< 耶利米書 42 >

1 眾部隊首領與卡勒亞的兒子約哈南和瑪阿色雅的兒子阿匝黎雅及,不分大小,
Markaasaa saraakiishii ciidammada, iyo Yooxaanaan ina Qaaree'ax, iyo Yesanyaah ina Hooshacyaah, iyo dadkii oo dhan, kii ugu yaraa ilaa kii ugu weynaa, way soo dhowaadeen,
2 前來對耶肋米亞先知說:「願你接受我們對你的請求,請你為我們全體遺民,轉求上主你的天主。我們原來人數眾多,如今只剩下你親眼見的這幾個人了。
oo waxay Nebi Yeremyaah ku yidhaahdeen, Waannu ku baryaynaaye, baryootankayagu ha ahaado mid hortaada lagu aqbalo, oo waxaad noo baridaa Rabbiga Ilaahaaga ah, annagoo ah kuwan hadhay oo dhan, waayo, kuwayagan yar ayaa ka hadhay dadkii badnaa, sida aad adiguba indhahaaga noogu aragtid.
3 惟願上主你的天主指示我們該走的路,和當行的事! 」
Noo ducee si Rabbiga Ilaahaaga ahu uu noo tuso jidkii aannu ku socon lahayn iyo wixii aannu samayn lahayn.
4 耶肋米亞先知答覆他們說:「我聽見了! 好,我願依照你們的話,祈求上主你們的天主;但凡上主答覆的話,我必全告訴你們,不對你們隱瞞什麼。」
Markaasaa Nebi Yeremyaah wuxuu iyagii ku yidhi, Waan idin maqlay, oo bal eega, Rabbiga Ilaahiinna ah sidii ay erayadiinnu ahaayeen ayaan u baryayaa, oo wax alla wixii Rabbigu idiinku soo jawaaboba waan idiin sheegayaa, oo waxba dib idiinka ceshan maayo.
5 他們鑽覆耶肋米亞說:「願上主在我們中間作真實和忠信的見證,如果我們不依照上主你的天主叫你傳給我們的一切話去做。
Markaasay Yeremyaah ku yidhaahdeen, Rabbigu dhexdeenna ha ku ahaado markhaati run iyo daacad ah, haddaannan wada samayn waxyaalihii Rabbiga Ilaahaaga ahu uu noogu soo kaa dhiibo oo dhan.
6 或好或壞,我們願聽從上主我們天主的話,因為是我們派你去向他祈求;我們聽從了上主我們的天主的話,我們就必順利。」
Hadduu wanaag yahay iyo hadduu shar yahayba, annagu waannu addeeci doonnaa codka Rabbiga Ilaahayaga ah, kaasoo aannu kuu dirnay, si aannu u nabdoonaanno aawadeed markaannu addeecno codka Rabbiga Ilaahayaga ah.
7 十天以後,上主有話傳給了耶肋米亞,
Oo toban maalmood dabadeed ayaa eraygii Rabbigu Yeremyaah u yimid.
8 他便召集卡勒亞的兒子約哈南和隨從他的眾部隊首領以及全體人民,不分大小,
Markaasuu u yeedhay Yooxaanaan ina Qaaree'ax, iyo saraakiishii ciidammada ee isaga la joogtay oo dhan, iyo dadkii oo dhan xataa kii ugu yaraa ilaa kii ugu weynaa,
9 對他們說:「你們派我去向他面陳你們的請求的上主,以色列的天主這樣說:
oo wuxuu iyagii ku yidhi, Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil oo aad iigu dirteen inaan baryootankiinna hortiisa geeyo wuxuu leeyahay,
10 如果你們決意住在這地方,我必建立你們,決不加以破壞;我必栽培你們,決不予以拔除,因為我已後悔給你們所降的災禍。
Haddaad dalkan sii joogtaan, waan idin dhisi doonaa, oo idinma dumin doono, oo waan idin beeri doonaa, oo idinma rujin doono innaba, waayo, waan ka qoomamooday masiibadii aan idinku sameeyey.
11 你們不要害怕你們所害怕的巴比倫王;不要害怕他──上主的斷語──因為有我與你們同在,作你們的救援,從他的手中搶救你們。
Boqorka Baabuloon oo aad ka baqaysaan ha ka cabsanina. Rabbigu wuxuu leeyahay, Innaba isaga ha ka cabsanina, waayo, anigaa idinla jira inaan idin badbaadiyo oo aan gacantiisa idinka samatabbixiyo.
