< 耶利米書 44 >

1 以下是關於住在埃及地,住在米革多耳,塔黑培乃斯、諾夫和帕特洛斯地的一切猶太人,傳給耶肋米亞的話:「
Kanu waa eraygii Yeremyaah u yimid oo ku saabsanaa Yuhuuddii dalka Masar degganayd, kuwaasoo degganaa Migdol, iyo Taxfanxees, iyo Nof, iyo dalka Fatroos, oo wuxuu ku yidhi,
2 萬軍的上主,以色列的天主這樣說:你們看見了我對耶路撒冷和猶大各城召來的一切災禍,看,今日已成為無人居住的曠野。
Rabbiga ciidammada oo ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Waad aragteen masiibadii aan Yeruusaalem iyo magaalooyinkii reer Yahuudah oo dhan ku dejiyey, oo bal eega, maantadan iyagu waa cidla, oo ciduna halkaas ma dhex deggana,
3 這是因為他們做了惹我動怒的惡事,向他們、你們和你們的祖先從不認識的外方神祇焚香敬拜;
waana xumaantooda ay faleen oo ay igaga cadhaysiiyeen aawadeed markay tageen si ay foox ugu shidaan oo ay ugu adeegaan ilaahyo kale oo ayan iyaga iyo idinka iyo awowayaashiinnuba aqoon.
4 雖然我早就不斷洽你們派遣我所有的先知僕人們說:你們切不可做我所憎恨的可惡之事!
Habase ahaatee nebiyadii addoommadayda ahaa oo dhan ayaan idiin soo diray, anigoo goor wanaagsan diraya, oo waxaan idhi, Ha samaynina waxan karaahiyada ah oo aan nebcahay.
5 他們卻沒有側耳聽從,沒有放棄他們向外方神祇焚香的惡習。
Laakiinse ma ay maqlin oo dhegna uma ay dhigin inay xumaantooda ka soo noqdaan iyo inayan innaba ilaahyo kale foox u shidin.
6 於是我的憤恨如火發作,焚毀了猶大城市和耶路撒冷的街市,使她成為荒涼的曠野,有如今日。
Oo sidaas daraaddeed ayaa cadhadaydii iyo xanaaqaygiiba waxay ku soo dheceen oo ay ku ololeen magaalooyinkii dalka Yahuudah iyo jidadkii Yeruusaalemba, oo iyana haatan waa cidla iyo baabba' siday maantadan tahay.
7 現在,上主萬軍的天主以色列的天主這樣說:為什麼你們招來這樣大的災禍,加害自己,使你們中的男人、婦女、幼童、嬰兒,全由猶大滅絕,不給你們留下遺民﹖
Sidaas daraaddeed Rabbiga ah Ilaaha ciidammada oo ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Bal maxaad sharkan weyn naftiinna ugu samaysaan, oo aad dalka Yahuudah uga sii baabbi'isaan rag, iyo naago, iyo carruur, iyo caanonuug, si aan ciduna idiinka hadhin?
8 為什麼你們做惹我動怒的事,向你們來寄居的埃及地的外方神祇獻香,使你們自遭滅亡,成為普世萬民詛咒和恥笑的對象﹖
Waxaad igaga cadhaysiisaan shuqullada gacmihiinna idinkoo ilaahyo kale foox ugu shidaya dalka Masar oo aad u tagteen inaad degtaan, si laydiin wada baabbi'iyo oo aad quruumaha dunida oo dhan ugu dhex ahaataan inkaar iyo cay.
9 難道你們忘了你們的祖先、猶大君王和他們的妻妾、你們自己和你們的女人,在猶大地和耶路撒冷街上犯的種種罪惡﹖
War miyaad illowdeen xumaantii awowayaashiin, iyo xumaantii boqorradii dalka Yahuudah, iyo xumaantii naagahooda, iyo xumaantiinnii, iyo xumaantii naagihiinna, oo ay dalka Yahuudah iyo jidadkii Yeruusaalemba ku dhex sameeyeen?
10 他們直到今日尚不後悔,也不畏懼,更不履行我給你們和你們的祖先頒布的法律和誡命。
Iyagu ilaa maantadan isma ay hoosaysiin, oo kama ay cabsan, kumana ay socon sharcigaygii iyo qaynuunnadaydii aan iyaga iyo awowayaashoodba hor dhigay.
11 為此,萬軍的上主,以色列的天主這樣說:看,我面向你們,是為降災,消滅整個猶大。
Sidaas daraaddeed Rabbiga ciidammada oo ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Bal eega, wejigaygaan idinku soo jeedin doonaa inaan dadka Yahuudah oo dhan wada baabbi'iyo.
