< 以賽亞書 19 >

1 有關埃及的神諭:看,上主乘著輕快的彩雲,來到了埃及,埃及的偶像在他面前戰慄,埃及人的心靈在己身內消溶。
Kanu waa warka culus ee Masar ku saabsan. Bal eega, Rabbigu wuxuu fuushan yahay daruur dheeraysa oo wuxuu u socdaa Masar, oo sanamyada Masarna waxay ku gariiri doonaan hortiisa, oo Masriyiinta qalbigooduna cabsi buu kula dhex dhalaali doonaa.
2 我要激動埃及人相反埃及人,使人人與自己的兄弟相鬥,人人與自己的近人作對,城與城爭,國與國戰。
Oo Masriyiinta waxaan ku kicin doonaa Masriyiin kale, oo midkood kastaaba wuxuu la diriri doonaa walaalkiis iyo deriskiisa, magaalaba magaalay la diriri doontaa, boqortooyana boqortooyo kale.
3 埃及的精神要紛亂,我要混亂她的計謀;為此他們必要去卜問神明、巫覡、陰魂和術士。
Oo Masriyiinta ruuxooduna wuu ka dhammaan doonaa, oo taladooda waan baabbi'in doonaa, oo waxay talo u doonan doonaan sanamyada, iyo falanfallowyada, iyo kuwa ruuxaanta leh, iyo saaxiriinta.
4 我要把埃及交在暴君手中,暴虐的君王要統治他們--這是主,萬軍上主的斷語。
Oo Sayidka ah Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Anigu waxaan Masriyiinta gacanta u gelin doonaa sayid nac weyn, oo waxaa u talin doona boqor xoog badan.
5 海洋的水將乾涸,江河將荒涼乾旱;
Oo biyuhuna badda way ka madhan doonaan, oo webiguna wuu gudhi doonaa oo engegi doonaa.
6 水道都將發臭,埃及的河渠都要轉弱乾涸;蘆荻和昌蒲必將萎謝;
Oo webiyaashuna way qudhmi doonaan oo durdurrada Masarna way madhan doonaan oo engegi doonaan, oo cawsduurka iyo dareemaduna way wada qallali doonaan.
7 河畔的蘆葦必將枯萎,沿河的植物,盡將凋零,吹散,消滅。
Oo seeraha Webi Niil oo qarkiisa ku yaal, iyo wax kasta oo lagu beeray Webi Niil agtiisuba way wada engegi doonaan, oo dabayshaa la tegi doonta, oo mar dambena lama arki doono.
8 漁夫必要呻吟嘆息,河畔垂釣者必要悲傷,水面撒網者必要沮喪。
Oo kalluumaystayaashuna way ooyi doonaan, kuwa jillaabka Webi Niil ku rida oo dhammuna way wada barooran doonaan, oo kuwa biyaha korkooda shabagga ku kala bixiyaana way macaluuli doonaan.
9 種植亞麻者必要羞慚,理麻婦與紡織工也都要面色蒼白。
Oo kuwa geed linenka dharka ka sameeya iyo kuwa cudbiga dharka ka sameeyaaba way quusan doonaan.
10 她的顯貴將受輕視,受僱的工人莫不意志消沉。
Oo kuwa waddanka tiirarka u ah oo dhammuna way wada jabi doonaan, kuwa kiro u shaqeeyaana way murugoon doonaan.
11 左罕的首領極其愚蠢,法郎的謀士出的,盡是糊塗計謀;你們怎敢對法郎說:「我是賢者的子孫,古代帝王的後裔﹖」
Amiirrada Socan waa nacasyo, oo taladii taliyayaasha ugu xigmad badnaa ee Fircoon waxay noqotay doqonnimo. Sidee baad Fircoon ugu tidhaahdaan, Anigu waxaan ahay nin xigmad leh wiilkiis, oo waxaan ahay farcankii boqorradii hore?
12 你的賢士如今在那裏﹖何不讓他們告訴你知道,萬軍的上主對埃及打了什麼主意!
Haddaba meeye raggaaga xigmadda lahu? Oo bal haatan ha kuu sheegeen, oo ha ogaadeen waxa Rabbiga ciidammadu Masar ugu talaggalay.
13 左罕的首領都夠糊塗,諾夫的首領被人愚弄,各州的諸侯使埃及陷入迷途。
Amiirradii Socan waxay noqdeen nacasyo, oo amiirradii Nofna waa la khiyaaneeyey Masarna waxaa qalday kuwa qabiilooyinkeeda tiirarka u ah.
