< 耶利米書 23 >

1 禍哉,那把我牧場上的羊群摧殘和趕散的牧人──上主的斷語──
Rabbigu wuxuu leeyahay, Waxaa iska hoogay adhijirrada idihii daaqsintayda baabbi'iya oo kala firdhiya!
2 為此上主,以色列的天主,對牧放我民的牧人這樣說:「你們驅散趕走了我的羊群,不加照顧;現在,看,我必依照你們的惡行來懲罰你們──上主的斷語──
Sidaas daraaddeed Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu ka leeyahay adhijirrada dadkayga daajiya, Adhigaygii waad kala firdhiseen, waadna kala erideen, oo soomana aydnaan ilaalin. Bal eega, waxaan idiin ciqaabi doonaa sharkii falimihiinna, ayaa Rabbigu leeyahay.
3 我要從我以前驅散牠們所到的各地,集合我尚存的羊,引導牠們再回自己的羊棧,叫牠們滋生繁殖;
Oo intii adhigayga ka hadhayna waxaan ka soo wada ururin doonaa waddammadii aan u kexeeyey oo dhan, waanan ku soo celin doonaa xeryahoodii, oo wax badan way dhali doonaan, wayna tarmi doonaan.
4 我要興起牧者來牧放牠們,使牠們無恐無懼,再也不會失掉一個──上主的斷語。
Oo waxaan iyaga u yeeli doonaa adhijirro daajiya, oo mar dambe ma ay baqi doonaan, mana ay nixi doonaan, oo innaba midna kama dhimmanaan doono.
5 看,時日將到──上主的斷語──我必給達味興起一支正義的苗芽,叫他執政為王,斷事明智,在地上執行公道正義。
Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal eega, waxaa soo socda wakhti aan Daa'uud u kicin doono biqil xaq ah, oo boqor ayuu ahaan doonaa, wuuna liibaani doonaa, oo wuxuu dhulka ku samayn doonaa caddaalad iyo xaqnimo.
6 在他的日子裏,猶大必獲救,以色列必居享安寧;人將稱他為:「上主是我們的正義。」
Oo wakhtigiisa dadka Yahuudah way badbaadi doonaan, oo dadka Israa'iilna ammaan bay ku degganaan doonaan, oo magiciisa lagu magacaabi doonona waa Rabbiga Xaqnimadayada ah.
7 為此,看,時日將到──上主的斷語──人不再以『那領以色列子民由埃及地上來的上主,永在』的話起誓,
Sidaas daraaddeed Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal ogaada, waxaa soo socda wakhti aan mar dambe la odhan doonin, Waxaa nool Rabbigii reer binu Israa'iil dalkii Masar ka soo bixiyey.
8 卻要以『那領以色列家的後裔,由北方,由他驅逐他們所到的各地回來,使他們再住在自己故鄉的上主,永在』的話起誓。
Laakiinse waxaa la odhan doonaa, Waxaa nool Rabbigii farcankii reer binu Israa'iil ka soo bixiyey oo ka soo hor kacay dalkii woqooyi, iyo dalalkii uu u kexeeyey oo dhan, oo iyana waxay degganaan doonaan dalkooda.
9 論到先知:我的心在我懷內已破碎,我渾身骨骸戰慄;為了上主,為了他的聖言,我好像成了一個醉漢,成了一個不勝酒力的人,
Qalbigaygii uurkayguu ku qarracmay waana nebiyada daraaddood, lafahayga oo dhammu way wada ruxmadaan, oo waxaan la mid ahay nin sakhraan ah oo khamri ka adkaaday, waana Rabbiga iyo erayadiisa quduuska ah daraaddood.
10 因為地上充滿了犯奸的人,為此,地受詛咒,只有哀傷,原野草場已枯乾;他們奔走的是邪路,他們的勢力是不義。
Dalka waxaa ka buuxa dhillayo, oo habaar daraaddiis ayaa dalkii la barooranayaa. Daaqsimihii duurku way wada engegeen. Socodkoodu waa shar oo xooggooduna ma qummana.
11 實在,先知和司祭都不虔誠,以至連在我的殿裏,也發現了他們的邪惡──上主的斷語──
Waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Nebigii iyo wadaadkiiba nijaas bay wada yihiin, oo gurigayga ayaan xumaantoodii ka helay.
12 因此,他們的道路為他們必將變為滑道,他們必被驅入黑暗,必要跌倒;因為到了降罰他們的年分,我必給他們招來災禍──上主的斷語──
Sidaas daraaddeed jidkoodu wuxuu u noqon doonaa sida meelo sibiibix ah oo gudcur ku dhex yaal. Iyaga waa lagu sii kaxayn doonaa oo halkaasay ku dhici doonaan, waayo, sannadda ciqaabiddooda masiibo baan ku soo dayn doonaa, ayaa Rabbigu leeyahay.
13 在撒瑪黎雅的先知中,我亦發現了可惡的事:他們竟奉巴耳的名義說預言,使我的以色列民誤入歧途。
Oo nebiyada Samaariyana nacasnimaan ku arkay. Waxay wax ku sii sheegeen Bacal magiciisa, oo dadkaygii reer binu Israa'iilna way qaldeen.
