< 耶利米書 36 >

1 猶大王史約雅內的兒子約雅金第四年,上主有話傳給耶肋米亞說
Boqorkii dalka Yahuudah oo ahaa Yehooyaaqiim ina Yoosiyaah sannaddiisii afraad ayaa erayganu Yeremyaah uga yimid xagga Rabbiga, oo wuxuu ku yidhi,
2 :「你拿卷冊來,寫上自我由約史雅時日,對你說話那一天以來,直到今日,關於耶路撒冷和猶大及列邦對你所說的一切話,
Kitaab duudduuban soo qaad, oo waxaad ku qortaa erayadii aan wakhtigii Yoosiyaah iyo ilaa maantadan la joogo inta ka dhex leh kugula hadlay oo dhan, kuwaas oo ka gees ahaa dalka Israa'iil, iyo dalka Yahuudah, iyo quruumaha oo dhan.
3 也許猶大家聽了我有意對他們施行的一切災禍,會各自離棄自己的邳道,叫我好寬恕他們的過犯和罪惡」。
Waxaa suurtowda inay dadka Yahuudah maqli doonaan masiibadii aan ula qasdiyey inaan iyaga ku sameeyo oo dhan, si ninkood kastaaba uu jidkiisa sharka ah uga soo noqdo, si aan xumaantooda iyo dembigoodaba uga cafiyo.
4 於是耶肋米亞叫了乃雅黎的兒子巴路克來;路克來依照耶肋米亞的口授,在卷冊上寫上了上主對先知說的一切話。
Markaasaa Yeremyaah Baaruug ina Neeriiyaah u yeedhay, oo Baaruugna wuxuu afkii Yeremyaah erayadii Rabbigu isaga u sheegay oo dhan kaga qoray kitaab duudduuban.
5 耶肋米亞吩咐巴路克說:「我被阻止,不能到上主的殿宇去,
Markaasaa Yeremyaah amray Baaruug, oo wuxuu yidhi, Anigu waan xidhnahay, oo guriga Rabbiga ma aan tegi karo,
6 所以你去,在一個禁食的日子上,誦讀卷冊上依我口授寫的上主的話,給在上主殿裏的全體人民聽,也讀給來自各城的全體猶大人聽,
sidaas daraaddeed adigu tag, oo waxaad maalinta soonka dadka dhegihiisa ku akhridaa erayadii Rabbiga ee aad afkayga kitaabkii duudduubnaa kaga qortay, oo waxaad ku akhridaa guriga Rabbiga dhexdiisa, oo weliba waxaad kaloo dhegaha uga akhridaa dadka Yahuudah ee magaalooyinkooda ka yimid oo dhan.
7 也許他們會向上主哀求,各自會離棄自己的邳道,因為上主對這人民用以恐嚇的憤恨和憤怒,真正厲害! 」
Waxaa suurtowda inay baryootankooda Rabbiga hor keenaan, oo midkood kastaaba uu jidkiisa sharka ah ka soo noqdo, waayo, cadhada iyo xanaaqa uu Rabbigu dadkan kaga hadlay way weyn yihiin.
8 乃黎雅的兒子巴路克全按耶肋米亞先知吩咐的做了:在上主殿宇裏,宣讀了卷冊上主的話。
Markaasaa Baaruug ina Neeriiyaah wada sameeyey sidii Yeremyaah ku amray oo dhan, oo wuxuu kitaabkii ka akhriyey erayadii Rabbiga isagoo gurigii Rabbiga dhex jooga.
9 猶大王約史雅的兒子約雅金第五年九月,耶路撒冷全體人民以及從猶大城市來到耶路撒冷的全體人民,集合在上主面前宣佈禁食。
Boqorkii dalka Yahuudah oo ahaa Yehooyaaqiim ina Yoosiyaah sannaddiisii shanaad bisheedii sagaalaad waxaa dadkii Yeruusaalem degganaa oo dhan iyo dadkii Yeruusaalem uga yimid magaalooyinka dalka Yahuudah oo dhan loogu dhawaaqay inay Rabbiga hortiisa ku soomaan.
10 巴路克就乘機在上主殿宇內,沙番的兒子革馬黎雅書記的房子那裏,即上院靠近上主殿宇新門的進口處,宣讀卷冊上耶肋米亞的話,給全體人民聽。
Markaas Baaruug wuxuu kitaabkii ka akhriyey erayadii Yeremyaah gurigii Rabbiga gudihiisa Gemaryaah ina Shaafaan oo karraani ahaa qolladdiisii oo ku tiil barxadda sare, oo u dhowayd meesha iridda cusub ee guriga Rabbiga laga soo galo, oo wuxuu dhegaha u saaray dadkii oo dhan.
