< 創世記 7 >

1 上主對諾厄說:「你和你全家進入方舟,因為在這一世代,我看只有你在我面前正義。
Oo Rabbigu wuxuu Nuux ku yidhi, Adiga iyo dadka gurigaaguba soo gala doonnida; waayo, waxaan arkay adigoo qarnigan xaq ku ah hortayda.
2 由一切潔淨牲畜中,各取公母七對;由那些不潔淨的牲畜中,各取公母一對;
Xoolaha daahirka ah toddoba iyo toddoba ka qaad, ku lab iyo dhaddiggiis; xoolaha aan daahirka ahaynna laba ka qaad, ku lab iyo dhaddiggiis;
3 由天空的飛鳥中,也各取公母七對;好在全地面上傳種。
haadda hawadana toddoba iyo toddoba ka qaad, lab iyo dhaddig: si farcan ugu sii noolaado dhulka dushiisa oo dhan.
4 因為還有七天,我要在地上降雨四十天四十夜,消滅我在地面上所造的一切生物。」
Waayo, waxaa weli hadhay toddoba maalmood, dabadeedna afartan maalmood iyo afartan habeen ayaan roob ku soo dayn dhulka; oo wax kasta oo nool oo aan sameeyey waan ka baabbi'in doonaa dhulka dushiisa.
5 諾厄全照上主吩咐他的做了。
Nuuxna wax kasta sidii Rabbigu ugu amray ayuu u sameeyey.
6 當洪水在地上氾濫時,諾厄已六百歲。
Nuuxna wuxuu jiray lix boqol oo sannadood markii daadka biyuhu dhulka dul joogay.
7 諾厄和他的兒子,他的妻子和他的兒媳,同他進了方舟,為躲避洪水。
Nuuxna doonniduu galay, isagii iyo wiilashiisii iyo naagtiisii, iyo naagihii wiilashiisii ee la jiray oo dhan, waxayna ka soo galeen biyihii daadka.
8 潔淨的牲畜和不潔淨的牲畜,飛鳥和各種在地上爬行的動物,
Xoolihii daahirka ahaa, iyo xoolihii aan daahirka ahayn, iyo haaddii iyo wax kasta oo dhulka gurguurtaba
9 一對一對地同諾厄進了方舟;都是一公一母,照天主對他所吩咐的。
Nuux bay laba laba ugu galeen doonnidii, lab iyo dhaddig, sidii Ilaah ugu amray Nuux.
10 七天一過,洪水就在地上氾濫。
Waxaana dhacday, in toddobadii maalmood dabadeed, ay biyihii daadka ahaa dhulka dul joogeen.
11 諾厄六百歲那一年,二月十七日那天,所有深淵的泉水都冒出,天上的水閘都開放了;
Sannaddii uu Nuux lix boqol oo sannadood jiray, bisheedii labaad, maalintii toddoba iyo tobnaad oo bisha, isla maalintaas ayaa ilihii moolka weyn biyo ka buqdeen, dariishadihii samadana la furay.
12 大雨在地上下了四十天四十夜。
Roobkuna wuxuu dhulka ku da'ayay afartan maalmood iyo afartan habeen.
13 正在這一天,諾厄和他的兒子閃、含、耶斐特,他的妻子和他的三個兒媳,一同進了方舟。
Isla maalintaas Nuux wuxuu galay doonnidii, isagii iyo Sheem, iyo Xaam, iyo Yaafed, oo ahaa wiilashii Nuux, iyo naagtii Nuux, iyo saddexdii naagood oo wiilashiisa ee la jiray;
14 他們八口和所有的野獸、各種牲畜、各種在地上爬行的爬蟲、各種飛禽,
iyagii, iyo dugaag kasta caynkiisa, iyo xoolo kasta caynkooda, iyo wax kasta oo dhulka gurguurta caynkooda, iyo haad kasta caynkiisa, iyo shimbir kasta oo cayn kasta ah.
15 一切有生氣有血肉的,都一對一對地同諾厄進了方舟。
Wax kasta oo jidh leh oo neefta noloshu ku jirtaba Nuux bay laba laba ugu galeen doonnidii.
16 凡有血肉的,都是一公一母地進了方舟,如天主對諾厄所吩咐的。隨後上主關了門。
Oo kuwii galay waxay ahaayeen lab iyo dhaddig oo wax kasta oo jidh leh, sidii Ilaah ku amray isagii: oo Ilaahna waa ku xidhay isagii.
17 洪水在地上氾濫了四十天;水不斷增漲,浮起了方舟,方舟遂由地面上升起。
Daadkiina afartan maalmood buu dhulka dul joogay; biyihiina way sii kordheen, oo doonnidii bay kor u qaadeen, oo waxaa iyadii kor looga qaaday dhulka.
18 洪水洶湧,在地上猛漲,方舟漂浮在水面上。
Biyihiina way xoogaysteen, oo dhulkay aad ugu kordheen; doonnidiina waxay dul socotay biyihii.
19 洪水在地上一再猛漲,天下所有的高山也都沒了頂;
Biyihiina aad bay ugu xoogaysteen dhulka; oo dhammaan buurihii dhaadheeraa oo samada oo dhan ka hooseeyey way qarsoomeen.
20 洪水高出淹沒的群山十有五肘。
Shan iyo toban dhudhun baa biyihii xagga sare xoog ugu kaceen; buurihiina way qarsoomeen.
21 凡地上行動而有血肉的生物:飛禽、牲畜、野獸,在地上爬行的爬蟲,以及所有的人全滅亡了;
Oo wax kasta oo jidh leh oo dhulka ku dul dhaqaaqaaba way dhinteen, haaddii, iyo xoolihii, iyo dugaaggii, iyo wax kasta oo dhulka gurguurta, iyo dadkii oo dhanba.
22 凡在旱地上以鼻呼吸的生靈都死了。
Wax walba oo dhulka engegan joogay oo dulalka sankiisa ay neefta ruuxa nolosha ku jirtay, way wada dhinteen.
23 這樣,天主消滅了在地面上的一切生物,由人以至於牲畜、爬蟲以及天空中的飛鳥,這一切都由地上消滅了,只剩下諾厄和同他在方舟內的人物。
Waxaa la wada baabbi'iyey wixii dhulka dushiisa ku noolaa oo dhan, xataa dadkii, iyo xoolihii, iyo wixii gurguuran jiray, iyo haaddii cirka; kulli waa laga wada baabbi'iyey dhulka; oo waxaa hadhay Nuux oo keliya, iyo kuwii doonnidii kula jiray isagii.
24 洪水在地上氾濫了一百五十天。
Biyihiina boqol iyo konton maalmood ayay dhulka xoog ku lahaayeen.

< 創世記 7 >

The Great Flood
The Great Flood