< 以賽亞書 59 >

1 看哪!並非上主的手短小而不能施救,並非他的耳朵沈重而不能聽見;
Bal eega, Rabbiga gacantiisu inay wax badbaadiso kama gaabna, oo dhegihiisuna inay wax maqlaan kama awdna,
2 而是你們的罪孽,使你們與你們的天主隔絕;是你們的罪惡,使他掩面不肯俯聽你們,
laakiinse xumaatooyinkiinnaa idin kala soocay idinka iyo Ilaahiinna, oo dembiyadiinnaa wejigiisa idinka qariyey, oo saasuusan idiin maqlin.
3 因為你們的手沾滿了血,你們的手指沾滿了罪惡;你們的口唇說了謊言,你們的舌頭吐出了惡語。
Waayo, gacmihiinnii dhiig bay ku nijaasaysan yihiin, oo farihiinniina xumaan bay ku nijaasaysan yihiin, bushimihiinnii been bay ku hadleen, oo afkiinniina shar buu ku guryamaa.
4 沒有人按正義起訴,沒有人照公正行審;都依賴虛無講說空話,孕育著詭詐,產生邪惡。
Ninna si xaq ah uma dacweeyo, oo midnaba run kuma muddaco. Waxay isku halleeyaan waxaan waxba ahayn, oo been bay ku hadlaan, belaayay uuraystaan, oo xumaan bay dhalaan.
5 他們所孵化的是毒蛇的蛋,他們所紡織的是蜘蛛的網;誰吃了這些蛋,必定要死;蛋若破了,出來的是條毒蛇。
Waxay dillaaciyaan jilbis ukuntiis, oo waxay sameeyaan xuub caaro. Kii ukuntooda cunaaba wuu dhintaa, oo tii jabtaba jilbis baa ka soo baxa.
6 他們結的蛛網不能製作衣服,他們的手工不能遮蓋自己;他們的作為都是罪惡的作為,他們手中只有欺壓的行為。
Xuubabkoodu dhar uma ay noqon doonaan, oo shuqulladoodana innaba iskuma qarin doonaan. Shuqulladoodu waa shuqullo xumaaneed, oo falinta dulmiguna gacmahooday ku jirtaa.
7 他們的腳趨向邪惡,急於傾流無辜者的血;他們的思念都是邪惡的思念,在他們的行徑上只有蹂躪與毀滅。
Cagahoodu shar bay u ordaan, oo waxay u degdegaan inay dhiig aan xaq qabin daadiyaan. Fikirradoodu waa fikirro xumaaneed, baabba' iyo halligaad ayaa jidadkooda dhex yaal.
8 和平的道路他們不認識,他們的行徑中決無公正;他們彎曲了自己的途徑,凡在上面行走的,必不認識和平。
Jidka nabadda ma yaqaaniin, oo socodkoodana caddaalad laguma arko. Waxay samaysteen dhabbayaal qalqalloocan, oo ku alla kii maraaba nabad ma uu yaqaan.
9 因此公平遠離了我們,正義不與我們接近;我們尋求光明,看!仍是黑暗;希望光亮,仍在幽暗中徘徊。
Sidaas daraaddeed caddaaladu way inaga fog tahay, oo xaqnimana innaba ina soo gaadhi mayso. Waxaynu sugnaa nuur, laakiinse waxaynu aragnaa gudcur, oo waxaynu sugnaa iftiin laakiinse madow baynu ku dhex soconnaa.
10 我們摸索著牆壁,好像瞎子;我們摸索,有如無眼的人;我們在正午顛仆,有如處於黃昏;我們在健壯人中,卻如死人。
Sida kuwa indhaha la' ayaynu derbiga u haabhaabannaa, oo sida innagoo aan innaba indho lahayn ayaynu wax u haabhaabannaa. Sida fiid oo kale ayaynu hadh cad u turunturoonnaa, oo waxaynu nahay sida dad dhintay oo kuwa barwaaqaysan ku dhex jira.
