< 耶利米書 12 >

1 上主,幾時我與你爭論,總是你有理;但我仍願與你討論正義:「為什麼惡人的生活總是順利,一般詭詐極惡的人總享安寧﹖
Rabbiyow, xaq baad tahay markaan kula muddaco, haddaba bal aan xukummadaada kaala hadlo. Sharrowyada jidkoodu bal muxuu u hagaagaa? Oo kuwa khiyaano kula macaamiloodo oo dhammuna bal maxay u nabdoon yihiin?
2 你栽植了他們,他們就生長根滋長,結出果實;他們的口離你近,他們的心卻離你遠。
Iyagaad beertay, oo weliba xidid bay yeesheen, way koraan, oo midhay dhalaan. Adigu afkooda waad ku dhow dahay, laakiinse qalbigooda waad ka fog tahay.
3 至於你,上主,你是認識我的,你考察了我對你的心意;求你把他們像待宰的羔羊一樣拉出來,留待宰殺的一天。
Laakiinse, Rabbiyow, adigu waad i taqaan, waanad i aragtaa, oo qalbigaygana xaggaagaad u tijaabisaa. Iyaga u soo bixi sida ido la gowracayo, oo u diyaari maalinta gowracidda.
4 [這地要哀傷,整個田野的草木要枯萎到幾時﹖由於居民的邪惡,野獸和飛鳥都被消滅。] 因為他們說:「天主不管我們的作為。」
Ilaa goormuu dalku sii barooranayaa, oo uu waddanka oo dhan dooggiisu engegayaa? Xumaanta kuwa dhex deggan aawadeed ayaa xayawaankii iyo shimbirrihiiba wada baabbe'een, maxaa yeelay, dadku waxay yidhaahdeen, Isagu ugudambaystayada ma uu arki doono.
5 「你與人徒步競走,尚覺疲乏,你怎麼能與馬角逐﹖在平安的地區尚覺不安,在約旦河的叢林區,你更將何如﹖
Haddaad rag lug ah la orodday oo ay ku daaliyeen, haddaba bal sidee baad fardo ula tartami kartaa? Oo haddii lagugu daaliyo dalkii nabadda ahaa oo aad isku hallaynaysay, haddaba bal maxaad ku dhex samayn doontaa kibirka Webi Urdun?
6 連你的兄弟和你的父族對你都無誠意,在你後面厲聲喊叫;即便他們對說好話,你也不要相信。」
Waayo, xataa walaalaha iyo reerkii aabbahaaba khiyaano bay kugula macaamiloodeen, oo weliba aad bay kaaga soo daba qayliyeen. In kastoo ay erayo wanaagsan kugula hadlaan, ha rumaysan.
7 「 離開了我的家,拋棄了我的產業,將我最心愛的人交在敵人的手中。
Anigu gurigaygii waan ka tegey, oo dhaxalkaygiina waan iska xooray, oo tii ay naftaydu aad u jeclaydna waxaan gacanta u geliyey cadaawayaasheedii.
8 我的產業對我竟好像是森林中的獅子,向我咆哮,為我憎恨他它。
Tan dhaxalkaygii ahayd waxay igu noqotay sidii libaax kaynta ku jira oo kale, codkeeday kor iigu qaadday, oo sidaas daraaddeed waan nebcaaday.
9 我的產業對我竟成了一隻帶斑點的鷙鳥,以致鷙鳥圍著向它襲擊。你們去田黟的一切野獸,叫它們來吞噬。
Tan dhaxalkaygii ahayd waxay igu tahay xaad birdhicyo leh oo kale, oo xaadka hareereheeda ku wareegsan oo dhammuna waa ku col iyada. Taga oo xayawaanka duurka oo dhan soo wada ururiya, oo soo wada kaxeeya ha cuneene.
10 許多牧童毀壞了我的葡萄園,蹂躝了我的產業,使我喜愛的產業變為荒蕪的曠野。
Adhijirro badan ayaa beertaydii canabka ahayd baabbi'iyey, qaybtaydii cagta bay kula tunteen, oo qaybtaydii wanaagsanaydna waxay ka dhigeen lamadegaan cidla ah.
11 他們使它荒涼,荒涼得在我面前哀傷;全地荒涼,因為沒有一人關心。
Cidla bay ka dhigeen, oo iyadoo cidla ah ayay xaggayga u soo baroorataa. Dalkii oo dhan cidla waa laga dhigay, waayo, ninna dan kama galo.
12 破壞者已來到曠野的一切高崗上,因為上主的刀劍正在砍伐,從地極到地極,凡有血肉的,都不得安寧。
Meelaha dhaadheer oo cidlada ku dhex yaal oo dhan waxaa ku soo kacay baabbi'iyayaashii, waayo, seefta Rabbiga ayaa wax ka baabbi'isa dalka darafkiisan iyo ilaa darafka kale inta ka dhex leh, oo binu-aadmiga oo dhan midnaba nabad ma leh.
13 他們播種了麥子,卻收割了荊棘;雖筋疲力竭,卻沒有利益;由於上主的憤怒,都因自己的收穫而害羞。
Iyagu waxay beerteen sarreen, laakiinse qodxan bay soo goosteen, aad bay u daaleen, laakiinse innaba ma ay faa'iidaan. Waxaad ku ceeboobi doontaan midhaha aad goosanaysaan, waana Rabbiga cadhadiisa kulul aawadeed.
14 上主這樣說:關於那些險惡的鄰邦.即侵犯我給予我民以色列佔有的產業的鄰邦,看,我要由他們的地上將他們拔除,也要由他們中拔除猶大家。
Derisyadayda sharka ah oo dhan oo taabta dhaxalkii aan dadkayga reer binu Israa'iil dhaxalsiiyey, Rabbigu wuxuu ka leeyahay, Bal ogaada, iyagaan dalka ka rujin doonaa, oo dadka Yahuudahna waan ka rujin doonaa dhexdooda.
15 在我拔除他們以後,我要再憐憫他們,引他們復歸自己的產業,各回自己的故鄉。
Oo markaan iyaga rujiyo dabadeed waan soo noqon doonaa oo iyagaan u naxariisan doonaa, oo mar kalaan ku soo celin doonaa nin kasta dhaxalkiisii iyo dhulkiisii.
16 設若他們殷勤學走我人民的道路,奉我名發誓說:「上主永在」,如同他們昔日教我人民奉巴耳發誓一樣,他們就可在我的人民中再度復興。
Oo hadday jidadka dadkayga aad u bartaan oo ay magacayga ku dhaartaan iyagoo leh, Rabbiga nool baannu ku dhaaranaynaa, xataa siday dadkayga u bareen inay Bacal ku dhaartaan, markaas iyagaa lagu dhisi doonaa dadkayga dhexdiisa.
17 倘若他們不聽從,我必拔除這民族,將他們拔除消滅──上主的斷語。
Laakiinse Rabbigu wuxuu leeyahay, Hadday i dhegaysan waayaan, quruuntaas waan wada rujin doonaa, oo waan baabbi'in doonaa.

< 耶利米書 12 >