12 我必憐恤你們,也叫他憐恤你們,讓你們仍住在你們的國土內。
Waanan idiin naxariisan doonaa si uu isagu idiinku naxariisto, oo uu dalkiinnii idiinku soo celiyo.
13 但是,如果你們不聽從上主你們的天主的話,說:我們不願住在這地方;
Laakiinse haddaad tidhaahdaan, Annagu dalkan degganaan mayno, oo codka Rabbiga Ilaahaaga ahna addeeci mayno,
14 或說:不,我們要去埃及地,在那裏再見不到戰爭,再聽不到號聲,再不缺乏食糧;我們要去住在那裏!
oo aad tidhaahdaan, Maya, laakiinse waxaannu tegaynaa dalka Masar, halkaasoo aannan dagaal arki doonin, amase aannan buunka dhawaaqiisa maqli doonin, oo aannan innaba kibis u gaajoon doonin, oo halkaasaannu degganaan doonnaa,
15 那麼,猶大的遺民! 請你們聽上主的話。萬軍的上主,以色列的天主這樣說:假使你們決意要往埃及去,在那裏寄居,
haddaba sidaas daraaddeed, kuwiinna dadka Yahuudah ka hadhayow, bal erayga Rabbiga maqla. Rabbiga ciidammada oo ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Haddaad wejigiinna ku qummaatisaan inaad Masar gashaan, oo aad u tagtaan inaad halkaas degtaan,
16 你們害怕的刀劍,必在埃及地襲擊你們;你們憂慮的饑荒,必在埃及跟蹤你們,使你們死在那裏。
markaas seefta aad ka cabsanaysaan ayaa dalka Masar idinku gaadhi doonta, oo abaarta aad ka baqaysaan ayaa dalka Masar idinku heli doonta, oo halkaasaad ku dhiman doontaan.
17 凡決意往埃及去,到那裏寄居的人,必要死於刀劍、饑荒和瘟疫,沒有一人能幸免,逃脫我給他們招來的災禍。
Oo saasay wada noqon doonaan dadkii wejigooda ku qummaatiyaa inay Masar galaan oo ay halkaas degaan. Waxay ku dhiman doonaan seef, iyo abaar, iyo belaayo, oo midkoodna kama hadhi doono, kamana baxsan doono masiibada aan korkooda ku soo dejin doono.
18 的確,萬軍的上主,以色列的天主這樣說:正如我對耶路撒冷居民曾發怒洩恨;同樣我要對去埃及的你們洩恨,叫你們遭受憎恨、厭惡、詛咒、侮辱,永不再見此地。」
Waayo, Rabbiga ciidammada oo ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Sidii xanaaqaygii iyo cadhadaydii ay kuwii Yeruusaalem degganaa ugu dheceen oo kale ayaa cadhadaydu idiinku dhici doonta markaad dalka Masar gashaan, oo weliba waxaad wada noqon doontaan wax aad loo karho, iyo wax laga yaabo, iyo inkaar, iyo cay, oo meeshanna mar dambe ma aad arki doontaan innaba.
19 「猶大的遺民! 這是上主對你們說的話:不要到埃及去。你們該清楚知道:我今天對你們作證,
Kuwiinna dadka Yahuudah ka hadhayow, Rabbigu wuxuu idinku soo yidhi, Masar ha tegina. Haddaba bal si xaqiiqa ah u ogaada inaan maanta idiin digay.
20 你們實在是自己欺騙自己;原是你們派我去求問上主你天主說:請你為我們轉求上主我們的天主,凡上主我們的天主說的,你要全告訴我們,我們必依照遵行。
Waayo, idinku nafsaddiinnaad aad u khiyaanayseen, maxaa yeelay, waxaad ii dirteen Rabbiga Ilaahiinna ah, oo aad igu tidhaahdeen, Rabbiga Ilaaheenna ah noo bari, oo wax alla wixii Rabbiga Ilaaheenna ahu uu kugu soo yidhaahdaba noo soo sheeg, oo annaguna waannu samayn doonnaa.
21 我今天告訴了你們,你們卻全不聽從上主你們的天主,打發我來告訴你們的話。
Haddaba maanta xaalkan waan idiin sheegay, laakiinse idinku ma aydaan addeecin codkii Rabbiga Ilaahiinna ah iyo wixii uu iigu soo kiin dhiibay toona.
22 現在,你們該知道:在你們要去寄居的地方,你們必死於刀劍、饑荒和瘟疫。」
Haddaba bal si xaqiiqa ah u ogaada in meesha aad doonaysaan inaad tagtaan oo aad sii joogtaan aad seef iyo abaar iyo belaayo ugu dhiman doontaan.

< 耶利米書 42 >