12 凡決意往埃及地去,要六那裏寄居的猶大遺民,我必要剷除,叫他們全死在埃及地,喪身刀下,饑餓而死;不分老幼都死於刀劍、饑荒,飽受憎恨、厭惡、詛咒和侮辱。
Oo waxaan qaadan doonaa kuwa dadka Yahuudah ka hadhay ee wejigooda ku qummaatiyey inay dalka Masar galaan oo ay halkaas degaan, oo kulligoodna way wada baabbi'i doonaan, oo waxay ku le'an doonaan dalka Masar. Waxaa baabba' ka dhigi doona seef iyo abaar, wayna wada dhiman doonaan, oo kan ugu yar ilaa kan ugu weyn waxay ku baabbi'i doonaan seef iyo abaar, oo waxay wada noqon doonaan wax aad loo karho, iyo wax laga yaabo, iyo inkaar iyo cay.
13 我必以刀劍、饑荒和瘟疫懲罰住在埃及地的人,如懲罰耶路撒冷一樣,
Waayo, kuwa dalka Masar deggan seef iyo abaar iyo belaayo ayaan ugu ciqaabi doonaa sidaan Yeruusaalem u ciqaabay oo kale.
14 使前往寄居埃及的猶大遺民,無一能幸免逃脫,返回他們所渴望回去居住的猶大地;除少數脫身者外,他們不會回來了。」
Markaas dadka Yahuudah ee hadhay ee dalka Masar u tegey inay degaan midna kama baxsan doono ama kama hadhi doono si ay ugu noqdaan dalkii Yahuudah oo ay aad u jecel yihiin inay ku noqdaan oo ay halkaas degaan, waayo, kuwa baxsadaa mooyaane midkoodna kuma noqon doono.
15 於是凡知道自己的女人曾向外方神祇燒香的人,和一大群環立在旁的婦女,以及住在埃及地和帕特洛斯的全體人民,就答覆耶肋米亞說:「
Markaas dhammaan raggii ogaa inay naagahoodu ilaahyo kale foox u shidaan, iyo naagihii ag taagnaa oo dhan, kuwaasoo ahaa dad faro badan oo ahaa dadkii degganaa dalka Fatroos oo Masar ku yaal oo dhan waxay Yeremyaah ugu jawaabeen,
16 你奉上主的名對我們說的話,我們不願聽從;
Annagu innaba kaa dhegaysan mayno eraygii aad nagula hadashay oo aad magaca Rabbiga noogu sheegtay.
17 至於凡出自我們口中的話,我們必定實行,給天后焚香奠酒,如同我們、我們的祖先、君王及首領,在猶大城和耶路撒冷街上所做的一樣;那時我們都豐衣足食,安享太平,不見災禍。
Laakiinse sida xaqiiqada ah waxaannu samayn doonnaa wax alla wixii afkayaga ka soo baxay, inaannu foox u shidno boqoradda samada, oo aannu iyada u daadinno qurbaanno cabniin ah, sidii annaga iyo awowayaashayo iyo boqorradayadii iyo amiirradayadiiba aannu ugu samayn jirnay magaalooyinkii dalka Yahuudah iyo jidadkii Yeruusaalemba, waayo, waagaas waxaannu haysannay cunto faro badan, oo waannu nabdoonayn, oo innaba masiibo ma aannu arki jirin.
18 可是,自從我們斷絕向天后獻香,不給她奠酒以來,我們就什麼也缺乏,死於刀劍和饑荒。
Laakiinse tan iyo waagii aannu iska daynay inaannu boqoradda samada foox u shidno oo aannu qurbaanno cabniin ah u daadinno, wax kastaba waannu u baahnayn, oo seef iyo abaar baannu ku baabba'nay.
19 至於我們的女人向天后焚香奠酒,又那能沒有我們男人的同意,依照她的形狀,給她備製祭餅,向她奠酒呢﹖」
Oo markaannu foox u shidnay boqoradda samada, oo aannu iyada qurbaanno cabniin ah u daadinnay, miyaannu kibis ugu samaynay innaannu iyada ku caabudno amase miyaannu iyada qurbaanno cabniin ah u daadinnay nimankayaga la'aantood?
20 耶肋米亞便對全體人民,對答覆他的男人和婦女以及所有的人說:「
Markaasaa Yeremyaah dadkii oo dhan, rag iyo naagoba, kuwaasoo ahaa dadkii isaga sidaas ugu jawaabay oo dhan wuxuu ku wada yidhi,
21 難道你們、你們的祖先、君王、首領和地方上的人民,在猶大城和耶路冷街上燒香的事,上主就不記得了,再也不懷念在心了嗎﹖
Idinka iyo awowayaashiin iyo boqorradiinnii iyo amiirradiinnii iyo dadkii dalkuba fooxii aad magaalooyinka dalka Yahuudah iyo jidadkii Yeruusaalemba ku dhex shiddeen miyaan Rabbigu soo xusuusan oo miyaanay qalbigiisa soo gelin?
