< 創世記 20 >

1 亞巴郎從那裏遷往乃革布地,定居在卡德士和叔爾之間。當他住在革辣爾時,
Ibraahimna meeshaas wuu ka sodcaalay oo wuxuu u kacay xagga dhulka Koonfureed, oo wuxuuna degay Qaadeesh iyo Shuur dhexdooda, qariib ahaan buuna Geraar u degay.
2 亞巴郎一論到他的妻子撒辣就說:「她是我的妹妹。」革辣爾王阿彼肋客於是派人來取了撒辣去。
Ibraahimna wuxuu naagtiisii Saarah ka yidhi, Waa walaashay. Oo Abimeleg oo ahaa boqorkii Geraar ayaa u soo cid dirtay, oo watay Saarah.
3 但是夜間,天主在夢中來對阿彼默肋客說:「為了你取來的那個女人你該死,因為她原是有夫之婦。」
Laakiinse Ilaah baa Abimeleg habeenkii riyo ugu yimid, oo wuxuu ku yidhi, Bal eeg, waxaad tahay meyd uun, waana naagtii aad qaadatay aawadeed, maxaa yeelay, iyadu waa nin naagtiis.
4 阿彼默肋客尚未接近她,於是說:「我主,連正義的人你也殺害嗎﹖
Abimelegna uma uusan dhowaan iyada, wuxuuna yidhi, Sayidow, miyaad quruun xaq ah baabbi'inaysaa?
5 那男人不是對我說過「她是我的妹妹嗎﹖」連她自己也說「他是我的哥哥。」我做了這事,是出於心正手潔呀! 」
Miyuusan isaga qudhiisu igu odhan, Waa walaashay? Oo iyana xataa waxay igu tidhi, Isagu waa walaalkay. Tan waxaan ku sameeyey daacadnimada qalbigayga iyo daahirsanaanta gacmahayga.
6 天主在夢中對他說:「我也知道,你是出於心正做了這事,所以我阻止了你犯罪得罪我,也沒有讓你接觸她。
Oo Ilaah wuxuu ku yidhi isaga intuu riyoonayay, Haah, waan ogahay inaad waxan daacadnimada qalbigaaga ku samaysay, anna waan kaa celiyey inaad igu dembaabto: sidaas daraaddeed kuuma aan oggolaan inaad iyada taabato.
7 現在你應將女人還給那人,因為他是一位先知,他要為你轉求,你才可生存;倘若你不歸還,你該知道:你以及凡屬於你的,必死無疑。」
Haddaba ninka naagtiisa u celi, waayo, isagu waa nebi, wuuna kuu ducayn doonaa, waanad noolaan doontaa. Haddaadan iyada celinna, ogow hubaal waad dhiman doontaa, adiga iyo waxaaga oo dhammuba.
8 阿彼默肋客很早就起來召集了眾臣僕,將全部實情告訴給他們聽;這些人都很害怕。
Abimelegna aroor horuu kacay, oo wuxuu u yeedhay addoommadiisii oo dhan, oo waxyaalahan oo dhan buu u sheegay, nimankiina aad iyo aad bay u cabsadeen.
9 然後阿彼默肋客叫了亞巴郎來,對他說:「你對我們作的是什麼事﹖我在什麼事上得罪了你,竟給我和我的王國招來了這樣大的罪過﹖你對我作了不應該作的事。」
Markaasaa Abimeleg wuxuu u yeedhay Ibraahim, oo wuxuu ku yidhi, Waa maxay waxa aad nagu samaysay? Oo maxaan kuugu dembaabay, oo aad aniga iyo boqortooyadaydaba dembi weyn ugu soo jiidday? Waxaad igu samaysay waxyaalo aan waajib ahayn in la sameeyo.
10 阿彼默肋客繼而對亞巴郎說:「你作這事,究有什麼意思﹖」
Abimelegna wuxuu Ibraahim ku yidhi, Maxaad aragtay oo aad waxan u samaysay?
11 亞巴郎答說:「我以為在這地方一定沒有人敬畏天主,人會為了我妻子的緣故殺害我。
Ibraahimna wuxuu yidhi, Waxaan mooday inaan cabsida Ilaah meeshan jirin, oo ay naagtayda aawadeed ii dili doonaan.
12 何況她實在是我的妹妹,雖不是我母親的女兒,卻是我父親的女兒;後來做了我的妻子。
Oo weliba sida runta ah iyadu waa walaashay, waana gabadhii aabbahay, laakiin ma aha gabadhii hooyaday; waxayna noqotay naagtaydii.
13 當天主叫我離開父家,在外飄流的時候,我對她說:我們無論到什麼地方,你要說我是你的哥哥,這就我是你待我的大恩。」
Waxaana dhacay, markii Ilaah iga wareejiyey gurigii aabbahay, inaan ku idhi iyada, Raxmaddaada aad i tusi doonto waxay tahay inaad meel kastoo aynu tagnaba iga tidhaahdo, Waa walaalkay.
14 阿彼默肋客把些牛羊奴婢,送給了亞巴郎,也將他的妻子撒辣歸還了他;
Markaasaa Abimeleg wuxuu waday ido iyo dibiyo, iyo niman addoommo ah, iyo naago addoommo ah, oo wuxuu siiyey Ibraahim, naagtiisii Saarahna wuu u celiyey.
15 然後對他說:「看,我的土地盡在你面前,你願住在那裏,就住在那裏。」
Abimelegna wuxuu ku yidhi, Bal eeg dhulkaygu waa ku hor yaallaaye. Meeshaad doonto deg.
16 繼而對撒辣說:「看,我給了你哥哥一千銀子,作為你在闔家人前的遮羞錢;這樣,各方面無可指摘。」
Saarahna wuxuu ku yidhi, Bal eeg, walaalkaa waxaan siiyey kun xabbadood oo lacag ah, waana u indhadabool kuwa kula jooga oo dhan; oo xagga wax kasta waa lagaa xaq mariyey.
17 亞巴郎懇求了天主,天主就醫好了阿彼默肋客,他的妻子和他的眾婢女,使她們都能生育,
Ibraahimna Ilaah buu baryay, markaasaa Ilaah bogsiiyey Abimeleg, iyo naagtiisii, iyo gabdhihii midiidinyada u ahaa; waxayna dhaleen carruur.
18 因為上主為了亞巴郎妻子撒辣的事,關閉了阿彼默肋客家中所有婦女的子宮。
Waayo, Ilaah wuxuu awday maxalladii kuwa reerka Abimeleg oo dhan, waana Saarah oo ahayd naagtii Ibraahim aawadeed.

< 創世記 20 >