真不幸! 因為日已偏西,暮影已長!
Isu diyaariya inaad iyada dagaal ugu kacdaan, sara joogsada, oo ina keena aan iyada hadhka weerarnee. Annagaa iska hoognay, waayo, gabbalkii waa dhacay, oo hooskii habeennimo ayaa sii dheeraaday.
5 不妨! 就趁夜上去,破壞她的閭闕。」
Sara joogsada, oo ina keena aynu iyada habeennimo weerarnee, oo aynu daaraheeda waaweyn wada duminnee.
6 因為萬軍的上主這樣說:6.「他們該砍伐她的樹木,雀起壁壘,圍攻耶路撒冷,這該受罰的城市,因為在那裏充滿了壓榨。
Waayo, Rabbiga ciidammadu wuxuu yidhi, Dhirteeda jara, oo Yeruusaalem tuulmo ku tuula, waayo, tanu waa magaalada la ciqaabayo, oo waxaa ka buuxa dulmi miidhan.
7 泉源怎樣湧出泉水,她就怎樣湧出邪惡;從那裏只可聽到強暴和迫害,我金看見疾病和瘡痍。
Sidii ili biyaheeda u soo burqiso oo kale ayay sharnimadeeda u soo burqisaa had iyo goorba, dhexdeedana waxaa laga maqlaa dulmi iyo kharribaad, oo had iyo goorna waxaa hortayda yaal cudur iyo nabro.
8 耶路撒冷! 你應接受訓戒,免得我的心疏遠你,使你荒涼,成為沒有人居住的地方。」
Yeruusaalemay, si aan naftaydu kaaga tegin, oo aanan kaaga dhigin cidlo iyo dal aan ciduna degganayn, edeb qaado.
9 萬軍的上主這樣說:「你應像收拾葡萄,把以色列的遺民收拾淨盡;又如收割的人 向枝條再伸出你的手來。」
Rabbigii ciidammadu wuxuu leeyahay, Kuwa dadka Israa'iil ee hadhay waxaa loo wada xaabxaabi doonaa sida geedcanab oo kale, Sida mid canab guranaya oo kale gacanta dambiisha ku soo celiya.
10 我應對誰說,應警告誰,使他們聽信我呢﹖看,他們的耳朵遲鈍不靈,不能留心細聽;看,上主的話對他們已成了笑柄,一點也不感興趣
Inay i maqlaan bal yaan la hadlaa oo aan u digaa? Bal eega, dhegahoodu ma xalaalaysna, oo waxba ma ay maqli karaan. Bal eega, erayga Rabbigu cay buu iyaga u noqday, oo innaba kuma ay farxaan.
11 為此,我滿懷上主火憤怒,我已無法再控制:「只得將憤怒發洩在街上的孩童和青年的隊伍身上,因為男人和女人,年長和年老的人,都要被擄去;
Sidaas daraaddeed waxaa iga buuxda cadhadii Rabbiga, oo inaan isceliyo waan ku daalay. Haddaba cadhadii ku deji carruurta jidka joogta iyo shirka barbaarrada oo dhan, waayo, xataa nin iyo naagtiisaba waa la kaxayn doonaa, oo odayga iyo kan cimriga dheerba waa la isla wada kaxayn doonaa.
12 他們的住它、莊田和妻室,都要歸他人,因為我要向本地的居民伸出我的手──上主的斷語。」
Oo guryahooda, iyo beerahooda, iyo naagahoodaba kuwa kalaa la siin doonaa dhammaantoodba, waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Anigu waxaan gacantayda ku fidin doonaa dadka dalka deggan.
13 實在,從最小的到最的,都貪財圖利;從先知到司祭,都欺詐行事,
Waayo, kooda ugu yar ilaa kooda ugu weyn midkood kastaaba wuxuu u go'ay damacxumaan, oo nebiga iyo xataa wadaadka inta ka dhexle midkood kastaaba been buu ku macaamiloodaa.
14 草率治療我人民的瘡痍說:「好了,好了! 」其實卻沒有好。
Oo iyagu dhaawicii dadkayga ayay si fudud u bogsiiyeen, oo iyadoo aan innaba nabadu jirin ayay yidhaahdaan, Waa nabad! Waa nabad!
15 他們既彿事可憎,就應當知恥;可是,他們不但毫不知恥,反而連羞愧也不知道是什麼;為此,他們要與倒斃者一同倒斃,在我降罰他們時,都要一厥不振──上主說。
Markay karaahiyada sameeyeen miyey xishoodeen? Maya, innaba ma ay xishoon, ceebna ma garan, sidaas daraaddeed waxay la dhici doonaan kuwa dhacaya. Oo Rabbigu wuxuu leeyahay, Wakhtigii aan iyaga soo ciqaabo ayay hoos u dhici doonaan.