14 在耶路撒冷的先知中,我更發現了極可惡的事:他們竟犯姦淫,行動虛偽,助長惡人的勢力,致使誰也不痛悔自己的邪惡;他們對我猶如索多瑪,其中的居民好像哈摩辣人。
Oo nebiyadii Yeruusaalemna wax aad iyo aad u xun, baan ku arkay. Way sinaystaan, oo been bay ku socdaan, oo weliba waxay sii xoogeeyaan gacmaha xumaanfalayaasha, si aan midnaba xumaantiisa uga soo noqon. Iyagu kulligood waxay iila mid noqdeen sidii Sodom, oo kuwii degganaana sidii Gomora oo kale.
15 為此,萬軍的上主論先知這樣說:看啊! 我必叫他們吃苦艾,喝毒水,因為全地邪惡蔓延,都是出於耶路撒冷的先知。
Sidaas daraaddeed Rabbiga ciidammadu wuxuu nebiyada ka leeyahay, Bal ogaada, waxaan iyaga ku quudin doonaa dacar, oo waxaan cabsiin doonaa biyo xammeetiyeed, waayo, nijaas baa nebiyada Yeruusaalem ka soo faaftay oo waxay wada gaadhay dalka oo dhan.
16 萬軍的上主這樣說:不要聽向你們說預言的先知的話;他們只使你們妄想,他們講的,並非出自上主的口,而只是他們心中的幻想。
Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Nebiyada wax idiin sii sheega hadalkooda ha maqlina, waayo, wax aan waxba ahayn way idin baraan, oo waxay ku hadlaan riyo qalbigooda ka timid oo aan afka Rabbiga ka soo bixin.
17 他們對那輕視我的人肯定:「上主說:你們必享平安。」對一切隨從自己頑固的心行事的人說:「災禍不會來到你們身上。」
Oo waxay had iyo goorba kuwa i quudhsada ku yidhaahdaan, Rabbigu wuxuu yidhi, Nabad baad helaysaan. Oo waxay mid kasta oo caasinimada qalbigiisa daba galana ku yidhaahdaan, Wax masiibo ahu innaba kugu dhici maayaan.
18 其實,有誰參加過上主的會議,親自聽見過他的話﹖有誰曾留意聽他的話,而實在聽到了﹖
Waayo, bal yaa guddiga Rabbiga dhex istaagay inuu garto oo maqlo eraygiisa? Yaase eraygiisa dhegta u dhigay oo soo maqlay?
19 看,上主的憤怒,如暴風發作,像旋風在惡人的頭上旋轉。
Bal eega, duufaankii Rabbiga ayaa soo baxay, kaasoo ah cadhadiis, waana dabayl cirwareen ah, oo waxay ku dhici doontaa madaxa sharrowyada.
20 上主的烈怒必不止息,直到他執行和完成了他心裏的計劃;到末日你自必能徹底明瞭。
Rabbiga xanaaqiisu dib u noqon maayo jeeruu sameeyo oo wada oofiyo qasdiga qalbigiisa, oo ugudambaystana aad baad u garan doontaan.
21 我並沒有派遣這些先知,他自卻自動奔走;我並沒有對他們說話,他們卻擅說預言。
Anigu nebiyadaas sooma aan dirin, laakiinse way ordeen oo iyaga lama aan hadlin, laakiinse wax bay sii sheegeen.
22 假使他們果真參加過我的會議,就該使我的人民聽到我的話,叫他們離棄自己邪道,和自己邪惡的行為。
Haddii ay guddigayga dhex istaageen, de markaas dadkaygay erayadayda maqashiin lahaayeen, oo waxay iyaga ka soo celin lahaayeen jidkooda xun iyo sharka falimahoodaba.
23 難道對近處的,我是天主──上主的斷語──對遠處的,我就不是天主了嗎﹖
Rabbigu wuxuu leeyahay, Anigu ma waxaan ahay Ilaah dhow, oo miyaanan ahayn Ilaah fog?
24 人若隱藏在暗處,我就看不見了嗎﹖──上主的斷語──
Rabbigu wuxuu leeyahay, Miyaa cidi isku qarin kartaa meelo qarsoon oo aanan ka arki karin? Waxaa kaluu Rabbigu leeyahay, Anigu sow kama buuxo cirka iyo dhulkaba?
25 我聽見了這些先知說的,他們奉我名預言虛妄說:我做了一夢,我做了一夢!
Waan maqlay wixii ay yidhaahdeen nebiyada magacayga beenta ku sii sheega oo yidhaahda, Waan riyooday, waan riyooday.
26 先知在民間妄說預言,宣講自己心中的幻想,要到幾時呢﹖
Ilaa goormay waxanu ku sii jirayaan qalbiga nebiyada beenta sii sheega? Iyagu waa nebiyo sii sheega khiyaanada qalbigooda.
27 他們互相傳述自己的夢幻,企圖使我的人民忘記我的名,如同他們的祖先為了巴耳而忘記了我的名一樣。
Waxay u malaynayaan inay dadkayga magacayga ku illowsiiyaan riyooyinkooda midkood kastaba uu deriskiisa u sheego, sidii awowayaashoodba ay magacayga ugu illoobeen Bacal aawadiis.