14 上主在他們中間注入了昏神,叫他們使埃及在自己所作的事上無不錯亂,有如醉漢在嘔吐中打滾。
Oo Rabbigu wuxuu ku dhex qasay wareer, oo iyana waxay Masar shuqulladeedii oo dhan ugu qaldeen sida nin sakhraanu mantaggiisa ugu dhacdhaco oo kale.
15 不論是為首的、為尾的、為棕枝的、或為蘆葦的作什麼,為埃及無所作為。
Oo Masarna laguma arki doono shuqul ay samayn karaan madaxa ama dabadu, laanta ama cawsduurku toona.
16 到那天,埃及面對著正在她身上揮動著的萬軍上主的手臂,將如婦女般的戰慄害怕。
Oo wakhtigaas Masriyiintu waxay noqon doonaan sida naago oo kale, oo waxay la gariiri doonaan oo la cabsan doonaan ruxruxidda gacanta Rabbiga ciidammada, oo uu Masar korkeeda ku ruxruxi doono.
17 猶大地將成為埃及的恐怖;凡提及她的,無不對萬軍的上主對埃及所打的主意而害怕。
Oo dalka Yahuudahna cabsi buu Masar u noqon doonaa, oo mid kasta oo la xusuusiyaaba wuu ka cabsan doonaa, waana talada Rabbiga ciidammadu uu iyaga u goostay aawadeed.
18 到那天,在埃及境內將有五座城說客納罕話,並指著萬軍的上主起誓,且有一座稱作「太陽城。」
Oo wakhtigaas waxaa dalka Masar jiri doona shan magaalo oo afka Kancaan ku hadasha oo Rabbiga ciidammada ku dhaarata, oo middoodna waxaa lagu magacaabi doonaa Magaalada baabba'a.
19 到那天,在埃及地域中,將有一座獻與上主的祭壇,在她的邊界上,將有一個為上主建立的石柱。
Oo wakhtigaas dalka Masar dhexdiisa meel allabari baa Rabbiga ugu oolli doonta, oo soohdinteedana waxaa Rabbiga u jiri doona tiir.
20 這在埃及境內,將成為萬軍上主的記號和證據:當他們面臨迫害呼號上主時,他必給他們遣發一位救主,來奮鬥拯救他們。
Oo taasu waxay calaamad iyo markhaati dalka Masar dhexdiisa ugu noqon doontaa Rabbiga ciidammada, waayo, kuwa dulma aawadood ayay Rabbiga ugu qayshan doonaan, oo isna wuxuu u soo diri doonaa badbaadiye iyo mid xoog badan, wuuna samatabbixin doonaa.
21 到那天,上主將為埃及所認識,埃及要認識上主,並奉獻犧牲和祭品,向上主許願還願。
Oo wakhtigaas ayaa Rabbigu Masriyiinta is-ogeysiin doonaa, oo ay Masriyiintuna Rabbiga aqoon doonaan, oo waxay ku caabudi doonaan allabari iyo qurbaan, oo Rabbiga ayay nidar u nidri doonaan, wayna oofin doonaan.
22 上主將打擊埃及,打擊只是為醫治;他們要歸依上主,上主要俯聽他們,要醫治他們。
Oo Rabbigu wax buu Masar ku dhufan doonaa, wax buu ku dhufan doonaa, wuuna dawayn doonaa, oo iyana Rabbigay u soo noqon doonaan, oo isna baryootankooda ayuu aqbali doonaa, wuuna bogsiin doonaa.
23 到那天,將有一條大路,由埃及通至亞述:亞述人要到埃及去,埃及人要到亞述來;埃及和亞述將共同敬拜上主。
Oo wakhtigaas waxaa jiri doona jid weyn oo Masar ka baxa oo tan iyo Ashuur gaadha, oo kuwa reer Ashuur ah ayaa Masar geli doona, oo Masriyiintuna reer Ashuur bay Ilaah la caabudi doonaan.
24 到那天,以色列將屬第三,聯同埃及和亞述成為大地上受祝福的,
Oo wakhtigaas dalka Israa'iil wuxuu saddex ku noqon doonaa Masar iyo Ashuur, oo dhulka dhexdiisana barako buu ku ahaan doonaa,
25 因為萬軍的上主曾這樣祝福說:「我的百姓埃及,我雙手的工程亞述,我的嗣業以色列,是應受祝福的!」
waayo, Rabbiga ciidammadu wuu barakeeyey, isagoo leh, Barako waxaa leh Masar oo ah dadkayga, iyo Ashuur oo ah shuqulkii gacmahayga, iyo Israa'iil oo ah dhaxalkayga.

< 以賽亞書 19 >