11 沙番的兒子革馬黎雅的兒子米加雅,聽了卷冊上所有的上主的話,
Miikaayaah ina Gemaryaah oo ahaa ina Shaafaan markuu kitaabkii ka maqlay erayadii Rabbiga oo dhan
12 就下到王宮書記的事務所內,看,眾首長都正坐在那裏,有書記厄里沙瑪,舍瑪雅的兒子德拉雅,阿革波爾的兒子厄耳納堂,沙番的兒子革馬黎雅,哈紇尼雅的兒子漆德克雅和其餘的首長。
ayuu hoos u degtay oo wuxuu galay gurigii boqorka iyo qolladdii karraaniga, oo bal eeg, amiirradii oo dhammu halkaasay wada fadhiyeen, oo waxay ahaayeen Eliishaamaac oo karraaniga ahaa, iyo Delaayaah ina Shemacyaah, iyo Elnaataan ina Cakboor, iyo Gemaryaah ina Shaafaan, iyo Sidqiyaah ina Xananyaah, iyo amiirradii oo dhan.
13 米加雅就把自己在巴路克給人民宣讀卷冊時所聽到的所有話,告訴了他們。
Markaas Miikaayaah wuxuu iyagii u sheegay erayadii uu maqlay oo dhan markii Baaruug uu kitaabka ku akhriyey dadka dhegihiisa.
14 眾首長便派乃塔尼雅的兒子猶狄和雇史的兒子舍肋米亞到巴路克那裏說:「請你來,並請你隨手帶上你讀給人民的那軸卷冊」。乃肋米亞的兒子巴路克立即手內拿上那軸卷冊,到他們那裏去了。
Sidaas daraaddeed amiirradii oo dhammu waxay Baaruug u soo direen Yehuudii ina Netanyaah oo ahaa ina Shelemyaah ina Kuushii, oo waxay ku yidhaahdeen, Kitaabkii duudduubnaa oo aad dadka dhegihiisa ku akhriday soo qaad oo noo kaalay. Markaasaa Baaruug ina Neeriiyaah gacanta ku soo qaaday kitaabkii duudduubnaa, oo iyagii u yimid.
15 你們對他說:「請坐,讀給我們聽! 」巴路克讀給他們聽了。
Oo iyagiina waxay ku yidhaahdeen, Haddaba bal fadhiiso oo dhegahayaga ku akhri, oo markaasuu Baaruug kitaabkii dhegahoodii ku akhriyey.
16 他們聽了這一切話,彼此不勝驚慌說:「我們必須將這一切話稟告君王! 」
Oo markay erayadii oo dhan maqleen ayay baqeen oo midkoodba kii kaluu fiiriyey, oo waxay Baaruug ku yidhaahdeen, Sida xaqiiqada ah erayadan oo dhan boqorka waannu u sheegi doonnaa.
17 然後問巴路克說:「請你告訴我們:你怎樣由耶肋米亞的口授寫了這一切話﹖」
Markaasay Baaruug weyddiiyeen oo ku yidhaahdeen, Bal noo sheeg sidii aad erayadan oo dhan afkiisa uga qortay?
18 巴路克答覆他們說:「這一切話都是他口授給我的,我只不過用筆記錄在這卷冊上」。
Oo Baaruugna iyaguu u jawaabay, oo wuxuu ku yidhi, Isagu erayadan oo dhan afkiisuu iiga sheegay, oo aniguna khad baan kitaabkii ku qoray.
19 於是首長對巴路克說:「你快去和耶肋米亞藏起來,不要讓人知道你們藏在哪裏」。
Markaas amiirradii waxay Baaruug ku yidhaahdeen, Tag, oo adiga iyo Yeremyaahba dhuunta, oo yaan ciduna ogaan meeshaad joogtaan.
20 然後他們一同到內殿去拜見君王,那卷冊卻留在書記厄里沙瑪室內,只將這一切話稟告了君王。
Markaasay boqorkii oo barxaddiisa jooga u galeen, kitaabkii duudduubnaase waxay dhigeen qolladdii Eliishaamaac oo karraanigii ahaa, oo erayadii oo dhanna boqorkay u sheegeen.
21 君王於是打發猶狄去取那軸卷冊;猶狄由書記厄里沙瑪室內取了來,讀給君王和環立在君王旁的眾朝臣聽。
Markaas boqorkii wuxuu Yehuudii u diray inuu kitaabkii u keeno, oo isna wuxuu ka soo qaaday Eliishaamaac oo karraanigii ahaa qolladdiisii. Markaas Yehuudii wuxuu kitaabkii ku akhriyey dhegihii boqorka iyo dhegihii amiirradii boqorka ag taagnaa oo dhan.
22 那時正是九月,君王住在冬宮裏,面前正燒著一盆火,
Haddaba waxay ahayd bishii sagaalaad, oo boqorkuna wuxuu fadhiyey gurigii qabowga laga geli jiray, oo hortiisana waxaa yiil dab girgire ku dhex ololaya.