22 上主再也不能容忍你們邪惡的行為,和你們做的可惡的事,為此你們的土地變成了荒野,成了驚愕和詛咒的對象,無人居住,有如今日:
Markaasuu Rabbigu u sii adkaysan kari waayay, waana sharka falimihiinna iyo karaahiyada aad samayseen aawadood, oo sidaas daraaddeed dalkiinnii wuxuu u noqday cidla, iyo wax laga yaabo, iyo inkaar, oo ciduna ma deggana siday maantadan tahay.
23 就因為你們燒香得罪了上主,不聽上主的勸告,不覆行他的法律、誡命和法令,纔給你們招來了像今日這樣的災禍。」
Foox baad shiddeen, oo Rabbigaad ku dembaabteen, codkiisiina ma aydaan addeecin, kumana aydaan socon sharcigiisii, amase qaynuunnadiisii, amase markhaatiyaashiisii, oo sidaas daraaddeed ayaa masiibadanu idiinku dhacday siday maantadan tahay.
24 以後,耶肋米亞又對全體人民和全體婦女說:「凡在埃及境內的猶大人,請聽上主的話!
Oo weliba Yeremyaah wuxuu dadkii oo dhan iyo naagihii oo dhan ku yidhi, Dadka Yahuudah oo dalka Masar jooga oo dhammow, bal erayga Rabbiga maqla.
25 萬軍的上主,以色列的天主這樣說:你們和你們的女人都要親手做你們親口說的事;你們說:我們決意實踐我們許的誓願,向天后燒香奠酒。你們就實踐你們的誓願,舉行你們的奠祭罷!
Rabbiga ciidammada oo ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Idinka iyo naagihiinnuba afkiinnaad ku hadasheen oo gacmihiinnaad ku oofiseen, oo waxaad tidhaahdeen, Sida xaqiiqada ah annagu waannu oofin doonnaa nidarradayadii aannu u nidarnay inaannu foox boqoradda samada u shidno, iyo inaannu iyaga qurbaanno cabniin ah u daadinno, haddaba nidarradiinna oofiya, oo nidarradiinna wada sameeya.
26 但是,所有住在埃及地的猶大人,你們且聽上主的話:看,我以我偉大的名起誓──上主說:在埃及全地任何猶大人的口中,不會再呼號我名說:我主上主永在!
Haddaba dadka Yahuudah oo dalka Masar degganow, bal erayga Rabbiga maqla. Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal eega, magacayga weyn waan ku dhaartay inuusan qof dadka Yahuudah ahu mar dambe magacayga ku soo magacaabi doonin dalka Masar oo dhan, isagoo leh, Sayidka Rabbiga ahu waa nool yahay.
27 看,我注視他們,是為降災,不是為賜福,使在埃及地所有的猶大人,都死於刀劍饑荒,徹底消滅;
Bal eega, iyagaan fiirinayaa inaan masiibo ku dejiyo, wanaagse u keeni maayo, oo dadka Yahuudah oo dalka Masar jooga oo dhan waxay ku wada baabbi'i doonaan seef iyo abaar, ilaa ay kulligood wada dhammaadaan.
28 即使有逃脫刀劍,從埃及地回到猶大的人,為數也寥寥無幾。到埃及地來寄居的全體猶大遺民,終於會知道:誰的話要應驗,是我的還是他們的。
Oo kuwa seefta ka baxsada ayaa dalka Masar ka noqon doona oo waxay geli doonaan dalkii Yahuudah, waxayna ahaan doonaan qaar tiro yar, oo kuwa dadka Yahuudah ka hadhay oo dalka Masar u galay inay halkaas joogaan oo dhan waxay wada ogaan doonaan erayadayda iyo kuwooda kuwii rumooba.
29 這為你們是個徵兆──上主的斷語──就在這地方我要懲罰你們,叫你們知道:我對你們要降災的話,必要絕對應驗。
Oo Rabbigu wuxuu leeyahay, Waxaa calaamad idiin noqon doonta inaan meeshan idinku ciqaabi doona, si aad ku ogaataan in erayadaydu ay xaqiiqa ahaan idiinku rumoobi doonaan inaan masiibo idinku dejin doono.
30 上主這樣說:看,我必將埃及王法郎曷斐辣交在他仇人和圖謀他性命的人手中,就如我曾將猶大王漆德克雅,交在他仇人和圖謀他性命的巴比倫王拿步高的手中一樣。」
Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal ogaada, Fircoon Xofrac oo ah boqorka Masar waxaan gelin doonaa gacanta cadaawayaashiisa, iyo gacanta kuwa naftiisa doondoonaya sidaan boqorkii dalka Yahuudah oo Sidqiyaah ahaa u geliyey gacantii Nebukadresar oo ahaa boqorkii Baabuloon, kaasoo cadowgiisa ahaa oo naftiisa doondooni jiray.

< 耶利米書 44 >