28 得了夢的先知,讓他傳夢;得了我的話的,就該忠實傳述我的話;麥稈怎能與麥粒相比﹖──上主的斷語──
Rabbigu wuxuu leeyahay, Nebigii riyo arkay, riyadiisa ha sheego, oo kii eraygayga maqlayna si daacad ah eraygayga ha u sheego. Buunshaha iyo sarreenka bal maxaa u kala dhexeeya?
29 我的話豈不是像火﹖──上主的斷語──豈不是像擊碎巖石的鐵鎚﹖
Rabbigu wuxuu leeyahay, Miyaan eraygaygu ahayn sida dab oo kale, iyo sida dubbe dhagaxa kala burburiya oo kale?
30 為此,看──上主的斷語──我要懲罰互相竊取我話的先知。
Sidaas daraaddeed Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal ogaada, anigu waxaan col ku ahay nebiyada midkood kastaba erayadayda ka xada deriskiisa.
31 看──上主的斷語──我要懲罰那些轉動自己的舌頭,妄說「神諭」的先知。
Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal ogaada, col baan ku ahay nebiyada carrabkooda ku isticmaala oo yidhaahda, Saasuu Rabbigu leeyahay.
32 看──上主的斷語──我要懲罰那些預言和傳述幻夢,以自己的謊妄語迷惑我人民的先知;我既沒有派遣他們,也沒有對他們有所吩咐,他們對這人民就決不能有任何貢獻──上主的斷語。
Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal ogaada, col baan ku ahay kuwa wax ku sii sheega riyooyin been ah, oo intay u warramaan dadkayga ku qalda beentooda iyo faankooda aan waxtarka lahayn. Rabbigu waxaa kaluu leeyahay, Anigu iyaga ma soo dirin, oo innaba mana amrin, oo iyagu dadkan waxba kuma tari doonaan.
33 若是這人民,先知或司祭問你什麼是「上主的重擔﹖」你就答應他們說:你們就是重擔,我要將你們拋棄──上主的斷語──
Oo markii dadkan ama nebi ama wadaad uu ku weyddiiyo, oo uu kugu yidhaahdo, Rabbiga warkiisa culus waa maxay? Waxaad iyaga ku tidhaahdaa, Waa war maxay ah? Waan idin xoorayaa, ayaa Rabbigu leeyahay.
34 凡是問「上主的重擔」的先知、司祭或人民,我必懲罰這人和他的家。
Oo weliba nebigii iyo wadaadkii iyo dadkii odhan doona, Waa kan warka culus ee Rabbiga, ninkaas iyo reerkiisaba waan ciqaabi doonaa.
35 你們應每人對自己的鄰人和兄弟這樣說:「上主有了什麼答覆﹖」或「上主說了什麼﹖」
Midkiin kastaaba wuxuu deriskiisa ku odhan doonaa, oo midkiin kastaaba wuxuu walaalkiis ku odhan doonaa, Muxuu Rabbigu ku jawaabay? Oo muxuu Rabbigu ku hadlay?
36 不應再提「上主的重擔;」不然,各人的話必要成為自己的重擔,因為你們歪曲了永生的天主,萬軍的上主,和我們的天主的話。
Oo Rabbiga warkiisa culusna mar dambe kama aad hadli doontaan, waayo, nin walba eraygiisaa war culus u noqon doona, maxaa yeelay, idinku waxaad qalloociseen erayadii Ilaaha nool oo ah Rabbiga ciidammada oo ah Ilaahayaga.
37 你應這樣問先知說:「上主對你有了什麼答覆﹖」或「上主說了什麼﹖」
Waxaad nebiga ku tidhaahdaa, Muxuu Rabbigu kuugu jawaabay? Oo muxuu Rabbigu ku hadlay?
38 如果你們還說:「上主的重擔。」上主就要這樣說:就因你們還說「上主的重擔」這句話──我原派人對你們說:不要再說「上主的重擔」──
Laakiinse haddaad tidhaahdaan, Waa warka culus ee Rabbiga, Rabbigu wuxuu idinku leeyahay, Idinku waxaad tidhaahdaan erayadan oo ah, Waa warka culus ee Rabbiga, oo sidaas daraaddeed baan idiinku soo cid diray anigoo idinku leh, Waa inaadan odhan, Waa warka culus ee Rabbiga.
39 為此,看,我要把你們卸下,把你們和我賜與你及你們祖先的城市,由我面前遠遠拋棄,
Sidaas daraaddeed bal ogaada, Aniga qudhayda ayaa giddigiin idin illoobi doona, waanan idin xoori doonaa idinka iyo magaaladii aan idinka iyo awowayaashiinba siiyey, oo hortaydana waan idinka fogayn doonaa.
40 使你們永遠受辱,受永遠不能忘的污辱。
Oo waxaan idinku soo dejin doonaa cay aan weligeed idinka hadhayn, iyo ceeb had iyo goorba idinku dul waaraysa, oo aan marnaba la illoobayn.

< 耶利米書 23 >