23 猶狄只讀了三四行,君王就用書記的刀把它割下,拋在火盆裏,直到那卷冊在火盆內被燒盡。
Oo haddaba markii Yehuudii saddex amase afar qaybood akhriyey ayaa boqorku mandiil ku gooyay, oo wuxuu ku dhex tuuray dabkii girgiraha ka baxayay, ilamaa kitaabkii duudduubnaa uu ku wada baabba'ay dabkii girgiraha ka baxayay.
24 君王與眾臣僕言這一切話,毫不害怕,也不撕裂自己的衣服,
Oo boqorkii iyo addoommadiisii erayadaas oo dhan maqlay midkoodna ma cabsan, oo dharkoodiina ma ay jeexjeexin.
25 雖然厄耳納堂和德拉雅及革瑪黎雅曾苦苦哀求君王不要燒毀那軸卷冊,
In kastoo ay Elnaataan iyo Delaayaah iyo Gemaryaah boqorkii ka baryeen inuusan kitaabka duudduuban gubin wuu maqli waayay.
26 反命王子耶辣默耳,阿次黎耳的兒子色辣雅和哈德耳的兒子舍肋米雅,去逮捕書記巴路克和先知耶肋米亞;但是上主卻將他們藏起來了。
Markaas boqorkii wuxuu Yeraxme'eel ina Hammeleg, iyo Seraayaah ina Casrii'eel, iyo Shelemyaah ina Cabdeel ku amray inay karraanigii Baaruug iyo Nebi Yeremyaahba soo qabtaan, laakiinse Rabbigaa qariyey.
27 君王焚燒了那軸載有巴路克由耶肋米亞口授記錄的話的卷冊以後,有上主的話傳給耶肋米亞說:
Oo haddana Eraygii Rabbiga ayaa Yeremyaah u yimid markuu boqorku kitaabkii duudduubnaa iyo erayadii uu Baaruug ka qoray afka Yeremyaah gubay dabadeed, oo wuxuu ku yidhi,
28 「你拿另一卷冊來,寫上猶大王約雅金所燒毀的前一軸卷冊上的一切話。
Haddana kitaab kale oo duudduuban soo qaad, oo waxaad ku qortaa erayadii kitaabkii duudduubnaa ee hore ku yiil oo dhan, kaasoo Yehooyaaqiim oo ah boqorka dalka Yahuudah uu gubay.
29 關於猶大王約雅金你應說:上主這樣說:你燒毀了這軸卷冊說:為什麼你在上面寫道:巴比倫王必來破壞這地方,消滅這地方 的人民和獸﹖
Oo boqorka dalka Yahuudah oo Yehooyaaqiim ahna waxaad ku tidhaahdaa, Rabbigu wuxuu leeyahay, Waxaad gubtay kitaabkii duudduubnaa, adigoo leh, Maxaad gudihiisa waxyaalahan ugu qortay, oo aad u tidhi, Sida xaqiiqada ah boqorka Baabuloon wuu iman doonaa oo dalkanna wuu baabbi'in doonaa, halkanna dad iyo duunyoba wuu ka gooyn doonaa?
30 為此上主關於猶大王約雅金這樣說:他必沒有人繼坐達味的寶座,死後必棄屍原野,遭受日晒夜露。
Sidaas daraaddeed Rabbigu wuxuu Yehooyaaqiim oo ah boqorka dalka Yahuudah ka leeyahay, Isagu ma uu yeelan doono mid carshigii Daa'uud ugu fadhiista, oo meydkiisa waxaa maalintii loo xoori doonaa kulaylka, habeenkiina sayaxa barafoobay.
31 對他和他的後裔及臣僕,我要懲罰他們的罪惡,給他們和耶路撒冷居民及猶大人,召來我向他們預告,他們卻不理會的一切災禍」。
Oo isaga iyo farcankiisa iyo addoommadiisaba xumaantooda aawadeed ayaan u ciqaabi doonaa, oo iyaga, iyo dadka Yeruusaalem deggan, iyo dadka dalka Yahuudahba waxaan ku soo dejin doonaa masiibadii aan iyaga kaga hadlay oo dhan, laakiinse way maqli waayeen.
32 耶肋米亞就拿來另一軸卷冊,交給書記乃黎雅的兒子巴路克。巴路克依照耶肋米亞的口授,在上面筆錄了猶大王約雅金,在火中燒毀了的那卷冊上所有的話;並且還加添了許多相類似的話。
Markaas Yeremyaah wuxuu soo qaaday kitaab kale oo duudduuban, oo wuxuu u dhiibay karraanigii ahaa Baaruug ina Neeriiyaah, oo isna wuxuu afka Yeremyaah ka qoray erayadii ku yiil kitaabkii Yehooyaaqiim oo boqorka dalka Yahuudah ahu uu dabka ku gubay oo dhan, oo weliba waxaa iyagii lagu sii daray erayo kale oo badan oo iyagii la mid ah.

< 耶利米書 36 >