16 上主這樣說:「你們應站在交叉路口,觀察探問舊路;那一條是好路,就在那路上走,你們的的心靈必獲安寧。」他們卻答說:「我們偏不走。」
Rabbigu wuxuu leeyahay, Jidadka dhex istaaga, oo bal wax fiiriya, oo bal dhabbayaashii hore haybsada, oo waxaad tidhaahdaan, Meeh jidkii wanaagsanaa? Oo markaas ku socdaa, oo naftiinna nasashaad u heli doontaan. Laakiinse iyagu waxay yidhaahdeen, Annagu ku socon mayno jidkaas.
17 我給你們派駐哨兵,你們連注意號聲! 」他們卻答說:「我們偏不注意。
Oo weliba waxaan idiin dhigay waardiyayaal, oo waxaan idinku idhi, Buunka dhawaaqiisa dhegaysta. Laakiinse iyagu waxay yidhaahdeen, Annagu waxba dhegaysan mayno.
18 為此,萬民! 你們必需細聽;群眾! 你們應知道他們的遭遇。
Sidaas daraaddeed, quruumahow bal maqla, oo ururkow, bal ogow waxa kuwan ku dhici doona.
19 大地注意:看,我必給這百姓帶來災禍,作他們失節的的苦果,因為他們沒有聽從我的言辭,拋棄了卜法律。
Dhulkow, bal maqal, oo bal ogow, dadkan masiibaan ku soo dejin doonaa taasoo ah waxay fikirradoodii keeneen, waayo, erayadaydii ma ayan dhegaysan, sharcigaygiina way diideen.
20 那些來自舍巴的乳香,出自遠方的香蒲,於我有何用﹖你們的全燔祭不受悅納,你的犧牲不樂我意。
Fooxa Shebaa ka yimid iyo qasabka macaan ee dal fog laga keenay maxay ii taraan? Qurbaannadiinna la gubo aqbali maayo, oo allabaryadiinnuna iga farxin maayaan.
21 為此,上主這樣說:「看,我將這人民設下絆腳石,使父子一起絆倒,使鄰居和朋友同趨滅亡。」
Oo sidaas daraaddeed Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal eega, waxaan dadkan hor dhigi doonaa wax lagu turunturoodo, oo aabbayaasha iyo wiilashuba way ku wada turunturoon doonaan, oo deriska iyo saaxiibkiisba way wada halligmi doonaan.
22 上主這樣說:「看,有一個民族從北方前來,有一個強大的異邦從地極興起,
Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal ogaada, dadyow baa dalka woqooyi ka iman doona, oo quruun weyn ayaa dhulka darafyadiisa ka soo kici doonta.
23 緊握弓戈,殘忍無情,像海嘯一般喧嚷,騎著戰馬,萬眾一心,嚴陣準備向你進攻,熙雍女郎! 」
Oo waxay sitaan qaansooyin iyo warmo, oo waa calool adag yihiin, oo innaba naxariis ma leh. Codkoodana waxaa la moodaa sida bad guuxaysa oo kale, oo farday fuulaan. Siyoonay, mid kastaaba wuxuu kuugu soo safan yahay sida nin dagaal diyaar u ah oo kale.
24 我們聽到了這消息,束手無策,不勝憂慮,痛苦得有如臨產的婦女。
Waxaannu maqalnay warkoodii, oo gacmahayagii way taag gabeen, oo cidhiidhi iyo xanuun baa noo qabtay sida naag foolanaysa oo kale.
25 你們不要到田間去,不要在路上徘徊,因為敵人正在撕殺,四處令人恐怖。
Berrinka ha u bixina, oo jidkana ha marina, waayo, seeftii cadowga iyo cabsi baa dhan kasta idinka jirta.
26 我的女兒──人民──你該穿上麻衣,輾轉於灰塵,悲哀傷心痛哭,如喪獨子,因為劫奪者要突然來襲擊我們!
Dadkaygow, joonyad xidho, oo dambas ku galgalo, oo waxaad u baroorataa sida wiil madi ah loogu baroorto, oo waxaad ku ooydaa baroor aad u qadhaadh, waayo, waxbaabbi'iyihii dhaqsuu inoogu soo degi doonaa.
27 我立了你作我人民的查察員,原是為叫你認識並考察他們的行徑。
Waxaan dadkayga dhexdiisa kuu dhigay inaad ahaatid imtixaame, si aad jidkooda u ogaatid oo aad u imtixaantid.
28 他們盡是極頑固的叛徒,往來散播流言,確是壞透了的破銅爛鐵。
Iyagu waa caasiyiin fallaagoobay, oo xan bay la ordaan oo iyagu waa naxaas iyo bir, oo kulligoodna waa kuwa wax kharriba.
29 風箱猛吹,雖有烈火,但鉛仍不溶化;煉工徒然鍛煉,渣滓總煉不掉。
Buufinkii aad buu wax u buufiyaa, oo laxaamaddiina dabkaa baabba'saday, oo lacag shubihiina waxtarla'aan buu wax u sii dhalaalinayaa, waayo, sharrowyadii weli ma soocna.
30 人都稱他們為「拋棄的銀渣,」因為上主已將他們拋棄。
Waxaa iyaga loogu yeedhi doonaa, Lacag la nacay, waayo, Rabbigu iyaguu nacay.

< 耶利米書 6 >