11 我們一起號叫,有如狗熊;呻吟哀鳴,宛如鴿子;我們尋求公平,卻沒有公平;尋找救恩,救恩卻遠離了我們,
Kulligeen sida orsooyin oo kale ayaynu u cabaadnaa, oo sida qoolleyo oo kale ayaynu u baroorannaa. Waxaynu sugnaa caddaalad, laakiinse lama arko, oo waxaynu sugnaa badbaado, laakiinse way inaga fog tahay.
12 因為我們的悖逆在你面前太多了,我們的罪過作證反對我們,因為我們的悖逆都擺在我們面前,我們認清了我們的罪過:
Waayo, Rabbiyow, xadgudubyadayadii hortaaday ku bateen, oo waxaa nagu marag fura dembiyadayada, waayo, xadgudubyadayadu way nala jiraan, oo xumaatooyinkayagana waannu og nahay.
13 背叛和否認上主,轉背離開我們的天主,說欺騙與反叛的話,從心中說出虛妄的言語;
Waynu xadgudubnay oo Rabbiga been ka sheegnay oo Ilaaheen ka leexannay, innagoo dulmi iyo fallaago ku hadlayna oo erayo been ah uuraysanayna oo qalbiga kaga hadlayna.
14 因此公平被制止,正義立在遠處,真誠在街市上仆倒於地,正義不得進入。
Caddaaladdii dib bay u noqotay, oo xaqnimaduna meel fog bay taagan tahay, waayo, runtii jidkay ku dhex dhacday, oo qummanaantuna sooma geli karto.
15 真誠消逝了,避惡的人已蕩然無存。上主見了,實在不悅,因為一點正直也沒有了;
Hubaal runta waa la waayayaa, oo ku alla kii sharka ka tagaaba wuxuu iska dhigaa wax la boobo, oo Rabbiguna taas wuu arkay, shar bayna u ahayd inaan caddaalad la arag.
16 他看不見一個人,他詫異連一個調停者也沒有了,遂以自己的手臂來施救,以自己的正義來扶持。
Wuxuuna arkay inaan ninna la arag, oo inaan dhexdhexaadiye la arag wuu ka yaabay, sidaas daraaddeed gacantiisa ayaa isaga badbaado u keentay, oo xaqnimadiisii ayaa tiirisay.
17 他身穿正義作鎧甲,頭戴救恩作鋼盔,身佩復仇作衣服,外披妒恨作外氅。
Sida laabdhawr oo kale ayuu xaqnimo u soo xidhay, oo madaxana wuxuu saartay koofiyad badbaado ah, oo wuxuu dhar ahaan u guntaday aarsasho, oo qiiro kulul ayuu soo huwaday.
18 他要按照各人的行為施行報復,向他的敵人發怒,向他的仇人復仇。【也向群島施行報應。】
Siday falimahoodu istaahilaan ayuu nacabyadiisa cadho ugu abaalmarin doonaa, oo cadaawayaashiisana wuu u abaalgudi doonaa, oo gasiiradahana abaalgud buu siin doonaa.
19 西方的人要看見上主的名號,東方的人要看見他的榮耀,因為他要來臨,好似被強烈的風催促的急流。
Markaasaa magaca Rabbiga xagga galbeed lagaga cabsan doonaa, oo ammaantiisana xagga qorrax-ka-soobaxaa lagaga cabsan doonaa. Marka cadowgu sida daad oo kale u yimaado ayaa Ruuxa Rabbigu eryi doonaa.
20 拯救者必要臨於熙雍,臨於雅各伯家中的棄邪歸依者:上主的斷語。
Rabbigu wuxuu leeyahay, Bixiye baa u iman doona Siyoon iyo kuwa reer Yacquub ee xadgudubka ka leexdaba.
21 至於我──上主說──這是我與他們所立的盟約:我在你身上所賦的神,我在你口中所放的話,總不離開你的口和你子孫的口,以及你子子孫孫的口,上主說,從現今直到永遠。
Rabbigu wuxuu leeyahay, Kanu waa axdigayga aan iyaga la dhigan doono. Ruuxayga ku kor jooga iyo erayadaydii aan afkaaga ku riday innaba afkaaga, iyo afka farcankaaga, iyo afka farcankaaga farcankiisa toona hadda ka dib iyo tan iyo weligeedba kama tegi doonaan, ayaa Rabbigu leeyahay.

< 以賽亞書 59 >